SCWW,
Waxaan doonayaa inaan ka jawaabo qoraal uu
somalitalk uu ku soo bandhigay in magaciisu la yidhaahdo ,sheekh caaqil kaas
oo u bixiyey snm waxay meel marisay balanqaadkii xasan keyd, kaas oo
xanbaarsan qoraagaasi aragtidiisa iyo inta la fikirka ah.
hadaba waxaan donayaa inaan qodobo badan ka
jawaabo oo maqaalka xanbaarsan orta halka ay arigtidaadu ku socotaa waa snm
hooyadii Jamhuuriyada Somaliland jabhadaha kale ee aad ku
afgobaadsatay iyada waa sii jiidhay lakiin halka itaalkaagu ku socday wuxuu
ahaa Somaliland ,orta hadaanan ku jawaabin hadii kaleba wax macno ah
oo ay ii samaynayso ma jirto ,hawlo ka waaweyn oo qaran dhan oo horumar
tiigsanaya xawli aad u dheer ku socda ayaanu nahay ,hadaba waxaan kuu
sheegayaa tariikhdu been ma sheegto,marka hore ala how naxariistee ,marxuum
xasan kayd hadafkuu ku kelifay sanad ka dib inqilaabka waxay ahayd tariikh
taal ,sidii ay ku timi somalinimadu waa la ogyahay, wixii siyaasad ee dalku
soo maray waxaan filayaa hadii aanad kaa ahayn si kale ama aanad maqal si
fiican taariikhda u akhri dabadeed waxaad helaysaa waxyalaha aad isku
dhexyaacisay iyo caadifada ka muuqata qoraalkaaga waxaanan ku o! dhan lahaa
in aad qoraalkaaga ku cabirto sida dhabta ah ee taariikhda ku qotanta waayo
dadka akhrisanaya dhamaantood intooda badan way hayaan taariikhdan aad ka
sheekanayso iyadoo dhaba,cadifad qabyaladeed ka bodeyn.
|
WIIL UBAAHAN
GARGAAR CAAFIMAAD |
Wiilkan
yar wuxuu ku dhasahay boosaaso Jan. 1995kii isagoo lafaha maduxu kala keceen taas oo ay sababtay biyo badan oo madaxa kaga jirey,
wuxuuna u baahana yahay
gargaar degdeg ah. |
horta waa dhab in jabhadaha aad magacooda
sheegtay inay wax ka midaysnayeen dhinaca xidhiidhka itoobiya ,taas oo ah
siyaasadu saxiib joogta ah ma leh,laakiin dan joogta ayey leedahay,
itoobiyana dan ayey lahayd ,snm,na dan ayey lahayeen waana laysku
danaysanayey waa waxa caalamku ku shaqeeyo, xidhiidhkii snm iyo ssdf sababta
ay itoobiya isugu dhawadeen snm,na taariikhda dib u yar akhri waayo iyada
ayaad ka helaysaa ,sababtii ssdf u kala fogadeen itoobiya ama ay u burburtay
ama qayb ka mida oo ay ka dhab ahayd hadafkoodu ay ugu bireen snm taasna
iyadana taariikhda uun dib u eeg way ku talaye, waayo snm hadafka ay ka
lahayeen halgankaa ka dhab ayey ahayd taasi ayaa soo dedejisay jabka ku
dhacay rajiimkii siyaad bare 1988--1991 hadaan u soo laabto hadafka snm waa
dhab oo wuxuu ahaa in laga takhaluso rajiidkii siyaad bare taas waa lagu
guuleystay hadaad ka naxday iyo hadii kaleba , guusha aad leedahay 1988 ay!
uu gaadhay rajiimkaasi guusha aad sheegaysaa been ayaad ka sheegay iyada
lafteeda tariikhda dib akhri iyo weliba caaqiladii,sheekhyadii
goobjoogayaashii morgan (Cabdi bile)ayaa ka nool qoladii madaxda ee goobjooga
ahayd oo isagu maalintii sadexaad madarka hargeysa orod ku tegay waayo ragii
kale way mootanyihiin sida ,taliyihii cidamada qaybta 27aad gaaska 3aad burco
qaybdiid G/le Sare Cadceed,taliyihii Boliska burco Faalso, taliyihii
ciidamada berbera G/sare Ina macalin, Abaandulihii qaybta 26aad hargeysa
Foodcade, kii dabargoynta jihad ,iyo qaar kaloo badan markaa garanmaayo
guusha aad sheeganayso halka ay ku taalo waa halkee ma kismaayo,
baardheere,buurdhuubo,waayo maalintaasu waxay ahayd maalintii ugu horeysay ee
la jabiyey taliskii siyaad bare wixii ka danbeeyeyna waxay ahayd iskaba
raacin,waxaa kuu sheegayaa dagaalku waqtigu bilaabmo ,guuli waa weli lakiin
dhamaadkiisa ayaa guushu raacda ninka guuleysta,ka laga adkaadana waa ! in uu
isdhibaa ,waxaa leeyahay maxay dhusadiisu iga qaadi dameer aan ku taaganahay,.............................
taas waxaa markhaati kaaga ah ,Jamhuriyada
Somaliland.
waa midhihii gushaa laga helay markaa maaha
inaad guusha la bakhaysho ee waa laysu haneyaa, waxaan kuu sheegayaa inaad in
ay dhamatay saacada aad ka hadlayso ,waqtigeedii,.adiga ayeyna ahayd inaad ka
faa,ideysato fursad fiican ee somalinimada ee jirtey lakiin maanta ma afkaad
ku hiilin, hadaad ficil hinaastay,idinka ayaa burburiyey somaalinimada beenta
ah aad doonayso ,waxyalaha maanta somaali ay kala faa,iday waxaa ka mida inay
si fiican isu baratay ,burburka somali soo gaadhayna wuxuu ahaa dhawaca aad
ugu wanqasheen qabyaalada gobanimadii,halkaad is qarinlahaydeen ayaad soo
indha cadihiin, somaali si fiican ayey isu taqanaa aqoon waa laysu leeyahay
laysuna dhuumanmaayo ,ninkii dhulkiisa iyo nimcadiisa lahaana wuu ku
dhexjiraa oo dhexdabalanaya ,ninkii dulmiga ku noolaana waxay hoonka ka
dhigay somalinimo aad moodo inay ka maqnayd markii uu dulmiga ku dhexnoolaa ,markaa
somaalinmadu miyaanay jirin.
marxuun,xasan kayd
ilaahay haw naxariisto iyo isaga iyo
mujaahidiintii kale ee snmba waa dhab 1961 hogaamiyihii inqilaabka
ayuu ahaa waxaanu ahaa ragii rukumada u taagay snm ,wixii uu ka dagalamay way
dhamatay hadafkii uu kala lahaa wuu helay waanu ku guuleystay ,nin ragina waa
ogyahay ,caaqilna loo sheegi maayo,..
duulanka snmta hadaad xaqdaro ku
tilmaantay ,hadaba ma fadhatada daawaha iyo dacaska guratay ee
magacyada kula baxday sida korneyl biliqo iwm ,haddii aad xaqdaro u
aragto gulufkii weererka ahaa ee lagu galaabixiyey ciidamada siyaad bare orta
waa aqoontaa iyo aragtidaada gaabnayd ee aad xamar kabo la,aanta aad kaga
baxdeen iyo tii hargeysa cabdi bilenimada ,ta kale ee aad leedahay shacabka
waqooyi aad ka dhigayso qaar ka duwan snm waxaan kuu sheegayaa in ciidan iyo
shacab loo mideysnaa snm ee tariikhda uun dib ugu noqo ,xitaa wareysi uu
bixiyey profosor cabdi samatar ee igu celi dheh ,oo uu kaga sheekaynayey cida
ay ahayd snm hooyadii Somaliland.
Aragtidan aad maanta isticmaalayso waxaan
filayaa in aaad miduun tahay ,si aad boodha isugu qariso ,aw caaqil sheekh
xume
1.nin ay ka bastahay oo aqoontiisu intaas
tahay .
2.inaad tahay ubadkii ku soo barbaaray
safaradaha iyo maalkii qaranka ee lagu koriyey xoolahaas dadweynaha ee lagu
yidhi snm ayaa idinka burburisay xaqaa dadweynaha lahaa ee aad xaqdarada ku
raanbuusi jirteen ,sidaasna ayey tahay waxaad snm u higaadinayso.
3. iyo qoladii ku noolayd khiyaalada ee
wadanka gudiihisa ku noolayd darajada sare la siiyey ee markii danbe noqotay(hadaan
taajka derajadiyo,dalacaada laga nixin,Duhur laysu wada jiro hadaan guusha
lay dayin aleylehe docdaydii ha goblamo. dalweynuhu) magacyada aad ula
baxdeen meelahaa aad ku noolaydeen ,gaadhida aad wadateen,xafladaha aad ku
jireen, fasaxyada debada ah ee ay tegi jirteen ,diyaradihii sida macno
la,aanta aad ugu gooshijirteen, waxbarashada aanay darajadeeda lahayn ee loo
diri jirey,wuxuu doono oo laga dhigi jirey,guryihii ay ku jireen ,
safaradihii ku yaalay dibedaha iyo gudaha ee fisayaasha sida dukaanka looga
soo qaadi jirey iyadoo habarweliba basaboor dublamaasi siday taasu ma
somaalinimo ayey ahayd "hasha geela cunta ee cabaada" lakiin waxaad
modaa inaanay is weydiin waxyalahaasi sidaasa inaanay iyagu lahayn ee ay
noqotay sidii magacooda ayaa inay ka cararaan ee (! BOOLI QARAN)hadii
ay noqon lahayeen landcruiserkii quruxda badnaa,mercedeskii,toyotihii iyo
noockasta oo quruxbadan oo xitaa ay diideen inay lanbar ku dhejiyaan ,(Guuxiisa
moodmood gob inaad ku tahay), iyo guryihii dabaqyada ahaa ee quruxda
badnaa ,carwooyinkii quruxda badnaa ,hoteladii quruxda badnaa ee fusuqa
badnaa iyo safaradihii quruxda badnaa ee siinjirey basaboorka dumlamaasiga
ahaa ee sharcigiisa la jibiyey dukaanka u ahaa shaahana lagu cabi jirey,
lacagtii bangiiga laga qaadan jirey baabuurtii bangigu bixin jirey ,miyaad ka
samrin in aanay saacadaasi dib u soo noqonaynin inaad aamustana ay kuu
haboontahay, waayo maad lahayn snm tii ay ka dagaalantay ayey ahayd waana
lagu guuleystay ee soomali dhinaacaaga ka raac isna sheegin ileyn anagu ku
sheegi meyne,adigu badka iska ilaali,wallee reer aan ogahay ma guuro,....
waanay dhamaatay xaraantii iyo bakhtigii aad
u barateen,waxaanan leeyahay dawaco meeshay macal ku barato,ayey macaluul
ugu bakhtidaa, ka raadso abaalkii cabdi qasim aad ku lahaydeen iwm.
4.iyo inaad ahayd qaxootigii siyaasadeysnaa
beentana loo sheegay markii danbena noqday qaybta 28aad sidaad carabka ku
dhufatay meelaha la dejiyeyna ay ahayeen baraha wadooyinka ka baxa oo loo
dejiyey istaraajiyad ciidamo magaalooyinka waaweyn sida wadada hargeysa iyo
berbera ,berbera iyo burco,hargeysa iyo boorame runtii haddii aad tahay
qaxootigaa aad u doodeyso ,sharcigii qaxotinimada waad jebisey been waa laguu
sheegay ee ka faa,ideyso waayo waayo-aragnimadaas fiican adduunka intaan
nooshahay wixii ku soo mara waa in ku qaadataa,haddii aad ahaan lahayd
qaxooti dhaba weligaaba waad joogi lahayd sida qaxootiga iminka jooga
SL,waana inaad eersataa hogaamiyaashadii kaaga masuulka ahaa ee qandaraaska
fuliyey sida taraxtarax,gabyow ,siyaad da,uud ,adan weris ,sangub iwm,hadaad
doonayso taariikhda somaalida si fiican u akhri waayo adigu sidaas sheegtay
qaxooti baad ahayd wax kale ku maray wixii laguu sheegay moyee, guri dhowr
dabaq,gaari quruxbadan, iyadoo aan ogeyn markii ! danbe meel aad ka baxdo
waayo diyaarad ayaad ku soo gashay, xagu ,xaguna gebi,...
sida ka muuqata qoraalkaaga nuxurkiisa liita
hadaad leedahay snm ayaa jab aan gaadhsiiyey 1988 ,sheekhow ku meeyey guusha
aad sheekanaysaa halkee ayey ahayd,halkey ku qorantahay,yaa tahay,halkaad ku
haystaa guusha (hadanad hiilin kareyn ,oo aad ficil hinaastay ,qaranjabayna
aad noqotay,ma afkaad taariikh beena ku hiilin, somali si fiican ayey isu
baratay ,snmta aad sheegayso 1991 ay dhashay somaliland ,waxaanay leedahay
ciidan mileteriya oo nooc kastaba leh,ciidamo boolisa ,oo noockasta oo ciidan
iyo saanad uu leeyahay qaran dhisani (markaa iska soo mar waa kuu banaan
marankaad doontaaye,...............saxiib soo dhaweyn si fiican ayaanu ku
leenahay koonfurna kama iibin doontid SYL danbe taa waxaa fashilyey
siyaasiyiintii 60aadkii ee somaliland ,sidii loogu tala galay ayey ku socotay
ilaa iskaba raciskeedii markaa halkii tuulada kasoo bilow adigoo sheegaya
kumaad tahay,meeday syl,yaa fashiliyey,meeday maandeeq,.
taariikh aan lagu riyoon ayaa jirta ma soo
noqonayso SYL danbe oo ruwaayad aad kolba nin ku dartaan ayey ahayd waxaa
dhici lahayd in ay gadho ilaa 50dhalinyaro ,ruwayadaa syl meelihii sida
fiican looga dawaday waxaa ka mid ahaa buule barde , muqdisho .
hadaad doonayso somaaliweyn anagaa sameynay
anagaana soo celinay qori caradii ,ee
dadkaaga dhinac ka raac,yaanad lumine
kaad hiilka ka doonayso ee aad leedahay ka
hortag ma USCbaa ,taa macnaheedu maxay waaye? usc il naxariseed igu eeg
waxaan filayaa inaad ka hadlayso mid ka danbeysay (Dhulkaaga difaac diid
maayo,isaaq ku duul doonimaayo, ..17sano ayaa ka danbaysay ee tariikhda
uun dib u yar akhri waayo garanmaayo waxaasoo oo taariikhi halkay kaa
dhaaftay marakiibtii kismaayo iyo muqdisho ayaa xitaa ka danbaysay iyo hoteel
taleex markaa bal dib uun taariikhda ugu noqo ayaan kugu celcelinayaa waayo
ayada ayey ku talaa, waayo waxaa la jogaa 2003,..waxa aan ka hadlayso waxaad
modaa in xabsiga mandheera ku jiray ilaa 17sano ama habartii mar dhooftee
doonidu la dhacantee iyadoo dhaqaale nafba kala dhaqaaqaeen ka dib dhowr
ayamood salka dhigatay ciida ,...runtii magaca aad sidato caqilnimada iyo
shiikha si fiican isaga u akhri sida magaca loo qaato cida qaadata iyo wuxuu
yahay .
halka maanta aad ka fad kudisay way dhaaftay
,hadaf iyo ujeedana snm waxay dhashay Somaliland ,somaliyana waxay dhashay
adiga iyo inta kula aragtida ah ,ama qaxootiga qaybta 28aad ,ama w/bari ee
ha ka dhicin salamada qaar lagu sigtaa jire ,hadii kale soo soco saadanbe
ayaad garan........waayo waxaan islahaa casaharo fiican ayey qateen
lakiin waxaad modaa inay idinka maydhmeen lakiin snm ayey ahayd waqtigaa
lakiin iminka soo soco sabaad .
hadaba sheekhow filinkaasi beri hore ayuu
dhamaaday oo cabdi bile ayaa soo gabagabeeyey iminka kismaayo ayuu marayaa ee
waqtiga la soco,hadaan ka naxayso iyo hadii kaleba somaliland waa qaran
kobcay welina xawli dheer ku socda.
ILAAHAY BAA MAHAD LEH.
SOMALILAND HA NOOLAATO,....
Qore, Adan Yuusuf.
najad88@hotmail.com