SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - PAKISTAN
BAAQ: ARDAYDA REER SOMALILAND EE KARACHI WAX XUS AH OO AY SAMEEYEN MA JIRTO


MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

KARACHI, PAKISTAN.

diridhaba2001@hotmail.com

KAAH

Waxaa jirta sida lala wada socdo in dhawaan ay ka dhaceen wax loogu yeedhay (dabaal degyo), maalmahii saqiiray ee xorriyadda qiiradii Soomaliyeed meelo ka tirsan dunida daafaheeda, hadaba sida ku cad qoraal ay soo saareen dhalinyaro iyagu gaar isku magacaabay kuna hadlaayey wax loogu yeedhay (Ardayda Soomaliyeed ee Karachi), kuwaasi oo sheegay in xus lagu qabtay maalmahii 26-June 27-June iyo 1-July magaalada karachi hadaba waxaanu halkani ku cadaynayna hadaanu nahay Ardayda Reer Somaliland ee ku dhaqan magaalada karachi in aanan waxba kala soconin, aanan ogayn meel lagu qabtay xiiso gaar ah oo aanu u lahayna aanay haba-yaraate jirin, waxaa jirtay in maalmo la damcay in lagu mu,maaradeeyo iyada oo la qarinaayo in qaar ka mid ah ardayda reer Somaliland kubad cag ka soo qayb galaan balse arrintaasi noqotay mid fashilanta kadib markii ay ogaadeen in lagu xusaayo waxa loogu yeedho 1-July oo ugu xardhan ardayda reer Soma! liland maalin madow maalmahaasi kor lagu xusay kuwaasi oo taariikhdooda dhamaan aanu ku bedelanay 18-May 1991, maalintaasi oo noqotay maalinta dib ula soo noqoshada xorriyadda Somaliland, Waxaanu walaalahayo shacbiga iyo jaaliyadaha Jibouti meel wal oo ay ku dhaqanyahiin ugu hambalyeynayna maalinta 27-June oo ahayd maalintii ay xorriyadda ka qaateen gumaystahii France, balse waxaanu si cad halkani ugu cadaynayna in aanan raali ka ahayn waxbana kala soconin danbi weyn na ay tahay in laga turjumo masayrkayaga iyada oo qoraal lagu soo saaray bogga Somaliweyn.com lagu sheegay in maalinta 1 july loo xusay (isku darkii waxa loogu yeedhay Koonfur iyo Waqooyi), hadaba markay noqoto jamhuuriyadda Somaliland anaga ayaa uga wakiil ah ka dhalanay, iyada oo aan wax nalooga sheegay jirin in la iskaga anbabaro oo laga sheego bogaga Somalida waxaan jirin waxay noqonaysa Danbi weyn oo haboon in la iska gar mariyo, mar labaad waxaanu halkani ku cadaynayna

1da Luulyo iyo Soomalida Pakistan
Warbixintii uu Axmed Ugaas kasoo tebiyey Karachi Guji...

1. In umadda iyo shacbiga Soma! liland meel wal oo ay joogaan aanay ka raali ahayn 1-july iyada oo lagu magac dhabaayo wax loogu yeedho (Gobolada waqooyi) Somaliland

2, In umadda iyo shacbiga Somaliland ay leeyahiin maalin xoriyadeed maalintaasina ay ku beegantahay 18-May 1991, maalintaasi oo lagu suntay dastuurka qaranka Somaliland

3. In 1-july tahay maalin dhamaanba ka madow cariga iyo geyiga Somaliland uguna xardhan quluubta Somaliland Murugo iyo tiif badan

4. In aanay sinaba Suuro-gal uga ahayn Ardayda Reer Somaliland ee ku dhaqan magaalada Karachi inay dabaal deg u sameeyan maalmahii saqiiray 1-july waxa loogu yeedho


qodobadaasi waa qaraar u yaalla Somalilander kasta oo ku dhaqan daafaha dunida waana qodoba si gaar ah ugu suntan Ardayda reer Somaliland ee ku dhaqan magaalada karachi. hadaba waxaa haboon in raali gelin buuxda ay ka bixiyaan dadkaa sheegtay in maalintaasi 1-july loo xusay waxaa loogu yeedhay waxa loogu yeedhay isku darka waqooyi iyo koonfur sida ugu dhak! hsaha badanleh iyaga oo ku sheegay in halkaasi lagu qabtay ciyaaro kubadda cagta ah oo ay wada ciyaarayeen xaafado ka tirsan magaalada karachi waa sida ku cadda qoraalkooga eh. xaafadahaasina aanay habayaraate wax ka jiraa jirin iyada oo aanu fiiro gaar ah siinaynay

WA BILAAHI TAWFIIQ SOMALILAD GUUL IYO GOBONIMO

ARDAYDA REER SOMALILAND EE MAGAALADA KARACHI:-

  • MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
  • CALI IBRAAHIM ISMACIIL (DHOOLAYARE)
  • CUMAR MAXAMED MAXAMOUD (CUMAARO)
  • CABDIRASHIID DAAHIR AAYE
  • MUSTAFE XASAN WARSAME
  • CAALIN MUXUMED FAARAX
  • NIMCAAN CABDI WARSAME
  • MUSTAFE MAXAMED DIIRIYE

 

Qoraalkan waxaa somalitalk soo gaarsiiyey
MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

KARACHI, PAKISTAN.

TELEPHONE: 00-92-300-9259624

E-MAIL: diridhaba2001@hotmail.com


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

Afeef: Aragtida qoraalkaan waxaa leh oo ay gaar u tahay qoraaga ku saxiixan, kana tarjumi meyso aragtida SomaliTalk.com


DUX LA'AANTA DAWLADDA CUSUB EE RIYAALE
iyo dibin daabyada dadweynaha ... Guji June 7

 QORAALADII HORE EE DIRIDHABA 

-dhammaad-

Faafin: SomaliTalk.com | July 7, 2003 

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]