SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -SWEDEN 
WARARKA: BOOSAASO | HARGEYSA | MUQDISHO | NAIROBI | QURBAHA | XORIYO
April 11, 2004

Nin Soomaali ah oo lugu dilay magaalada Gothenburg Sweden

Gothenburg, Sweden

Nin Soomaaliyeed ayaa habeenadimadii jimcaha soo galay waxaa lugu dilay goob xafalad ka dhaceysay oo ku taal bartahama magaalada Gothenburg oo ah caasimada labaad ee dalkan Sweden, kadib markii ninkaasi ay mindi ku dhifteen koox kale oo iyagana joogay goobtii xafladaasi ka socotay.
Booliska Gothenburg oo u waramayey wakaalada Sweden ee TT, ayaa sheegay in ninkan soomaaliga ah ee la dilay ay is dagaaleen nin kale oo aan isagana la sheegin cida ay dhalashadiisa tahay, taasina ay sababtay in mindi lugu dilo ninkii soomaaliga ah.
Sidoo kale waxaa ay sheegeen ineysan ogeyn sababta dhalisay dilka marxuumkaasi Soomaaliga ah  balse waxaa ay tibaaxeen in ninkaasi Soomaaliga ah ay aqoon u laleeyiin,hase ahaatee aysan faahfaahin.
Labateeneeyo qof oo ku sugnaa goobtii xaflada ka socotay ayaa la dhigay xabsiga iyagoo ay booliska dhageysanayeen warbixinadii ay ka bixiyeen dilka ninkaasi Soomaaliga ah, balse ma jirto cid si toos ah loogu xiray dilka marxuumkaasi Soomaaliyeed.

Dhinaca kale gabar iyo wiil soomaali ah ayaa iyaguna soo gaaray dhaawac fudud intii ay socotay buuqii dheliyey geerida marxuumkaasi,waxaana ay wararku sheegeen in dhaawac fudud soo gaaray oo gabadhii Soomaaliyada laga saaray cisbitaalkii ay ku jirtay, halka wiilkii kale aan la sheegin inuu baaqi ku yahay cisbitalka iyo inkale.
Illaahey ha u naxariistee Marxuumkan ayaa magaciisa lugu sheegay Abuukar Sh Cabdi waxaana uu  ifka kaga tagay xaas Iiraaniyad ah iyo wiil afar jir ah oo ay u dhashay.
Maahan markii ugu horeysay ee qof soomaali ah lugu dilo magaalada Gothenburg ee waxaa bishii janaayo afarteedii lugu dilay isna Illaahey ha u naxariistee Cabdi Jaamac oo loo yaqiinay Cabdi Tookiyo oo meydiisa laga helay meel laga raaco tareenada gaadiid ahaanta uga shaqeeya xaafada magaalada Gothenburg, kadib markii ay dileen tuugo aan heybtooda laga gareyn iyo sababtii ay ku dileen intaba.

Guud ahaan bulshaweynta Soomaaliyeed ayaa tan iyo intii Qaran jabka ku dhacay waxaa ay dalalkii shisheeye ay soo magansadeen kala kuldheem dhibaatooyin gaar ah oo ay kamid yihiin xagga dhaqanka, diinta iyo luqada waxaana ay qaarkood naftoodii ku waayeen iyagoo qutulyoonka raadsanaya.

Illaahey ha u naxriisto Marxuun Abuukar Sh Cabdi, ehaladii iyo qaraabadii uu ka tagayna samir iyo iimaan saadiq ah ha siiyo. Aaamin Aaamin Aaamin!

Halkan ka akhri Dilkii Marxuum Cabdi Tookiyo 

Ikraam Cali-kaar
Grhenburg, Sweden 
Ikraam@journalist.com
   

 

Faafin: SomaliTalk.com April 11, 2004

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Habnololeedkii saxaabadii Rasuulka ...

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI



Waa buug cusub oo kusaabsan Taariikhdii Imaam Shaafici (Raximuhu Laahu), Waxaa qoray: Cabdifataax Cabdullahi Sh. Xasan (Joof), Waxaa lagala xiriiri karaa: shaafici54@hotmail.com  


Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...

 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD