salaan qiimo badan kadib
Waxaa indhuhu ii furmeen iyadoo la leeyahay qofkii ku hadla ama laga maqlo
magac qabiil waxuu mutaysan ciqaab fool xun waxaan xasuustaa magaalada galkacyo
bartamaheeda iyadoo wax caato badan oo lafo qaloolan ah oo laleeyahay waa
qabiilkii oo maanta laga bilaabo la aasay oo wixii maanta ka dambeeya sidii aad
uga samirto ehelkaa aad duugto aad qabiil uga samirto,waxaa berigaa xasuustaa
banaabax wayn oo dadkoo dhan isugu yimaadeen oo islaamo durbaano wataan iyo
guulwadayaal dhar cagaaran sita iyo dad mashxaradaya oo leh maanta waxaa
dowladdu qabatay oo tiirka gaysay(toogatay)dad uadeegaya cadow oo ku shaqaysta
qabiil,kadib markaan waynaaday baan ogaaday raggaasi inay ahaayeen,salaad
gabayre,caynaanshe,iyo cabdiqaadir dheel,waa hagaag haddaba marka hoos loo
daadego ma shaqaynaysay duugitaan qabiil iyo wada noolasho dhexmarta kuwa
ilaahay kuwada abuuray bogcadaa yar ee magaalada galkacyo.
Meeshii ilaahay(S.W.T.)ii gartay inay ku dhacdo xuduntaydo oo aan ku dhashay
waa galkacyee waligeed waxaa dhexyaalay gidaar weyn oo ah khad cagaran malaha
waa ka darnaa kii la burburiyay ee baarliin,waxaa dadkaas si walba walaalaha
uahaa dhextiilay xayndaab weyn oo waxaa loo qaybsanaa magaalada dad kala jooga
koofurta iyo waqooyiga ,waxaana loo kala qoqobnaa magaca qabiil ee soomaali
maanta halkaas geeyay,waxaana ugu darnaa labada beelood ee magaalada ugu badnaa
kuwasoo isugu yeeri jiray magcaanta hadda saxaafadda amase shirka Nayroobi aanu
ka maqalno oo loo bixiyay 4.5beelood,marka anoo jeclayn inaan carabka ku dhufto
magcaanta aan maqli jiray oo laysku ihaanayn jiray si aad ugarato waxaan kasoo
qaadan kuwa dhegihiinu marar badan ku dhaceen waa beelaha ay kakala yimaadeen
Cismaan caato amase qanyare,dhanka kale cabdullaahi yuusuf amase barre
hiiraale,Haddaba si aan kuugu jilciyo akhristow uurku taalada aan xasuusto oo
kala qaybiyay hoygii aan ku dhashay ee hawada carfoonayd ee galkacyo.
waxaan xasuustaa markaan yaraa ee aan dugsi quraanka dhigan jiray oo aan ahaa
dhaban khadle ,malaha qofkii ku dhashaa garanayee waxaa caado ahayd in maalinta
khamiista galinka dambe ardadu aadi jirtay qabuuraha Cirjiife oo dadka
marxuumiinta lagu soo akhriyo quluwale,cirjiife waxuu ku yaalay dhanka bariga
magaalada oo ardayda labada dhinac waxay kakala imaan jireen waqooyiga iyo
koofurta,malaha waxa kaliya ee kulmin jiray waa dhulkaan lagu aaso dadka tii
ilaah u timaado,haddaba markii lasoo dhamaysto booqashada qabuuraha oo loo soo
duceeyo asxaabul qabuurka ayaa loo kala soo fuli jiray qolo walba dhanka ay ka
timmid ,marka loo kala jeesto qolo walbaba jihadeeda ayaa waxaa bilaaban jiray
dagaal faraha looga gubto ,waxaa laysku harqin jiray dhagxaan waraf iyo tuuryo
sida maalintaasoo dhan laysku weerayo ayaa qoraxdo dhici jirtay,waxaa lagu soo
guryo noqon jiray ayadoo badi ardaydu dhiig ka da,ayo oo mid fayow aanu
jirin,maalinba qolo hilfaha loo qadi jiray oo lacayrsan jiray,maalin khamiis ah
oo si nabad loo kala dareero ma xasuusto,waxaa sii dheer iyadoo loo kala qaylin
jiray oo laysku hiiraafi jiray erayo xitaa oonta aanu cuno ku jiraan oo qoloba
qolada kale unisbayn jirtay,wayaab halkii baladu naga asiibtay oo colaada intaa
le,eg ay ka dhexleen ummaddaaan dadoo dhan iska xiga ,haddaan dib taariikhda u
raacay waan waayay wax intaas gaarsiin kara ee colaadeed,waxaan ka ahayn
dagaalada soo jireenka ah ee somaali oo dhan ka dhexeeya ee ku saabsan rer
miyinimada,waxaa iga yaabiyay markuu garaadku ii kordhay oo adduunyada arkay
sida dadka meel wada dega ay iskaga xigaan dadka kale oo aad moodo walaalo
hooyo iyo aabo dhalay,say uqaybsanayd magaalaadaan ku dhashayna magaalo
soomaali oo uqaybsan aanay jirin,aduunkana hadaan fiiriyay malaha qudus
mooyaane magalo sidaasoo kala kala qoqoban majirto,Sannad walbana baarliina loo
dabaalo dego markii laysku furay oo dadkeedu ka badan yahay 6milyan,shiinaha oo
dadkiisu dhanyahay 1.4bilyan uu yiri igama go,da hongkong,haddana u gacan
haadinaya taiwan,waayaabe maxaa annaga reer Galkacyo oo ka yar 50kun noo diiday
inay midowdo magaaladaydii hawada macaanayd ee galkacyo,waxaa maalin walba
saxaafadda ka daalacdaa bartamaha magaalada ayaa la isku xabadeeyay oo maanta
reer hebel intaa ayaa laga dilay,soo dadku marna garaadkoodu kama koro waxa
aduun iyo aakhiraba udaran oo ah isu layn iyo isu nacayb hayb qabiil.
Waqtigaas aan soo barbaarayay dadkii magaalada tijarta iyo ilbaxnimada uahaa
badi labada dhinacba waxay ku baxeen gacan oo waxaa loo dilay hayb qabiil,isku
soo xooriyoo galkacyo waxay ubaahantahay in la mideeyo oo laga qaado darbiga ku
dhexjira ee ah aafo qabiil,markaas ka dibna soomaali waxaan qabaa si dhib yar
ayay uheshiin laakiinse inta galkacyo kala qaybsantahay oo magacii aan ogaa
layskgu yeerayo walee wali wax wayn baa dhiman
Marka ilaahay naxariistiisa lagama quustee Malagayaabaa anoo nool inaan arko
dadkaygii iyo magaaladaydii oo midowbay gacmahana ishaysta oo si runaa uduuga
nacaybka iyo qabiilka kala qoqobay
Wabilaahi Towfiiq
Aden Mohamed
adengas@hotmail.com
Dumarka Soomaaliyeed: Doorkoodii shalay
iyo maanta
GUJI.....
Labo Soomaali ah oo isku Gubtay Xerro Qaxoooti oo ku
taal Dalka Jordan
Ka akhri warbixintii Ikraam...
Guji Sept 25
Waa Kuma
Yesser Carafaat?
Taariikh/Faalladii Siciid Himilo...
Guji...
Oct 6
Col.
QADDAAFI WAA KUMA?...
Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh
qoraaga ku saxiixan
..
WARAYSIGII ABDULLAHI NUUR SALXAAN UU SIIYEY SOMALITALK
.. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com