SomaliTalk DALSAN
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - NAIROBI

1'DA LUULIYO OO NAIROBI SI WEYN LOOGA XUSAY

imdeeq@hotmail.com


 

Wq. Ibraahim Maxameddeeq 

SomaliTalk Nairobi

July 1, 2003

 

SHEEKH AADAN MADOOBE: “Talada banaanka aan soo dhigno

COL.C/LLAAHI YUUSUF: “Waxa la isku hayo ma idiin sheegaa?”

CADDOW: “Meel aan u noqonaa nagama horaayaso”

KIPLIGAT: “Kenya ayaa ugu hor aqoonsanaysa dawladda dhalata”

Ilaa iyo xalay waxaa Mbagathi ka socday dabaal deg iyo damaashaad lagu xusayey 43 guurada ka soo wareegatey is raacii waqooyi iyo Koonfur oo 1/7/1960’kii ku midoobey magaca jamhuuriyadda Soomaaliya. Xuska 1’da Luuliyo oo meelo kala duwan oo Nairobi ka tirsan lagu kala qabtay ayaa dadweeynihii iyo siyaasiyiintii ka qayb gashay ku abuurtay qiiro ay qaarkood la ilmeeyeen. Damaashaadka 1’da Luuliyo waxaa ka mid ahaa cayaaro, heeso, gabayo ay fanaaniin dareenka dadka hanatay si wadaninimo leh ugu luuqaynayeen, waxaana xalay saqdii dhexe bir dherer badan dhalada laga saaray calanka soomaaliya. Waxaa intaa dheeraa khudbado ay hablo Soomaaliyeed iyo madaxda Soomaalidu iyagoo farxad iyo niyad wanaag muujinaya golaha shirweynaha ka soo jeediyeen.

Madaxdii maanta munaasabadda 1’da Luuliyo ka hadashay waxaa ka mid ahaa Sheekh Aadan Madoobe oo sheegay inaan qaranimo iyo guul lagu gaadhayn in la yidhaahdo inta uu hebel maqan yahay ma imanayo, isagoo xusay inay wacan tahay in horta inta joogtaa ay is qanciso, taasina waxay keeni kartaa buu yidhi in markaa kaddib kuwa maqan laga hadlo. Sheekh Aadan Madoobe oo ay xamaasad aad u saraysaa ka muuqatey waxaa hadaladiisii maanta ka mid ahaa: “Dadkii kala dirayey kuwii joogey, weliba rag markaad fiiriso aad ka dareemaysid inay rabaan inay shirka fashiliyaan ayaa yidhaahda kuwa maqan baan u doodaynaa”. Taasna shiikhu wuxuu ku tilmaamay mid aan macquul ahayn, isagoo tilmaamay inay Soomaalidu maanta isku mid tahay oo uu qof waliba xuquuqdiisii iyo karaamadiisii u taagan yahay. Guddoomiyaha RRA wuxuu carrabaabay in la isugu iman karo oo keliya in la is wada qadariyo. “Ma aha inay marba koox yari intay meel gaar ah ku shawrto inay wax soo samayn karto oo dadka marin karto, talada banaanka aan soo dhigno, talada ummaddeena aan meel cad ku gooyno, caddaaladda iyo xaqana aan ku dadaalo, rabitaanka shaqsiga, halaga hor mariyo rabitaanka shacbi weynaha Soomaaliyeed”. Ayuu yidhi Sheekh Aadan Madoobe oo intaas ku daray inuusan federaalku kala go’ ahayn balse uu Soomaali oo is nacday oo caddaalad darro iyo musuq maasuq lagu sameeyey ay ku midooobayso. Isagoo arrintaas ka hadlayana Sheekhu wuxuu yidhi: “dadka qaar waad ogtihiin waxay leeyihiin waan ka go’nay Soomaaliya, waxay arkeen caddaalad darro iyo dulmi, marka in loo hanjabo ma aha, waa in la yidhaahdo khaladkii la idinka galay waa laga tanaasulayaa ee walaalayaal noo imaada”.

somalia
Milicsiga Axdiga ku Meel Gaarka ah
ee uu soo akhriyey Ibraahim Maxammeddeeq March 15, 2003  GUJI...

Waxaa iyana fagaarihii maanta ka hadashay gabadh magaceeda la yidhaahdo Faadumo C/llaahi Maxamuud (Insaaniya) oo shaaca ka qaadday inay muhiim tahay in dhibaatada laga gudbo oo la fiiriyo danta weyn ee Soomaali maanta hor taalla. Faadumo waxay hogaamiyaasha Soomaalida ka codsatay inay isu tanaasulaan, inay danta guud fiiriyaan, inay u daneeyaan Soomalida dhibaataysan oo marba qof la afduubayoo, la miisaamayo.

Masuuliyiintii Soomaaliyeed ee xuska 1’da Luuliyo ka hadashay waxaa kale oo ka mid ahaa Madaxweynaha dawlad goboleedda Puntland Col. C/llaahi Yuusuf Axmed oo ugu horraaynba Guddoomiyaha gudiga farsaaamada Igad, safiirada wadamada safka hore iyo dhamaan Soomaalida xafladda is raaca Soomaaliya ka soo qayb gashay u mahad celiyey. Maadaxweyne Cllaahi Yuusuf oo Soomaalida u habalyeeynayey waxaa hadalkiisii ka mid ahaa: “Waxaan idiinku hambalyaynayaa oo idinku bogaadinayaa xusuusta aad xusuusateen gobanimadeenii, wadaninimadii iyo sharaftii qarankii Soomaaliyeed ee aynu inagu iska bur-burinay, qaarkiina waxaan ugu hambalyaynayaa xusuusta aad xusuusateen dhalinyaranimadiinii iyo waagii aad dance’ka iyo cayaaraha ciyaari jirteen, sidii xalayba halkan ka dhacday oo anigoo haatan odaya la i cayaarsiiyey, maantana danjire Kipligat oo aan u maalaynayo inaanu is aaddan nahay la ciyaarsiiyey, aad ayaan ugu farxsaanahay, idinkoo dhana waxay ila tahay inaad ku faraxsan tihiin”.

C/llaahi Yuusuf oo xafladdii xalay ka hadlayey wuxuu xusay inay xalay calankii saareen oo uu hadda korkooda ka babanayo, isagoo inshaaray inuu caalanku halka la saaray insha Allaahu ku negaan doono. Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo kaftan aad u wanaagsan maanta soo ban dhigay ayaa isagoo faraxsan waxaa hadaladiisii ka mid ahaa: “waxaan u malaynayaa xalay da’ baa la isku riix-riixay, intayadii xaalay joogtay waxaa la isla qiray, run iyo been midday doonto ha ahaatee inaan anigu ugu da’ weynaa, xataa Mawliid Macaane waa igu dafirayoo wuxuu yidhi adigaa iga weyn, haatan rag kale oo odayaal ah ayaa inagu soo biiray, C/llaahi Axmed Caddow waa fadhiyaa, isaga laftiisu musharax weeye, waan dhegaystey khudbaddiisii, barnaamijkiisii fiicnaana waan ugu hambalyaynayaa, ka soo qayb gaalka xafladdaana waan ugu hambalyaynaaayaa. Haatan haddaan da’ isku riix-riixnana wallaahay labadayada mid weyn Illaah baa yaqaan, sidaan xalay u sheegay 43 sano ka hor lix xidigood oo saddexba dhinac tahay ayaan xalay oo kale sitey, soomaalidu dhame ayeey u taqaan, meeshaan joogeyna waxay ahayd buuro u dhexeeya Talyaaniga iyo dalka Austari, marka ninkii 43 sano ninkii dhamme ahaa, dalka xoriyadiisiina ka maqnaa, isagoo dalkiisa masuuliyadda dalkiisa kaga aaddan oo kaalin ciiddaan ah u soo diyaar garoobayey, waxay ila tahay inaad wada qirsan tihiin inuusan yarayn, laakiin nasiib wanaag dadka ugumana buurri, ugumana cirro badni, bidaarna ma lihi, nimaan ogahay oo dhawr iyo labaatan sano ka hor aannu meel ka wada shaqayn jirey oo inan yar ahaa baa iga cirro badan oo waa Hiloowle Iimaan”.

Markii uu kaftankaas oo si weyn loogu qoslay ka gudbay wuxuu sheegay inuu rajaynayo sanadkan, sanadkiisa xaaladda Soomaaliya oo aynu maanta ku jirro mid ka beddelan inaynu ku ciidnaa, taas oo uu ku tilmaamay inay noqoto Soomaaliya oo xasishay, gobanimadeedii la soo noqotay, tafraaruqii ku dhacay ka midowday oo is raacday, isagoo intaa raaciyey in nidaamkay ku midoobayso ay Mbagathi ka soo sari doonaan haddii Eebbe idmo. Col. C/llaahi Yuusuf wuuxuu kaloo yidhi: “Bilaash baa 13kii sano oo qudha loo eedeeyaaye, anigu 21kii ka horeeyeyna waa dhibanaa, dadku ma wada dhibanayne qaar iska ladnaa baa joogaa, yeelkeede koley Soomaaliyi waa dhibanayd”. Wuxuu ku nuux-nuuxsaday inay dhibaato jirtey oo mabaadii’ aysan Soomaalidu weligeed arag oo horay u soo marin, xukun adag oo bela’ ah la soo maray.

“Halkan waxaynu u joognaa inaynu Soomaali isu keenaa, nabadaynaa, hubka ka dhignaa, bur-burka dhaacay sidii looga soo kaban lahaa ka shaqaynaa, Soomaaliyi waxay ahaan jirtey ku soo celinaa, dadkii halkan ka hadlayey waxaa hadalkoodii ka mid ahaa dhibaatooyin baa jira, shirkii waa cakiran yahay, waxyaabo la isku khilaafsan yahay baa jira, waa run oo wuxu ama mabda’ ha noqdeen, ama wax si kale ah ha noqdeene waxyaabo la isku hayaa waa jiraan laakiin dadkaas waxaa ugu bishaaraynayaa koley shirku u fashilmi maayo, wax aniga idin la hadlaya iyo intii aanu isku aragti nahay aanu sabab u noqono ku fashilmi mayo haddii Alle idmo” ayuu yidhi Col. C/llaahi Yuusuf .

C/llaahi Yuusuf oo ka hadlayey waxyaabaha la isku hayo ayaa dadweynihii xafladda joogey u sheegay in sida uu aaminsan yahay aysan waxa muhiimka ah ee la isku hayaa lamabar ahyn, wuxuu xusay in siyaasadda la isku qabto, la gor-gortamo, la murmo, aakhirkase meel dhexe ayaa la isugu yimaaddaa. Markuu halkaa marayey wuxuu dadkii weeydiiyey su’aal ahyd waxa la isku hayo ma idiin sheegaa?, dadkii waxay yidhaahdeen haa, wuxuu yidhi dabeed: “Waxaa la isku hayaa shirka ha la wado, 366 baa fadhiga leh, wax alla iyo wixii lagu soo heshiiyo oo ay hogaamiyayaashu ku soo heshiiyaan shirka ha la keenoo, ha laga gudbiyoo, ha la mariyo, khasab ma aha inuu shirku iska raaco waxii ay madaxdu ku soo heshiisee, ee aqlabiyadda shirku halka ay ku dhamaataa muhiim ah, Shirku ha socdo ha guulaysto waa mabda’, mayee shirku ha bur-buro in kastay khaldan tahay iyana waa mabda’, runtu sidaas weeye”.

ibraahim
"Musharixiinta kale ee Soomaliyeed waxaan kaga duwanahay anigoo kuwooda ugu da’ada yar ka mid ah, 41 sano ayaan jiraan, waxaan kaloo kaga duwanahay waxaan dhashay wakhti ay Soomaaliya xor ahayd 1962dii"  Xuseen Caydiid..

Raggii xafladda munaasabadda ka hadlay waxaa isna ka mid ahaa C/llaahi Axmed Caddow oo sheegay inay xafladdani tahay mid marna farxad leh, marna leh ahmiyad weyn oo aan qiimaheedana la soo koobi Karin. Isagoo maalinta xornimada ka hadlaya kaftananna ku daraya wuxuu yidhi: “Anigu waagaas waan dhalin yaraa, saaxiibkay C/llaahi Yuusuf da’ buu sheegay, kolleyse ma sii kala weynin isku mar ayaanu Soomaaliya nimid annagoo xidiglayaal ah, koleyse waxaa mahad ah inaanu maanta wada caafimaad qabno, wada dabaal degayno, marka C/llaahi mar baynu fadhiisan doonaa qalin baynu qaadan doonaa, waxaynu isla eegi doonaa sanooyinkii ama bilooyinkii aynu kala weeyneyn”.

Wuxuu kaloo xafladdii Caddow ka sheegay in Mbagathi loo joogo arrin muhiim ah oo in la dhiso qaranimadii Soomaaliyeed ee bur-burtay isagoo arintaas ka hadlaya waxaa hadaladiisii ka mid ahaa: “Ummaddii Soomaaliyeed waa ina sugaysaa gudaha iyo dibedaba, waxaan ka warqabaa markii la maqlo inay wax jiraan dadku waa qalbi kacaan, waa wel-welaan, waxaa la yidhaahdaa rejo waa dhamaatay, maxaa loo leeyahay rejo waa dhamaatay?, waxaan filayaa shirkani inuu yahay kii 14aad, markaan runta ka hadalo meel aan u noqonaa nagama horaayaso, dalkanagii waa bur-buray, ummadanadii waa baaba’day, waa tabaalaysan tahay, ummaddaasi waxay sugaysaa shirkan inay dawlad loo dhan yahay ka soo baxdo”.

C/llaahi Axmed Caddow oo ka hadlayey arimaha la isku hayo waxa uu sheegay inuu rumaysan yahay inaysan nidaam dawlad dhexe oo midnimo shaqaynayn oo uu doonayo inay dalkooda ku dhisaan habka federaalka. Arrimaha Somaliland mar uu soo qaaday wuxuu sheegay in loo baahan yahay in la doono si loo soo celiyo midnimadii qarankii Soomaaliyeed.

Raggii maanta xafladda ka hadlay waxaa ka kale oo ka mid ah Guddoomiyaha maamulka Jawhar Xasan Cabdulle Qalaad.


Maxamed Deeq C/qaadir

Danjire Kipligat ayaa isna goobtaas ka hadlay ayaa sheegay in sida ugu fudud uguna dhaqsaha badan shirku horay ugu socon doono oo dawlad Soomaaliyeed oo ay soomaalidu leedahay halkan laga askumi doono. Taas oo leh madaxweynaheeda, ra’isal wasaareheeda iyo dawladda qaybeheeda kale. Kipligat wuxuu kaloo sheegay inay Dawladda Kenya noqon doonto dawladda ugu horeysa ee aqoonsata dawladda halkan ka dhalata. Wuxuuna yidhi: “Kenya ayaa ugu hor aqoonsanaysa dawladda dhalata”. Sidoo kale wuxuu sheegay inay dawladaha Itoobiya iyo Djibuti iyaguna markiiba dawladda cusub aqoonsan doonaan.

Waxaan u mahadnaqayaa Maxamed Deeq C/qaadir oo barnaamijkan ila soo saaray.

Ibraahim Maxameddeeq
SomaliTalk, Nairobi, Kenya
E-mail: imdeeq@hotmail.com

   

MILICSI KU SAABSAN AXDIGA FEDERAALKA EE KU MEEL GAARKA AH
Qormada-koowaad ee dastuurka federaaliga ah ee Soomaaliya oo ka kooban 30 baal waxaa soo akhriyey Ibraahim Maxameddeeq ... GUJI

 ..KAYDKA WARARKA EE IBRAAHIM MAXAMEDDEEQ

 ... ELDORET: Taxanahii Wararka  com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
ALLAH IS GREAT
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bjanaayo
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002

xayaysiis


mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri

  




HTML CD [an error occurred while processing this directive]