SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Af-lagaadada Culumada iyo Shaafici

Qore: Daahir muxammed cali (Baasto)
dareerto2003@yahoo.com

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

 

Cudur daar:waxaan uga cudur daaranayaa qoyska reer sheekh cabdille xasan oo ah qoyskii sayid max’ed cabdulle xasan ee ku kala fidhidhsan dunida daca ladeeda inay ii cudur daaraan haddii ay ka xumaadaan ka hadalka arinta sayidka,waayo waa suurto gal inaysan raalli ka ahayn,anna aanan xog-ogaal u ahayn.ninka xumaan doonaya cidina cudur daar weydiisan uu maayo,qofkase sidayda oo kale ay dhibayso ka been sheegidda iyo dhalan rogidda taariikhda sayidka iyo guud ahaan waxyeellaynta culumada sharafta leh iyo dadka aan hadda noolayn een is difaaci karin wuuu ku khasbanyahay inuu cudur daar weydiisto ciddii uu is leeyahay si gaar ah ayay arintaas u taabanaysaa,sidaas si la mid ah ayaan cudur daar u weydiisanayaa cid kasta oo uu qoraalku taabto ama tilmaamo wax iyada ku aadan.

Dad badan oo isugu jira dhallinyaro iyo dad waaweyn ayaa meel isugu yimid,waxayna wax iska weydiiyeen maqaal uu qoray nin leh saddex magac oo quruxsan shaafici xasan max’ed oo ay aad u kala duwanyihiin magaciisa,cunwaanka uu astaanta uga dhigay maqaalkiisa oo ah Wadaaddadu ma Dad baa Mase Waa Diin? iyo waxa ka dhadhamaya uurkiisa oo ay caddayn u tahay sharaxaadda uu bixiyay.

Cilmigu waa intuu Alle yidhi,intuu rasuulku yidhi(swc)iyo wixii dhaqan ahaan looga soo gaadhay asxaabta,wixii intaas kasoo hadha waa aqoon farsamo oo aysan noloshu ka maarmin,ninkeedase aan lagu tilmaami karin mid wax yaqaanna haddii aysan aqoon diineed u wehlinin,waana taas midda sababtay mudane shaafici oo sida qoraalkiisa ka muuqata isu arka aqoonyahan in ay maskaxdiisu keeni weydo magac ku aadan maqaalka uu ka hadlayo.

Dadkii arinta ka faallooday ninba wax gooni ah ayuu ku tilmaamay shakhsiyadda walaalkeen shaafici,ilaa ay qaarkood gaadhsiiyeen meel aan munaasab u ahayn qof wata saddex magac oo noocaas ah.

nin baa yidhi,aabihiina gabay buu diin u yaqaanay,isaguna in aysan waxba uga bilownayn sida uu u hadlay ayay ka muuqataa.

waxaa dadkaas ka mid ahaa saddex dhallinyaro ah oo ay sheekh cumar faaruuq isku qoys yihiin,midna uuba abti u yahay,waxaan dhallinyaradaas si gaar ah u weydiiyay hal su’aal ah oo ahayd: maxay idiin la muuqataa af lagaadada culimada loo gaystay?.

Kii 1:aad wuxuu yidhi:nin walbo wuxa uu aabihii iyo awoowayaashii ka soo gaadho ayaa u ah dhaxal sugan iyo dhaqan wanaagsan oo saldhig u noqda noloshiisa oo dhan, ninkanna in uusan aabihiis aqoon diineed ka dhaxlin way muuqataa,waxa uu ku hadlayna wax kasoo qaad malaha..

Kii 2aad: oo ahaa ninka ay sheekha walaashiis dhashay ayaa yidhi:waxaa su’aashaas ka haboonayd in aad na weydiiso maxay culumada soomaaliyeed ee qof iyo qabiilba leh sheekh cumar faaruuqna ka midka yahay uga fogyihiin kaalinta hoggaaminta soomaaliya?.

Asagoo hadalkiisii sii wata kana jawaabaya isla su’aashii uu isagu soo jeediyay ayuu yidhi;kitaabkii alle ayaa kaalinta ka fog,sidaas daraadeed dadkiisana kaalinta way ka fogaanayaan, af lagaadada uu culamada u gaystay shaafici waxa ay qayb ka tahay dagaalka lagula jiro kitaabka ilaahay iyo dadka xanbaarsan,ninkaasna dadka aragtidaas ka duulaya ayuu ka mid yahay,arintiisana waa war la qabo xiiso ma leh.

Kii 3aad: ayaa yidhi:ma doonayno in nalaga dareemo dhaqanka qabyaaladeed ee ka muuqda ninka qoraalkan sameeyay mid la mid ah,jawaabna waxaa ugu filan intii ay dad badan yidhaahdeen,sheekh cumarna waa sheekh soomaali,waana sheekh islaam.dhamaad.

Marka aad wax qorayso waxaa loo baahanyahay,in lagaa helo waxyaabo lagama maar maan u ah wax qorista sida:

-in aad tahay nin dhexdhexaad ah arintiisana ay aragti ku egtahay.

-in aad leedahay aqoon kugu filan oo sahasha in aad ka badbaaddo gabi dhac waxyeelleya kalsoonida qoraaladaada oo dhan.

-in aad xog buuxda ka hayso waxa aad ka hadlayso si muuqaalka iyo dhadhanka qoraalku u noqdaan kuwo macaan soo jiidashana leh.

-in shakhsiyadaadu u muuqato mid sharaf leh ,edebna badan si ay u badbaaddo kalsoonida ay dadku ku qabi karaan qoraalkaaga.

Geesi waa ninka aan xaqa ka waabanin runtana sheega,waxaa tilmaantaas ka duwan ereyga Haamaan oo la wada garanayo,soomaaliduna ay u isticmaasho ninka wax is dabo marinta badan ee runta ka durugsan,ama haddii si kale loo yiraahdo turufatooraha ah.geesi iyo haamaan waa labo erey oo leh macne kala duwan oo aan isku meel gali karin.in labadaas erey uu hal tilmaan ah u wada adeegsado,waxa ay muujinaysaa inuusan mr:shaafici aqoon u lahayn erey bixinta luqad ahaan ay dadkiisu adeegsadaan.

Sayid max’ed c/lle xasan,wuxuu ahaa halyeey soomaali ah,muslim ah,geesi ah oo aan qawl jilicsan la qaabilin gaalada iyo gaalo raacyada.wuxuu ahaa nin ka danqaday in uu weheshado dhaqan xumo ay gaaladu ku wadday dadka soomaalida ah,taasoo ay dugsanayeen kuwo badan oo uu walaalkeen shaafici hadda u arko inay wanaagsanaayeen.waxaa hubaal ah inuusan sayidku iska dhigaynin nin diini ah ee uu ahaa caalim si aad ah wax uga bartay culuumta islaamka,iyadoo ku dhaqankeedana uu qayb muhiim ah ka ahaa noloshiisa qofeed.

Markii uu dalka yimid ee uu arkay dhaqanka xun ee ay wakiilada kaniisaddu ku fidinayeen bulshada soomaaliyeed dhexdeeda,ayuu qaatay go’aan ah in uu la dagaalamo gaaladii isticmaarka ahayd ee ka danbaysay saldhigana u ahayd ololaha dhaqan badalidda iyo diin baabi’nta ee lagu waday shacabka soomaalida .

si ay arintiisa ugu suurto gasho sayidku wuxuu abaarihii 1897kii kasoo anbabaxay magaalada barbara isagoo ay la socdaan koox culumo ah oo aragtidiisa mid la mid ah qabay,wuxuuna salka dhigtay ceelka lagu magacaabo qoryo weyne oo burco agteeda ah,isla markiibana wuxuu xiriir degdeg ah la yeeshay qaybo badan oo ka mid ah culumadii islaamka ee kale ee deegaanka joogtay.tashi dheer kaddib wuxuu sayidku culumadii si kama danbays ah ugu bandhigay in uu jihaad islaami ah la gali doono cadawga islaamka ee dalka jooga.

Tallaabadii xigtay ee uu qaaday waxay ahayd,dhisidda ciidankii ugu sharaf badnaa taariikhda soomaalida ee lagu magacaabi jiray daraawiish,arintaas oo taf ka nax iyo anfariirba ku noqotay qaybihii isticmaarka soomaaliya haystay iyo dhogor ka soomaligii qawl iyo ficil labadaba kala jiray .

Muddo yar kaddib,wuxuu sayidku si kama danbays ah ugu dhawaaqay jihaadkiisa ku aadan gaalo iyo cawaankeeda.

dadkii soomaalida ahaa waxay u qaybsameen wax sayidka iyo daraawiish raacay,wax isticmaarka raacay iyo wax aan labada dhinac midna ku biirin ee dhex ku bari noqday.daraawiish waxay ka codsatay dadka aan doonaynin inay ka qayb galaan jihaadka daraawiish hoggaaminayso,inay bixiyaan ballan qaad ah inaysan gaaladana u kaalmayn doonin,daraawiishna amaan galin doonaan taasoo ay ogolaadeen .sayidku wuxuu caddeeyay in ciddii badbaadisa uu isna amaan galin doono,ciddii jihaadka uu wado horistaag ku noqotana uu iska celin doono,si toosan iyo si dadban midka ay noqotaba,sidaas ayuuna ku tallabo qaaday,dhaqankeedana yeeshay.

waxaa in la cadeeyo mudan qaabka ay daraawiish ku dagaalamaysay inuusan ahayn mid dimuqraadi ah oo falsafad calmaani ah ku salaysan,ee uu ahaa mid lagu hagayo nidaam diini ah,oo leh ujeeddo cad oo ku qotonta kitaabka alle iyo sunada rasuulka(swc),sidaas daraadeed uusanba jirin khayaar kale oo u furan qofka ay islaamnimadiisu dhab tahay,damiirkiisuna uu wanaagsanyahay.waxa lala dagaalamayay waa gaal,waxa la dagaalamayayna waa dad muslim ah,sababta dagaalka dhalisayna waxay ahayd dad muslim ah oo lagu xad gudbay milkidoodii,caqiidadoodii iyo waliba waxyaabahoodii xurmada mudnaa,intaasoo arimood waxay xaqiijinayaan inaysan meesha oolin fikrad qofeed oo waxna lagu kordhin karo,waxna laga dhimi karo,ee ay arintu tahay jihaad ku waajib ah qof kasta oo iimaan islaamnimo oo adag leh,deegaankana ku sugan.

Dad badan oo qof iyo qabiilooyinba leh ayaa kasoo horjeestay jihaadkii daraawiishta,iyagoo ka duulaya nacaybka dadka soomaalida ah ee ilaa iyo hadda aan la garanaynin waxa uu ku salaysanyahay,meel uu ka bilowdo iyo meel uu ku dhamaado midnaba,iyo waliba gaalo jacayl ay qabeen dadkaas oo aan aqoon diineed lahayn, waxayna si toos ah ula safteen gaaladii lala dagaalamayay,iyagoo si maaddi iyo macnawiba leh ugu xad gudbay hawl galkii daraawiishta.

Dadka sidan yeelaya waxa ay gar inay isku siiyaan ka hor imaadka daraawiishta ku heli lahaayeen ,haddii markii horeba ay la kulmi lahaayeen meel ka dhacyo ay sayidka iyo ciidankiisu galeen,amaba waxa ay wax ku qiyaasayaan uu diinta raad ku leeyahay. Intaas midna ma jirin ee waxa ay doonayeen inay gaalka danihiisa meel mariyaan maadaama uu garab iyo gaashaanba u yahay fikirkooda danaystanimo,waxa ayna diidanaayeen in uu soo baxo mas’uul soomaali ah oo u ololeeya la dagaalanka isticmaarka si looga dhiciyo xaqa rasmiga ah ee shacabka soomaalida ,iyagoo u arkay dagaal lala galo isticmaarka in uu dhaawacayo isla markaana burburinayo danahooda gaarka ah ee aysan cid kale la wadaagin.

Waxay su’aashu tahay dadka labo kooxood oo midna muslim tahay tan kalena masiixi tahay oo dagaalamaya la saftay tii masiixiga ahayd iyagoo waliba islaamnimo sheeganaya maxay ku sifoobayaan?.daraawiishtuse xaq ma ku ahayd inay iska difaacdo dadkaas gaalada lasoo weerar galay?.in kasta oo masa’ladu diini tahay aana jeclahay in aan u dhaafo tafaasiisheeda culumada aqoonta u leh,haddana marka aan fiiriyo waxa ay daraawiishtu u dagaalamaysay iyo kuwa kasoo horjeeday ee gaalada garab siinayay waxa ay ujeedadoodu ahayd,waxaan caddaynayaa inay daraawiish xaq u lahayd iska dhicintooda,taasoo meesha ka saaraysa fikirka shaafici ee ah in sayidku intuu dad aan danbi galin gaalnimo ku xukumo iska layn jiray xoolahoodana dhici jiray,iyadoo hadalka ninkaas odayga ah uu u muuqdo mid salka saaraya cadho ka dhalatay arin xilligeedii lasoo dhaafay muddo dhan (83)sideetan iyo saddex sanadood.

Sayidku wuxuu ahaa nin dadka qof walbo garashadiisa heerka ay taagantahay kula ahadla,wuxuu ahaa gabyaa aan gabay lagaga dabo dhufsan,cid kasta oo ay arimaha jihaadka isku jiidhaana tilmaanteeda suugaan ugu sheega.in asaga la amaano wuxuu ka jeclaa in gabay lagu sheego guulaha daraawiishta,wuxuu ahaa deeqsi si laab furnaan ah u garab qabta ciddii ay meel wax isla dhigtaan iyo cid kasta oo tabar daran.

Jumlada uu shaafici ku sheegay in sayid max’ed cabdulle xasan iyo max’ed siyaad barre xukun jacayl ka sinaayeen waxaan u arkaa inaysan meesha ku jirin,caqligana ka fogtahay,waayo xilligii sayidka xukun iyo wax la xukumo midna majirin,waxaase taallay mashaqo dhib badan oo cid qaabili kartay ay yarayd taasoo ahayd in laga hortago qorshe ay wadatay dawladdii xilligaas dunida ugu awoodda badnayd,sayidkuna isaga oo ay u qiyaasantahay dhibaatada qof ahaan kasoo gaadhi karta mashaqadaas aan soo sheegnay ayuu u badheedhay muhimadaas culayska badan leh.intii uu dagaalka ku jiray wuxuu diiday ballan qaadyo badan oo ingiriisku si gaar ah ugu fidiyay,taasoo ku tusaysa in ujeedadiisu ay ahayd wax noqoshada dadka soomaalida ah iyo badbaadinta xuquuqdooda.

Baniiaadamku inuu khaldamo kama dhanna isagoo wanaag u jeeda,waana hubaal meel haddii ay hawl ka socoto in uu khalad badan ka dhacayo,wixii gaf ahaa ee dhacay mudadii ay daraawiish hawlgalka jihaadka ku jirtay iyagoon lagu talo galin ma noqon karaan kuwo lagu tirtiro taariikhdooda wanaagsan iyo dawrkii mudnaanta lahaa ee ay ka soo qaateen casriyaynta nolosha dadka soomaalida ah.wax kasta waxaa ka waynayd inay wanaag doonayeen naftoodii qaaliga ahaydna hureen ,taas ayaana qof walbo oo arintooda ka hadla waajib kaga dhigaysa inay dhanka wanaagsan ka cabiraan. ma jirin wax sabab ah oo ay dadkaas ula dagaalamayeen sayidka oo aan ahayn islaamnimadiisa iyo wanaagga uu garanayay.barnaamijkii dheeraa ee ay dad badan kula safteen isticmaarkii soomaaliya haystay wuxuu aakhirkii sababay in la jabiyo daraawiish,natiijadiisiina waxay ku gabagaboowday daraawiish iyo dadkii raacay oo sharaf iyo taariikh wanaagsan la galbaday iyo wixii gumaysiga u kaalmaynayay oo ay u diiwaan gashay taariikh xumo ay shalaytana ka danbaysay kuwaasoo ay ka mid ahaayeen:ingiriis iyo soomaalidii u kaalmaymaysay,talyaani iyo soomaalidii u kaalmaynaysay, itoobiya,garaad max’uud cali shire,suldaan cali yuusuf keenadiid iyo boqor cusmaan.marka hadda ma suuroobayso in dib loo soo celiyo wax horay u dhacay,sunada kowniga ah ama qaanuunka dabiiciga ah midkoodna ma suurta galinayo arintaas.haddaba waxaa wax taariikhda galay noqotay halgankii sayidku hogaaminayay jabkii uu ugu gaystay isticmaarka goobihii badnaa ee ay iskaga hor yimaadeen goobahaasoo ay ka midka ahaayeen ama ugu muhiimsanayeen jidbaale,fardhidin,cagaar weyne,beerdhiga,daratoole,ruugga,af-bakayle,diyaaraddii, iyo tilmaanta uu u noqday dhaqdhaqaaqyadii siyaasiga ahaa ee ururadii kala ahaa SYL iyo SNL ee ka kala abuurmay woqooyi iyo koofur soomaaliya sanadihii 1940aadkii,kuwaasoo ku guulaystay dhalinta jamhuuriyaddii ugu horaysay ee ay soomaali yeelato sanadkii 1960kii.

Wax kaleba iska daaye caafimaad darada heerka ay ka gaadhsiisantahay saaxiibka maqaalkan qoray,wuxuu isku dayay inuu indhaha faraha ka galiyo taariikhda suugaanta,kaddib markuu damcay in uu dhalan rogo gabay uu sayidku tiriyay,kaasoo uu ku soo qaatay maqaal kale oo uu ugu magac daray BBC iyo cali samatar.gabaygu asalkiisu wuxuu ahaa:

Muxajabad daboollayd wuxuu gaal u dukhuulaayay.

Daba toobka iidoor wuxuu darayay caadhkiisa .

Gabdhahey dillaacsheen wuxuu dhiiggu diliqleeyay.

Wuxuu u badalay gabaygii:

Muxajabad daboolayd wuxuu gaal dukhuulaayay

Caarkii dahaarnaa wuxuu dubuq ku siinaayay.

Gabdhahay dillaacsheen wuxuu dhiiggu dibiqleeyay.

Taasi waxa ay ku tusaysaa in mr:shaafici uu yahay nin ku socda il adayg garasho oo dhan ay ka madhantahay,waayo dhacdooyinka taariikhda wanaag iyo xumaan mid looga dan lahaaba cidi ma badali karto,xatta haddii ay adiga wax qoraya kugu jabanyihiin,waxaana kuu wanaagsan in waxyaabaha taariikhda ku lug leh ee kaa horeeyay aad sidooda u dhaafto,maadaama aad tahay nin wax qoraya.waxaa kale oo qoraagu ku xad gudbay dareenka uu ka muujiyayay markuu kadlayay max’ed siyaad.

Qofka marka aad wax ka qorayso waxaa la doonayaa in aad wanaagiisa iyo xumaantiisa labadaba sheegto si aad caddaaladda ugu dhowaato.

Max’ed siyaad barre marka 1aad wuxuu ahaa nin soomaali ah,marka 2aad wuxuu ka mid ahaa madaxweynayaashii soomaaliya soo maray,isagoo ahaa kii ugu wakhtiga dheeraa.wuxuu ahaa nin miyi ku koray sida soomaalidu u badantahay,markii uu magaalo soo galay wuxuu noqday askari la shaqeeya dawladihii isticmaarka.ma uusan ahayn nin aqoon diineed leh,taas ayaana sabab u ahayd gafaf badan oo diinta iyo dadkeeda laga galay xilligii uu madaxtooyada dalka u sareeyay.marka meel layska dhigo maamul oo aan wada qirayno khaladaadka jiray,qof ahaantiisa wuxuu ahaa nin aan dadkiisa iyo dalkiisa midna necbeyn,horumarkoodana jecel sida aragtidayda ah,waxa ay dad badan hadda ku dhaliilayaanna uu yahay maxaad u difaacday jiritaanka dawladnimo ee soomaaliya ee ay duullaanka ku ahaayeen kuwa danaha gumaysiga fulinayay.in la difaaco jiritaanka soomaaliya waa meesha ay isaga yimaadeen ama iska shabaheen max’ed cabdulle xasan iyo max’ed siyaad barre.marka aan fiirino dhaqanka ay la yimaadeen ururadii isaga dagaalka kula jiray iyo siyaasiyiintoodaba,waxaa noo soo baxaysa in General max’ed siyaad barre uu difaacayay qaran soomaaliyeed oo dhismihiisu dhamaystiranyahay,sharciyaddiisa la aqoonsanyahay,afrikada bari oo dhanna ugu awood badan.kuwii uu danta umadda ka hor taagnaana waa kuwa qaarna xero nirgood qaranimo ka raadinayaan,qaarna dhan ay u jeedaan wax ay rabaan iyo wax ay diidanyihiin ilaa iyo hadda la garan la’yahay.gafka diineed ee uu qofku galo waxaa wanaagsan in lagala taliyo oo ay kala taliyaan kuwa isaga wax u sheegi karay ee ay doonta wada saaraayeen,mase habooneyn inta isagii diinta laga saaro in la bannaysto la dagaalankiisa sida ay ku dhaqaaqeen kuwii mucaaradka sheeganayay.max’ed siyaad rubuc iyo sudus midna ma aqoonin,waxaa dhibaatadaas ka masuul ah kuwii culumo ayaa nahay lahaa ee u yeeriyay waxa uu ku hadlay,kuwaas ayayna ahayd in lagu aadiyo eedda max’ed siyaad loo jeedinayo,haddiibase ay jirtay dhibaato uu dalka ku hayay lana ogaa inay ka badantahay midda ka dhalan kartay ka hor imaadkiisa maxaa laysaga dayn waayay ileen labo dhibaato oo kula wada siman tii fudud baa la qaataaye,kuwase isaga ka soo horjeeday marka sidaas wax loo taxliiliyo sow isaga inuu dadaka iyo dalka u dhaamay ma muuqato?,.ereyga jihaad oo ay adeegsan jireen ururadii ay Ethiopia ku danaysanaysay,wuxuu leeyahay macne cad iyo shuruud lama dhaafaan ah oo kooxda dhamaystirta la dhihi karo jihaad ayay ku jirtaa,dadka godka uga hoydayna ay shuhado noqonayaan.mucaaradkii kasoo horjeeday dawladdii soomaaliya ma aysan ahayn kuwo diin u dagaalamayay dadka ay la dagaalamayeena gaalo ma ahayn,waxaana dagaal galinayay col:mangistu haile mariam oo ah gaal shuuci ah oo ay meel adag kaga dhaganayd nacaybka diinta islaamka iyo dadka soomaalida ee u nasab sheegta labadaba,marka cid jihaadaysay iyo mid lala jihaadayay midna ma jirin,haddiibase wax la baadhbaadho kuwa dawladda ay dagaal galinaysay ayaa qiil uga dhow mucaaradka,waayo wax badanba haka khaldanaadeene,waxay ahaayeen dad xayndaab islaam ka duulayay, dad iyo dal islaam ahna difaacayay,iyaguna arinsanayay.waxaa intaas dheer oo iyadana jirta,

Markii ay dhacday dawladdii soomaaliya,madaxdii ururkii SNM waxay ku dhawaaqeen inay ka goosteen dalka intiisa kale, go’aankaas oo meel ka dhac ku ah islaamnimada iyo soomaalinimadaba labadaba,taasoo caddaynayasa inay ahaayeen dad fursad u helay wax in badan laga hortaagnaa,waxayna markiiba samaysteen maxkamado aan sharci ahayn oo iyaga u gaar ah,kuwaasoo xukumayay laynta dadka soomaalida ah.waxay gumaadeen dad aad u tiro badan iyaga oo hal hays ka dhiganayay wax ay ugu yeedheen faqash,falkaas oo maalin aan fogayn laysaga dabo imaan doono waxna layska waydiin doono haddii ilaah yidhaahdo.

dawladdii jirtay waxa ay la dagaalantay mucaaradka iyo wixii taageersanaa in kasta oo aan meesha laga saaraynin in dawladdu ay waxyeeleysay dad badan oo aan waxba galabsanin qaybaha soomaali oo dhan,haddana SNM markii ay woqooyi qabsatay,waxay la dagaalantay soomaali oo dhan oo aan kala reeb lahayn,marka maba jirto wax sabab ah oo ay wax kaga sheegi karaan maamulkii dalka ee hortood jiray .waxaase dhanka kale wax lala yaabo ahayd,markii uu madaxweyne max’ed siyaad geeriyooday,madaxdii ururada siyaasadda qaar way ka tacsiyadeeyeen sida mudane cali mahdi max’ed,qaar way ka aamuseen inta aan ogahay sida marxuum general max’ed faarax caydiid.marxuum max’ed xaaji ibraahim cigaal oo ah mid ka mid ah ra’iisul wasaarayaashii soomaaliya, danbigii la ogaa ka galay NFD,daka soomaalida ee ay Ethiopia gumaysatana intuu gacmaha ka wada xidhay cadwgoodii u gacan galiyay,warqadda la ogyahay ee uu ku sheegayo waxyaabo badan oo meel ka dhac ku ah sharafta dadka woqooyi daganna u qoray ra’iisul wasaarihii geeriyooday ee israel isxaaq raabiin,markii wax laga weydiiyay geeridii madaxweynihii hore ee soomaaliya max’ed siyaad barre,wuxuu ku jawaabay bag,baga baga,haddaan awoodnana fantasiye ayaan qaban lahayn buu yidhi.hadda mr: cigaal wuu dhintaye miyaan dabaal degnaa mise baga baan dhahnaa?,maya ma dabaal dagayno,bagana ma dhahayno,waa masuul soomaaliyeed oo gurigiisii rasmiga ahaa aaday,maadaama aan xog-ogaal u nahay dhibka ay cadaabtu leedahay,waxaan ilaahay u weydiinaynaa danbi dhaaf,waayo soomaalida dhaqan uma laha inay ka aar gudato mayd ku nool caalam hadda inaga baxsan,arintase uu mr: cigaal muujiyay waxay astaan u tahay fikirka wax walbo nacaybka ah ee ay dhaqanka ka dhigteen madaxda iyo siyaasiyiinta ururka somali national movement(SNM).marka shaafici in uu ka xanuunsado ereyga ah max’ed siyaad allaha u naxariisto la yaab ma laha oo wuxuu la qabaa dad badan.

Markaan u noqdo cunwaanka maqaalka,wadaad inuu dad yahay wax dood ah kama taagna,wuxuu xambaarsanyahay kitaabkii alle,waa dhuuxa bulshada iyo indhaha ay wax ku aragto,meesha qofka caamada ah ee aan diinta aqoonin ay casabiyaddu hagto wadaadka wanaagsan waxaa haga cilmiga iyo cabsida alle.wadaadka wuxuu sabab u noqday inta alle ka sokeysa in umadda soomaaliyeed ay ka badbaaddo halaaggii lala doonayay.gaaladii dalka ku soo duushay markii ay awood u weyday inay shacabka ka furfurto gacanta wadaadka,ayna ku adkaatay inay saamayn ku yeeshaan dhaqankii dadka ee markaa jiray ayay dib isugu noqdeen si ay wax uga badalaan qorshahoodii hore.markii ay sameeyeen daraasad wakhti qaadatay ayna usoo baxday meesha ay dadka soomaalida ah u nugulyihiin ee laga gali karo inay qabiil tahay ayay bilaabeen inay sameeyaan madax dhaqameed ay ugu talo galeen inay ku burburiyaan awoodda wadaadka sida,ugaas,malaaq,boqor,garaad iyo wixii kale ee soo raaca.arintaas waxay suurto galisay in ay ka dhex abuuranto bulshada dhexdeeda labo maamul oo midna dhaqan tahay,

midda kalena diin tahay,ayna kala hoggaamiyaan wadaadka iyo madax dhaqameedka.muddo yar kaddib waxaa la abaabulay dagaallo sokeeye oo uu horseed ka noqday hoggaamiye dhaqameedka oo garashada uu fahmo ay tahay reer iska celin arintaasoo dhidibada u aastay awooddiisa,hoosna u dhigtay saldanadii wadaadka oo isagu aan haysanin awood gadaal ka taagan oo taakulaysa.ugu danbaytii awooddii maamul ee bulshada waxay gacanta u gashay madax dhaqameedkii oo aan waxba ka aqoonin diinta islaamka,isla markaana fuliya danaha isticmaarka.

tallaabadii xigtay waxay noqotay inay tababarro yar yar u furaan caruurtii madax dhaqameedyada iyo wixii kale ee soo raaci karay,tababarkaas oo markii ugu horaysay soo saaray jiil indhaha ku kala qaaday garasho ah waxa kaliya ee suurto galka ah in uu yahay waxa ay gaaladu wadato,wadaadkuna uusan wax hogaamin karin,kitaabkuna uusan nolosha casriga ah la jaan qaadi karin.

Wadaadadu isma dhiibin ee waxay hawshooda u gutaan si xeel xanbaarsan oo ugu danbaynta keeni doonta in arintu wadadeedii caadiga ahayd ku soo noqoto.

Haddaba shaafici oo laga yaabo in uu ku soo hoos koray kuwa gaaladu u taba bartay inay caqligeeda ku socdaan,aragtida uu ka aaminsanyahay wadaadka iyo wadaadnimada ma aha wax xaqiiqda raad ku leh,wuxuuse muujiyay fikrad uu kasoo gaadhay kuwo isaga ka horeeyay.dhaliisha uu dusha kaga tuuray culumadii ka qayb gashay shirkii carta waa aragti ku xidhiidhsan meel isaga ka baxsan,waxaana lagu qanciyay in uu noqdo samaacad la adeegsado oo arintaas gudbisa.

Shirka jabuuti diin ahaan iyo dan ahaan midna khalad uma ahayn,dadkii ka qayb galayna wax dhaliil ah ma mudna,waayo dan umadeed ayay uga turjumeen sidii ra’yi ahaan ula qumanayd.in isku si wax loo arko muhiim ma aha kol haddii caqliga ay aragtidu ka imaanayso si dabiici ah u kala duwanyahay,haddii sida aad wax u aragto loo qaadan waayo macnaheeda ma aha in la khaldanyahay,dhaliisha ninkaas waa wax isaga iyo inta ku fikirka ah iska samaysteen,ee ma aha wax qaabka iyo ujeedada shirka xiriir la leh,dhaqankaasna waa mid ay adeegsadaan dadka ay dacbeecadoodu necebtahay wanaagga iyo waxa wanaagsan labadaba.

Waxba kuma jabna wuuna mudanyahay,sheekh cumar faaruuq xaaji cadi suldaan in shirka jabuuti wanaagiisa tusaale looga dhigo,waayo isaguna waa farac wanaagsan,asal wanaagsanna wuu kasoo jeedaa,ninkii uu asalkiisu wanaagsanyahay ayuuna faraciisa wanaagsanaadaa,marka aan sidaas leeyahay waxaan uga dan leeyahay,waxaa sugan markii ay soomaali geela kala dhici jirtay gaalana dabo gali jirtay,awoowyaashii bannaanka ayay ka joogeen,markii ay dawladdii burburtay, dhiigga xaq darada ah la daadiyay,dhaqan xumada la jidaystay, soomaalina kufsiga ku kala aar goosatay,isaga iyo qoyskiisaba bannaanka ayay ka joogsadeen foolxumadii taariikheed ee la galayay.markii uu dagaalkii mucaaradka soo gaadhay gobolada dhexe ee soomaaliya qabiilka (reer ow xasan) ee uu sheekh cumar faaruuq ka dhashay waxay shir isugu yimaadeen xaafadda hawl wadaag oo ka tirsanayd magaalada b/weyne ee gobolka hiiraan. falanqayn iyo dood dheer kaddib waxay ku go,aansadeen saddex qodob oo kala ah:

1-inaysan ka qayb qaadanin dagaalka sokeeye ee soomaaliya.

2-inay ku sabraan wixii dhib ah ee soo gaadha muddada dagaalku socdo.

3-inay ka galaan wixii waanwaan ah xilligii ay haboonaato.

marka waaba shakhsiga kaliya ee danta umadda in wax la waydiiyo ay tahay haddii uu caqli caafimaad qaba jiri lahaa, maadaama qof iyo qabiilba looga badbaaday, meesha hadda wax la weydiinayo nimankii dalka soomaaliya burburiyay iyo qabiilooyinkii is xasuuqay ee ay adagtahay in ay caddaalad dhaqan ka dhigtaan.marka aan sidaa leeyahay ujeedadaydu ma aha in aan jeclahay in sheekha iyo qoyskiisa ika buunbuuninayo ee waxaan uga dan leeyahay labo arimood:

1-in ay tahay xaqiiq rasmi ah oo jirta in la xusana muda.

2-in aan muujiyo in soomaalidu caado iyo dhaqan u dhigatay in aan laysku mashquulinin xusidda dadka sharafta taariikheed leh ee in la weyneeyo mudan.sheekh cumar faaruuq isaga iyo culumadii kale ee shirka ka qayb gashay waxay guteen waajib diini ah iyo mid waddani ah labadaba,taasoo uu fahmi karo ninkii leh garasho ku filan,waayo diinteennu in laysu yimaaddo ayay ina faraysaa ee kala tagga ma ogola,dadka meesha isugu tagayna waxay ahaayeen dad walaalo ah oo uu dhib dhex maray in arintooda intii suurto gal ah wax ka qabashadeeda laysku dhabarjabiyana ay waajib tahay.

In shirka carta uu sheekh cumar faaruuq ka qayb galo madaxweyne,c/qaasimna uu aayado qur’aan ah ka akhriyo,mr:cali khliif galaydhna uu kalmado carabi ah ka jeediyo waa astaan taariikheed oo muujinaysa inuu soo dhowaaday dhamaadka xilligii ataturkiyada soomaaliya.saddexdan nin ee uu shaafici ku sheegay inay ahaayeen dad u yimid shirka inay carab lacag ka helaan,waxaa la wada ogyahay in shirka jabuuti qabatay hortiis iyo gadaashiisba ay haysteen nolol ku filan oo ay shaqaysteen,ee waxa ay meesha u tageen wakhtigooda qaaliga ah u hureen ay tahay wax ka qabashada mahtalakada haysata umadda soomaaliyeed.

dhanka kale,arinta uu mr:shaafici ku duray madaxweyne ismaaciil cumar geelle ee uu ku sheegay calan cas oo macnaheedu yahay khamriya cab sida uu u fasiray,waa qadaf caddayn u baahan,qofka islaamka ahna way ka reebantahay in uu qof kale oo walaalkiis ah ceebihiisa faadhfaadho haddiiba xattaa ceebtaas ay jirto.

Diinta islaamku ma aha diin fadeexo ee waa diin astur,qofka xayndaabkeeda ku jirana waxaa waajib ku ah in uu asluub wanaagsan yeesho.waxaa loo baahanyahay maadaama dhibaato oo dhan ay carab ka bilaabato in aad koontaroosho si qadaf diini ah oo aan run ahayn aadna u gaysatay qof muslim ah uusan noloshaad aduun iyo taada aakhiraba saamayn ugu yeelanin,xadiithkuna waa kii ahaa:

Qofka alle iyo maalinta aakhiro rumeeysan wax wanaagsan haku hadlo ama ha iska aamuso.

Isla xadiith kale waa kii nabigu ku yidhi(SWC):muslim waa qofka ay muslimiintu ka nabad galaan carabkiisa iyo addinkiisa.

Haddaba iyadoo intaas oo dhan laga shidaal qaadanayo way wanaagsantahay in ilaahay addoomihiisa loo badbaadiyo asga ayaa waardiyaysanayee,qof walbana uu naftiisa xisaabiyi inta aanan la xisaabinin.

Dadka waxaa ugu xun qofka aan ceebtiisa ogayn ee ceebaha dadka kale u ilaashada sida duqsiga meesha boogta ah uu u ilaashado.waxaa wanaagsan haddii hadalkaaga uu lacag noqdo in ay aamusnaantaadu dahab noqoto si aad adna u badbaaddo.

Dadka reer jabuuti iyo madaxwenahooda ismaaciil cumar geelle,way ku dadaaleen intii karaankooda ah kaalintii masuuliyadeed ee kaga aadanayd samata bixinta shacabka soomaaliyeed ee walaalahood ah ee ay dhibaatadu ku habsatay,taariikhda ayaana u diiwaan galin doonta dawrka sharafta leh ee ay qaateen,ujeedadooduna ma ahayn inay shakhsi iyo ashkhas qanciyaane waxay ahayd inay danta soomaalida qanciyaan,waxaase rabitaankoodii minja xaabiyay,danaystayaal ay quwado shisheeye dhabarka ka taabteen dad iyo midna aan dan ka lahayn.

In kasta oo aanan aqoon u lahayn wadaadka uu sida gaarka ah u xusay shaafici marka uu ka hadlayay arimaha shirkii carta,sheekh c/qaadir nuur faarax iyo culumada la ra’yiga ah marka koowaad waan sharfayaa,marka labaad,culumadu iyagoo aysan ujeedadoodu xumaan ahayn wax badan way isku diidi karaan hadday arintu ra’yi tahay,waxaase dhab ah inay kala duwanaan karaan aragtida sheekh c/qaadir ee ku aadan shirka jabuuti iyo sida uu u fasirtay qoraha maqaalka,waayo ma aha labo qof oo isku heer wax ka qiyaasi kara sida muuqata. Waxaa in la iftiimiyo mudan in uu shaafici yidhi hadduu wadaad tafsiir kuugu duubay cajalad shir aado miyaad iska aamini shirkaas, nin gabyaa ahba cajalad gabay wuu kuugu duubi karaaye.marka meel layska dhigo ujeedada jumlada oo ay caddahay in uu ula jeeday sheekh cumar faaruuq iyo culumada la aragtida ah,waxaa yaabkeeda leh in qoraagu uu simo labo nin oo midna uu tafsiir duubay kan kalena gabay,taasoo ku tusinaysa caqiidada ninkaas heerka ay joogto iyo fikirka uu diinta ka qabo inta uu le’egyahay,dadkuse xaq iyo waajiba way ku tahay inay qaataan wixii uu u sheego qof ay wanaag ku barteen,waana weedhaas midda si kama danbays ah u caddaynaysa in shaafici uusan kala jeclayn culumada ee uu qaar awrkiisa ku kacsanayo.

Waxaa kale oo uu shaafici ka xanuunsaday in general max’ed faarax caydiid la yidhaahdo allaha u naxariisto,asagoo magaca max’ed oo idil isku meel dhigay,waxaana ka baqayaa colaadda uu u qaaday magacaas inay ku xanbaarto,haddii awowgiis allaha u naxariisto la yidhaahdana inay aad u dhibto.kuma fogaanayo arintan oo horay ayaan uga soo hadlay,waxayse tahay caydiid wax badanba ha ka khaldanaadeene,wuxuu doonayay inuu rido xukuumad ay colloobeen,uuna madaxweyne ka noqdo dal soomaaliyeed oo midaysan,wuxuuna geeriyooday isagoo taas ku dadaalaya 3/8/1996kii maalin jamce ah,isla 10/8/1996kii oo maalin jamce ah ayay Ethiopia oo uu qoraagu sheegay inay ka mid tahay dadalka Igad ku jira ee soomaaliya walaalaha la ah weerar dhan walbo ah ku soo qaadday soomaaliya,dhacdadaas oo muhiim ah in la xusana ay tahay.haddii ay Ethiopia walaal tahay iyo haddii dagaalkii lala galay 1977kii uu yahay mid aan xikmadaysnaynba,dhibaatadeedii hore iyo teedii danbaba qoys kasta oo soomaali ah degaankiisa ayay ku taabatay,wakhtigan hadda la joogana waxaa dhab ah dadka ay maalin walbo dhibaataynayso ee ay ku samaynayso nooc walbo oo ciqaab ah inaysan hal qoys ah ahayn ee soomaali oo dhan ay ka koobanyihiin,waxayse isaga dhib yartahay oo war ku gabagabaysanyahay kol haddaad isticmaarkii caddaanka horay ugu soo qiil bixisay waa iska dhaqan haddana in aad kan Ethiopia u qiil bixiso,kuse raalli noqo wuuba ku haystaaye.

Guntii iyo gabagabadii qoraalka shaafici wuxuu muujinayaa in uu yahay nin aan garanaynin qiimaha ay leeyihiin dad,dal iyo diin toona,isla markaana cabiray carada uu qabo ee ka dhalatay rabitaankiisa aan xaqiiqda ku dhisnayn,waxaana saaxiibkey leeyahay ha iska durdurinine fiiro badan yeelo marka aad wax qorayso, dabeecadaadana fagaaraha ha keenine caqligaaga keen.

Qore: Daahir muxammed cali (Baasto)
dareerto2003@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 1, 2003

JAWAABTII CABDIWAAXID EE QORAALKII SHAAFICI....

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]