SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI
Wararka ugu waawayn ee shirka dib u heshiisiinta soomaaliyeed.

Ridwaan Xaaji Cabdiweli

Nairobi,Kenya.

ridwanhaji@yahoo.com 

2/7/2003 

KAAH

Shirka dib u heshiisiinta soomaaliyeed oo haatan galay marxaladii ugu adkayd tan iyo markii uu ka furmay eldoret ayaa waxaa soconaya wada tashiyo laga leeyayay dhowr qodob oo dhowaan uu shaaca ka qaaday gudoomiyaha gudiga farsamada IGAD kuwaas oo kala ah.

1-in tirada baarlamanku ay noqoto 315 xildhibaan

2-in mudada jiritaanka baarlamnku ay noqoto 4 sano

3- in ay soo xulaan baarlamanka hogaamiyayaashii saxiixaan 27kii October 2002 oo la tashanaya odayaal dhaqameedka.

sadexdan qodob ayaa gudiga farsamada IGAD ay usoo gudbiyeen dhinacyadda TNG,SRRC,G8 iyo Bulshada Rayidka iyagoo u arkaya xal iyo meel dhexdhexaad ah oo hogaamiyayaashu ay isugu iman karaan xiligan mar hadii ay ku kala tagsanyihiin umuurta la xiriirta Baarlamanka oo qayb ka ah qoraalka axdi qarameedka ee dawladda Mustaqbalka soomaaliya.

Gudoomiya gudiga farsamadda ayaa sheegay in uu aaminsanyahay in baarlamanka tiradiisa aysan qiimo ku fadhin isla markaana ay ka mudantahay go'aan ka gaarid marba tiradu intay le'ekaato ha ahaatee, waxaana gudoomiyuhu uu uga mahadceliyay Dr Cabdulaahi Axmed Cadoow fikirkiisa la xirrira in aysan qiimo ku fadhin tiro baarlaman oo la isku haysto.

arimahan ayaa ku soo beegmay dabaal dagga munaasabadda 1da Julaay ee israaca guboladda woqooyiga iyo koonfurta dalka soomaaliya , waxaana lagasoo wareegay mudo 43sanadood ah.

Munaasabadahaani oo ka kala dhacay meelo kala duwan oo ka mid ah Nairobi ayaa waxaa ka qayb galay shacab soomaaliyeed iyo ergooyinka shirka dib u heshiisiinta qaran ee ka dhacaya dalka kenya.

Waxay ka kala dheceen Mbagathi madasha shirka dib u heshiisiinta oo ergada ay soo abaabuleen.

waxaa kaloo ay ka dhacday hotelka Intercontinantal ee bartamaha Nairobi oo ay soo qaban qaabiyeen jaaliyadda soomaalida ee Yurub iyo Woqooyiga Ameerika iyo mid kale oo ka dhacday hotel kale oo ay soo diyaariyeen Dawladda Kumeel Gaarka.

waxaa kaloo iyana soconayo shirar dib u heshiisiinta beelaha oo ay wadaan dhalinyaro soomaaliyeed oo ka timid London iyo Canada, waxaana ay kasoo bilaabeen kulamadan dib u heshiisiinta Qaaradda Yurub si beelaha soomaaliyeed ay ugu wada istaagaan dawlad loo helo soomaaliya loona iloobo khilaafaadka yar yar ee aan micnaha lahayn.

Maxamed Cabdi Max'udCade (AFWAYNE) oo ka mid ah qaban qaabiyayaasha shirarkan dib u heshiisiinta beelaha ayaa waxaa uu iisheegay in ay kusoo guulaysteen soo afjarida khilaafaad u dhexeeyay beelo soomaaliyeed oo ku dhaqan dalka Ingiriiska kuwaasi oo isugu jira beelaha soomaaliyeed ee kala duwan.

waxaa Afwayne uu intaasi ku daray in haatan ay wadaan xalinta khilaafaadka qaar ka mid ah beelahaasi sida Sheekhaal dhexdeeda kadibna waxay bilaabi doonaan kuwo kale oo uu sheegay in ay u diyaar garoobayaan si shirka dib u heshiisiinta aanu qayb uga qaadano.

waxaa kaloo uu sheegay in ay la kulmeen Kiblagat oo uu uga mahadceliyay dadaalka ay ugu jiraan dhalinyaro ahaan dib u heshiisiinta soomaaliyeed.

Ridwaan Xaaji
ridwanhaji@yahoo.com
Mbagathi.


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

Faafin: SomaliTalk.com | July 2, 2003

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhex jooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD