Aadamigu waxyaabaha Illaahay kaga duway xoolaha waxaa weeye adeegsiga caqliga 
 iskastoo garashaduna ay ku xiran tahay qofka inta uu Eebe gesho.
 Haddaba, waxaa la yiraahdaa in xilliyada adag ay dadku kala miirmaan, si 
 sahlanna lagu kala garto shaqsiyadda qofka uu leeyahay.
 Tusaalana waxaa ah oday ka mid ah reer Puntland oo lagu magacaabo Kol. Cali 
 Baadiye oo maqaalo uu qoray  darteed uga baxay suuqii siyaasadda ee Pl!.
 Haddaba, Kol. Baadiye oo la dhashay Kol.Moxamed Sheeekh cisman (Ciro) oo ka 
  madax ahaa inqilaabkii 1978ka ayaa qoraaladiisii ku baaqeen  in reerkiisa ay 
 noqdeen sidii reer Diinigii Mareexaan oo kale, sidaas darteedna ay waajib tahay 
 in lala dagaalamo lalana jihaado!.
 Maantana  Koloneelkii wuxuu daba rucleenayaa kii dartiis uu reerkiisii uu u aflagaadeyey 
 oo ah madaxweynaha PL. 
 Taasna , waxaad ka garan kartaa haddii nin siyaasi baan ahay lahaa ay sidaas 
 ka suurtoowday, maxaad ka fileeysaa in kuwii ka da'da yaraana ay sameenayaan?
 Si kastaba ha ahaatee Carte ka dib, reer PL waxaa lagu arkay dhaqamo aan 
 horay loogu arag oo ay ka mid yihiin iyagoo qaarkood laheynba dareen wadaninimo 
 iyo mid diineeed intaba .
 Sidaasna waxaa u leeyahay waxaa ay tahay markaan arkay :-
 1. King Kong oo intii aan laga soo ceyrinin Carte ka hor  ku tilmaamaya 
 ciidamda daraawiishta Pl in ay yihiin amxaaro isagoo is -iloowsiinaya gumeysiga ka 
 jira koonfurta siibana Kismaayo!.
 2. Moxamed Cabdi Yusuf oo shirkaan Kenya ilmada beenta ah iskaga keeenay oo  jariidad ka soo baxda magaalada Tilburg (Hoolland)  oo maxali ah uu sheegay si uu 
 iskaga  gado C/qasim darteed  in (Awrtable) iyo Leelkasaba illaa iyo maanta ay 
 gumeystaan Majeerteenka inkastoo la wada ogsoon yahay in Xaji Diriye Xirsi uu ahaa ninka Daroodka oo dhan ugu arimin jiray nus qarni ka hor magaalada Xamar. 
 Maalin dhoweydna wuxuu  ka lahaa Xamar in Pl ay ku khaldan tahay ku dhawaaqidda 
 gobolka Cayn si nin arriminta PL ay khuseeyso.
 3. Waxaa iyaduna markhaati ma doonta ah in nin kale oo isaguna qaxooti ku ah 
 Ingiriiska Zakariye wareysi uu siiyey "shabakad Internet ah" uu ku yiri ,"Shirka Kenya waxaa ka 
 maqan 5 gobol oo Somaliland ah", taasoo macnaheedu la yaqaano!.
 4. Hadda ka horna isaguna Jaamac Cali Jaamac ayaa si daneystinimo ah u yiri 
 in Pl uu u yahay madaxweyne balse Sool iyo Sanaag ay ka tirsan yihiin S/Land! . Taasna 
 maanta ayuu miraheedii hayaa oo cid kaleba daayoo kuwii soo dirsaday ay iska 
 fogeeyeen xataa ninkuu ku lahaa "Qanyare  Waa Ii Hiiliyey "  ayaa leh Jaamac awalba waa la isticmaalayey ee waxba ma aheyn!
 Guud ahaana, waxaa yaab leh sida ay ku suurtoowday in daka qaarkiis ay hal 
 mar ay sheegaan labo arimood oo iska soo horjeeda sida Somali kala goyn iyo 
 wadaninimo, muslinnimo taam ah iyo tafaraaruq & munaafaqnimo, xaqnimo iyo 
 xaqdarro, daraawiishta Pl oo askarigoodii dilay ninka u dhashay Jareer wenye dilka ku fuliyey iyo 
 mooryaanta C/qasim ee caanka ku ah dulmiga iyo sheekada Ibnil Muqiira iyo Sool.
 Sideey ahaataba waxaaa marnaba leyska indha tiri karin in qofkii u hiiliya 
 midnimada dalka uu muujiyey wadanininmo isagoo fuliyeynna wixii diintu fartay sida aad ka garan 
 doonto Aayadda ah , "Wa Ictasimuu Bi Xabli Laahi Jamiican W alaa Tafaraquu".
 Aakhirkiina, mar haddaanu aragnay kuwii da'da iyo garashadaba dhaamay C/waaxid 
 oo ay u cadaatay in reerkooda dhexdiisa ayan waxba ka noqon karin waxyaabaha 
  ay ku kacayaan iyagoo cid qaban kartana ayan jirin , soo marka in aanu 
 walaalahayaga uu u gafo ay ogaadaan in isaguna waxba ka duwaneyn kuwa aan kor 
 ku soo qaatay, sidaasna raali nagaga noqdaan.
 A.Dirir
 
 burashadley@hotmail.com