SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

John iga hoo jawaab

YUUSUF CABDI SAHAL
Yuusuf Xiddig.
yussuf_hiddig@hotmail.com

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

BISMILAAHI RAXMAANI RAXIIM.

Ilaah baa mahad leh, nabad gelyo iyo naxariis Eebe korkiisa ha ahaato midka u sharfanaa uguna danbeeyay Rususha iyo Nabiyada Eebe Muxammed(nnk).

Buuryaqab yahow been baad baahisoo, buur iskula saartee, banyaankan iga hoo.

Ilaah kaliyaan leenahoo ah kan koonkan iyo kuwa ku nool abuuray, naguna leh sujuudoo mid asaga ka soo haray ama kaafir sidaada sujuudi noogama suuroowdoo, waa wax uu kuu sawiray caqligaaga sacsaca ahoo, salaan uu mid silloonoo saaxiib kaa dhigtay kuu taagaa sujuud la meel dhigtoo, u maleyn inay siman yihiin. Intaan dunidaan ku noolnahay silic iyo saxariir walboon marno, sujuud iska dhaafe inaan kuu soo rujuucnoo, na saamax ku niraah hanaga sugin.

Duni baad ku faantoo, darajaan ka gaaroo, diyaaradaa ii duuloo, daaraan is dul saaroo, dabaashaa baddahaa dushoodoo, deeqaan leeyahaan tiriye. Maad dareensanide dusheeda imisaa laguugu deyn? lixdan laba ku dhufo, waa boqol iyo labaatan sano. Nabi Nuux(nnk) oo degenaa dusheeda kun konton sano dhiman baa yidhi " guri aan albaabkan ka soo galay oo kan kale uga baxay iigama duweneyn". Daari waa mida aaqiroo, aan ugu shaqaysaneynaa midaan, midigteenana midaasaan ku haysanaayoo, maalin aan qadnaa iyo macluul mar na soo martaa midna nama saameyneysoo, Macbuudkeenaan ku naqaan.

Cakuye caqli xumidaa, cilmi baad sheegatoo, caqliggaan noqotay, maad qaadan xaqiiqda waxaad baratoo, mayna kugu hoggaamin hanuunkii. Ee ii sheeg cilmiga waxaad ugu yeertaan maanta meeluu ahaado, miyaadan ogaanin inuu jiro wax waxaad barateen ka sareeya oo maamula, maalinbana maalinta ka danbeysana ay idiin soo cadaaneyso awoodaasu, natiijadii waxaad baratay kaaga soo baxday waad inkirtoo, tacab qasaar noqotay. Meeshaad ka ahaan lahayd midka u horeeya ee rumeysta xqiiqdaa, baad noqotay midka u horreya ee diida.

Cilmiguna waa inuu kugu hanuuniyaa uun Allaha Awooda leh ee Abuuray oo maamula koonkan iyo kuwa ku noolba, kaasna waad inkirtoo beenisay.

Afkaad furatoo, awood baad sheegatoo, hub baan haystaa, wax buu halaagaa, oo haadi duuli maayo tiriye. Aragti baa noogu kaa laabane, asalka miyaa tabar iyo taag naloo sheegtaa?.

War tiro iyo tayo kuma dagaalanoo Towxiid iyo tii Allaan u dhimanaa. Ee intaad Towxiidka diidan tahay, tub walbaan tacshiirad kuula taaganahoo. Marna taagtaa marna tabartaa, ee maxaad naga tari kartaa?

Sidan ayuu u hadlay Mr John [I.Y.]
 

Hub baan ku siiyoo isku halaagtaa haddaad tiri. Horta habaar qabe aad marin habaabisay iyo hulqe hunguri wadaa hawiray dadka iyo dalkoo, waan looga daba yimidoo la badbaadin maatadee. Ee yaad haddana hor kiciyoo heeryadaada saaran, ileyn hadoodilidaadii, hagardaamadaadii, hargaamodaadii iyo hafaryodaadii aragnaye.

Deriska maad deynoo la dagaasheen tiriye, war dowddar dabadhilifa maan nihin, ee waa darisaan na darajeyneynoo, dadkaayaga ku duulaana, oo dulli iyo daayac nala doonaya. Oo inana waa inaan u duubanaayoo, u diyaarsanaa dabkeena intuu dabintaa noo maleegayo.

Dibadaa u soo cararteenoo, waa taa aad daafaha dowladahayga daadsan tihiin tiriye. Dadku dufaysane dawarsanaaya ma wada ahoo, duul damiirloo doonaaya dibindaabyadaadaa jira.

Raba inay ku darsaanoo, diyaar u ah inay danahaad dalka ka leedahay iyo dibusocodyadaad wadato dadka u cadeeyaanoo. Dersi lama ilaawaana siinaaya da'yartoo, daadaheynaaya duul dulqaad leh, ee durqunka maanta jira, how maleen inuu waligii jiri, dersi baan ku qaadanoo dareenkeenu kor.

Xadaaraan lahaayoo, xoolaad raaci jirtey tiriye. Xogta aan kaaga warramo illeyn ma xusuusatide, xilli aad xaaska, xoolaha iyo xaarkiinu isdhex jiifteen, oon ku barnay xeyndaab in xaaska loo sameeyoo, xoolahana xero loo dhisoo, xamaamna xaajo loo tago, ee xamdinaqaagii ma xagxagashuu noqday.

Maan ku soo gabagabeeyaa.

Allaan rumeynoo, Rasuulkiisaan qirnoo, Risaaladiisaan raacnay. Daarina waa mida aaqiroo ayadaan u darbanaa, duni baan na dageynoo, naloo kaga digay. Ee u degdegtaa, u dafdafleysaa, duni daaraan degeynoo ma ahoo aan darajeyneyno.

Waa

YUUSUF CABDI SAHAL

Yuusuf Xiddig.

yussuf_hiddig@hotmail.com

Ereyadoon idiin fududeeyo.

  • Rujuuc: u soo noqosho
  • Hulqe: (qof) wax matare
  • Hawir: wax liita ka dhigid
  • Hadoodilid: dhis tabar yar muuqaalkana la moodo inuu roon yahay
  • Hargaamo: nac qarsoodi ku jiro oo cid wax loo yeelo
  • Hafaryo: qof wax aan la siin la yiraado waa la siiyay
  • Dowddar: aan dantiisa illaalin
  • Dufaysane: alle doori
  • Xamaam: musqul

Sharci Allaah Diide Sharaf ma laha [Xiddig]

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 14, 2003

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]