SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
“Caqli nimuu ku weynyahay ma cuno calafka qaarkiise” 

Cabdulwaaxid Khaliif 

  cabdulwaxid@hotmail.com 

 

Asalaamu calaykum.

 

Ilaah baa mahadleh. Nabadgelyo iyo Naxariis ha ahaato Nabi Muxamed korkiisa.

Akhristayaal waxaa jirtay in gabyaa la yiraahdo Aadan-Carab uu gabay u tirshay Cali-Dhuux iyo Ismaaciil Mire. Ismaaciil Mire gabay buu ugu jawaabay laakiin Cali-Dhuux wuxuu ku soo gaabiyey hadalkii:

  • Cad hadduu carrada kaaga dhaco amase ciidoobo

  • Caqli nimuu ku weynyahay ma cuno calafka qaarkiise

  • Anigana carruuraha yaryari waa iga caynkaase

  • Maxaan Aadan Carab kala hadlaa caaqil baan ahaye.

Waxaa jira nin sheegtay Farah Warsame oo horay jawaab iigu soo diray asaan ka gaabsaday jawaabtiisa markaan arkay in aysanba xambaarsanayn wax loo jawaabo. Hadda wuxuu ugu sheegay “virus”. Waxaan islahaa ma wuxuu dhihi doonaa diin baad cayday laakiin sheekadiisu C/hi Yuusuf iyo maxaad diinta usoo daliishataa buu ka bixi waayey. Maqaalkaygii hore ayaan arrintaas ku sharxay. Waxaadba moodaysaa inuu isleeyahay ninkaas ka xanaaji si uu maqaal usoo qoro.

Hadda laga bilaabo waxaan u jawaabayaa haddii Ilaah idmo qofkii si fiican u doodaya oo garnaqsanaya laakiin magac iyo e-mail la iska soo qortay uma jawaabi karo. Marka dhib uma arko haddii la iga gar helo oo la i aamusiyo.

Waxaa jirta dacaayad kale oo ay Soomaalidu sheegto, in haweenay garoob ah oo baayac mushtarad ahayd, xoogaana haystay guursatay nin dhalinyaro ah oo Baydhaba joogay. Waxay ninkii ka dhaadhicisay in ninkii haweentiisa hal mar utagaa uu la ajar yahay Cali Binu Abuu-Dhaalib (RC) oo afartan gaal seeftiisa ku dilay. Ninkii wuu iska rumaystay. Maalintiiba intaas oo jeer bay oranjirtay gaal dilaanee? Markaasuu isna dhihi jiray dilaanee isagoo ajar jihaad filaya. Muddo markay arrintaasi socotay ayaa ninkii naftii qabatay. Maalintii dambe ayey tiri gaal dilaanee? Markaasuu yiri Gaalo seeftii Cali (RC) dhamayn wayday ma dhamayn karo!

Marka sida C/hi ugu hayo waxaan idinka difaacin qolo kalee diyaar ma tihiin? Waan nahay. Waxaan idiin samayn gobollo cusub diyaar ma tihiin? Waan nahay. Waxaan idiin soo celin madaxweynanimadii diyaar ma tihiin? Waan nahay. Marka iyagaa maalinta dambe kasoo istaagin ee aan sugno.

Mahadsanidin.

Assalaamu calaykum


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

WQ. cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 Faafin: SomaliTalk.com | Sept 11, 2003

 QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID

C/laahi Yuusuf ma laha Puntland ee Dadkaa leh
Waa Jawaab Qoraalkii Puntland: Tahriibkii Badday ku Tuureen Guji..

» CALI-DHUUX iyo CABDULLAAHI YUUSUF! [Cali Shire]

QAYBTII 2aad: WAA KUMA CABDULLAAHI YUUSUF?
Qaybta 1aad...  | Qaybta 2aad... | Qore: XagarYare | 


Wada-shaqayntu Waa Furaha Guusha.. GUJI

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo  Somaliyed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri


 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]