SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Wax aadan Aqoon u Laheyn  ha Dhax Galin !!

maxamed sh cumar faaruuq
ibnicumar@yahoo.com

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

 Waxaa jirta maah maah carbeed oo oranaysa weel  kasta waxuu burqadaa waxa guduhiisa kujira ,

Maanta qofka somaliga ah waxaa aad oogu adag in uu kala saaro qabiilka iyo siyaasadda ama diinta iyo qabiilka iyo qabyaaladda  ?  waana runtii dhibaato guud oona haysato !!

Waxaana saas u lee yahay  kadib markaan  aqriyay maqaalka uu soo qoray ninka isku magcaabay shaafici , ninkas oo maqalkiisa cinwan ooga dhigay Wadaaddadu ma Dad baa Mase Waa Diin? ??   ninkaa maskiinka ah waxuu u baahnaa ka hor inta uusan soo dirin maqaalka uu qoray qof u toosiya cinwaanka ?  maxaa yeelay wadaad in uu yhay dad ma doodbaa ka taagan ??haddiise uu is lahaa waxa cusub keen oo aan horay loo maqlin oo ah in wadaadku  usan dad aheyn waxay aheyd in uu xuso  oo uu ku xuso maqalkiisa laakiin wax cusub ma sheegin ?? Waxaan jeclaan alha in aan wiilkaas dhowr armiood xusuusiyo, ayada oo waliba ay 2 nin oo akhyaar ah ay u jwaabeen wiilkaas  oo kala ah c/waaxid iyo c /salaam , runtii si fiian ayeeeyna ugu jawabeen wiilkaas oo macquul ah.

1. horta culumada islaamka ee ilahay ku manystay xanbaaridda ay xanbareen diinta islaamka waa umadda lafdhabarkeeda, shaqadoodana waa hanuuninta iyo hagaajinta  umadda  , maadaama ay saas tahay  arintu waxaa  badan xantooda iyo wax ka sheegidooda ??? sababaha keenaya in inta badan dadku xantaan waa ama colaad uu qofku qabo sheekhaas asaga ah ,ama qof iska jecel in uu isi soo caan bixiyo ooo la yirahdo ninkaas ayaa  waxa ka sheegay sheekh hebel ! hadaba wiilkaas oo  ka soo bilaabay hadalkiisa sayid maxmed cabdulle xasan oo sheegay in uu ahaa nin geesi ah ,isla markaana uu ahaa nin diinta u adeegsada danihiisa khaaska ah oo qofkii isaga khilafana u arkyay in uu yahay gaal, dhiigiisana u banan yahay !! waxay ku tusinysaa tas maangaabinidiisa , war rkad rbto in ad qof bini da ah qiimayso  sideedaba waxad is br bar dhigtaa wanaagiisa iyo xuantiisaba , laakiin kaliya in aad tooshkada srto qofka dhaliilihiisa oo kliya waaba haddii ay sax tahay waxa uu sheegayo wiikaas. Sayidka tariikhdiisa waxaad ku soo koobtay intaas oo kaliya ?  adiga uu iska indhatiray taariikhdiisa cad oo uu ka soo  qaatay la dagaalanka gumastaha ,taariikhds oo ay bran jireen xataa caruurta  yar yar ee dhigata iskuulada  hoose dhexe iyo sareba ee dowladdii hore soamaaliya ?? Hadaba  waxaa ka khaldan  wiilkaas qaabka saxda ah ee qofka loo qiimeeyo ama miizaan loo  saaro  ?? Midda kale   waxaa jira wax la yiraahdo ixtiraamka qof kasta iyo takhasuskiisa,   marka waxaan habooneyn in uu qofka iska dhax boodo wax uusan aqoon u laheyn ama uusanba waxba ka garaneynin sideedaba, marka   ninaka maqaalkiisaas hore  waxuu ku eedeeyay sh cumar farauuq in uu u duceeyay maxamed faarax caydiid markuu geeriyooday , miyuusan la socon in nabiga uu ku tukaday salaadda janaazada boqorkii najaashi la oran jiray ,asagoo waliba miosiixi ah oo aan diinta muslimka ku dhiman , in kastoo aan taas loo soo qaadan Karin in ay banana tahay in lagu tukado janaazada  gaalada oo ay culumado qaarkooda y qabaan in ay taas khaas u aheyd nabiga (S C W)        

Si kastaba ha ahaatee culuma udiinka waa isklu wada mid oo waxay ka duulayan waa hal hadaf oo ah sida ay ku faafin lahaayeen diinta islaamak dadka dahxdiisa , marka  ,waxadna manta arkaysaa  sida ay dhaxdooda isu ixtiraamaan oo ay waliba isu jecel yihiin ayagoo wax qaraabanima ah ama qabiil uusan ka dhxeyn , oo midba midka kaler u duceeyaa , sidaas ayeeyna ahaayeen aimada afrata ah ee madahabkooda aduunka dunida muslimka ah manta la raacsan yahay lana tixgaliyo , hadii midkood su`aal la waydiiyo waxuu oran jiray hebalkaas waydiiya isagaa iga cilmi badane , Taasna waxaan ooga go lee yahay ninkaas maqaalkaas soo qoray  oo clu,ada qaarna aflagaadeynaya , waa kuwa uu is lee yahay  waa kaa fogyihiin reer ahan , kuwa kale oo ay isku reer yihiina amaanaayo oo ka dhigayo malaaig oo kale , marka haddii aaad adiga qabiil wax ku beysgaraynayso oo sheekhii aad isku jifo tihiina uu agtaada malag ka yahay kan kaa fogna uu mooryaan agtaada ka yahay , marka waaba danbi wayn in aad magic diineed ku hadasho amaba aad gashato shaar diineed , waa yo waxaad tahay nin qabiil iyo mabaadi kale wax ku salaynayo ,  culumada laguma  qiimeeyo ama qof kastaba kan waa reerkaygga kanna waa reerkaas kale ee  wxaa la fiiriyaa aqoontiisa diinta , iyo ikhlaaskiisaba.

  Marka gagabadii waxaa ayaan darro noogu filan haddii maanta mid kasta oo ama shaar qabiil huwan , mid kale huwanba uu ku hadlayo magaac diinta , sida sadaam ookale oo ku dhawaaqay 1990  , dagaalkii khaliijka in uu ku jiro jihad oo uu u dagaalamayo xoraynta masjidka al aqsa !!

Marka maanta  culuumta casriga ah sida caafimaadka oo kale ama farsamada oo kale qpf aan aqoon u laheyn iyo waayo aragnimo lagama yaabo in uu dhax galo , oo waxaa laga rabaa shahaado iyo khibro dheeraad ah iyo waliba ayadoo uu imtixaanka ku baaso , lakaiin diinta qof kasta ayaa ku hadli kara magaceeda , haduu doono shuuci ha ahaado ama qab qable degaal , taasna waa jaha wareer aan sahlaneyn ,

Laakiin waxa ilaah mahdiis ah in bulshada soomaaliyeed ay iskaga dhax darsaneyn maanta  midka cilmiga diinta legh iyo shaarkeeda iska wata oo raba in uu ahdaaf gaar ah oo uu lee yahay u adeegsado oo uu aaminsan yahay        

    waxaan kaloo intaas ku daryaa shirka carta ka qayb galiddiisa ma ahan jariimo gaar haan culumda ,maaxa yeelay waxuu ahaa shir soomaaliyeed auan ka qaeyn galeen dad fara badan , laakiin taas waxay ku tusinaysaa in mjtamaca soomaalida ay lafaha ka gashay kala saarida diinta iyo siyaasada oo aad arkeyso hadii sheekhu uu kahadlo siyaasad ama waxamaanta ka jira wadnnkii in meelkadhacay ,haddii laakiin mid qab qable ah ama mooryaan  ama magac qaabii  ku socda ooka qeyb galo waa caadi lalama yaabayo !!!

waligeedaba hogaanka umadda waxaa gacnta ay oogu jirtay culumaa udiinka iyo ragga quraanka xifdiyay ee saxaabada rasuulka SCW,ayaga ayeeyna ahayaeen ragaa uu cumar binu khadaab kala tashan jiray amuuraha

muslimiinta iyo waxkasta oo u baahan talo !!        markii uu dowrkaas culumada meesha ka baxay ayeey umaddu baa ba`day  oo taladii gacanta u gashay qowlaysato aan dan guud daneynin ee danahooda kaliya daba carara !!!

   waxaa qoray  maxamed sh cumar faaruuq
ibnicumar@yahoo.com

=====

Waxaan isku dhaafnay ,amaanada ilaahay,

Xadiith Islamabad. Pakistan Phone :9251-2292562

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 13, 2003

» Jawaabtii: Wadaaddadu ma Dad baa Mase Waa Diin? [C/Waxid]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

BOGGA: MAQAALADA DADWEYNAHA... GUJI

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD