SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Doodo ka Cusboonaaday ”BBC iyo Cali Samatar

Shaafici Xassan Maxamed
E-mail: mi99mosh@chl.chalmers.se

I  I  D  H  E  H

KAAH
GUJI HALKAN.......

Waxaa tan iyo markii la baahiyey maqaalkii aan u bixiyey ”BBC iyo Cali Samatar” igu soo qulqulayey qoraallo iyo doodo ay akhristayaashu iigu soo daldalayeen si aan caadi ahayn. Markii aan maqaalkaas qorayey ma aan moodayn in uu furi karo xiisado sidaan u kacsan iyo hanbalyooyin sidaan u xooggan, hase yeesho ee waxay qoraalladii lagaga hadlay kor u dhaafeen lixdan e-mail, ilaa haddana waxaa la moodaa in ay isaga soo daba gurmayaan sidii daruuro ay gufaaco soo harbinayso.

Waxaa la moodaa in uu maqaalku abuuray doodo taariikh iyo aragtiyo isugu dhafan, oo ka xawli badan qaar ka mid ah qoraalladii hore. Doodaha oo dhan lama soo koobi karo, laakiin waxaan isku hawlayaa in aan dusha ka maro, oo aan intii isku aragti dhowba hal mid ka soo qaato. Waxaan go’aansaday in aanan akhristayaasha ila dooday ama ii hanabalyeeyey magacyadooda sheegin, waayo ma aqaan in ay raalli ka yihiin in la magacaabo, isla markaas magacyadu muhiim ma aha ee waxaa macne leh doodda iyo aragtiyaha ka soo cusboonaaday maqaalkii maalmo ka hor la faafiyey.

Waxaan ku bilaabayaa nin qoraa ah oo iila dooday si aanan filanayn, wuxuuna hadalkii uu soo qoray ahaa:

”Godka aakhiro ayaa loo qaataa Cukur iyo raggiisii, waayo waxay ka tageen duni nin kaa caqlixumi inta uu naagtaada fuulo ka dibna kugu cadaadinayey in aad tiisa ’hooyo’ ku tiraahdid. Raggii arrinkaas laga helay ayaa maantay taariikhda Soomaaliya marti loogu yahay. Runtii Shaafici aad ayuu u qurux badnaa maqaalkii, waana la socdey maqaalladaada from Itixaad iyo Ilma Yuusfu To BBC iyo Cali Samatar. Waxaan ka ciil qabaa in Naakhuude la jaray. Walaal kuwa joojiyay waxaa laga yaabaa in ay ka mid yihiin ilmihii ku uurgalay waagii kacaanku ragga guryaha ka saarayey, waxaa kale oo laga yaabaa in aad ka af dheeraatay oo sidaas awgeed la guula coloobey, waayo qaciidada loo raaco xaasidnimada ayaa noocaas ah”

Waxaa la moodaa in qoraagaani xagga go’aanka iyo feejignaanta uu kala mid yahay Khaliif shiikh Maxamuud, waayo wuxuu walaac weyn ka muujiyey mirihii ka soo go’ay shaqooyinkii kacaanka, wuxuuna soo kordhiyey marmar dadka in loogu hanbalyeeyo geerida, waxaana marmarkaas ka mid ah kolkii ay dumaashu geerida ka horrayso iyo markii dadka lagu sidko hooyooyin aan dhalin. Waxaa jira miro gabay ah oo ku saabsan in aan lala heshiin karin nin kugu khasbaya hooyo aan ku dhalin, waxayna miruhu ka mid yihiin tixdii caanka ahayd oo uu magaceedu ahaa ”Kula heshiin mayno”, oo ku saabsanayd dabeecadaha aan kacaankii lagula heshiin karin. Waxay tixdaasi ka soo burqatay maskaxdii baaxadda weynayd ee Khaliif shiikh Maxamuud, oo yiri:

  • Guulwade hub iyo seef sitoo, kugu haliilaaya

  • Santuukh habari boodayso iyo, hooyo ku khasbaysa

  • Horay looma arag oo annagu, kula heshiin mayno

Akhriste kale wuxuu u dooday sidaan: ”Shaficiyow waxaad tahay miskiin, waayo haddaad wax garanayso ama aad taariikhda la socoto shalay ninkaad gabayadiisa tiranayso waxyaabaha looga guulystay waxaa ka mid ah markii duulka dumarkaa wax ka sheegay, adi hada Siyaad, Samatar iyo Idaajaa kaa rabto wax ka sheeg, balse maxaa gabadha kuu geeyay haddaad waxaa ka hadlaysay gabdho masaakiin ah oo la xoogay, taa hada adi gurigeeda tilmaamaysa inaad xoogaysa hada maxay ka duwan tahay?”

Hadalka akhristahaani aad buu u xiiso badan yahay, waana akhriste furay arrimo waaweyn. Gabyaaga uu waa laga guulaystey leeyahay waa Khaaliif shiikh Maxamuud, gabadha aan gurigeeda sheegayna waa Khadiijo oo u dhaxdey madaxweynihii ugu danbeeyey ee Soomaaliya, oo aan xusay in uu Cabdiqaasim aqalkeeda taagnaan jirey.

Horta marka kowaad nama uu soo gaarin gabay Khaliif lagag guulaystey, oo hadalkaas akhristuhu wuxuu ka maqlay dad kacaankii ahaa oo guusha u arka in guulwade la noqdo. Haddii aynu ujeeddada akhristaha abbaarno waxaa la moodaa in uu maqlay in uu Khaliif dad soomaali ah sino ku canaantay, taasna loogu marmarsiinyooday in ay dadkaasi ahaayeen dumar, oo aan haweenka sinada lagu canaanan.

Waxaynu in dumarka sinadooda laga hadli karo ka cabbaynaa oo ka daliishan dhawr ilood, oo ay ka mid yihiin diinta, dhaqanka iyo caqliyu. Qur’aanka waa lagu caayey sinada dumarka iyo midda ragga labadaba, oo Rabbi ayaaba dadka kala hadlay in ay sinada ku khaldan yihiin, ee Khaliif uguma uu horrayn cid canaan sino ku saabsan dad ku wajahdey, isla markaas nebigu scw wuxuu meel fagaare ah ku ciqaabay gabar sinaysatey, ee mar haddii ay ciqaabi dhacday xaggee bay gabay iyo hadal kale joogaan?

Xagga hiddaha soomaalida waxaa jirtey gabar caan ah oo magaceeda Arraweelo la oran jirey. Waxaa miyi iyo magaalaba la isla dhexmaraa in ay Arraweelo sinaysan jirtey, oo ay tiri ”Waxaan jeclaan lahaa in galab kasta casarkii uu ii galmoodo nin cusub oo subax joogaa, waayo dumarku casarkii bay ugu baahi badan yihiin, ragguna subaxii”. Gabadhaas aad bay ummadda soomaalidu uga hadlaan in ay sino xad-dhaaf ah ku talaxtagtay. Waxaa Arraweelo ka danbeeyey Wiilwaal oo xaaskiisii ku eedeeyey in uu u dabamaro inan uu adeer u ahaa. Qisooyin iyo gabayaal culculus oo arrintaas ku saabsan baa Wiilwaal ka sugnaaday, waana arrin cad oo muujinaysa in xagga dhaqanka laga hadli karo sinada dumar.

Cilmi-Boodhari wuxuu ahaa nin uu jacayl googooyey, wuxuuna mar gabay ku canaantay gabdho sinaystey. Xagga diinta sinadu ma aha in la isu tago keli ah, ee in la isqaawiyo xataa diintu sino ayey ku tilmaantay, oo haddii ay haweenku naasaha qaawiyaan, ragguna ay daawadaan waa sino. Cilmi oo dumar badan oo naasoqaawan canaanayey ayaa wuxuu yiri:

  • Qalbiguu wax naga yeelayaa, naaska qaawaniye

  • Inaan Eebbahay idin qarribin, qariya laabtiinna!

Lama soo koobi karo arrimaha xagga dhaqanka iyo xagga diinta ah oo waajibinaya in dumarka sino lagu canaanto, waxayse canaantu u kala baxdaa labo nooc. Midda kowaad waa in qof toos ah oo gooni ah loola jeedo sida xaaskii Wiilwaal iyo sinada Arraweelo. Midda labaadna waa in dumar guud oo aan la magacaabin la canaanto sida Cilmi-Boodhari, taas ayaana akhlaaq ahaan fiican.

Haddaba Khaliif shiikh Maxamuud wuxuu maray waddada akhlaaqda wanaagsan. Wuxuu ogaa in ay sinada dumarku ugu xun tahay markii lagula geyrasheeyo Maka iyo Madiina, oo asaga oo aan qof gaar ah carrabka ku dhufan ayuu wuxuu canaan ku yiri:

  • Maka iyo Madiinaba maxaa, geyrashka u meershey

  • Masjidkii ilaahay maxaa, loo muskiladeeyey?

Canaantu markii ay su’aal tahay ayey ugu sharaf badan tahay, oo Khaliif arrinta su’aal ahaan ayuu u cabbiray, waana arrin muujinaysa in uu Khaliif hadalka u abbaari jirey sida ugu habboon. Afka carabiga siiba carabiga diinta waxaa su’aasha noocaan ah la dhahaa ”Istifmaahul inkaari”, oo uu macneheedu yahay ”Waydiin canaan ah”. Khaliif aabbihiis waa shiikh Maxamuud Saciid oo ahaa nin diinta caalim ku ahaa, oo geeriyoodey 1996. Wuxuu muddo dheer dugsi Qur’aan ka dhigayey magaalada caanka ah ee Qardho, wuxuuna kutubo badan ka mariyey masaajid aaggaas ku taal iyo goobo kala duwan oo dacwada islaamka loogu talogalay.

Haddaba waxaa caddaan ah in uu Khaliif cilmi baaxad weyn ka ogaa halista ka imaan karta sinada, waayo wuxuu ku soo ababay dacwada islaamka, wuxuuna yaqiin sida ayada oo aan qofna la magacaabin dumarka sinada looga nahyiyo. Diinta qodobbada ugu culculus waxaa ka mid ah ”Alamru bilmacruuf, wannahyu canilmunkar” oo ah in wanaagga sida kacaandiidnimada dadka la faro iyo in xumaanta sida sinada dadka laga reebo, waana hawshii uu Khaliif, Alle ha u naxariisto, ee darteed u godgalay.

Haddaba akhristaha waxaan uga digayaa in aysan dhashii kacaanku labo arrimood ku khaldin, oo uu mar kasta feejignaado. Midda kowaad waa in loogu sheekeeyo in ay jirto cib Khaliif gabayga kaga jid lahayd. Midda labaadna waa in uu geyiga ay soomaalida degaan ka soo ifbaxay gabyaa xagga maansada iyo go’aan’adaygga la miisaan ah Khaliif. Labadaas arrimood shakhsigii aan qirini ama waa xaasid ay calooshiisu cudcur tahay ama waa jaahil ay maskaxdiisu maran tahay oo aan cilmiga maansada waxba ka aqoon. Waxaa jirta arrin weyn oo in niyadda lagu wada xajiyo oo la isla ogaadaa xikmad tahay, waan in aysan kacaankii fiicnayn, waayo haddii aysan bahaayin ahayn dalkooda sidaas uma ay kharribeen.

Akhrisato ayaa waxay ii soo qortay: ” Shaafici, Adigoo aad raalli iiga ah waxaan ku weydiiyey, waa foolxumo iyo murugo in la kufsado hooyo ama gabadh Somaaliyeed oo weliba ay kufsadaan rag Somaaliyeed. Si aadan qiyaasi karin ayaan uga danqadaa. Balse, waxaan ka yaabay, boqol sano ka hor kufsigii dhacay inta aad ka sheekeyneyso, maxaad wax uga odhan weydey kufsigii ka dhacay Xamar? Mese USC kufsigeedii waa mubaax? Waxaan xusuustaa gabar saddex maalmood umallanayd oo lagu kufsaday xaafaddii la odhan jirey Buulo Xuubey! Marka qabiil yuusan indhaha kaa ridin. Xumaanta wada cambaare, haddii kale iska aamus inleyn waxaad noqoneysaa nin buka eh. Mese weli sida kaa muuqata waad ciil qaabtaaye, weli kamaydaan dhergin kufsigii?? Goorma ayey jiradu idin deyneysaa? Inleyn intaad qarankii sidii uu u dhamaa rogteen oo 14 sano Somali u diideen nabad, oo kufsi iyo dhac, iyo diirasho dalkii ka dhigteen baad weliba sii ciil qabtaan. Goorma ayaad bogsanaysaan????”

Waxaa la moodaa in ay gabadhu i saartay maxkaddii la saari lahaa Cabdiqaasim Salaad Xassan iyo odayaal kale, oo bud-dhigayaal u ahaa wixii kufsi ka dhacay koofurta Soomaaliya. Kufsigii kacaanka iyo kufsiga hadda socda labadaba Cabdiqaasim qayb libaax buu kaga jiraa, laakiin anigu wadaad ayaan ahay, oo USC weligay kama aan mid noqon, waxaana ku sii jeedey dacwada islaamka. Runtii waa la igaga saxan yahay in aan inta kufsiyo yaryar sheegay aanan taaban wixii dhacay muddadii ay mooryaantu dabarka goosteen, laakiin hadda ayaan qirayaa in ay foolxumooyinkii taariikhda soomaalida ugu xumaa ka dhaceen koofurta dalka 13 sano ee ugu danbeeyey. Akhriteyaal aad u badan baa igu eedeeyey in aan ahay denbiile USC ka tirsan, laakiin way iga gardaran yihiin.

Akhriste kale ayaa wuxuu qabaa doodo kuwii hore ka duwan, wuxuuna qoray: ”Waxaan si fiican u aqristay maqaalkaagii dheeraa hadalkagu waxuu ahaa hadaan soo koobo horta waxaad tahay nin qoraa lagu sheego karo af soomaaligiisuna uu leeyahay balaaqad wayn. Horta waxaa ii soo baxday inaadan ciidanka aanad wax badan ka bowsan, maxaa yeelay waxaad tiri shaqadeey janaraaladu qaban waayeen waxaa qabtay leutanant colanel, dagaalkii 77 g/dhaxe waxuu noqon karay oo kaliya batalion commander ama taliye urur ilaa 500 nin oo hubaysan nimanka aad ka hadlaysayna waxaa hoos imaanayey ugu yaraan divition ama qayb ah 15.000 ilaa 20.000 waxaa kale oo cajiiba sida aad cadaaladdaro u sheeganaysid iyo sida aad haddana Cabdulaahi yuusuf u soo qaadanaysid oo aan qabo in uu yahay aabaha mushkiladda soomaaliyeed. Saaxiib inta ad ka xanuunsanayso maanta xaaladda soomaaliyeed baan kula xanuunsanayaa laakiin haddii aad rabto in 13 kaan sano ee ina dhaaftay loo diwaan galiyo waa 13kii hawiye cabdulahina madaxwayne noqdo waa war aabihii dhintay intaa ka dib shaafici barasho wanaagsan wabilaahi tawfiikh”.

Waa run oo markii uu ciidanku xeryihiisa caadiga ah joogo waxay 20 000 oo askari hoos imaan karaan Maslax Maxamed Siyaad, hase yeesho ee markii Godey iyo Jigjiga Itoobiya laga saarayo Maslax 10 askari laguma aamini karo. Meelaha sidaas u qallafsan waxaa soo baxa ragga kartida leh, ee garaaddadu wax sidaa u sii weyn ma ah. Waxaa markii Jigjiga la qabanayey loo aayey kartidii Cukur, halka ay garaaddadii kuwo kale magaalada ka saari waayeen ciidankii horay u haystey ee Mengisto. Haddii ay janannadaasi karti leeyihiin waa la toogan lahaa ama xarig baa lagu qabbiri lahaa, waayo toogashada xabsigu waxay toos u wajahayeen ninkii ereyga ”Maya” ay afkiisa iyo niyaddiidu keeni karaan.

Dhanka kale waxaa yaab leh in ay dad badani igu eedeeyeen USC iyo Cabdullaahi Yuusuf. Waxaasi waa shaki aysan waxba ka jirin, ee anigu dadkaas weligay ma taageerin. Markii uu dagaalkii Itoobiya dhammaaday Cabdullaahi in uu dalka ka baxay ilama ay xumayn, waayo in la toogto iyo la xiro ayuu ka heli lahaa bah Khadiijo iyo aabbohood. Midda kale Ismaaciil Cumar Geelle nin xishoonayaa cunto uma uu doonan karin. Guud ahaan waxaa ummadda u fiican in ay dawlad iyo xasillooni helaan, oo hubka laga uruuriyo.

Shaafici Xassan Maxamed
E-mail: mi99mosh@chl.chalmers.se

QORAALADII HORE EE SHAAFICI

Afeef: Fikradda qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 17, 2003  
 

.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  
Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 
 

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]