|
Maxamed Mooge oo 1-da Luuliyo/July maamuusay
iyo Maxamed Dirirdhaba oo maalin madoow ku sheegay!
“Labo dhaqan kala dheer”
Cabdulwaaxid Khaliif
cabdulwaxid@hotmail.com
June 26, 2003
Asalaamu calaykum.
|
I I D H
E H
|
|
Nin baa mar dad tujiyey markaasuu
Qur’aankii dhaqaajin waayey. Markuu marar badan ku celceliyey “ACUUDU
BILLAAHI MINA SHAYDHAANI RAJIIM” ayaa nin ku dabo tukanayey wuxuu yiri:
shaydaan dambi ma lahee waxaad akhrido ayaadan garanayn!
Maxamed Mooge Allaha u naxariistee mar uu
ka hadlayey 26-Juun iyo 1-da Luuliyo wuxuu ku sheegay inaan lulanay laakiin
markuu ka hadlayey 21-Oktoobar wuxuu ku sheegay inaan luufluufnay oo
leel-leelnay.
Maxamed Mooge oo aan ognahay sidii
suugaanta u yaqaanay marna eedda dusha ugama tuurin 1-da Luuliyo maxaa
yeelay waqtigaas xoog ma jirin. Nin walba xirfadiisa iyo xoolaha uu haysto
ayuu isticmaalayey. Markuu 21 Oktoobar ka hadlayey wuxuu haystay Maxamed
Siyaad ee wuu ogaa inaysan maalini dambi lahayn.
Muxuu Maxamed Dirirdhaba 1-da July maalin
madow ugu sheegay? Horta waxaan filayaa inaan aniga iyo isaga midna
waqtigaas dhalan. Carabtu waxay tiraahdaa “Laysal khabaru kal mucaayanah” oo
ah wax laguu soo tebiyey la mid ma ahan waxaad usoo taagnay.
Maxamed waxay ku fiicnaanlahayd inuu
waraysto waxay dareemayeen maalintaas dadka hadda Somaliland horbooda iska
daa dadweynaha kalee.
Annigu waxaan aaminsanahay in maalmaha laga
daayo inay shirki noo soo jiidaan oo aysan dhaqamada shisheeyuhu na saamayn
ee marna ma oran waa maalmo dhib noo keenay.
Waxa jirta in dhibta Soomaaliya looga
horeeyey Waqooyi haddana looga dambeeyo.
Horta sideeda dimuqraadiyadu ma ahan
xukunkii Ilaahay rabay laakiin waxaa la isku raacay inay shuuciyadda dhaanto.
Maxamed wuxuu xusay Aadan Cadde, C/Rashiid iyo Ra’iisul wasaarayaashii kale.
Aadan Cadde ma xoog baa loo qaaday
madaxweynanimadii? Ma qabiil ahaan buu awal xukunka ku qabtay? Ka warran
C/hi Ciise Allah u naxariistee?
Maxamed waxaa la rabay inaad daristo waxa
Soomaalida ka dhaxeeya ee ah diin, midab, Af, walaalnimo iyo darisnimo.
WALLAAHI sheekadan aan soo wado haddaad u dhabo-gasho waxaad is leedahay waa
khiyaali.
Markii la rabay C/hi Ciise Allaha u
naxariistee waa ra’iisul wasaarihii ugu horeeyey ee Soomaaliya in loo diro
Yurub waxaa looga baahnaa in la talaalo. Nin ka soo jeeda Bari ayaa yiri
hadday Talyaanigu damcaan inay sumeeyaan anaa talaalka qaadanaya si aan u
dhinto intii C/hi Ciise dhiman lahaa. Allaahu Akbar. Maanta labada qabiil
waxay u muuqdaan inay yihiin labada qabiil ee Soomaaliya isu neceb.
Isla C/hi Ciise waxaa lasheegaa inay dad
reer Waqooyi ah oo London jooga ka caawiyeen inuu Paris ama meel kale tago.
Maxamadoow maalintii Nabi Muxamed laga
cayrshay Makkah oo ahayd magaaladii ugu qiimaha badan Caalamka, Nabiguna (SCW)
wuxuu yiri waxaad tahay dhulka Ilaahay tan xagayga loogu jecelyahay, haddii
ayna tolkaa iga kaa soo saareen kaama baxeen.
Saasooy tahay muslimiintu maalintaas waxay
ka yeesheen maalin taariikhi ah. Maxaa yeelay cuqdad looma baahna. Hijradii
waxay sababtay in dowlad Islaam ahi Makkah ka dhalato. Dhibtii gaartay
saxaabada waxaa ka waynaatay dheeftii ay heleen. Ilaa waqtigaan la joogo
muslimiintu maalintaas waxay ku hayaan qalbiga oo waa u maalin taariikh ah.
Maxamadoow soo maanta xor ma ahid. Ma cid
baa idin khasabta? Maad dhibtii aad sheegaysid ka baxdid. Haddii aad maanta
runtii ogaateen, 21 Octoobar faa’iido ayaa idiin ku jirtay maxaa yeelay
waxay sababtay in aad halgan gashaan oo aad maanta meeshaad marayso gaartaan
iska daa inaad eedayso 1-da Luuliyee.
Teeda kale haddii aad Koonfur ka tabanaysid
inay belaayo gooni ah idin ku sameeyeen ma waxaan ka liidanaa wiilashii
walaalkood Nabi Yuusuf (CS) oo dhallaan ah ceel ku riday?
Nabi Yuusuf (CS) wuu cafiyey, waliba wuu u
duceeyey in Ilaahay u dambi dhaafo. Marka haddaad tihiin walaalahayo naga
hormaray noo soo duceeya ee taariikh aanaan dhibkeed garanayn iyo belaayo ha
soo xusin.
Sida kale Nabi Muxamed (SCW) wuu cafiyey
qaraabadiis iyo Qurayshtii Makkaad markuu galayey Makkah. Ina adeerkiisii
ugu gabyi jiray (Abuu Sufyaan) oo diinta dhibay markuu u yimid ayaa Cali
Binu Abuu Dhaalib (RC) wuxuu u sheegay wixii ay Nabi Yuusuf (CS) Walaalihiis
ku dhaheen. Haddee maxaad ka filaysaa Nabi Muxamed (CSW) oo ahaa shakhsigii
ugu naxariista badnaa, isna sidii oo kale buu cafiyey oo Ilaah uu dambi
dhaaf u waydiiyey.
Maxamed Mooge Allaha u naxariistee ka soo
hadalnay ee meeye Hadraawi, Qaasim iyo Cabdi Qays? Waa abwaanadii Soomaaliya
ugu caansanaa. Ma aragtay iyagoo ka hadlaya waxaan dadka sufahaada ah
gaysteen? Way arkaan waxaan la isku falayo laakiin waxay ogyihiin qaddiyada
dhabta ah.
C/Qays wuxuu aaminsanyahay in Jabuuti ay
Soomali tahay iska daa in Xamar xisaabta ka baxdee. Ka warran markuu laha:
- Agoon xoolo kama dhicin
- Xargo goysna maan noqon
- Eexana rag kama galin
- Jabuutidaan u xaydnaa
- Ee Soomaali laga xaday
- haddii aan xaggaa tagay
- Ma shidaynin xeerkee
- Maxaa la igu soo xiray?
Hadraawi Balweyn waa u duceeyey oo heesta
dadka badankiisa waa yaqaaneen.
Qaasimna gabayadiisa guubabada ah waa
lawada ogaa oo wuxuu xusay in dhibka lala qabo sidii markuu lahaa:
Annaga iyo Saleebanada waa na sidataaye
Seeftii Abgaal bay agtaal saawirta ahaaye.
Wuxuu xusay in Soomaalida oo dhani
dhibbantahay ee ma aaminsana sidaada oo kale in aad adinka kaliya belaayo
qabtaan.
Dad badan oo Xamar iyo Kismaayo degenaa
ayaa wali dhulkoodii ka maqan. Sidoo kale dhul beereedyada dad deganaa
hantidoodii waa kala abaadeen.
Marka abwaanadii cadaabka iyo xariga ka soo
maray taliskii hore hadday wali kuwaas yihiin, wax aad idiga oo Maxamed
Dirirdhabe ah aad lasoo dhawaaqdo ma arko.
Ilaah baan dambi dhaaf waydiisanaynaa.
» Haddaynu
60-kii Xornino qaadana, "mawaalii” baynu nahay [C/wxid]
» Dowlad
Soomaaliyeed sidee loo dhisaa? [C/waaxid Khaliif]
»Michael H.
Hart:
Dadkii magaca reebay ee adduunka soo maray Muxamed baa
u mudan (No. 1) [A/Waxid]
» Ma
Kiplagat iyo Pat McEvoy Baan Dhexjoognaa? [A/Waxid]
WQ. cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | June 30,
2003
QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID
Wada-shaqayntu
Waa Furaha Guusha.. GUJI
|