SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS
Doorka uu Waalidku kuleeyahay Barbaarinta Ubadka.

 


Culimada, cuqaasha, aqoonyahannada iyo suugaanyahannada ka hadlay madasha: Sawirka SomaliTalk Oct 11, 2003

Barnaamij aad uhabaysan oo si heer sare loo soo agaasimay ayaa caawa oo bishu tahay Okt,11 uu ka dhacay masjidka Imam Shaafici ee gobolka Minnesota, magaalada Minneapolis (USA).

Barnaamijkan waxaa soo qabanqaaibyey masuuliyiinta masjika, waxaana ka hadlay culimo iyo aqoonyaho iyo wax garad kale oo ku nool Minneapolis, Minnesota.

Ugu horayn waxaa aayado quraana ku furay barnaamijka wiil aad uda’yar oo la yiraahdo CabdiRashiid Maxamed. Waxaa kadib ka hadlay Maxamed Aadan (Guhaad) oo sheegay qaabka uu barnaamijku usocon doono.

Waajibaadka Waalidka Kasaaran Korinta iyo Tarbiyadda Carruurta: [Sheekh C/raxmaan Sheekh Cumar]

Barnaamika waxaa ka qaybgalay Sheekh C/raxmaan Sheekh Cumar oo ka hadlay tarbiyadda ubadka iyo cidda masuuliyadaas iska leh oo uu sheikh C/raxmaan ku sheegay marka hore in hawshaas tarabiyada ay utaal waalidka, kaddib macallinka ubadka wax udhiga ama dugsi quraan ha udhigo ama iskuulada kale ha udhigee, sidoo kale waxaa tarbiyada wax ku leh qaraabada ,asxaabta iyo deriska inkastoo dalalkan aan usoo qaxnay ay adag tahay in deris iyo macallin ama asxaab ay qayb ka qaataan tarabiyada.

Waxaa waalidka looga baahan yahay in uu la socdo dhaqdhaqaaqa caruurtiisa, waa in waalidku uu ka war qabaa waxbarshada caruurta, akhlaaqada caruurta, saaxiibada caruurtiisa xitaa waa inuu yaqaanaa, caruurtiisu yay saaxiib la yihiin.

Sida kaliya aad saaxiib unoqon kartaan adiga iyo ubadkaaga inay tahay in waaliku xiriir fiican la leeyahay ubadkiisa. Waalidku waa inuusan kumashquulin oo qura inuu koriyo ubadka oo dhar iyo cunto uun uu udoono caruurta, waxaa kale oo laga doonayaa waalidka in culays uu saaro ka warqabka ubadka haday noqon lahayd iskuulka, goobaha lagu ciyaaro iyo asxaabta ubadkiisaba.

"Waxaa dhici karta  in qaar waalid ah ay yiraahdaan: aniga rooti miyaan u raadiyaa mise waan tarbiyeeyaa carruurta, waxaa taas jawaab u ah labada waa lagaa rabaa (rooti iyo tarbiyad)"
Sheekh C/Raxmaan

Waxaa hubaal ah hadii waalidku uu taas ku dadaalo in ubadkaas toosintiisa illaah kula garab galayo. Sidoo kale ubadka waa inaan loo ogolaan inay wakhti dheer galiyaan fiirsashada TV, waa in wakhti uu leeyahay ubadku uu marna ku fiirsado marka uu wax ku barto xilina uu ka qayb qaato shaqada guriga ka socota oo ubadku uu waalidkii kaalmeeyo. Sheeekh C/raxmaan oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri haddaan Soomaali nahay waxaa suurowda in waaliku uusan wax xil ah iskaba saarin inuu ka warqabo iskuulka ubadku dhigto, inuusan la socon meesha uu aado ubadkiisu, inuusan aqoon saaxiibka ubadka, inuusan la socon manhajka loo dhigo ubadkiisa. Ugu dambayn wuxuu ku soo gunaanaday in looga baahan yahay waalidiinta Soomaaliyeed in ay kudadaalaan ka warqabka ubadka si loo badbaadiyo ubadkeena Soomaaliyeed.

Sheekh C/Raxmaan wuxuu tusaaleeyey sida ay u fududahay in ubadka lagu tarbiyeeyo Soomaaliya taas oo carruurtaada ay wixii xumaan ah ka celinayaan deriskaaga, macallimiinta iyo qofkii arkaaba, laakiin dhulkaan aan usoo guurey taas waa ka duwan yihiin, sidaas daraadeed waa in waalidku had iyo jeer la socdaa ubadkiisa. Waxana uu tilmaamay in ay dhacdo in waalidku ay carruurta u raraan xaafad cusub ayagoo aan ka fiirsan in halka ay u guurayaan ay leedahay iskuul ku haboon carruurtooda, taas oo weliba ay carruurtii la kulmi doonaan deris cusub, deegaan cusub iyo saaxiibo cusub taas oo keeneysa in wax barashadoodii hoos u dhacdo.

Micnaha Dugsi ama Iskuul: [Muxiyadiin Cali]

Muxyadiin Cali: waxa uu xusay in ay haboontahay in ilmuhu la joogo hooyadiis ilaa ugu yaraan 4 sano jir, isla markaasna waxaa haboon in aan ilmaha labarin luqad ajnabi ah ilaa ay gaarayaan 12 sano.

Waxaa hadalkii qaatay Muxiyadiin Cali oo ka hadlay micnaha iskuul, maxaa lagu bartaa?.

Muxyidiin waxa uu faalo dheer ka bixiyey sida ay muhiimka utahay in waalidku ka warqabo waxyaabaha lagu dhigo iskuulada, maadooyinka uu ubadkaagu qaato, sidee kuyahay waxbarshada ubadkaagu. Hadaba waa in waalidku ay iskuulka aad ugu xiraadaan oo xiriirka macalimiinta iyo maamulka iskuulka ay aad isaga warqabaan.

Sidoo kale waalidku waa inay ogaadaan in waalidiintu ay awood leeyihiin oo maadooyinka ay san rabin ama aan faa’iidada ulahayn ubadkooda ay ka joojin karaan, in macalinkay u’arkaan inuusan akhlaaq ahaan ama tayo macalin ahaan uusan wanaagsnayn inay xaq uleeyihiin waalidku inay codsan karaan in macalinkaas la bedelo, waase goorma .Waa marka waaliku ay samaytaan gudi waalidiin iyagoo isku xiran.

Muxiyadiin wuxuu kula taliyey waalidiinta Soomaaliyeed in ay ubadkooda geystaan iskuulada charter iskuulka la yiraahdo, iskuuladaasoo ka tayo fiican kuwa la yiraahdo Public iskuulka. Haddii aydin charter school awoodin carruurtiin ageysta iskuulada leh barnaamijka loo yaqaan "Bilingual" oo ay Soomaali wax ka dhigaan.

Iskuulku waa goobta ilmaha lagu baro dhaqanka iyo diinta, wixii la doono halaguu sheego laakiin dugsiyadu waa meesha carruurta lagu baro dhaqanka ayuu yiri Muxyadiin. Waxana uu tusaale u soo qaatay Oday Soomaaliyeed oo ka fogaadey xaafadaha ay Soomaalidu deggan tahay sidaas darteedna ay carruurtiisii dhex galeen dhaqan kale, maalintii dambena ay carruurtiisii lasoo bexeen dhaqan iyo fikrado qalaad.

Arini Nagu Dhacaratey: [Cismaan Ducaale]

Waxaa misna lagu soo dhaweeyey gabayaagii caanka ahaa ee reer Minnesota ay wada yaqaaneen Cismaan Ducaale, runtii aad baa loogu nastay gabaygii Cismaan Ducaale mararka qaarna waxaad arkaysay inta badan dadkii meesha isug yimid oo uu dhiigooda dhaqaajiyey gabayaa Cismaan oo dhafoorka haysta.

Aad ayaa dhagta loogu wada raaricinayey gabaygaa Cismaan Ducaale. Cismaan wuxuu gabaygiisii ku bilaabay erayadan:

Dhawaaq iyo qaylo culus......... anigu dhiilaansidaa
Soomaalay dhego la'eey......... midaan hoos dhuganineen
Bulshadan wada dhoohaneey... intaad dhaaha furataan
Dhanbaalkan ufiirsataan... halkaan dhacadiidno iyo
Dabadeed dhinacyada bal eeg.... ma saasaan dhawranaa
Miyaan ruux dhiidhiyiyo.... qof dhiig lihi inaku harin

Qurbahaan dhalan dhodk aah.. iyo dhuyaalka usoo maree
Colaada ka dhuunta oo.. dhalaanka wax soo bartiyo
Dhaqaale ka keen lahayd... maxaa belo noo dhinayd
Waxaan dhegeheenu maqal... maxaa ceeb nagaga dhacay
Waa taa nagu dhacarateen... kuwada dhaandhaame
Dadkii dhabanada hayee... miyaan ruux dhiidhiyiyo
qof dhiig lihi inagu harin..

Humaag dhanteed ah iyo... dhalaalkii lagu hungow
Dheduu roobkii noqdoo... ceelkaan dhaanka uraree
kasoo dhur biyaha lahayn... dhan qalan baa loogu go'ay
Dhul iyo ciid baan lahayn.. dhir iyo doog baan lahayn
Badweyn dheer baan lahayn... dhaqaale aduunyo iyo
DHismiyo beeraan lahayn... qaxooti dhuyaal ah iyo
Gacmaha inan dhiibsano.. baryad dhuuniga cuno
Dhigeen nagu wiirsadaan... khalqigu nagu dhaygagaan
Dhuunyaalaa noo bedeley.. arini nagu dhacaratee
Miyaan ruux dhiidhiyiyo.... qof dhiig lihi inaku harin

...Gabaygaas oo dheeraa tududcsiisa u dambaysa waxay ahayd sidan:

Qurbaa dhallin baa lanimi... dhalaan ubadaan lanimi
badhkood waakuba dhasheen.. hadii ay naga dhumaan
ifkana waa dhaxal la'aan.. dhegxumo aan naga hadhayn
Dharaarta qiyaamahana... cadaabtoo lagu dhacoo
inagu dhacadiidsanee... waxa jira dhalangedoon
naraha iyo dhaawacyada.. hadaynaan wadjir dhayin
Hooyadu dhakhtar bay ahayd... reerkiyo qoyskii dhisnaa
haween dhaqankii kunoqon... dhigtiyo udub noo ahaa
Wallee qayla dhaanta timi... bulshooy hada waa dhayale
Waxaa xigi dhiilo weyn... midii lagu dhiman lahaa

Gabayga oo dhamaystiran oo qoraal ah waxaan isku diyi doonaa in aan mustqabalka dhow soo daabaci doono insha Allah.

Waa imisa Tarmuuskaas?: [Maxamuud Jaamac (Tima jilic)]

Waxaa hadalkii hadan qaatay macalin ka mida macalimiinta dugsiyada sare ee gobolka wax ka dhiga waa bare Maxamuud Jaamac (Tima jilic) ugu horayn wuxuu dadkii barnaamijka ka soo qayb galay uu weydiiyey su’aal xisaaba, waxayna su’aashaas oo aad loola yaabay oo barrahaas uu weydiiyey dadka waa tan.

Waxaanu ahayn sadex qof, waxaan tagnay dukaan, waxaa joogay inan yar. Waxaan weydiinay wiilow waa imisa tarmuuskaas, wuxuu yiri waa sodon. Sidii baan ku bixinay sodonkii oo tarmuuskiina ku soo qaadanay. Markaan ka soo baxnay dukaankii ayaa waxaa dukaankii soo galay odaygii lahaa dukaanka, wiilkiisii buu weydiiyey aabe nimankii sii baxayey maxay gateen. Wuxuu yiri aabe tarmuus bay gateen, oo meeqaad ka siisay. Wuxuu wiilkii ku warceliyey aabe sodon, odaygii baa yiri maandhow tarmuusku waa labaatan iyo shane uceli nimanka shan oo ka daba gee.

"Ubadka Soomaaliyeed guud ahaan weli waa kuwo dhego nugul oo dadka texgeliya oo akhlaaq wanaagsan, laakiin ma haystaan waalid kawarqaba".
Maxamuud Jaamac (Tima jilic)

Wiilkii baa ragii sadexda ahaa ka daba yimi oo inta laba shillin lacagtii qarsaday oo nimankii sadexda ahaa kala siiyey kiiba hal shillin.

Hadaba hadii ninkiiba uu markii hore bixiyey toban shillin, imisaa ka maqan qofkiiba?.

Su’aashaas akhristayaashana jawaabtooda waa laga sugayaa. Timajilic wuxuu aad ugu dheeraaday sida looga baahan yahay in waalidku uu kudadaalo sidii uu uga gargaari lahaa casharada la soo siiyo ee la rabo in guriga lagala soo shaqeeyo, isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri waxaa ubadka Soomaaliyeed dhib ka haystaa ka caawinta casharada guryaha looga baahan yahay inay uga soo shaqeeyaan, sidoo kale ubadka Soomaaliyeed waxaa aad ugu yar oo loo baahan yahay in wax laga qabto ayuu yiri barruhu in ubadka Soomaaliyeed ay aqoontoodu aad uliidato, akhlaaqdoodu ay ka sii darayso, diintoodu inay sii daciifayso, wuxuu waalidka kula taliyey in ubadka wax weyn laga qabto oo ubadka aan la dayicin. Timijilic wuxuu yiri ubadka Soomaaliyeed hadii lagu dadaalo waxaan qabaa inay ka horayn lahaayeen caruurta kale, waa hadii ay helaan kaalmo guriga ah iyo wacyi galin joogta ah oo waalidku la daba taagan yihiin. Bare timajilic wuxuu aad u guubaabiyey waalidka Soomaaliyeed inaysan ku fiicnayn xiriirka macalimiinta ee ay meesha iska qaadaan oo ubadka guryaha ka kaalmeeyeen oo waalidka aqoontiisu hoosayso ha geeyo ubadkiisa meelo lagu caawiyo ubadkiisa oo lagala shaqeeyo casharada guriga loogu soo diro.

Tima jilic oo aad uga qoslinayey waalidiintii masjidka isugu yimid habeenkaas ayaad moodaa in aad loola dhacsanaa mawduucayadii uu ka hadlayey oo aad utaabanayey waalidiinta iyo ubadkaba.

Tima jilic waxana uu tusaale u soo qaatay arday lagu qiyaasay 120 oo ay ahayd waalidkood in ay yimaadaan habeenkii kulanka macallimiinta iyo waalidka in ay dugsiga yimaadeen laba waalid oo qura.

Baraarujinta Waalidka: [Saciid Saalax]

Waxaaa isna hadalkii qaatay barre kale oo Soomaaliyeed ahna abwaan caana waa Saciid Saalax Axmed. Saciid wuxuu hadalkiisa ku bilaabay salaanta islaamka oo uu afsoomaaliyeeyey, taasoo dad aan horay ugu aqoon afsoomaali ahaan ama ubad badan oo Soomaaliyeed oo salaanta iskaba daayey aan xitaa afkaba ku fiicnayn ama sii iloobaya ayaa aad ufiirinayey markii uu barre Saciid Saalax afSoomaaliga ku lahaa ama ku fasirayey micnaha soomaali ahaan Asalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuhu.

Saciid Saalax wuxuu ka sheekeeyey ,qiimaha tacliinta ay leedahay iyo sida ubad badan oo maanta jooga dalkan iyo dalal kaleba ay nasiibka uheleen aysan uga faa’iidaysan sidii la rabay. Saciid Saalax wuxuu sheegay inuu waxbarasho inbadan uu ku soo jiray wuxuuna sheegay in muddo afartan sanno ah uu ku soo dhex jiray macalinimo (40 sanno)

Wuxuu yiri barre Saciid waxaan maclin noqday anoo ka yar labatanaan(20 sanno ka yar), Saciid wuxuu yiri garta marka aqoonta aan uleeyahay arday iyo macalin iyo meel wax lagu dhigaba. Siciid wuxuu aad ugudheeraaday micnaha dhabta ah ee aqoon oo ka soo unkanta guri marka hore intuusan ardaygu kaiman aqalkoodii.

Cunto siisay oo dhar siisay, ma ku dartay xisaabta in wixii uu waxbarashada uga baahdo aad la garabtaagantahay, waa qalab aqooneede sida buug, qalin iyo wixii kale ee uu ubahado waxbarshadiisee.

Siciid wuxuu yiri waxan maalin maalmaha ka mida udiray ardaydaydii cashar guri ah in ay soo qoraan buugaagta gurigooda taal oo aysan ku jirin buugta ardaygaas leeyahay ee guriga yaal. Waxaa adkaatay in ardaygii uu gurigoodii ka soo helo buug aan ahayn kan uu ubadku leeyhay. Waxaa gurigii laga helay oo qura hal kitaab quraana iyo haday ubadato hal Computer oo weliba alle ogyahay in aqoon loo adeegsado. Taasi waxay ku tusaysaa in aqoontu sida ay tahay aynaan ufahansanayn, ama aan mudnaan gaara la siin aqoonta ama ardaygaba aan iraahdee.

Siciid Saalax wuxuu aad ugu booriyey waalidku inaysan turjubaan ka dhigan ubadkooda ee ay doontaan turjubaan kale, si buu yiir waalidku uu uhelo macluumaadka dhabta ah hadii kale ardaygu ama ubadkaagu waxaa suuro gal ah inuusan si dhaba ugu turjumin waalidkii. Hadaba waalidku haduu xitaa ubaahdo tarjumaad ha weydiisto maamulka iskuulka. Sidoo kale waxaa jira waalid uhaysta in hadii ubadkoodu uu ku hadlo had iyo jeer afka Ingiriisiga ama afka meeshaas uu hadba joogo inuu xariif kunoqonayo, sidaa darteedna ay waalidkaas door bidayaan inuusan ubadkoodu ku hadlin afSoomaali. Wuxuu yiri waxaan ku boorin lahaa waalidka sidaa aaminsan in aysan ahayn wax jira taas , loona baahan yahay in ubadka lagu dhiiri galiyo inaysan afkooda iloobin oo ay had iyo goor ku hadlaan afkooda. Bare Saciid wuxuu yiri caruurtiina ku dhiiri galiya af Soomaaliga isagaana ka badinaya ardayga kale ee hal luqada yaqaana waana wax hore loo soo arkay in ardayga yaqaan hal luqad iyo wixii ka badan inuu ka tayo waxbarsho fiican yahay ardayga hal luqad yaqaan.

"Carruurta ku dhiiri geliya luqadooda Af-Soomaaliga"
Siciid Saalax

Siciid Saalax wuxuu ku soo gabagabeeyey in ubadka lagu baro guriga afkiisa hooyo ee Soomaaliga si buu yiri ubadku xitaa aysan udhumin dhaqankiisa iyo xuruufta qaar xitaa inuusan ku dhawaaqi Karin sida xarafka (X) marka ay ku dhawaaqayaan ay ugu dhawaaqaan (H) meeshii al-xamdu uu oran lahaa ayuu yiraahdaa al-hamdu waana ila aragteen baan filayaa siiba macalimiinta dugsiga quraanka kariimka ayaa ila arkay baan filayaa. Waxana uu xusay safar uu ku tegey Yurub, gaar ahaan wadamada loo yaqaan Iskaandaneefiyanka (Sweden, Denmark, Norway, Finland...) in uu shir kula kulmay 74 (toddobaatan iyo afar) macallin oo dhiga luqada Afka Soomaaliga, taas oo ku amaanay Soomaalida halkaas deggan.

Siciid Saalax wuxuu yiri markii waalidku noogu imaan waayey iskuulada ayaan anagoo macalimiinta Soomaalida ah ayaan degaanada aan degan nahay ku martiqaadnaa maamulka iskuulka iyo macalimiinta kale ee ajnabiga ah si waalidku bal xitaa hadii degaankoodii la yimidna ay usoo xaadiraan. Hadab waalidka waxaan ku baraarujinayaa inay soo xaadiraan shirarka iskuulka ee kulamada macalimiinta iyo maamulka si loogu sharxo heerka ardaygiisu/ardayadiisu tahay wax barasho ahaan, akhlaaq ahaan iyo soo xaadirid iskuulka siduu ardaygaasi usoo xaadiro iskuulka.

Siciid Saalax waxa uu sheegay in dugsiyada loo yaqaan dugsiyada dadweynaha (ama public school) in ay yihiin meelaha laga soo saaro dadka wadanka hoggaamin lahaa, waase haddii ay waalidku ka warqabaan oo la scodaan ubadkooda. Waxana uu tusaale usoo qaataday qiso ay qortay gabar u dhalataya madowga maraykanka oo shegtay in markii ay dugsiga dhiganeysey ay ayeeyadeed ku qoran jirtey ii akhri wixii dugsiga lagaaga soo dhigay si aan kaaga dhegeysto, kaddibna qof, waxay gabadhaasi sheegtay in ayeeyadeed ay geyn jirtey maktabadaha oo ay dhehi jirtey akhri buugaagtan. Gabadhii waxay sheegtay in markii ay gaartey heer jaamacadeed ay ogaatey in ayeeyadeed aysan waxna qorin waxna akhriyin. Taasi waxay tusaale u tahay dadka yiraahda luqada meesha wax lagaga barto maganeyno ama aqoon malihi sidaas darteed carruurtayda xagga waxbarashada kama taageeri karo... waataas ayeeyadii aan waxna qorin waxna akhrin jirin ay gabadheedii noqotay qoraaga....

Siciid Saalax hadal xigmad ah oo uu sheegay ayaa ahaa: Saddex ayaa ilmaha saamayn kuyeesha, saddexna wa ka koraa ama ka kobcaa:

Saddexda Saamaynta kuleh
...Guriga iyo inta uu joogo
...Waxbarashada oo Iskuulka ah
...Bulshada ama bay'adda ku xeeran

Saddexda uu ka kobco
...Jirka oo dhisma
...Caqliga oo Kobca
...iyo Laxawga (Caqiidada)

Farriin iyo Talo kusocota Soomaalida W/A

Ugu dambayntii sheekh kamid ah culimadii madasha martida u ahayd ayaa Soomaalida soo gaarsiiyey farriin uu ka sidey muslimiintii dalka uga soo horeeyey, kuwaas oo sheegay in ay haboon tahay in intii la awoodo Soomaalidu gobol wada deggaan oo meel wada deggaan, taas oo fududayn doonta in gobolkaas ay Soomaalidu ka noqon doonaan booliiskii, macallimiintii, isla markaana kasoo gelayaan baarlamaanka. Waxaan uu tusaale u soo qaatay magaalo kamid ah Maraykanka oo hadda saamacadaha codka dheereeya lagu adamo sababtoo ah waa gobol ay ku badan yihiin dad muslimiin ah, sidaas oo kale ayaa meeshii aad ku badataan ugu yeelan kartaan saamayn ayuu yiri, waa haddii la isku duubnaado ubadkeenana lasiiyo muhiimad weyn maadaama ay yihiin raasamaalka ugu weyn ee aan haysano.

Waxa kale oo madasha laga akhriyey farriin ay soo tebisey hooyo Soomaaliyeed oo sheegtay in waagii ay dugsiga ka dhiganeysey magaalada Jawhar oo 95 km ujirta Muqdisho in aabeheed uu iskuulka iman jirey maalmo kala duwan, waxaana dhacday ayey tiri in aan maalin derbiga ka boodey oo iskuulka ka dhuuntay, waxaa Allah qadarey in aabahay uu iskuulka maalintaas yimid oo iga waayey. Maalin kale ayaan sidii oo kale iskuulka ka dhuuntay, waxaana isla maalintaasi kusoo beegantay in aabahay uu iskuulkii yimid oo iga waayey. Maalintii dambe ayaa arday iskuulka ka tirsan isku ballansadeen in aan iskuulka u goyno, anigu taas waa ka diidey saaxibaday waxaana u sheegay in aan ogahay wax aysan ayagu ogeyn.. Halkaas waxaa ka muuqata sida aabahaas Soomaaliyeed saamaynta weyn ugu yeeshay gabadhiisii lasocodkeeda, waana taas maanta ayadoo hooyo ah inooka sheekaysay qisadaas kudayashada mudan...

Gabagabadii barnaamijka waxaa loo mahad celiyey qaar kamid ah goobaha ganacsiga Soomaaliyeed oo ku deeqay sharaabkii (cabitaan) iyo cunto fudud oo lagu nastay intii aan la gelin salaadii cishaha...

Waxaa xiriirinayey barnaamijkan Maxamed Maxamuud oo ah runtii dhalinta aad isugu hawla sidii uu masjidka ugu soo xiri lahaa dhalinta Soomaaliyeed ee aan ku xirayn masaajida ee uu weliba barnaamijyo ugu abuuri lahaa.

Wixii farriin iyo talo ee loo dirayo masjidka Shaafici ee Minnesota oo ah goobtii kulanka lagu qabtay waxaa loogu hagaajin karaa CabdiQani qardhaawi@yahoo.com

Waxaa qoraalkaan toos usoo tebiyey Cusmaan Axmed isxaaq@yahoo.com

Waxaana sawir qaadista iyo dib u habaynta ka qayb qaatay Maxamed Cali somalitalk@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 12, 2003
Allaa weyn ninkii aaminaa awoodleh.

Maxaa Xal u ah Ubadka Soomaalida Qurbaha?

AF-SOOMAALIGA OO QARKA USAARAN KASUULIDDA LUQADAHA AFRIKA  

DHIBAATOOYINKA SOO WAAJAHA UBADKA IYO HOOYOOYINKA SOOMAALIYEED MARKAY YIMAADAAN DALKA DENMARK

CABSIDA LAGA QABO MUSTAQBALKA CARUURTA SOMAALIYEED EE KU SOO BUTAACAYA DALALKA GALBEEDKA

Sweden: Gabdho Soomaaliyeed oo Xijaabkoodu Muranka Dhaliyey

Waa Qaaraan aan Qabiil iyo Qadarin-Qoys toona ku Qotomin": Kulankii ardayda Soomaaliyeed ee Minnesota ayaa waxaa.. Guji..

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]