Feb 11, 2004
HABAARKA DIGAAGU KUMA DHACO DHUURYADA
Faarax Cali Jaamac,
Ottawa, ON Canada
fjama022@uottawa.ca
Waxaa Digaag ah:
Laanta Soomaaliyeed ee BBC-da iyo Faqash Yuusuf Garaad, Kooxda Carta
iyo Dhagarqabe Cabdiqaasim Salaad, Dhamaan Dagaal Oogeyaasha Somalia,
Maamul Goboleedka Majeerteenia iyo Dhagarqabe Cabdillaahi Yuusuf,
Jabhad Ku-sheega argagixisada ahi ee ONLF, iyo Damiirlaaweyaasha inaga
dhashay ee kaba leefka ah ee u adoomoobay Wanlaweynta dhaqanka xun ee
danlaaweyaasha ahi.
Waxaa Dhuuryo(haad ka adag) ah:
Shacbiga Somaliland ee gesiga ah, Jaaliyada Somaliland ee firfircoon ee
Qurbajooga ah, Guurtida Somaliland, iyo Jamhuuriyada Somaliland.
Su'aashuna waxa weeye:
1.) Waa maxay sababta ka dambeysa in xaqiiraada qaawan iyo beenta
joogtada ah ee BBC-du iyo warbaahinta UN-ta ee IRIN ee ay hadh iyo
habeen afuufayaan kuna liidka ah ummada iyo dalka Somaliland ay ugu
guul dareysteen falalkoodaas foosha xun ee xaqdarada ahi?
2.) Waa maxay sababta ka dambeysa in xaasidnimada, baroobagaandaha
diciifka ahi, ka daba niicleynta, ka daba lulashada jaahilnimada ahi,
iyo ka daba tumida daasada madhan ee Wanlaweynta Somalia oo dhami iyo
xulufadoodu ay kaga soo horjeedeen qadyada Reer Somaliland taaso hada
quus joogta waxna ugaga qaadi kari waayeen jiritaanka Somaliland,
mudada dhan 13-ka sannadood?
Hadaba, Sawaaxiligu waxay ku maah maahaan (u akhri sida far
soomaaliga): Dua La Kuku Halimpati Mwewe; taaso marka loo turjumo
Soomaali noqonaysa: Habaarka Digaagu Kuma Dhaco Dhuuryada (haad ka
adagta); taaso haddii Ingiriisi lagu turjumo iyana noqonaysa: The Curse
Of The Chichken Does Not Befall On The Eagle.
Maah maahdan Sawaaxiliga ahi waxay ku soo baxday sida hoos ku xusan:
Sida aad ula socotaan, digaagu cadow badan ayuu leeyahay sida xoorka,
maska, iwm., hase yeeshee, cadowga koowaad ee digaaga waa dhuuryada ama
haad ka adagta taaso aan digaaga wax iskaga tirin argagixisona ku
noqotay. Dhuuryadu cabsi weyn bey ku haysaa digaaga naftiina wey isugu
keentay waayo hab heer sare ah ayey wax u ugaadhsataa oo marba intay
digaaga cirka kaga soo boodo ayey dhashooda yar yar hadba mid daftaa oo
cuntaa. Sida keliya ee digaagu isku badbaadin karaa waa haddii ay iyagu
hor arkaan dhuuryada intaan iyaga la hor arkin taasoo ku keliftay inay
digaagu had iyo jeeraale cirka ka baadi goobaan dhuuryooyin si ay isu
badbaadiyaan.
Marka ay digaagu arkaan dhuuryo hawada lalaysa, qaylo ayey ooda ka wada
qaadaan iyagoo leh qu-qu-qa-qaaaq, qu-qu-qa-qaaaq........taasoo u
dhiganta hayaay wataa dhuuryadii ee iska jiraay, markaasey digaagu
cagaha wax ka dayaan oo meelo ay dhuuryada kaga gabadaan raadiyaan sida
musaska, godadka, iwm., hase yeeshee, dhuuryadu ma weydo qaar meelay
galaan la' oo weli sii kabash kabash leh ama kuwo markoodi horeba meel
banaan ah u foof tegay kuwaaso ay si dhib yar u dafto una cunto.
Marka dhuuryadu digaagad dafto lana duusho, ayaa digaagii kale oo dhami
musaska iyo goobihii ay isku qarinayeen kasoo wada baxaan iyagoo cirka
wada eegaya ayey dhuuryadi wax ka dishay ka daba qayliyaan iyagoo
hadana leh qu-qu-qa-qaaaq, qu-qu-qa-qaaaq.......taasoo ay Sawaaxiligu u
qaatey in digaagu habaarayo dhuuryada maadaama aaney si kale wax isaga
celin karin.
Hadaba, markii Sawaaxiligu u fiirsaday colaada u dhaxaysa digaaga iyo
dhuuryada, ayaa waxay isku raaceen in habaarka digaagu aanu ku dhicin
dhuuryada waayo wataa dhuuryadu sii najaxayso ee ilaa iyo maanta hadba
digaagad hawada kaga soo boodayso ama dafeyso welina cunayso;
sidaaseyna maah maahdani ku soo baxday.
Sidaas daraadeed, markii Dhuuryada Somaliland aayaheeda ka tashatay ee
ay hadba arrin muhiim ah soo dafeysay khaas ahaan aasaaskii SNM,
Halgankii hubeysnaa ee aanu kaga adkaanay rigiimkii fashiistaha ahaa ee
hororkii haligmay ee Siyaad Bare, Shirkii Burco ee 1991 ee beelahi
Sanaag Bari iyo Sool saamaxaada balaadhan loo fidiyey dhibadana loogu
aasey gooni isu taaga Somaliland, Dhisiddii dowladdii koowaad ee
marxuun Cabdiraxmaan Tuur, Shirkii Borame ee 1993 ee lagu soo dhisay
dowladdii labaad ee marxuun Cigaal, Sameynta Dastuurka iyo Sharciyada
dalka, Sameynta labada gole ee baarlamaanka, Laanta Cadaalada, iyo
Madaxtooyada, Sameynta lacagta Somaliland, Xalinta dagaaladii sokeeye,
Shirkii Hargeysa ee 1997, Hirgelintii Aftidii dalka ka dhacday,
Aasaaskii asxaabta badan ee aanu Dimoqraadiyada dhibada ugu aasney, Xil
wareejintii Dastuuriga ahaa ee Daahir Riyaale hogaanka dalka loogu
wareejiyay ka dib geeridii marxuun Cigaal, Hirgelintii Doorashooyinkii
Degaanada taasoo xisbiyadii badnaa ay isku kala reebeen kuna soo
hadheen saddexda xisbi ee maanta dalka ka jira sida dastuurka ku cad,
Doorashooyinkii Madaxweynaha iyo M/Ku-xigeenka, iyo dhamaan dhisida iyo
hirgelinta hawlaha kala duwan ee uu qaranka Somaliland fuliyo kuwaaso
guul iyo gobanimo iyo horumar laga wada gaadhey.
Hase yeeshee, Digaagii Somalia iyo xulufadoodu khaas ahaan BBC-da iyo
Yuusuf Garaad, warbaahiinta runta ka fog ee IRIN, Dhamaan Wanlaweynta
Somalia iyo xulufadooda dhoohan sida argagixisada cagadheerta ONLF wey
habaartamayeen oo waxay mudadaas dhan 22-ka sannadood (1982 - 2004) ee
aanu marba arin xasaasi ah xasilinaynay ama soo dafaynay sidi habkii
Mujaahid Harag Waafi, Alle ha u naxariistee, ayey intay indho xun xun
inagu soo eegaan ayey qu-qu-qa-qaaaqdaas lahaayeen oo marba kabash
kabash lahaayeen iyagoo shabakadahooda ku soo bandhigaya been abuur iyo
qabyaalada sumeysan ee ay adeegsadaan; marna waxay isku qaadaan oo
e-mail-lo iyo warbixiino diciif ahi ku faafiyaan dacalada aduunka sida
xafiisyada UN-ta, EU-da, AU-da, Jaamicada Carabta, IGAD, Ururka Dalalka
Islaamka, State Department-ka Mareekanka, Hay'adaha Caalamiga,
Mudahaaraadyo fool xun, iwm., kuwaasoo ay ku wada guul dareeysteen
waxna inaga qaadi kari waayeen waayo habaarka digaagu kuma dhaco
dhuuryada; Somalilandna xaq bey ku taagan tahay guushana iyadaa leh
guul darona waxaa leh Somalia iyo Wanlaweynta dhaqanka xun waayo xaasid
weligii ma aflaxo.
Ugu dambeyn, waxaan ku boorinayaa shacbiga Somaliland inay
nabadgelyadooda iyo dalkooda ilaashadaan daacadna isu noqdaan waxna
wada qabsadaan cadowga gudaha iyo ka debedana meel uga soo wada
jeestaan geedigana halkaa ka sii wadaan. Waxa hubaal ah in Wanlaweynta
digaaga ahi aaney waxba inaga qaadi karin dalkana la aqoonsan doono ee
yaanu inagu cadowga isu jebin waana inaanu isku duubnaano sidaasna
beelaheena, dowladeena, iyo dalkeena ku badbaadino horeyna ugu socono
ilaa iyo inta laga gaadhayo halka aanu hiigsanayno.
Guul iyo Gobanimo,
Faarax Cali Jaamac,
Ottawa, ON Canada.
fjama022@uottawa.ca
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 11, 2004
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
.
XAMAR DAAWO DACALLADA...
SAWIRRO....
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|