SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
WARARKA -XORRIYO

April 6, 2004

Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka koobanyahay.

  • Ø Dad ay ciidamad cadawgu xabsiyada u taxaabeeyn.
  • Ø Khilaafka ciidamada gumaysiga Itoobiya oo cirka isku shareeray.
  • Ø Meles oo awoodiisu maalinba maalinta ka denbaysa sii daciifayso.
  • Ø Gudoomiye ku xigeenka OLF oo taageeray kacdoonka ardayda Oromada.
  • Ø Ereteriya oo soo dhawasay waftiga reer Yurub.
  • Ø Barnaamuj gaar ah oo aanu ku soo qaadan doono qoraal dheer oo uu Ra`iisal wasaariihi hore ee Soomaaliya Mudane C/Risaaq kaga hadlayo isbalaadhinta Itoobiya iyo suugaan halgameeyd dareenkiina dhaqaajin doonta.

Dad ay ciidamad cadawgu xabsiyada u taxaabeeyn.


Waxay Bishii hore aakhirkeedii ciidamada cadawga Itoobiya Magaalada Godey & Tuulada Las-dhankeyre oo isku xidha Qabridahare iyo Goday ku xidh xidheeyn, dad shacab ah oy ka mid yihiin:

· Mohamed Hirmooge.

· Carab Gama’diid.

· Dakharre Gama’diid.

· Ruqiya Xassan khaliif, (oo godey lagu xidhay)

· Carab Ahmed (carab-dheere).

· Ahmed Cali Tarawali.

· Iyo 2/nin oo kale oo Kabtinaag laga soo qabtay oo Las-dharkaynle
lagu xidhay.

25/3/04, Magaalada Q/daharre waxay ciidamada cadawga Itoobiya ku xidh xidheeyn gabdhahan kala ah:

· Muxubbo Yuusuf Baynax.

· Sawda Xaashi Qaloonbi.

2/4/04 waxay ciidamada xasuuqa iyo xadgudubka xuquuqda insanka ku caanbaxay ee gumaysiga Itoobiya magaalada Sagag xidhxidhen niman ganacsato malable ah, oo
degaanka Lagahidda Malab ka soo qaaday, waxaana ka mid ahaa:

· Mohamed Xassan Qeex

· Cabdi Iraad.

· Shariif Bedel.duna ma fiicna

xadhiga iyo xadgudubka ay ciidamada gumaysiga Itoobiya ku hayaan shacabka Ogaadeenya ayaa waxuu ka mid noqday nolasha caadiga ah ee shacbku maalin walba helo, mana jiraan wax cid u ololaysa xuquuqda aadamaha oo arimahaas ka hadla.

Khilaafka ciidamada gumaysiga Itoobiya oo cirka isku shareeray.

Waxaa waayadan dambe aad u sii badanayay, oo gaadhay heer ay adagtahay in wax laga qabto khilaafka ka dhex jira ciidamada gumaysiga Itoobiya dhexdooda, si arintaa wax looga qabto waxay saraakiisha wayaanuhu go`aamiyeen in la badalo inta badan ciidamada gumaysiga Itoobiya ee jooga Ogadeniya.

Saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada gumaysiga ayaa sheegaya in xal aan sidaas ahayn la waayay, kadib markay ciidamadu si xun u gadoodeeyn, ayna ka bateeyn dagaalada joogtada ah ee ay ku hayaan ciidamada wadaniga xoreeynta Ogaadeenya. Goobaha ay kacdoonada joogtada ah ee ciidamadu ka socdaan ayaa waxaa ugu wayn gobolka Jarareed, magaalo madaxdiisa Dhagax-Buur.

Sida aan la socono waxaa ciidamada gumaysiga mudooyinkanba ku badnaa baxsashada ay u baxsanayaan wadamada dariska ah iyo goboladii markii horaba sida qasabka ah looga keenay, waxayna qaar badan oo ciidamada baxsaday ah sheegeen in ay ku adag tahay dagaal aan joho lahay oo lagu gumaadayo dad shacab ah oo aan waxba galabsan in ay maalin walba ka qayb qaataan.

Dhinaca kale ciidamada gumaysiga ee magaalada Yucub fadhiya ayaa 1-2 Bishan April iska dilay Laba Askari oo mid ahaaa Sargaal sare oo ciidamadaas madax ka ahaa, Labadaas askari ayaa la sheegayaa in laysugu aaray kadib markii mid ka mid ah ladilay.

Meles oo awoodiisu maalinba maalinta ka denbaysa sii daciifayso.

Wariyaha Wakaaladda Wararka Ogadeniya u jooga magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya inay aad u sii diciiftay awooda uu Meles Zenawi ku dhex lahaa ururka TPLF ee hogaanka u haya Itoobiya.

Warku wuxuu kaloo intaas raaciyay inuu Meles waayay taageeradii ay u hayeen dadka u dhashay qoyska uu ka soo jeedo ee Tigreega ah. Waxaa si wayn kor ugu soo kacday taageeradii ay Tigreegu u hayeen xubnihii uu Meles Zenawi ka eryay hogaanka uurka TPLF, kuwaasoo uu qaarna xilalkoodii ka qaaday, qaar kalana uu ilaa iyo hadda xabsiyada cadaabta ee loo sameeyay dadka xukuumadda ka soo horjeeda ku hayo.

Dadka qabiilka Tireega u dhashay waxay ahaayeen awooda kaliya ee Meles uu ku dhaadanayay, balse waxay hadda u muuqataa in awoodaasi ay tahay mid xilligeedii tegay.

Waxayna sheegayaan warar aanu ka soo xiganay ilo muhiim ah in saraakiil sare oo ka tirsan qowmiyada Tigreegu ay hadda isu diyaarinayaan sidii ay u afganbiyi lahaayeen kaligii taliye Meles Zenawi, taasoo isagana walwal xad-dhaaf ah ku haysa.

Gudoomiye ku xigeenka OLF oo taageeray kacdoonka ardayda Oromada.

Gudoomiya ku xigeenka ururka OLF Bisom Biyo ayaa sheegay in ururka Oromada ee OLF uu taageersan yahay kacdoonka ay ardayda Oromada ahi kaga soo horjeedaan gumaysiga Itoobiya, wuxuu kaloo intaas raaciyay in kacdoonkaasi uu ka dhigan yahay inaan xaqa dadka Oromada ah marna la duudsin karin, sidaasna wuxuu ku sheegay waraysi uu siiyay radyowga Oromada ee SBO.

Gudoomiye kuxigeenku isga oo hadalkiisii sii watay waxa uu yidhi;”Ardaydu waa laf-dhabarka bulshada Oromada ah, waxayna fahmayaan tabaha gumaysiga iyo dhibaatooyinka uu ku hayo dadka Oromada ah”.

Mr. Biyo wuxuu ku boorriyay ardaydan inayna ka caajisin halganka ay kula jiraan xukuumadda wakhtigeedii dhamaaday ee Meles Zenawi oo ay dadkooda ka xoreeyaan gumaysiga Itoobiya.

Ereteriya oo soo dhawasay waftiga reer Yurub.

Dawlada Ereteriya ayaa sheegtay inay si wayn u soo dhawaynayso waftiga heerka sare ah ee ka socda dalalka Yurub ee Casmara soo gaadhay maalintii axadda ahayd, kaasoo la filayo in uu gacan ka gaysto xal u helidda khliaafka xuduudeed ee u dhexeeya Ereteriya iyo Itoobiya.

Booqshadan waftigani waxay leedahay muhimad wayn, waxaanan filaynaa inay door ka qaadato horumarinta dadaalka loogu jiro xal u helidda dhibaatada, sidaas waxaa yidhi madaxda xafiiska madaxwaynaha Ereteriya Yemane Gebremeskel.

Waftigani wuxuu isniintii la kulmay madaxwaynaha Ereteriya Isayas Afwerki, waxaana lagu wadaa inuu u dhoofo magaalada Addis Ababa.

Hase yeeshee diblumaasiyiin badan oo arrimahan u dhuun-duleela ayaa sheegay in booqashada waftigani ayna waxba ka beddali doonin wadcigii hore ee uu ku sugnaa xidhiidhka Ereteriya iyo Itoobiya, kaasoo ka sii daray markii ay Itoobiya ku gacan saydhay go’aankii ka soo baxay Qaramada Midoobey ee ku saabsanaa xal u helidda khilaafka xuduudeed ee labada dal u dhexeeya.

Diblumaasiyiintani waxay sheegeen in bulshada caalamku ay ka caga-jiidayso inay cadaadiso dawlada Itoobiya, si ay go’aanka Qaramada Midoobey u aqbasho. Waxay kaloo intaas raaciyeen in arrimaha Ereteriya iyo Itoobiya ay faraha kala baxeen Maraykanka iyo Midowga Afrika, haddana uu Midowga Yurub oo kaliya ku sii hadhay.

Waftigani wuxuu ka kooban yahay wasiirka arrimaha dibada ee Irland, wasiirka horumarinta ee Jarmalka iyo wakiillo ka socda Midowga Yurub.

06.04.2004

C/Nuur Sh. Mohamed

raadioxoriyo@yahoo.com
radioxoriyo@ogaden.com 

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 9820  KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM   waqtiga Afrikada Bari
 

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Dhegeyso warkan oo Cod ah

 ...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO

....KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  

AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk  

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Riyale
Sirta ka Dambaysa Somaliland ma Itoobiyaa?
[Liiban]



XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD