Washington: Madaxweynaha Dalka maraykanka George Walker
Bush ayaa xallay waxaa waraysatay idaacadda la iska arko ee la yidhaahdo FOX
NEWS ee xarunteedu tahay magaalada Newyork, weraysigaasi oo dhamaantiis ku
saabsana siyaasadda Madaxweyne Bush ee waddanka ciraaq waxaa lagu weydiiyey
su,aalo dhinacyo badanleh su,aashii ugu horaysay ee uu weriyaha FoxNews
weydiiyey isaga oo ku booqday madaxweynaha xafiiskiisa guriga cad waxay ahayd "Madaxweyne
ka dib shan bilood oo uu maamulkaagu go,aansaday in lagu qaado hawl gal
militery waddanka ciraaq oo aad hogaaminaysay siday hadda kuula muuqata
Madaxweyne Bush oo ka jawaabayey su,aashaasi wuxuu si fudud u yidhi "In weerar
aanu la beegsano Ciraaq waxay ahayd go,aan muhiim ah oo caqli gal ah" mar la
weydiiyey bal siduu u arko doorka jamiciyadda quruumaha ka dhexaysa ku yeelan
karto aayaha danbe ee waddanka ciraaq,
 |
 |
|
Madaxweyne George Bush |
Madaxweyne Chirac
|
wuxuu yidhi madaxweyne Bush "Ma arko door looga
baahanyahay jamiciyadda quruumaha ka dhexaysa inay ka ciyaarto waddanka ciraaq,
kamanaanan codsanin in ay naga caawiyaan hawlaha aanu ka wadno ciraaq, waxaa
keliya oo aanu beesha caalamka weydiisanay inay nagala qayb qaatan sidii
dastuur dimuqradi ah loogu samayn lahaa loona eegi lahaa sida ugu macquulsan ee
dooroshooyin dimuqradi ah ay uga dhici lahaayeen waddanka ciraaq" Mar la
weydiiyey bal siduu u arko ajande uu dalka faransiisku soo jeediyey oo
dhigaayey in sida ugu dhakhsaha badanleh awooda dib loogu celiyo bulshada
ciraaq, ciidamada xulafada ee maraykanku horkacayaana dib looga saaro waddanka
ciraaq wuxuu Madaxweyne Bush ku jawaabay "Wax macquul ah ma aha in si fudud
loogu celiyo awooda dalka ciraaq, waddanku weli isma kabin wuxuu u baahanyahay
kabitaan dhaqaale, iyo mid ijtimaaciba, markaa uma arko wax caqli gal ah oo
macno leh qorshahaa ay dawladda faransiisku soo jeedisay" M! ar la weydiiyey in
uu isagu qudbadiisa uu ka jeedin doono qaramada midoobay uu ku qeexi doono in
uu qoomamo ka muujinaayo dagaalka waddanka ciraaq uu ku qaaday wuxuu Madaxweyne
Bush si fudud u yidhi "ha ka yaabin waxaan u sheegi doona inaanu gaadhnay
go,aankii ugu saxsana kuwii na raacayna ay gaadheen go,aankii ugu macquulsana".
Madaxweyne Bush ayaa la filaya inuu dhawaan qudbad
dhinacyo badan taaban doonta ka jeedin doono golaha loo dhanyahay ee
jamiciyadda quruumaha ka dhexaysa, dhinaca kale gabadha kala talisa guriga cad
xagga amaanka Condeleza Rice ayaa iyada oo shir jaraa,id qabanaysa waxay ku
tilmaantay ajande uu madaxweynaha faransiisku soo jeediyey oo qeexaayey laba
arrimood 1. In ciidamada maraykanka iyo britain sida ugu dhakhsaha badanleh uga
baxaan waddanka ciraaq 2. in muddo 6 ilaa 9 bilood gudaheeda lagu helo dawlad
ay ciraaq leedahay oo madaxbanan, ayaa waxay haweenaydaasi ku tilmaantay mid
aan macno lahayn oo aan shaqaynanin, si kastaba ha ahaatee khubarada u dhuun
daloosha masraxa siyaasadda ee maraykanka ayaa qeexaya in madaxweyne Bush uu
dhex haawanayo haadan siyaasadeed, iyada oo saadal dhinaca taageerada shacbiga
maraykanka ah oo dhawaan la qaadayna sheegayso in %51 ay xisbiga jamhuuriga ee
madaxweyne bush hogaamiya hoos u dhaceen xagga xisbiga dimuqradiga oo hadda ku
! jira ololahiisa doorashada 2004 uu kor u soo kacay %45, iyada oo uu dar dar
xaamiya wado nin isagu

Ololaha doorashada ee dimuqradiga iyo hogaanka la
filaayo inuu ku guulaysto Gudoomiye Haward
Dean.
|
gudoomiye ka ahaan jiray gobol yar oo dhinaca galbeed
ee maraykanka ku yaalla oo la yidhaahdo Vermount ninkaasi oo magaciisa la
yidhaahdo Howard Dean oo la filaayo inuu ku guulaysto hogaaminta
sannadkan ee xisbiga dimuqradiga, wuxuu Howard Dean ku ballan qaaday in haddii
la doorto qodobka ugu horeeya ee uu qaban doona tahay sidii ciidamada
maraykanka ee ku sugan waddanka ciraaq dib loogu soo daabulayn lahaa, waxaa dad
badani u hanqal taagayaan 2004.
MADAXWEYNE MUSHARAF OO QUDBAD KA JEEDIYEY FADHIGAI GOLAHA AMAANKA
Waxaa Soo uruuriyey
Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)
diridhaba2001@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 23, 2003