SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
QARAN DUMIS

Ismail A.Hassan (Khaliil)
Khalka1@aol.com

DOOD KA BILAABATAY SOOMAALIDA DHEXDEEDAQuraan: Maxaan isugu xumi la'nahay shareecada islaamka?

» DOOD: Soomaaliya waxay tijaabisey xorriyad (kahor 1884), kaddib waxaa lagu khasbay gumeysi ilaa 1960, kaddib waxay tijaabisey dimoqraadiyad (1960-1969), kaddib xukun militari iyo shuuciyad (1969-1991), kaddib dagaal ahli ah iyo dawlad la'aan. Ma tahay hadda in loo noqdo xukunka iyo dastuurka Islaamka, qoraalka ku soo aadi Halkan

»HOOYOOYINKII HOYGA UU HORUMARKEENU KU JIRO [Xiddig]

 Waxaa laga yaabaa dad badani marka ay maqlaan qaran dumis inay soo xasuustaan xukuumaddii kacaanka ee uu hogaamin jiray keligii taliye Maxamed Siyaad Barre.
Waxay ahayd sifo ay ugu yeeri jireen cid kasta oo ku margata ama dhabqisa heesihii ammaanta kacaanka iyo hogaamiyihiisii.

Qofkasta oo looga shakiyo inuu ka soo horjeeddo kacaankii barakaysnaa iyo mabaadiidiisa ayaa bilawgii waxaa lagu tilmaami jiray kacaan diid, hase yeeshee arintani markii dambe waxay isu rogtay qaran dumis sababo aan gadaal ka arki doono dartood.

Shacabka Soomaaliyeed waxay ku soo dhaweeyeen niyad sami iyo caleemo qoyan ka dib markii ay ciidamada qalabka sidaa kula wareegeen maamulka dalka af ganbi aanu dhiig ku daadan. Dadka Soomaaliyeed oo aan ku qanacsanayn sidii ay xukuumadihii rayidka ahaa wax u wadeen xilligaas ayaynu sabab uga dhigi karnaa sida ay u soo dhaweeyeen isbedelkaas ciidamadu horseedka ka ahaayeen.
Waxay ahayd fal ku baahsanaa waqtigaas dunida saddexaad in ciidamadu xukunka qasadaan ka dibna ay meel kala soo jeestaan gaashaan buurrtii reer bariga ee Warsow.

Dadaalkii naf hurnimo ee shacabka Soomaaliyeed iyo abaabulkii kacaanka ayaa sababy in sannado yar gudahood ay dadka Soomaaliyeed wax badan qabsadaan.
Wax qabadkaas ummaddeed darteed ayaa hogaamiyihii kacaaanku is mahadiyay isuna arkay in uu isagu sabab u yahay horumarkaas.
Waxaa la bilaabay buunbuuninta iyo weynaynta shaqsiyaddisa, xukunkii iyo awooddii oo dhammina waxay ku soo ururtay gacantiisa, waxaana dhidibada mutay xukun keli talis ah.

Keli talis (Dictatorship) waxaa lagu qeexaa nidaam ay awoodda oo dhammi gacanta ugu jirto hal qof ama koox yar, awooddaas oo aanay jirin qawaaniin iyo hay'ado xakameeya midna.
Keligii taliyaha ayaa sidiisaba waxaa ku hareeraysan xayn dad ah oo ku magacaaban xilal qaran hase yeeshee talada inta ay ku leeyihiin aad u yartahay.
Waa dad aad ugu dhaga nugul awaamiirta keligii taliyaha , qofkii ka horyimaada ama laga shakiyaana haddii aanu lafihiisa la cararin qoorta ayaa loo dheereeyaa ama xabsiguu ku abaadaa.
Kooxdan nacamlayaasha ah ee xilalka macag u yaalka ah hayaa waa kuwo had iyo jeer marin habaabiya keligii taliyaha. Si dhab ah ugama warbixiyaan xaaladda wadanka dhibaato kasta oo jirtana waxay uga dhigaan wax aan macno lahayn iyagoo mar waalba u sheega dhagaha keligii taliyuhu waxa ay jecelyihiin inay maqlaan.
Keligii taliyuhu marka danbe wuxuu gaaraa heer uu ku dhex milmo qaranka oo la kala saari waayo qaranka iyo isaga. Dalka iyo dadkuba waxay noqdaan hanti uu iska leeyahay. Wuxuu isku arkaa midka keliya ee daryeelka qaranka dan ka leh, waxaana adkaata in uu qofnaba ku aamino xil qaran isagoo dadka kale oo dhan ka aamin baxa oo u maleeya inay wax qaribayaan isga keligiina yahay ka wax hagaajinaya.
Ugu dambayntana wuxuu aaminaa in isaga cid aan ahayni u talin Karin ummaddan.
Hadaba marka aad fiirisid sifooyinkaas kooban ee keligii taliyaha wax lala yaabo maha in marar badan Maxamed Siyaad laga soo sheego isagoo leh haddii aan meeshan ka tago bal yaa loo dhiibaa oo qarankan lagu aamini karaa hogaankiisa!

Markii xukunkii keli taliska ahaa dhidibada mutay ee qarankii iyo kacaankii isku milmeen ayaa kacaan diidkii waxaa loo ragay qaran dumis.

Hadaba ummadda oo dhammi umaanay dhaga nuglayn hogaamiyaha kacaanka ee maalinba maalinta ka dambaysa waxaa sii badanayay dadka ka soo horjeeda.
Maadaama ay adkayd in mucaarad abaabulan laga hirgeliyo wadanka gudihiisa ayaa inta badan kooxaha mucaaradku waxay ahaayeen kuwo lagaga dhawaaqo wadanka dibaddisa.

Mucaaradkaas siiba kuwa hubaysan inkastoo ay ka sinnaayeen macagyadooda oo ka bilaabma xarafka "S" hadana koox waliba waxay matalaysay qabiil gaara.
Adeegsiga qabyaaladdu waxay ka mid ahayd waxyaalihii ay kooxahaas mucaaradka ahi ku eedayn jireen taliskii Siyaad Barre, waxaan la yaab lahaa in kooxahaasi laftoodu ay adeegsadaan qabiilkii ay ka dhiidhiyeen si ay qaranimada u badbaadshaan.
Waxay ku guul darraysteen bilawgiiba inay awooddooda iyo ujeedoyinkooda mideeyaan si ay ummadda uga dul qaadaan xukunka caddalad darrada ku dhisan. Waxaa marar badan dadka siyaasadda Soomaalida ka faaloodaa xusi jireen in cimri dhererka taliska ay sabab u tahay kala qaybsanaanta mucaaradku.

Qabiilka ay u kala safnaayeen mucaaradku ka sakow waxay wateen ajedayaal siyaasadeed oo kala geddisan iyagoo isla markaana shaki iyo aamindarro kala qabay.

Taageerada iyo saldhigyada ay siisay dawladda Itoobiya oo caddaawad taariikhi ahi ka dhexaysay shacabka Soomaaliyeed ayaa dad badan mad madaw ka gelisay xaqnimada halganka hubaysan ee kooxahaasi.

Waxaa xoogeystay dagaaladii sokeeya iyo weerarada ay mucaaridka hubaysani ku soo qaadayeen wadanka. Dagaaladaasi oo ka bilawday gobolada dhexe markii danbana ku fiday wadanka oo ay wadeen mucaarad kala gedisani ayaa dawladdu uga jawaabtay si naxariis darro ah oo ka baxsan bani aadanimada, waynaan ka dharagsanahay wixii ka dhacay gobolada dhexe iyo sidii waxashnimada ahayd ee loola dhaqmay dadka reer waqooyiga.

Dhanka kale xaaladda dhaqaale. Siyaaso, bulsho iyo nabad gelyo ee wadanku waxay ahayd mid marba marka ka dambaysa ka sii daraysa.
Musuqmaasuqa, eexda, qaraabakiilka iyo caddaadiska shacaka ayaa gaaray heerkii ugu sareeyay. Qaranimada iyo dawladnimada Soomaalida ayay soo food saartay xaalad halis ah oo aan waligeed horey loo arag.

Inkastoo qaranka Soomaaliyeed ku taagnaa dhabaha burburka hadana way adkayd cid malaysanaysay in xaaladdu ku dambayn doonto sida ay maanta tahay, waxaase dhawaan shaaca ka qaaday in beri hore oo kacaankuba aanu dhalan uu sii sheegay in haddii uu Maxamed Siyaad wadanka xukunkiisa qabsado ay qaranimada Soomaaliya ku dhici doonto haadaan aan laga soo saari karayn Korneyl Cabdilaahi Yuusuf oo dhawaan u waramayay BBC-da inkastuu ka gaabsaday inuu ka hadlo qaybtii uu ku lahaa qaran burburka.

Shacabka Soomaaliyeed waxay ku dhex lumeen talis naxariis darran oo eex iyo musuqmaasuq ku dhisan iyo mucaarid aragti iyo dareen qarimo ka maran.

Dhammaadkii 1990kii ayaa xabaddii ka qaraxday caasimaddu ay dagaal toddobaadyo socday ka dib kacdoon qabali ahi dhaliyay wax loo malaynayay dhammaadkii rajiimkii keli taliska ahaa asii noqday bilawgii qaran burburka iyo dawlad la'aanta Soomaaliyeed.

Hadaba inagoo ka dheregsan xaaladda dawlad la'aanta iyo wixii wadanka ka dhacay muddadaas ayaa waxaan ku tilmaami ka karaa waqtigii ugu adkaa ee Soomaalidu soo marto inta la xasuusanyahay.

Maanta way adagtahay in jawaab lagu qanco loo helo su'aasha ah yaa dumiyay qarankii Soomaaliyeed ?

Waxaan shaki lahayn in jawaabta su'aashan ay kooxiba meel ku taarto.
Kacaanka iyo kaadiriintiisu waxay markiiba la soo boodaan kuwii ka soo hor jeeday ee ay qaran dumiska ugu yeeri jireen inay arrintan u sabab ahaayeen.
Kuwa kale waxay eedda ku soo koobaan ururka USC oo isagu ahaa kii qabasaday caasimadda maadaama ay ku guul darraysteen inay isu keenaan shacabka Soomaaliyeed si dhidibadd loogu taago dawlad qaran oo bedesha tii ay dumiyeen.

Dad baa iyana qaba in Maxamed Siyaad iyo rajiimkiisii ay maleegeen shirqool ayna cidi uga dambayn xukun Soomaaliyeed.

Waxaa iyana jira dad badan oo farta ku fiiqa wadamada reer galbeedka iyo Yuhuudda oo ay qabaa inay ka shaqeeyeen burburka Soomaaliya, halka kuwa kalena ay idaacadd BBC-da laanteeda af Soomaaliga iyo maandooriyaha qaadku wax ka saaraan arrintan.

Koox kale waxay qabaan in geel jiruhu u sabab ahaa burburka dawlanimada Soomaaliya. Kacaankii, mucaaradkii iyo guud ahaanba Soomaalida oo dhan ayaa waxay u arkaan inay yihiin geel jirayaal. Waxay qabaan dhaqanka reer guuraanimada iyo nidaamka dawladnimo inay yihiin kuwo aan is qaban Karin oo iska hor imanaya waayo dawlad maamulkeed (maandeeq) iyo geel dhaqiddii waa laba shay oo aad u kala duwan.

Si kasta arrinku ha ahaadee waxaan shaki lahayn in Soomaali oo dhammi ay ka qayb qaadatay burburkii qaranka ha la kala badsadee, idilkeena aynu nahay qaran dumis, maantana aynaan weli diyaar u ahyn dib u dhiskiisa.

Saddex iyo toban sanno oo dawlad la'aana iyo dhawr iyo toban shir oo dib u heshiisiineed oo lagu guul darraystay ka dib ayaa hadda shirkii ugu dambeeyay muddo hal sanno ka badan loo fadhiyaa magaalada Nairobi.
Ma idinla tahay haddii ay shaqsiyaadka shirka ka qaybgelaya ka daacad tahay dhisidda dawlad Soomaliyeed inay is hor fadhiyi lahaayeen hal sanno iyo wax ka badan? Ma dan qaran bayse ku muransan yihiin mise damacooda gaarka?

Shirkan oo ilaa hadda aan loo dhammayn oo dagaal oogayaal iyo hogaamiyeyaal kaleba ka maqan yihiin miyaanu ka dhignayn waqti iyo hanti macno darro lgu lumiyay, dadaalkase loogu jiro in lagu soo dabaalo kooxaha ka maqan oo argtidooda iyo xujooyinkooda wataa miyaanay u muuqan in shirkani yahay mid aan weli bilaabminba.

Hadaba wax la yaab leh ma aha in taliskii diktaatooriga ahaa oo wixii uu baday ummadda aynu la socono in dad badani u boholyoobaan xaflado iyo xusasna sameeyaan maalinta 21ka okt, wixii ka soo horjeedayna u arkaan qaran dumis saa wax kacaankii dhaamma lama hayee.


Ismail A.Hassan (Khaliil)
Khalka1@aol.com

 QORAALADII HORE EE KHALIIL

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 30, 2003.  

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  

. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah
Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..
Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji
London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji
XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI
BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]