SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO
DIBIN DAABYADA UU KU HAYO QARAN NADIIF AH QALINKA GURACANI

FAAFIN: WWW.SOMALITALK.COM

Hassan Salahudin | hassanabdillahi@hotmail.com | Leicester, Uk.

KAAH

Waxaa mahad iyo amaanba mudan maamulka shabakada wararka ee somalitalk oo inta aan akhrinayey aan si weyn uga dareemay inay dhex ka yihiin aragtida iyo qoraalada kala mabda ‘a iyo fikradaha xambaarsan ee ay akhristiyaasha iyo qorayaashu ka soo gudbiyaan daafaha kala duwan ee dunida.

Qalinka iyo warqada isuma qaadan waayadan oo dhan iyada oo tan iyo caruurnimadaydii ay saxaafadu ahayd hiwaayad iyo balwad maskaxdayda ku dhereran waxase igu qaaday qormada maqaalkan maanta ka dib markii aniga oo dhex mushaaxaya bogaga habaysan ee shabakada somalitalk aan isha ku dhuftay maqaal DUX LA’AANTA DAWLADA CUSUB EE DAWLADA RIYAALE IYO DIBINDAABYADA DADWAYNAHA, waxa wax lala yaabo ah ciwaanka maqaalka oo sida muuqata aanu qoruhu si habsami leh uga fiirsan bal u fiirso erayga DUX LA’AAN, wuxuu eraygaas oo si fufud afka yarkaa uga soo baxay sharaf dhac weyn ku yahay masuuliyiinta, aqoonyahanada iyo wax garadka miisaaman ee lagu soo daray dawlada cusub ee madaxweyne daahir riyaale kaahin magacaabay dhawaan.

HADALKU INTA UU UURKAAGA KU JIRO AYUU AMAANADAA YAHAY, waa sababta aan akhristayaasha Somalitalk ugu soo bandhigay ciwaanka maqaalkaygan DIBINDAABYADA UU KU HAYO QARAN NADIIF AH QALINKA GURACANI.

Diridhaba oo kali ah maaha ee waxa waayadan dambe soo batay dhalaan caado ka dhigtay inay qalinka iyo warqada isku dul saaraan wax dhaleecayn iyo eedayn oo gabi ahaanba ay maskaxdooda iyo maankoodaba ka maqantahay sidee wax lagu toosiyaa loona dhiiri galiyaa waxa la dhisaym, waxa tusaale kuugu filan xarumaha ay soomaalidu ku leeyihiin mareegtada Internetka oo inyar mooyaane inta badani ay mataalaan qabiil iyo qab qab layaal dagaal.

Diridhabow sidi sididaada mooyee dhul-dhacaaga hubso....
Qore: cabdillaahi faarax cabdi
 

Saxaafadu maanta caalamka waxay maraysaa inay noqoto hub la adeegsado kan ugu khatarsan oo wax yar oo aan waxba ahayn ayaa lagaaga dhigi karaa wax weyn marka uu gacanta ku dhigo ma naxe sita qalin guracan oo aan jeclayn habsamida ay ku socoto dhisitaanka dawladiisa. 

Dawlada uu dhisay madaxweyne daahir riyaale kaahin markii aan akhriyey liiska wasiiradiisa waxay intooda badani iila muuqdaan inay yihiin aqoonyahano miisaan culus leh oo xilal kala duwan ka soo qabtay dawladii isaga ka horaysa mid walbana uu gudan karo booska loo igmaday(Right man for the Right position), ilaa hada ma garan karo sababta uu yarku u adeegsaday eray sidan u culus Dux la’aan iyadoo ay Somaliland maanta hayso dhabihii ugu haboonaa ee ay u mari lahayd dawlad dadka oo dhan matasha una soo jiida ictiraaf caali ah.

Ugu dambayntii waxaan uga digayaa saxafiyiinta da’yarta ah ee soomaaliyeed ee soo koroya walina sita qalinka iyo buuga inay digtooni xad ah ka muujiyaan qormooyinka ay ku soo bandhigayaan shabakada Internetka, wargeysyada iyo meelkasta oo wararka faafisa, waayo hadii uu qalinku leexdo wuxuu dibindaabyo weyn u keeni karaa helitaanka qaran nadiif ah, qalinka oo kaa guracda sida uu wax u baabin karo waxa tusaale kuugu filan dhacdadii ka dhacday wadanka Nigeria dhawr bilood ka hor, ka dib makrii masiixi reer Nigeria ahi uu ku soo qoray Wargeyska THIS DAY, erayayo dhaleecaynayey Nabi Muxamed(NNKH) erayadayadaas oo kiciyey dareenka shucuubta muslimiinta ah ee ku dhaqan wadanka Nigeria aakhirkiina waxay sababtay geerida boqolaal qof oo reer Nigeria ah, waa hadal yar oo wargeysa lagu soo qoray.

Hassan Salahudin,

email: hassanabdillahi@hotmail.com  ama xasanguray@yahoo.com

Leicester, Uk,


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

 
Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qoraaga ku saxiixan, kana tarjumi maayo aragtida SomaliTalk.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 19, 2003

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]