Sahlashadii Cabdiqasin iyo damacii
deerow
Qore darwiish_yaare
darwiish_yaare@hotmail.com
Ka dib markii Madaxwaynaha jamhuuriyada jabuuti mudane Ismail
Omar geele uu ugu baaqay shir ay u dhanyihiin umada Somaaliyeed.
Shirkaas oo go'aanka uu u yaalay ummada soomaaliyeed
go'goshana lahayd ummada reer jabuuti iyo Madaxwaynahooda.
Geedi socodkaas oo ayka qayb galeed dad kor u dhaafay 3000
oo naf iyo maalba u huray siday dalkooda ugu soo dabaali lahaayeen nabadgalyo ,iyo
nidaamkii dowladnimo.
Si loohelo dowlad xeer adag leh iyo axdi adag oo
xakamaysan.
Sidii dhidibada loogu aasi lahaa dhisme dowladnimo oo
:-
- -Ka duwan tii hore ee taagnaan kari wayday;
-Ku dhisan tiirar cafimaad qaba:
-Ka tarjumaya baahida dhabta ah iyo rabitaanka dadka
intiisa badan ;
-Asaaskiisu yahay caddaalad,dimoqraadiyad iyo xurmada
qofka oon lagu xad-gudbin;
-Sharcigu cid walba ka sarreeyo;
-Ka tallaalan xumihii soonmali kala geeyay
Iyada oo intaa gundhig looga dhigayo,Lagana ilaalinayo:-
- -Ku xadgudubka awooda qaran
- -Isu xoogsheegad iyoamar-ku-taaglayn
- -Qabyaalad loo adeegsado siyaasad ka horjeeda danta
guud
- -Boobka hantida qaranka
- -Been iyo munaafaqnimo aan laga xishoon
- -Ku-tumashada sharciga
- -Ku -tumashada qiyamkii subbanaa ee dhaqanka
soomaaliyeed iyo diinta islaamka
- -Iwm
Iyadoo laga gaashaamanayo cawaaqib xumadii soomartay
somaliya lagana ilaalinayo inay mardanbe dib ugu noqoto ayaa waxaa Si sharaf ku
dheehan tahay looga qayb galiyay shirka.
Isimada,siyaasiyiinta,culimada,jaliyadaha,waxgaradka,ganacsatada,aqooonyahanada,ururada
haweenka,maxkamadaha,Iwm
Iscafis iyo isku soo heloobid ka dib ,Ayaa halkaa lagu
doontay oo ergadii wax garadka ahaa si buuxda codkooda ugu doorteen
Cabdala Derow isaq oo
ku guulaystay codka dhan kana guulaystay musharaxiin tii kale.
- Cabdla Deerow Isaq: 156 cod
Maxamed Rajis Maxamed: 22 cod
Cabdicasiis Mukhtar Macalin: 14 cod
Waxaa la guda galay doorashadii madax waynaha taas oo
loo habeeyay inay u dhacdo si cadaalad ah ergooyinkana u ar kayeen inay tahay
cadaaladu waxa kaliya ee soomaali maanta isku duubnideedii soo celin karta.
Waxaa madaxwaynaha dalka soomaaliya loo magacaabay Cabdiqasin
Salad Xasan. cabdiqasin isaga oo u hambalyaynaya
baarlamanka soo maaliyeed ayuu yidhi "waa
mahadsan yihiin intii i dooratay iyo intaan idooranba " isagoo si
buuxda uga guulaystay musharaxiin tii kale ee la tartamaysay
Cali Khaliif Galaydh
Run ahaantii intii nasiibka u yeelatay inay ummadooda
shirkaa usoo wakiisheen xilna u dhiibteen waxay fursad u haysteen:-
- -Taariikh cusub horseed u noqdaan
-Wixii hore u qaloocday toosiyaan
-taariikhdana ku galaan kuwii soo celiyey sharaftii
dalkooda.
Laakiin nasiib xumo ma dhicin inay ka faa'iidaystaan
dadkoodana u faaiideyaan kuwii la doortay .
Iyagoo markiiba ku dhaqaaqay soo daabacaad lacago'false
ah oo sixir barar ku riday shacabka dhiban,Iyagoo lunsaday deeqdii la siiyay
umada dhiban ee soomaliyeed,Iyadoo uu dhacay xil isku jiidjiidad dhexdooda
ah,Iyadoo ay burbur iyo ku tumasho ugu dhaqaaqay dastuurka iyo xeerarkii la
dajiyay ee la isku raacay.
Taasi waxay abuurtay in ay ka niyad jabaan shacabkii
taageerada buuxda siiyay,Ergadii iyo barlamankii doortay qoomameeyaan
doorashaday doorteen nimanka ay xilka aysan qaadi karin dusha usaareen.
Cabdiqaasin oo markiiba rabay inuu calamka iyo umada
soomaliyeed ku soo jiito oo uu taageero kaga helo ayuu u magacawday wasiirka
koowaad Cali Khalif Galaydh isaga oo og in uusan xilka ku jiidjiidan
doonin haduu yidhaahdo waa lagaa qaaday xilka madama uu yahay nin waxbartay
aqoon buuxdana leh iyo sharaf intaba.
Kadib showrkii iyo shirqoolki ay dhigeen Cabdala deerow
iyo madax waynihiisa cabdiqasin ay mu'aamarad u xuubsiibteen ,Kadib
markii ay fahmi waayeen ninkan wixiisu wax cadyihiin
aan hooska tuurka iyo faralaabka ka fog.
Labadii xaqdaro ku heshiiya xaqay ku diriraan.
Cabdiqasin markii uu ka soo jeestay Cali Khalif Galaydh
ayuu ula booca isugu tukubeen isaga iyo Deerow.
Cabdiqasin oo sidii Galaydh ee odayaysneed ee uu xilka
iskaga wareejiyay isaga oo ka filaya taa mid lamida Deerow inuu sameeyo xilkana
u dhiibto nin ka firfircoon oo dar dar cusub qaba .
Balse taasi ma dhicin oo Deerow waa aqbali waayay
kamana dhiigaysan xilka loodhiibay ee uu mudada gaaban yahay ee sadexda sana
kudhow isaga oo uba haysta inuu hayay sadex cisho.
Deerow isaga oo dhaga naban ayuu iskula siidaayay
dhanka cabdiqaasin sanqadhiisu ka xigtay , cabdiqasina orod ayuu is xaabiyay
isaga oo leh "war laxdu sow na cuntee "
bye darwiish_yaare
darwiish_yaare@hotmail.com
»
Ma'xal
u Raadinbaa mise Abaalmarin la gudoonsiinayo [Darwiish]
Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku
saxiixan, kana tarjumi maayo aragtida SomaliTalk.com
Faafin: SomaliTalk.com | June 19, 2003
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|