SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -UK 

April 17, 2004

Booliska Dalka Ingiriiska oo baaraya dilka gabar soomaaliyeed oo la jar jaray.

Ridwaan Xaaji Cabdiweli 
ridwanhaji@yahoo.com
  

Booliska dalkan ingiriiska ayaa helay maydka gabar soomaaliyeed oo lagu magacaabo Nasra ismaaciil oo 27sano jir ah oo maydkeedii laga helay kanaal mara woqooyiga London afar maalin kadib qiyaastii markii kanaalkaas laga helay boorso qaybo kamid ah jirka gabadhaas sida xun loo dilay.

Dilka gabadhan oo ka hor la sheegay in ay ku noolayd mudo bilooyin ah guri ku yaala xaafadda Kings Kross oo ka tirsan bartamaha London. waxaana gabadhaasi la baadi goobayay mudo bil ah.

Booliska londona waxaa ay su'aalo waydiinayaa sida ay ugu warameen warbaahinta dalkan nin 53 sano jir ah oo u dhashay ingiriiska iyadoo booliskuna ay sheegeen in ay rumaysan yihiin in dilkan uu dhacay labo maalin ka hor dadaalna ay ku bixinayaan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa cidii dilkan ka danbaysay.

Dilka Nasra Ismaaciil ayaa soomaalida ingiriisku ay aad uga naxeen iyaga oo ku tilmaamay fal danbiyeed fool xun oo lagula kacay gabadhaas iyadoo ay jiraan dhanka kalana sida ay iigu warameen soomaalida ku nool london dhowr qof oo dhaawacyo ay soo gaareen markii ay la kulmeen weerarada noocan oo kala ah.

Dalkan ingiriiska waxaa inta badan ka dhaca dilka loo gaysto gabdhaha ka hor inta aan la dilinna waxaa burcadda dilka gaysta ay ku dhaqaaqaan fara xumayn ay u gaystaan, waxaana qoysas badan oo kala jinsiyado duwan ay la yihiin caruurtooda.

Ridwaan Xaaji Cabdiweli 
ridwanhaji@yahoo.com
  

Faafin: SomaliTalk.com | April 17, 2004

SOOMAALIDA LAGU DILEY QURBAHA

Nin Soomaali ah oo lugu dilay Sweden
Marxuumka oo lagu magcaabi jirey Abuukar Sh Cabdi waxaa lagu diley...Guji 11/4/04

200 oo Qof oo Ka Qayb Galay Aaskii Marxuum Xasan M. Faarax
Seattle: Marxuumka oo asagoo wadey Taxi lagu diley magaalada Seattle, USA ayaa.. Guji.. Feb 1

Ninkii Diley Maxamed Axmed Saalax oo Xabsiga Loo Taxaabay [Minneapolis]

Qofkii 20aad ee Soomaali ah oo lagu diley K/Afrika
Habeenimadii Axada 25 May 2003 goor ku dhaw 7.00 fiidnimo (Hal saac oo fiidnimo) ayaa dukaan uu gadayay lagu dhex toogtay wiil dhalinyara ah oo Soomaaliyeed oo la yidhaahdo Shaafi Bille C/Laahi.  GUJI

Qofkii 19aad ee Soomaali ah oo lagu dilay K/Afrika
Ganacsade Soomaaliyeed oo la yidhaahdo Diiriye Maxamuud Maxamed oolagu dilay gurigiisa oo ku yaala Johannesburg.... GUJI  13/12

Qofkii 18aad ee Soomaali ah oo lagu dilo K/Afrika
Deeqa Ibraahim Cawad (Allah ha u naxariistee) ayaa dhimatay kadib markii dad aan la aqoon ay kuweerareen gurigooda uu kuyaal xaafada MAYFAIR ee. Warbixinadii  Axmed.Dowlo | Caqiil.Sh.Yuusuf Agost 5

Xaqiiqada Qarsoon Soomaalida Koonfur Afrika

Nin Soomaaliyeed oo Lagutoogtey Maxkad Dhexdeed - Yemen
Wararka ka imanaya Yemen ayaa sheegay in ladiley Soomaali lagu magcaabo C/Shakuur Aadan kadib markii lagu dhex toogtey.. GUJI.  30/6/2002

QAREEN SOOMAALIYEED OO LAGU DILEY ATLANTA, USA
Ahmed Dabarran oo ahaa 32 jir, waxa uu qareen (prosecutor) maxkamadeed ka ahaa degaanka "Fulton County" ee kuyaal Atlanta, USA GUJI... May 11, 2001

Muqdisho iyo Maridda Waddooyinka 
Isbedelka ku yimid Muqdisho dagaaladii kaddib Guji

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD