SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Innaga iyo iyaga

Waa innagaa maanta dhan aynu u dhaqaaqno garan la ee BBC-London dhegta ku wada hayna. Laakiin BBC-London waxba inoo qaban mayso, shaqadeedana ma aha.

Ibraahin Yuusuf Axmed
Hawd99@hotmail.com

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

 

Noolaha badankiisa, oo aadamigu ku jiraa, wuxuu jecel yahay in uu ka tirsanaado ”innaga” si uu u helo kaashi iyo hiil uu iskaga celiyo ”iyaga”. Waa noolaha dareemaya in aanu keli ahaan badbaadi karin dantiisana gaadhi karin. Isla markaa ”innaga” iyo ”iyaga” waa waxa ugu weyn ee abuura khilaafka iyo hirdanka dadka ka dhexeeya.

”Innaga” iyo ”iyaga” waxaa soo hoos geli kara laba laba qolo oo ciidda ka tiro badan, kuwaas oo aynu aniga iyo adigu middood ku wada jirno. Bal u fiirso inta siyood ee loo qaadan karo: Innaga walaalaha ah iyo iyaga aan innala ahayn, innaga reer hebel ah iyo iyaga reer hebel ah, innaga soomaalida ah iyo iyaga aan ahayn, innaga muslinka ah iyo iyaga gaalada ah, innaga madowga ah iyo iyaga caddaanka ah, innaga dadka ah iyo iyaga xoolaha ah. Inta aad doontid ayaad wadi kartaa adiga oo ka duulaya halka aad adigu markaa isla joogtid qofka aad la hadlaysaana kula joogo.

Labadaa erey in kasta oo habeen iyo maalin lagu dhaqmo, afafka aadamiga oo dhanna dabcan ay ku wada jiraan, haddana run ahaantii macno xaddidan ma leh. Mar keliya ayey macno yeelan karaan oo ah marka ay jiraan laba qolo oo toos isu hor taagan mid walibana mowqifkeeda si buuxda isugu raacsan tahay. Taasina badanaa ma dhacdo oo qofka weedha adeegsanayaa cidda uu u hadlayo badanaa ma wada meteli karo. Tusaale ahaan qof aad isku qabiil tihiin ayaa cid kale la doodaya isaga oo adeegsanaya ereyga ”annaga” kana duulaya qabiilka aad wada tihiin. Isla markaa fikradda uu wato si buuxda ayaad adigu ugu diiddan tahay. Markaa sow kuguma uu xadgudbin, cidda uu la doodayana ma dulmin? Sidaa darteed xaaladaha ”innaga” iyo ”iyaga” loo adeegsadaa waa faalso aan meteli karin aragtida lagu cabbirayo.

Qof walba xaaladda uu markaa ku jiro iyo heerka garashadiisa ayaa siiya fekerka uu ku samaysto iyo diiradda uu ku eego macnaha ”innaga” iyo ”iyaga”. Xarriiqda shisheeyaha iyo sokeeyaha lagu kala soocaa halka ay maraysaa waa qof walba iyo garashadiisa. Dadkuna dabcan isku garasho ma aha. Mid buu hankiisu xuduudka qaranka ka tallowsan yahay, halka uu mid kale tabar badan ku bixiyo la ficiltanka iyo xinka bahda kale ee aabbihii.

Sax iyo qalad wax kastaba ha u taagnaadeen, haddana ”innaga” iyo ”iyaga” waxaa ku dhaca isbeddel joogto ah oo la socda isbeddelka waqtiga, duruufaha iyo fekerka. Mabda’a, diinta, degaanka iyo danta mar la wadaagaa joogto ma aha ee waqti kale ayaa lagu kala duwanaan karaa. Xataa isirka iyo midabka dadka intaa doorsoon joogto ah ayaa ku socda. Kii shalay ”Innaga” kula ahaa ayaa maanta ”iyaga” ka mid ah. Kii aad xalay qabiilka u wada dagaallamayseen ayaad kala laf noqotaan oo saaka mooraduug kugu dhufta.

Innaga mushkiladdeennu waa hanka iyo himiladdeenna oo soo dhoweeyey xarriiqaha aynu wax ku kala soocno. Waxaa aynu legdansiinnaa beelaha ay bulshadu ka kooban tahay, kuna burburinnaa qaran ay ahayd in lagu wada dhiso. Khilaafku wuxuu ka dhashaa ”Sagaaradu ma cabto iyo waa ay cabtaa”. Qabyaaladdu sideedaba ma aha wax caqli la fahmi karo ku dhisan, ee waa uun caaddifad dareenka maangaabka ku qaraxda dabadeed meel daran u didisa. Qof maanta jaamacad dhigta ama wax ka dhiga ayaa tilmaanta ”innaga” iyo ”iyaga” iyo oddoroska siyaasadda kala mid ah kii boqol sano hortood kaynta geela la joogey. Taasi waxay isku qiimo ka dhigaysaa maskaxda xabaasha aboorku ku cunay iyo ta casrigan nool.

Guud ahaan waxaa jirey xilli uu dadku kala fogaa oo kala faquuqnaa. Kala qaybsanaantu mar bay lahayd xuduud aad u adag oo lagama gudbaan ah. Isu galka iyo isdhexgalka bulshooyinku mar bay ahayd xaaraan. Maantana malyuumaad iyo malyuumaad kala qaarad iyo kala dhaqan ah ayaa isu wada tallaabay oo isku wada milmay. Habeen iyo dharaar waxaad arkaysaa gabadh timo cad oo ubad dhuxul ka madow daaddahsanaysa. Hooyo keliya ayaa dhashay shan ilmood oo shan isir kala leh. Dhaqan lagu kala duwan yahay oo sidaa u buurani maanta ma jiro, kol ay dharxidhashada noqoto, inta hadhayna burbur ayey qarka u saaran tahay. Qalcadihii ugu adkaa ee diinta kiristaanka laga difaaci jirey masaajid ayaa ka wada qotonta oo ”Allaahu akbar” ayaa ka baxaysa. Duleedka Maka iyo Madiina waxaa ku gaardiyaya ciidan kiristaan ah oo si ba’an u hubaysan. Ciidanka kiristaanka ee Dunida Islaamka maalinba dal ku duulaya waxaa ka buuxa muslimiin ay dhalashada iyo duruuftu dhankaa ka soo jeediyeen. Ma qoladan ayuu u dhintaa, mise qoladaa? Kuraygii shalay Afrika ka qaxay ayaa isaga oo dhalasho kale leh dib u soo shaqo taga. Ma xaggan buu u daneeyaa, mise xaggaa? Wadaaddo muslin ah oo dalalkoodii dil kaga xukuman ayaa dalal kiristaan ah magan u ah. Ma kan ayey la diriraan, mise kaa? Caddaan badan oo nolosha dalalkooda ku diiqadooday ayaa dunida saboolka ah u guuray si ay damiirkooda dhimasho uga ilaaliyaan. Ma tan ayey u hiiliyaan, mise taa?

Xaaladda sidaas ah haddii indho aan wacyi lahayn lagu eego waxaa la moodaa fawdo. Laakiin fawdo ma aha ee wax waliba nadaam ayey ku socdaan. Ciddii taa ka tabaabulshaysatay danteeda ayey u rogtey oo kama niyad xuma. Ciddaasi midab iyo diin dan kama leh, ee waxay dan ka leh dahay oo keliya sii wadista ilbaxnimadeeda iyo hoggaaminta dunida. Midabyo, diimo iyo dhaqammo la isku dardaray waxba ma dumiyaan ee waa ay dhisaan. Xataa ilbaxnimo dhiman lahayd iyo horumar istaagi lahaa ayey tallaal iyo sii riixid u noqdaan. Waxaa uun la ilaalinayaa asaaska: awoodda sare marnaba in aysan ka bixin gacanta asalka ah. Gacantaas ayaa si muuqato iyo si qarsoonba dusha iyo hoosta wax uga maamusha. Inta kalena waa qalab adeega ama la adeegsado: addoon.

Bulsho haddii uu dareenka cabsida iyo digtoonidu ka guuro waxay lumisaa dedaalka iyo waxabuurka. Maanta xijaabka muranka badan Yurub ka dhaliyey lagama xuma ee waa qayb qorshaha ka mid ah. Waa khatartii oo la soo dhoweeyey oo dadka reer yurub sida carruurta lagu khuukhinayo. Laakiin ma aha khatar run ah ee waa uun baraarujin. Intaa in ka badan ayaa khatar kale oo aan jirin la buunbuuniyaa.

Run ahaantii isdhexgalka noocaas ahi wuxuu ku socdaa xawli yaab leh oo khalkhal weyn galiyey xuduudihii la isla ogaa iyo halkii ay mari jireen. Taasi waxay filanwaa ku noqotay oo argagax ku riddey dadka dhaqanraaca ah meel ay joogaan iyo cid ay yihiinba. Wadaadka mayalka adag, cunsuriga isirkiisu la sarreeyo, bartiyaqaanka in waxiisa loogu yimaado neceb, dhaqanraaca isbeddelka ka baqa, giddigood waa ay waasheen ama ku dhow yihiin. Kabash kabashtii ayaa ka dhammaatay meel ay wax ka qabtaanna waa ay garan la yihiin. Qaar baa afka ka aamusan uurkana ka hugmaya. Qaar baa intaa qaylinaya cidina maqli la dahay. Qaar kalena isabaabul iyo is-hubayn ayey ku jiraan, oo in ay isbeddelka xoog isku hor taagaan ayey u diyaar garoobayaan. Laakiin waxaas oo dhami waa tacabkhasaar. Dabaylaha dhacayaa kuwo la joojin karo ma aha. Siyaasadaha caalamka isbeddel waa lagu samayn karaa, dhanka ay ilaa hadda u socoto dhan aan ahayna waa loo jahayn karaa, xoog iyo xeelad mid la adeegsadaba. Waxaanse marnaba la joojin karin isku milanka isir iyo dhaqan ee socda. Waa wax si dabiici ah ugu xidhan warbaahinta iyo isgaadhsiinta aynu horumarkooda yaabka leh og nahay.

Qowmiyadaha Geeska Afrika si ba’an ayey weligood u kala qoqobnaayeen. Maantase boqollaal kun ama malaayiin ayaa sabab ama sabab kale isu waydaartey oo dal deris ah hoganaya. Qaar badan oo ka mid ahi degaan ayeyba ka dhigteen, oo nolol ayey ka heleen. Innaga ayaa ugu badan cidda ay taasi ku dhacday. Qaxa ka sokow, waa xaalad dabiici ah oo waqtiga iyo isbeddelka fekerka dadka la socota. Waa arrin dawo u noqon karta khilaafka faca weyn ee soohdimaha. Masaafurinta quusta ah ee reer jabbuuti, isururinta anaaniga ah ee reer hargeysa, bad ku luminta arxanka daran reer boosaaso, dilka iyo afduubka iimaan la’aanta ah ee reer banaadir, boobka iyo dhaca saqajaanka ah ee reer neyroobi, iyo diin ku ugaadhsiga fuleynimada ah ee reer adis ababa, midkoodna wax weyn beddeli maayo.

Sannadihii siddeetanaadkii ugu dambeeyey waxaan joogey Dunida Carabta. Waxaan xasuus nahay berigaa in ay dadkaasi aad ugu baraarugsanaayeen khatarta dhaqan ee reer galbeedka kaga soo fool leh. Waa markii ay warbaahinta degdegga ah, ee uu kanaalka CNN-ku hormuudka u ahaa, oodda soo jabsatay. Wasiirrada warfaafinta iyo kuwa dhaqanka ee Jaamacadda Carabtu berigaa aad ayey dedaalayeen. Markaaba waxaa ay qorsheeyeen barnaamij ay u bixiyeen ”al-Xamlah al-Mudaaddah” – ololaha ka hortagga. Sidaas ayey ku bilaabeen telefeshinnada maanta hawada tooska u jibaaxa iyo wargeysyada carabiga ah ee wadnaha Yurub ka soo baxa.

Kuma ay guulaysan in ay waqtiga xiimaya joojiyaan ama horumarka dhiciseeyaan. Waxayse ku guulaysteen in ay wax u kala hadhaan, isla markaa hayaanka ku lug darsadaan. Waxaa ay aad u dhaamaan innaga oo sidii aynu u murmayney daadku inoo soo galay. Waa innagaa maanta dhan aynu u dhaqaaqno garan la, ee BBC-London dhegta ku wada hayna. Laakiin BBC-London waxba inoo qaban mayso, shaqadeedana ma aha.

QORAALKII HORE EE IBRAAHIM: Badownimo iyo ilbaxnimo

» OOHIN YAXAAS: Furtaankii Dood Siyaasadeed [I.Y.]

Ibraahin Yuusuf Axmed
Waa qoraa ku nool Iswiidhan.
Hawd99@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 1, 2003

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]