SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO
Haddaynu 60-kii Xornino qaadanay, “mawaalii” baynu nahay.

Cabdulwaaxid Khaliif 

  cabdulwaxid@hotmail.com 

June 26, 2003

Asalaamu calaykum.

 

I  I  D  H  E  H

KAAH

Ilaah baa mahadleh. Nabadgelyo iyo naxariis Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

In aan naynaaso xun la isugu yeerin iyo in magacyo fiican la isu bixiyo diinta Islaamka ayaa nabartay.

Qofkii Ingiriis xornimo ka qaatay, mowlaa ayuu u yahay Ingiriiska, kii Talyaani ka qaatanayna, Talyaani buu u yahay.

Arrintu waxay ku fiicnaan lahayd in aan si fiican u fekerno oo qofku marka hore maskaxda ka xoroobo.

Nabi Muxamed (SCW) iyo muhaajiriin miyeey dhaheen markii ay Makkah qabsadeen, xornimaan qaadanay? Waddamo badan oo muslimiin ah ayaa marar badan cadow qabsaday sida Tataarkii iyo “Crusaders” waa kiristaankiiye. Waligiin ma maqasheen muslimiinta oo leh xornimaan qaadanay markay cadowgaas saareen?

Haddaad tiraahdid xornimaan qaatay waa halka ay daciifnimadu (inferiority) iyo cuqdadu (complexity) ka bilaabato.

Qofkii ay ka hayso inuu dabbaal-dego, inkasta oo ay ahayd in Ilaahay loo mahad celiyo oo cibaado lagu jiro haddana waxay ku fiicnayd in layiraahdo:

1. Waqtigii aan gumaystayaasha dhulkayaga ka saarnay.

2. Ama waqtigii aan dhulkayaga xoraynay.

Marka haddaan rabno inaan isticmaalno kalmada xornimo waxay ku fiicnayd in aan dhahno dhulkii baan xoraynay si aan annaga iyo dhulkeenu “wilaayo” nooga dhaxayso laakiin haddaan dhahno dad Yurub ah baa na xoreeyey waxaad arkaysaa in wilaayadii ay ka dhaxayso iyaga iyo annaga.

In waliyadaas ay meesha ku jirto waxaad ku garanaysaa waxaan qaadanay mabaadiidii ay nooga tageen oo dimuqraadiyad ku sheega ahayd. Waxaan raacnay qaabkoodii maamul. Marka in nala xoreeyey waa caddahay markaan raacnay qaab nololeedkoodii.

Waxa arrintaas sii xaqiijinaya in qof walba oo Soomaaliya uu jeclaa inuu Ingiriis ama Talyaani loo diro si uu wax uga soo barto ama u soo arko. Sidii adoo raba inaad soo aragtid qof ku xoreeyey oo xaq aan la ilaawi karin kugu leh.

Dhibtu Soomaali oo kaliya ma haystato laakiin muslim-ka kale, Afrikaan iyo qaarado kalaba waa nala qabaan.

Mar nin dhalinyaro ah oo Somaliland daneeya aan qoraal isku tuur-tuuraynay waxaan soo xusay sheeko uu wiil nooga sheekeeyey mar aan kurayo ahayn. Wuxuu yiri waxaa isa soo raacay seddex nin oo midi Caddaan yahay, midna Carab, midka kalana Madow yahay. Marka wuxuu yiri Ilaahay bay baryeen. Caddaankii wuxuu yiri Ilaahoow adduunka kheyr isii. Carabkiina wuxuu yiri Ilaahoow adduunyo iyo aakhiraba kheyr isii. Wuxuu wiilkii yiri sidii kii Madoobaa hadal looga sugayey ayuu yiri aaway/meeyey Caddaankii. Wuxuu yiri ilaa maalintaas waxay dabo ordayaan Caddaankii.

Runtii Carabta hadda joogtaaba Caddaan jecayl kama marna haddaysan dadka kale uga horayn laakiin sheekada wuxuu ka wadaa waa dad wali aakhiro iyo adduun rajo ka leh.

Maxay maanta Soomali diin ugu ooli lahayd?

Marka haddaynaan xornimo ka hadalkeed daynayn waxay ku fiicnayd in la yiraahdo waxaan ahayn addoon ka dhuumatay sayidkeed maxaa yeelay haddaan xornimo qaadanahay dhibtaan naguma dhacdeen maxaa yeelay nin gumaysi iyo addoonsi soo maray oo iyadoon tobonaan sano lagaarin isagii is dilaya, ma ahan wax la fahmi karo.

Maxamed Siyaad Barre ayaa u hor arkay in Soomaalidu tahay addoon soo baxsatay marka waxaa dhici karta inuu isyiri intii belaayo kale qaadanlahayd adigu gumayso. Soow dadka badankiisu sacabka uma tumin? Dadka waxaad moodaysay inay lahaayeen ma rabno baarlamaankan la isku caayayo iyo lacagta iyo aqoonta la isku khiyaamayo ee waxaan rabnaa qaab kale.

Hadda Soomaalideenii addoonimadii baa nagu raagtay meeshii la rabay in aan xal kale raadino waxay u muuqataa in aynaan madax banaani rabin oo aan gumaysi diyaar u nahay laakiin waxaa shardi ah in uusan gumaysigu ka imaan Soomali kale ee uu Caddaan ama Madow kale oo aan muslim ahayn ka yimaado. Xittaa Carabta iyo muslimiinta kale diyaar uma nihin. Madaxweyne Soomaaliyeed lama rabo. Miyaadan u jeedin wixii lagu dhigay C/Qaasim?

Maskaxi ma jirto. Haddaan xornahay maxaan dib ugu noqonaynaa wixii lixdankii aan soo marnay? Maxaan Islaamka u diidaynaa oo aan wiligeen aynaan xukunkiisa tijaabin? Maxaa Soomaalideenu isu maqli la’nahay? Maxaa shisheeyaha loo maqli ogyahay?

Saxid:

Maah-maah Soomaalidu sheegto ayaa jirta oo aan rabo inaan xoogaa ka bedelo. Afxumo waa kaa timaada laakiin Ilaahay kaagama tago ilaa aad ka toobad keentid. Inkastoo wax kasta Ilaah abuuray looma baahna in wax xun Ilaah loo tiiriyo.

Haddaad tiraahdid xornimaan qaatay waxaa jirta waqti aad addoon ahayd. Laakiin hadda maxaan nahay?

Waxaa la sheegaa in nin adiib ah (macalin) uu u dhigi jiray Qur’aan wiil uu dhalay amiirkii muuminiinta waqtigii Cabbaasiyiinta. Wiilkii wuxuu ku jiray Suurat An-Naasicaat. Macalinkii wuxuu wiilkii ku yiri haddii aabahaa ku waydiiyo Suurada aad ku jirto ku dheh Suurada Cabasa ku xigta (ka saraysa). Macalinku wuxuu diidayey in wiilka aabhihii ku dhaho “ anaa fii An-Naasicaat” oo ay noqon karto sakaraatkii baan ku jiraa. Ilayn qofku waa inuu yiraahd suuradaas baan ku dhexjiraa. Suurada magaceedu waa sakaraatka waliba marka gaalada nafta laga qaadayo.

Amiirkii markuu wiilkii waydiiyey Suurada uu ku jiro ayuu sidii macalinka u sheegay kaddibna amiirkii inta la yaabay qaabka uu macalinku ardayga u edbinayo ayuu wuxuu siiyey abaal marin qaali ah.

Marka waxaa fiican in aan is daawayno oo qaabka fiican loo hadlo oo loo fekaro oo aan ku dhagno diinteena qiimaha badan ee adduunkoo dhan ay qireen in qofkii qabsada uuna wax kale u baahnayn.

Bal qab-qablayaasha iyo waxa taageera ee dibadaha dhooban waydii Zenawi xaggiisa, waxay ku oranayaa waa nin aan darisnahay, Soomaali badan Itoobiya kusoo dhoweeyey, walaaltinimo iyo daris-wanaag ayaa naga dhaxeeya. Bal waydii Shiikh Soomaaliya laga yaqaan isla markii ayey ku oranayaan waa argagixiso, waa Al-Qaacida, Waa Al-Itixaad, waa Al-Islaax, Waa….., IWM.

Xornimo ayaan qaadanay maanta ayey nasoo ridatay ee dadwaynoow afkeena waxaas aan ka dayno. Aan dhahno waqtigii aan gumaysiga dhulkeena ka saarnay ama dhulkeena aan xoraynay sidaan horay usoo xusay.

Bal arrintaan ila fiiri: Somaliland waxay sheegtaan inay Ingiriis ka xorobeen 26/06/1960. Inta goosashada rabta waxay il raxmad leh ku eegayaan in Ingiriisku aqoonsado. Haddaad akhriseen haweenayda wasiirka arrimaha dibada u ah maamulkaas, Edna, inay arrintaas jeclaan lahayd inay aragto sanadkan. War soow wilaayadii aan sheegay hadda ma muuqato in reer Waqooyiga goosashada rabaa ay leeyihiin war Ingiriisoow, belaayo ku dhacdaye annagaa is lehe na aqoonso. Mararka qaarkood waxaad ka arkaysaa sheekadaas oo laga soo daynayo TV-da Ingiriiska ama iyagoo shirar caalami ah ka leh Ingiriisoow dagaaladii baan ku caawinaye na caawi. Haweenaydaasi waxay tiri sida Talyaanigu ugu ololeeyo in ay Soomaaliya mid ahaato, Ingiriisku umaga olaleeyo inaan go’no.

Nabi Muxamed (SCW) markuu Makkah xoreeyey wuxuu cafiyey kuwii mushrikiinta ahaa waa tuu Nabigu (SCW) lahaa waxaad tihiin xor ee hortiina u socda.

Soomalidu ma waxay naga dhaadhicinayaan Ingiriis iyo Talyaaniyoow dhulkayaga waa idin ka erinay laakiin noo sheega meesha aan wax ka bilowno iyo qaabka aan isku xukuno!

Haddii aan leenahay Ingiriis iyoTalyaani waxay naga soo iibsadeen dad kale sida Xabashida kaddibna waa na xoreeyeen, waxaa dhici karta in la isyiraahdo “mawaalii” baan isu nahay. Ama in la yiraahdo iyagaa Ilaah dartii noo xoreeyey kaddib markay arkeen inaysan arrintaasi fiicnayn.

Marka Ilaahay cidna ma dulmiyo.

WIBILLAAHI TOWFIIQ


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

 » Dowlad Soomaaliyeed sidee loo dhisaa? [C/waaxid Khaliif]

»Michael H. Hart: Dadkii magaca reebay ee adduunka soo maray Muxamed baa u mudan (No. 1) [A/Waxid]  

» Ma Kiplagat iyo Pat McEvoy Baan Dhexjoognaa? [A/Waxid]

WQ. cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 Faafin: SomaliTalk.com | June 24, 2003

 QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID


Wada-shaqayntu Waa Furaha Guusha.. GUJI

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo  Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri


 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]