SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
WARQAAD FURAN: JAWAAB KU SOCOTA SHAAFICI X. M. GEERAARE, MAQAALLADII KALA AHAA “ WADAADDADU MADADBAA MISE WAA DIIN?” IYO “ BBC IYO CALI SAMANTAR

Deri Gurey Jafle
derigurei@hotmail.com  

 

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

 Shaafici, walaal aad iyo aad ayaad ugu mahad san tahay sida aad u soo quftay sooyaalka dhow ee dalkeenna iyo jilayaashiisii ood hubaal aad xog ogaal u tahay- kolley aniga in aad iga badiso ayaan qirayaa. Waxaan akhriyey oon aad ula dhacay labo maqaal ood qortay. Waa kii “Wadaaddadu ma dad baa mise waa diin?” oo dad badani yeelkadoode kugu qoonsadeen; iyo kii “BBC iyo Ina Cali Samantar”.

Gabyaa Ruush ahaa uuna ku jirey dhiig Soomaaliyeed – waa Aleksander Pushkin – abkowgiis ayaa ahaa Arabka Isaaq taariikhda rasmiga ahse waxay u taqaan in uu ahaa Itoobiya oo markab Faransiis ah ayaa wuxuu ka qaaday xeebaha Badda Cas – ma Jabuuti ayay ahayd? Lama oga waxaa la geeyey Turki (Istambuul) addoon ahaan ka dibna isaga iyo labo wiil oo kale oo madow waxaa addoon ahaan u iibsadey nin uu u soo xilsaaray boqorkii Ruushka (Zaarkii) oo la oran jirey Peterkii Koowaad ka dibna la baxay Peterkii Weynaa (Peter the Great). Wiilashii mid jidku ku dhintay, midna boqorku nin madaxdii la shaqayneysey ah ayuu hadiyad u siiyey kii saddexaad oo abkow u noqon doona Pushkin dhalina doona jananka dagaalkii Napoleon daafici doona magaalada ay dhiseen aabbihiis iyo Peterkii Weynaa noqotayna caasimadda Ruushka - ilaa haddana ah magaalo madaxda labaad ee Ruushka oo wadata magacii boqorkaas waa Sant Peterburgee, wuxuu ka dhigtay xoghaye gaar ah oo qolka la seexda si’ uu habeenkii haddii figradi ku soo dhacdo uu u toosiyo oo u yiraahdo “iga qor”. Wuxuuna u baxshey Abraaham Kanibal – isagoo ku samiyey janankii madoobaa ee waagii Roomaanka oo iyagoo muddo Afrika haystey isagu dib u qabsaday Rooma.

Sheekadu yay ila tegine Pushkin oo ah gabyaa iyo taariikhyahan – buugtuu qoray waxaa ka mid ahaa kan la yiraahdo “Arapkii Peterkii Koowaad” oo uu uga sheekeeyey taariikhdii abkowgiis - la jecelyahay oo u dirira xorriyadda dadkiisa ruushka ah ayaa xukunkii boqortooyadu waxay ku sallideen gabyaa heer hoose ah (si’ kale kuma garatide Bacaadle) oo u dhashay dadka la yiraahdo Zingarka oo aan dalka lahayn illowse wareegana adduunka gaar ahaan Yurub. Suu gabyaagii, kaasna wuu la tirsan waayey oo waxaa ku dhacday tan adiga hadda ku haysata – nasiib wanaag wuxuu soo xusuustay waqtiyadii Giriiggu calan wallaynayey nin wax sawira oo la oran jirey “Apelles” ayaa sawiray naag aad u qurxoon oo inta bandhig sameeyey keenay sawirkii oo aad loola dhacay. Dadka daawashada u yimid waxaa ku jirey nin kabo-tole ah. Ninkii habka sawiruhu kabaha u sawiray ayuu qaldaad ka soo saaray, una sheegay. Apelles wuu garaystay, saa looga aqoon roone, wuuna saxay kabihii. Kabo-tolihii ayaa isu bogey in uu sawirkii HEBEL qalad ka soo saaray. Suuye “Qoortana bal daymood sow doc uma leexsana? Dednaanteeda laabtana sow dacal ma qaawana?”. Apelles inta dulqaadkii lumiyey ayuu yiri “Kaba tole ka dood qur ah kab wixii u daawaa”. Pushkin sidaas ayuu ninkii ugu tiriyey gabay la yiraahdo “Sudi sapozjnik ni svishe sapoga” oo macneheedu yahay “Kabo tole xukun wixii aan kabta ka sarrayn”.

Tan kale qoraa isna Ruush ahaa oo la oran jirey Anton Gogol oo qoray buugga la yiraahdo “Ruuxyadii lee’day” (The dead souls) sidaas oo kale kuwa moodaya in ay wax garteen ayuu ku yiri “Ha eedaynina muraayadda haddii sankiinnu qalloocan yahay”.

Waayadaan waxaa soo baxay dad is leh raadkii hore ee sooyaalku wuu burburay oo lagu leefye taariikh samaysta. Kuwa ku eedeyn jirey dawladdii in ay tahay Daarood oo qarisay taariikhdooda oon oran jirey cidi idinkama xigtee idinkuba qora haddaad haysaan wax taariikh ah oon la qorin, saa bardu taariikh Soomaaliyeed oo haddii la helo wax laga tegey markii la ogaado wixii kale ayay buuxin. Internetka waxaan ku arkay xataa qolo inkiraysa taariikhdii SYL oo leh “Xarakadaas waxaa ka dambeeyey oo bud-dhige u ahaa Sakhawudiin".

Anigu nasiib darro lixdanaadkii waan ka maqnaa dalka. Waxaan baxay 21kii Ogtoobar 1962 waxaanna soo noqday 16kii Febraayo 1969. Sidaas awgeed wax badan ayaa iga maqan sooyaalkii waayahaas. Nasiib waxaa ii ahayd in 1965 ay yimaadeen Mooska oon wax ku baranayey gaashaanleyaal badan oo ka tirsanaa Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Intaan ka xusuusto waxaa ku jirey: Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo madax u ahaa, Maxamed Faarax Caydiid, Maxamed Cali Samantar, Salaad Gabayre Kediye, Cabdulqaadir Dheel Cabdulle, Cali Mataan Xaashi, Cabdalla Faadil, Sharmaan, Axmed iyo Maxamed Ismaaciil Boqor.

Ma ogi madaxnimada kooxda isku wada darajada ah waxa Cabdullaahi ku mutaystay. Ma imtixaan ayaa laga soo wada qaaday inta ayan soo bixin? ma waxyaabo hore ayaa la tixgashey? Bardu waayadaan dambe waxaa la oran lahaa ninkii sidaas ku dhacdo “Ina adeerkiis ayaa Ciidanka meel sare ka haysta!!”

Cabdullaahi wuxuu iga codsaday in aan maalmo u imaado oo Af Ruushka u dhigo dhammaantood. Waana aan ka yeelay wallow aan ahaa sanada saddexaad ee Jaamacadda Mooska, si’ aan saraakiisha Soomaaliyeed waxaan dheerahay aan ugu kordhiyo. Taas waxaa i soo xusuusiyey hadalka aad ku beenisey sheegasha Cali Samantar in koorskii Italy uu galay kaalinta koowaad. Ma ogi waxaad uga gaabsatay adigu in aad sheegto cidda gashay ee aad u tiri “waa been ee cid kale ayaa gashay” “Qaysar wuxuu lee yahay sii”. Haddaan xusuustu i qaldayn waxaa u joogitaan badnaa dersiga af-ruushka Cabdullaahi, Caydiid, Samantar iyo Gabayre; waxaana ugu imaatin yaraa Cali Mataan Xaashi. Waa marka uu dhalanayo wiilka curadka ah ee Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Xaawo Cabdi Samantar oo mindhaa gabayadiisuu jeclaaye uu bixinayo Qamaan. Waloow waa dambe uu ii sheegay in uu ka beddeley magicii oo uu u baxshey Maxamed. Waa marka aan xaaskiisa oo ummul ah u soo qorayo warqadda hambalyada ah oon ku lee yahay “wiilal ad ad” (cad cad) illeyn af Soomaaligu ma qornayn oo uu i qabsanayo isagoo leh “Maxaad xaaskayga u tiri wiilal aad aad”. Intaan ogahey waa halkuu ka bilowday khilaafka aniga iyo Cabdullaahi noo dhexeeya kuna dhammaaday.

Jirrada aad sheegtay oon daawada loo heli karin waxaa tusaale u ah Cukur Muuse Cali-koor qof ahaan aqoon uma lahayn illowse markii la diley waxaan joogey dalka Talyaaniga magaalo la yiraahdo Parma. Waxaa la ii soo sheegay lix nin oo aan isku jifo hoose nahay iyo Ina Shire-farey oon ka fogeyn in goob lagu wada toogtey Hargeysa. Anigoo murugeysan ayaan waxaan soo galay bar la oran jirey “Odeon” oon fariisan jirney. Waxaa isna soo galay nin ay Cabdiqaasim dhalashada isku dhawaayeen. Wuu fariistay. Suu markuu i eegay ayuu arkay in wax si’ iga yihiin. Wuu i weydiiyey waxa igu dhacay. Markaanse u sheegay. Halkuu iiga tacsiyeyn lahaa ayuu yiri oo horta idinka qolo ahaan maxaa idinku gaar ah oo la idiin cayrsan, xirxirin oo layn? Saan waxaan ku hadlo ayaan aqoon waayey maxaa yeelay wax kastoon ku hadloo isaga waa u macnedarro.

Waa dambe nin isaga walaalkiis ahaa oon isaga aqaaney oo Talyaani wax ku soo bartay ayaa isaga oo si’ wax ka yihiin aroor 1990kii askari damacday in ay joojiso isagoo gaari wadta. Suu wuu jiray. Say way toogten. Halkii ayuu ku dhintay. Isagoo deggan Xamar meel u dhoweyd Villa Somalia ayaan ugu tegey in aan u tacsiyeeyo. Isla markii waxaan weydiiyey in la yaqaan askariga xabbadda tuuray. Suuye “Waa kaa dhimey oo kugu dhimey” inta ii sheegay inuu ahaa qolada la yiraahdo Shiikhaal oo mar dambe loo bixin doono “Martiile Hawiye”.

Ninkii isaga ahaa oo ka dibna wax laga saarayey dilkii Dr. Prof. Maxmed Warsame, wallow arrintaasi ahayd go’aan USC oo sidaan markaas ogaadey lagu raadinayey in lagu laayo takhaatiir badan oo ay ka mid ahaayeen Dr. Axmed Maxamed Xasan iyo Dr. Maxamed Jaamac Salaad, waxaa lagu diley dagaalladii qabiil-qabiilka ee Xamar.

Cabdiqaasim ood taariikh nololeedkiisa ku soo koobtay in uu habar Khadiijo ag fadhiyi jirey, meel ayaad uga dhacday anigaase xaal ka siiyey. Suu wuxuu ahaa ninkii isagoo Maxamuud Geelle u diyaariyey Maxkamadda Badbaadada markuu, ragannimadiisa ku lunsaday lacagtii mashruucii la oran jirey “Crash Program”. Maxamed Siyaad u magacaabay “Wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha”. Ka dibna soo maray Wasaaradaha Tacliinta Sare, Hawlaha Guud, Arrimaha Gudaha ilaa Ku-xigeen Wasiir koowaad. Intaas uu wasiirka ahaana Jaamacadda Qaranka Soomaaliyeed dhexdeeda ka abuuray ururka la dagaallanka Daaroodka iyo dhiirrigelinta waxbarashadfa Irirka. Walow uu ku fashilay oo arrintuna ilaa Madaxweynaha gaarteyna macallimmintii uu is lahaa ka tirtir magacoodana markii u dambeysey ugu yaraan 85% ay ahaayeen cidduu la dirirayey. Oo qur ah ilmo in Jaamacadda laga cayriyo ayuu ku guuleystey. Saan maqlay isagu wuxuu oran jirey “Wasiirnimadaydu waa magtii aabbahay oo Marreexaan diley”.

Tan Ina Cali Samantar isna anigaa ka xaal siiyey wax badan oo mindhaa ogaal la’aan aad u dhaaftayey, ninku inta ka qoto dheer oo ka bahalsan. 1985 markii dad badani bilaabay in uu ka soo galo SSDF ayaa waxaa bilowday war oranaya: “Cali Samatar wuxuu talo Siyaad ugu geeyey ‘Intaan meel ku wada uruurinno aan layno’. Siyaadna wuu qaadtay waxaase ku diidey odayaasha Marreexaan”. Waxaan is weydiinayey “Dilkii rag badan oy ka mid ahaayeen Cukur iyo kooxdiisii, Cirro iyo kooxdiisii, Yaasiin Gurxan iyo raggiisii, Gaashaanle Sare Siciid Saalax, raggii uu ku jirey Yuusuf Saleebaan oo Reer Hargeysa ahaa oo dagaalkii 77 dhabarka laga toogtey, iyo kuwuu ku jirey Canshuur oo isna reer Hargeysa ahaa, ma suurtowdaa in uu weli wax dilid u ciil qabo? Haddii ay saas tahay Muslinimo iyo Soomaalinnimo iska daaye hadde aadaninnimo lalama wadaago. Ee waxaan is iri hubso ha ku degdegin xukunkiise. Fursadii waxaa in siisay Mooryaan oo markuu cararay soo quftay gurigiisii. Saa waxaa gacanta aniga iyo rag kale noo soo galay wixii uu lahaa xusuus qor. Saan sidaan u rogrogayney ayaa waxaa noo soo baxday hadalkii la yiri wuxuu u qoray Siyaad Barre oo ah draft gacanta ah.

Barnaamijkaas isaga ah waa la bilaabay fulintiisa waxaase fashiliyey SNM oo May 1988 Burco iyo Hargeysa weerar ku soo qaaday. Markaas waxaa Xamar ku xirnaa ugu 15kii wiil oo u horreeyey oo ka soo laabtay SSDF. Ilaah wuxuu cawil celin uga dhigay dagaalkii SNM oo lagu sii daayey.

Wixii canaan ah waa gacal cune ka raalli ahow. Sidaas iyo nabaadiino.

Deri Gurey Jafle
derigurei@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 1, 2003

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]