SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
WARARKA -XORRIYO

April 24, 2004

Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka koobanyahay.

  • Ø Dagaallo ciidamada cadawga Itoobiya lagu naafeeyay.
  • Ø Daadad waxyeelleeyay deegaanno Ogadenya ka tirsan
  • Ø Ciidamada Itoobiya oo xadka Kenya hanti aad u badan ku boobay.
  • Ø Rabshado ka dhacay kuliyada farsamada gacanta ee Naziret.
  • Ø Baarlamaanka Itoobiya oo 3dii sano ee ugu danbeeyay soo saaray sharciyo aad u qallafsan.
  • Ø Askarta Itoobiyaanka ah oo ay baxsashadoodii aad u sii korodhay.
  • Ø Dowlada Ingiriiska oo ku gacan-saydhay inay aqoonsato maamulka Woqooyi Galbeed.
  • Ø Barnaamujkii argtida halgamaaga iyo suugaan halgameed.

Dagaallo ciidamada cadawga Itoobiya lagu naafeeyay.

Lafayowga oo ka tirsan Degmada Galaalshe, dagaal ku dhex maray ciidamada cadawga Itoobiya iyo Ciidanka xoreeynta Ogaadeenya ayaa cadowga lagaga dilay 8 askari, 10 kalana lagaga dhaawacay.

Dhamaadkii bishii hore dagaal ay ciidanka wadaniga xoreynta ogaadenya ku qaadeen ciidamada cadawga Itoobiya, oo ku sugnaa Fayaa-jerso, oo ka tirsan degaanka Baabili, ayaa ciidamada gumaysiga lagaga dilay 12 askari, 16 kalana lagaga dhaawacay.

Sidoo kale tuulada Dusmo ee degaanka Awaare isku dhac dagaal oo ka dhacay, waxaa lagu dilay qaar ka tirsan maleeshiyada ciidamada gumaysiga Itoobiya, kuwo kale oo haweeyney ku jirtana waa la dhaawacay.

5/4/04, Tuulada Bulxan oo ka tirsan Dhagaxbuur, ayuu dagaal ku dhex-maray ciidamo gumaysigu halkaas ku soo uruuriyay, si ay dadka u soo ganaaxaan, iyo Ciidamada xoraynta Ogaadeenya. Waxaa halkaas ciidamada gumaysiga lagaga dilay 3 askari oo uu ka mid ahaa nin ku caanbaxay gumaadka shacbiga oo aad looga yaqaanay agagaarka Bullaale.

7/4/04, Gal-habreed oo ka tirsan degaanka Dhuxun dagaal ka dhacay waxaa ciimada Wayaanaha lagaga dilay 4 askari, 7 kalana waa lagaga dhaawacay.

15/4/04, Gansaale oo gobolka Nogbeed ka tirsan dagaal lagu qaaday Kolonyo Baabuur ah oo ciidammada cadowga Itoobiya leeyihiin, waxaa Wayaanaha lagaga dilay tiro badan oo askar ah, waxaana halkaas lagu gubay hal gaadhi.

18/4/04, Tuur-dhiig oo ku taalla dusha Sibi, dagaal ka dhacay waxaa ciidamada Wayaanaha lagaga dilay askar badan oon weli tiradooda la haynin.

Daadad waxyeelleeyay deegaanno Ogadenya ka tirsan

Deegaanno badan oo Ogadenya ka mid ah ayay waxyeello ka soo gaadhay daadad ka dhashay roobabka guga oo si wayn uga da’ay dhammaan dalka Ogadenya.

Meelaha dhibka ugu daran soo gaadhay waxaa ka mid ah tuulada Cas-buli, oo ka tirsan degmada Erar oo hoos timaadda Diridhabe, halkaasoo ay biyuhu ku qaadeen dad iyo duunyo intaba.

Inta la ogyahay dadka halkaas ku dhintay waxay gaadhayaan 20 ruux oo u badan carruur iyo dad waayeel ah, waxay kaloo daadadkaasi dumiyeen in ka badan 500 oo aqal iyo waliba hanti kale oo ay khasaaro soo gaadhay.

Ilaa iyo hadda ma jiraan wax taakuleeyn ah oo dadwaynuhu ay ka heleen xukuumadda Itoobiya iyo hay’adaha samafalka ah midna.

Waxaa sidoo kale laga cabsi-qabaa fatahaad ka timaadda Wabiyada Ogadenya, waxaana ugu wacan roobabka xad-dhaafka ah ee ka da’aya dhulka sare ee buuralayda ah ee Baali iyo Hararge.

Dadwayne badan ayaa hadda isu diyarianaya inay ka feejignaadaan daadadkaas, gaar ahaan waxaa feejignaantu ku sii badan tahay dadwaynaha ku dhaqan nawaaxiga Wabiga Shabeelle, oo ah kan ugu dheer uguna degaanka badan wabiyada Ogadenya mara.

Ciidamada Itoobiya oo xadka Kenya hanti aad u badan ku boobay.

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Mooyaale ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ay weerar ku soo qaadeen magaalada Moyale oo ku taalla xadka ay Kenya la wadaagto Itoobiya, waxayna halkaas ku boobeen hanti aad u tiro badan.

Waxa kale oo ay halkaas ku af-duubeen dhakhtarkii magaalada Moyale,sidoo kale waxay laba maalmood ka dib af-duubeen nin kale oo u dhashay wadanka Kenya.

Warku waxa kale oo uu intaa raaciyay in ay arintaas aad uga cadhaysiisay xubno badan oo ka trisan Baarlamaanka Kenya, kuwaasoo ka dalbaday dawlada Kenya in ciidamada Kenya ay tallaabo ka qaadaan ciidammada boobkaas gaystay oo budhcad ay ku tilmaameen.

Rabshado ka dhacay kuliyada farsamada gacanta ee Naziret.

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya in 26 arday oo wax kabaranayay kuliyada farsamada gacanta ee Nazirat lagu tooriyeeyay dhismaha kulliyada, ka dib markii ay halkaas rabshado ka bilaabmeen. Waxay kaloo wararku sheegayaan in rabshadahaas lagu dhaawacay labo nin oo ka tirsan ciidammada nabad sugidda Itoobiya.

Warku wuxuu intaa raaciyay in ardaydan la tooriyeeyay hadda lagu dawaynayo cisbitaalka magaalada Naziret. Dhinaca kale,Ciidamada nabad sugida Itoobiya ayaa la sheegay inay xidheen 13 arday, oo 3 ka mid ahi ay dumar yihiin.

Warku wuxuu kaloo intaa raaciyay in la jajabiyay albaabadii, daaqadihii iyo muraayadihii oo uu khasaare laxaad leh soo gaadhay dhismaha kuliyadaasi.

Baarlamaanka Itoobiya oo 3dii sano ee ugu danbeeyay soo saaray sharciyo aad u qallafsan.

Wariyaha Wakaaladda Wararka Ogadenya u jooga magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya inuu Baaralaanka Itoobiya soo saaray sharciyo aad u qallafsan seddexdii sano ee ugu danbeeyay, waxaana sharciyadan lagu tilmaamay inay ka soo horjeedaan xuquuqal insaanka iyo sharciga caalamiga ah.

Hasa yeeshee Baarlamaanka Itoobiya wuxuu ku dadaalayaa oo kaliya sidii uu awood dheeraad ah u siin lahaa ururka EPRDF ee hogaanka u haya taliska Addis Ababa.

Niman siyaasada Itoobiya u dhuun daloola oo arintan faalleeyay ayaa waxay caddeeyeen in haddii ay dawlada Itoobiya ku talaabsato inay hirgaliso sharciyadaas ay taasi ka dhignaan doonto in magaca dimoqraadiyada laga tirtiray Itoobiya, isla markaana ayna jiri doonin xaquuqda uu bani’aadamku u baahan yahay, taasoo keeni doonta in ay burburto xukuumada haatan Itoobiya ka talisa.

Askarta Itoobiyaanka ah oo ay baxsashadoodii aad u sii korodhay.

Wasaarada warfaafinta ee Eritreya ayaa arbacadii lasoo dhaafay daboolka ka qaadday in 7 askari ay ka soo baxsadeen xukuumada Addis Ababa. Warku wuxuu kaloo intaa raaciyay inay ciidamadamo aad u tiro badan si is-daba joog ah uga soo goostaan xukuumadda Itoobiya, kuwaasoo diiddan ama ka soo horjeeda dagaallada ay Itoobiya ku hayso wadamada dariska la ah iyo maamul xumida xukuumada Addis Ababa.

Ciidamadan baxsaday waxay sheegeen in dhalinyarada u dhalatay qoomiyada Tigreegu ay aad ugu baxsadaan baadiyaha iyo dowladaha dariska ah, si ay uga samata-baxaan in lagu jujuubo dagaallada xaq-darrada ah ee Itoobiya ku hayso dalalka deriska ah. Askartan ka soo baxsatay ciidamada Itoobiya ayaa waxay kala yihiin:

1. Woldeyesus Aregay, oo Qoomiyad Tigreega u dhashay

2. Yehune Haile Getahun, oo qoomiyada Axmaarda u dhashay

3. Gemechu Fekede Feysa, oo qoomiyada Oromoda u dhashay

4. Abraham Adadebo Ayenew, oo qoomiyada Walayta u dhashay

5. Kasim Abaoli Abasimel, oo qoomiyada Oromoda u dhashay

6. Gebrehiwet Gebretsadik Gebremariam, oo qoomiyada Tigreega u dhashay

7. Berhane Tium Hagos, oo isna u dhashay qoomiyada Tigreega

Ingiriiska oo diiday inuu aqoonsado maamulka Woqooyi Galbeed.

Dawlada Inrgiriiska ayaa ku gacan saydhay codsi kaga yimid xubin baarlamaanka Ingiriiska ka tirsan oo codsaday in la aqoonsado maamulka Woqooyi Galbeed ee Somaliya, waxayna dawladu sheegtay inayna ka baxaynin balllanqaadkii ay wax ka saxiixday ee ahaa in la ilaaliyo dawladnimada iyo midnimada Soomaaliya.

Warqad ka soo baxday Xafiiska arimaha Dibada iyo dalalka Commonwealth-ka ee wasaarada arrimaha dibada ee dalka Ingiriiska oo loogu jawaabayay John Austin, oo baarlamaanka Ingiriiska ka tirsan, taasoo ay Wakaaladda Wararka Ogadenya nuqul ka heshay, ayaa tilmaantay in dalka Ingiriisku aanu aqoonsanayn maamulka Woqooyi Galbeed ee somaliya, isla markaana uu horay u saxiixay heshiis midaynaya mawqifka Midowga Yurub iyo Golaha Ammaanka oo dhigaya in la dhawro dawladnimada iyo midnimada dalka Soomaaliya.

Warqadan, oo xafiiska ka soo baxday markii ay taariikhdu ahayd 17 maarso 2004, waxay dawlada Ingiriisku kula talisay madaxda Woqooyi Galbeed inay la xaajoodaan dawlada cusub ee la rajaynayo inay ka soo baxdo shirka dib u-heshiisiinta ee soomaalida uga socda magaalada Nairobi, si ay isula meel-dhigaan xal la aqbali karo oo astaynaya mustaqbalka Woqooyi Galbeed.

23.04.2004

C/Nuur Sh. Mohamed

raadioxoriyo@yahoo.com
radioxoriyo@ogaden.com 

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 9820  KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM   waqtiga Afrikada Bari
 

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Dhegeyso warkan oo Cod ah

 ...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO

....KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  

AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk  

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

Wuxuu ku Qadeeyaa Qaadka, Wuxuuna ku Casheeyaa Ciidda, Oolyadana wuu ku Qubeystaa: Waxa uu ku nool yahay magaalada Muqdisho, magaciisuna waa... Guji...

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Riyale
Sirta ka Dambaysa Somaliland ma Itoobiyaa?
[Liiban]



XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD