SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
BBC-da: SIYAASADAHA DAHSOON EE GUMAYSTAHA:

Hassan Salahudin
hassanabdillahi@hotmail.com

Idaacadaha, qalabka fogaal araga(TV-yada) iyo wargeysyada reer galbeedku si wanaagsan bay uga dhex baxeen dhagaha rayal caamka, shakina maanta kama jiro dunidan tuulada noqotay ee aynu dul tukubayno sida wanaagsan ee qalabka warbaahinta reer galbeedku u saydareeyeen, hub la adeegsado kan ugu khatarta badan ee maanta caalamka la adeegsadaa waa aaladaha casriga ah ee wararka lagu fidiyo, dacaayaadka, borobogaanada (proboganada), hanjabaadaha, xayiisiinta, dhoola tuska iyo afuufka wararka iyo faalooyinka xambaarsan sunta iyo waabaydu waxay marayaan heerkii ugu xumaa ee ay abidkood gaadhaan, gabi ahaanbaa warbaahintaasi waxay gacanta u gashay kooxo tiro yar oo hantiilay ah asalkooduna yuhuud u badan oo siday doonaan u marin habaabiya aragtida shucuubta kala duwan ee dunida ku nool, haáydahaasi warbaahiineed kuwooda ugu caansan si wayna looga tixgaliyo dhagaysigooda mujtamaca soomaaliyeed dhexdiisa waxa ka mid BBC-da, xarunteeda wayni waxay ku taalaa daarta BUSH-HOUSE, ee magaalada London, carriga ingiriiska, marka laga reebo qaybta la hadasha dunida ee loo yaqaano(World Service),BBC-du waxay baahisaa 49 afartan laamood oo kale oo gabi ahaantoodba ku jihaysan dunida sadexaad, laanta afsoomaliga ee BBC-du waxay ka mid tahay sagaal iyo afartankaa laamood, waxayna noqotay laantii ugu yaabka badnayd xaga dhagaysiga ee dhagaystayaal tiro intaa leeg lihi dhagahooda qaaliga ah amaahiyeen dhawr iyo afartan sanadood oo ay hawada ku jirtay sida uu sheegay Maxamed Cabdillahi oo horay tifaftire uga ahaa laanta afsoomaliga ka hor intii aanu ka shaqada tagin.

 »BBC WAA IDAACAD HUFAN LAAKIIN MAXAY INOO TAHAY? mohamoud Hagi

»"BBC-DA WAA ASATAANTA HORUMARKA UMADA SOMALIYEED" Axmed Muuse Cabdulle

"Ingiriisku waxa uu ka quudiyaa Soomaalida maskaxda isaga oo adeegsanaya BBC-da laanteeda afsomaliga." Yusuf Garaad

Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da oo Jawaab u Weydey Eedaymihii Kaga Yimid Reer Bosaso
Suxufiyiin katirsan BBCda, Arday ka socda Jaaliyada dibadda iyo shacab faro badan oo booqday guriga SOFIHA, Bosaso Guji

Laanta afsoomaliga ee BBC-du waxay si amakaag leh u soo jiidatay dareenka shacabka soomaliyeed iyadoo mudadii ay hawada ku jirtay u soo baahisay dhacdooyinka daruuriga u ah nolosha ee maalin walba ka dhaca dunida, wararka siyaasada,doodo kala duwan, barnaamijyo aqoon kororsiya faalooyin,ciyaaraha iyo xaaladaha dhaqan, dhaqaale iyo ta bulsho ee ku gadaaman guud ahaanba gayiga soomaalidu dagto ee bariga qaarada Africa, hadaba si kastaba arintu ha ahaatee laanta afsoomaliga ee BBC-du waxay sanadihii udambeeyey oo dhan u xuubsiibatay inay si toos ah u soo bandhigto arimada xun ee ceegaagta uurka gumaystaha casriga ah, waxa taas ka daran iyadoo isu qaawisay nidaamka qabiil iyo colaadaha beelaysiga ku salaysan ee wadanka somalia ka jira ilaa intii uu laanta madax ka noqday Yusuf Garaad,.

Laanta afsoomaliga ee BBC-du waxay markii u horaysay hawada soo gashay dabayaaqadii bishii July ee sanadkii 1957-kii,codkii u horeeyey ee laga maqlayna wuxuu ahaa Ilaahay naxarisiistii jano ha siiyee farshaxankii saxaafada Soomaaliyeed Xaaji Cabdi Ayuub oo madaxdii BBC-da ee waagaasi ay uga yeedheen isagoo hawl wadeen ka ah Idaacadii Radio Hargeisa, Xaaji cabdi ayuub waxa lagu xasuusan doonaa codkiisii faseexa ahaa, aftahanimadiisii iyo hawl karnimadii uu la soo garab taagnaa hirgalinta laanta afsoomaliga ee BBC-da, anigoo ka faaíidaysanaya qormadan aan ka qoray laanta afsoomaliga ee BBC-da ayaan jeclaa isna inaan qalinkayga ku xuso Alla ha u naxariistee Mustafe Xaaji Nuur oo sanadihii lixdamaadkii ku soo biiray laanta afsoomaliga dhagaystayaal badanina ay ku xasuusan doonaan codkiisii dawanka ahaa iyo barnaamijyadii qiimaha lahaa ee uu soo dayn jiray, shaqaale u jajaban hawsha, daacad ah,dhexna ka ah xaaladaha siyaasadeed ee geeska Africa ayaa soo maray laanta afsoomaliga ka hor intii aanu maamulkeeda la wareegin Yuusuf Garaad.

cigaal 1975 Maxamed Ibraahim Cigaal xilligii uu safiirka ka ahaa india 1975-1976 oo salaamaya madaxweynahii india ee waqtigaas, Fakhrudin Ali Ahmed. Fakhruddin waxa uu madaxweyne ka ahaa India August 24, 1974-Feb. 11, 1977 

BBC-du waxay quudisaa maskaxda dadka, erayadaas waxa ku hadaaqay Mr: Yuusuf Garaad mar uu ka jawaabayey suáalo ay waydiinayeen koox arday ah magaalada Minneapolis ee carriga maraykanka, inkasta oo uu gumaystihii ingiriisku uu ka tagay ciida soomaalida hadana waxa cad in laanta afsoomaliga ee BBC-du tahay mid ka mid ah hubka khatarta ah ee uu wali sii adeegsado si uu danihiisa gumaysi iyo afkaartiisa ugu baahiyo waxaana hubaal ah in dhawr iyo afartankaa sano ee ay laantu hawada ku jirtay ay ku ladhnaayeen siyaasado gumaystaha casriga ahi xariiqday oo ku waajahnaa gabi ahaanba dunida afsoomaliga lagaga hadlo ha yeeshee waxa ay laanta afsoomaliga cumaamadu si weyn ugaga sii dhacday ka dib markii ay ku dhex dhooqaysatay xaalada murugsan ee xaga siyaasada ee ay ku jiraan shacabka Soomaaliyeed, waxa taas si weyn loo sii dareemay intii uu socday shirkii lagu qabtay tuulada Carta ee Jamhuuriyada Jabuuti oo uu Yuusuf Garaad shaatiga ula baxay sidii uu u meel marin lahaa dawladii dhicisowday ee Cabdiqaasim maadaama ay ilayn fiqi tolkii kama janno galee ay isku hayb iyo reer ka soo jeedaan Yusuf iyo Cabdiqasim. khaladaadka waaweyn ee uu ku kacay maamulka cusub ee laanta afsoomaligu waxa ka mid ahaa isku shaandhayntii shaqaalaha laanta afsoomaliga oo mudo sii horaysay si aan geedna loogu soo gaban loo hufay shaqaale waayo aragnimo dheer iyo aqoon u lahaa saxaafada mudo dheerna ku soo dhex jiray, halkoodiina waxa lagu badalay wiilal iyo gabdho yar yar oo socod barad ku ah saxaafada, sumcada laanta afsoomaliga ee BBC-du dhulkay ku dhacday waxaanay goosatay afweynta maalinba maalinta ka dambaysana way sii socotaa, haddii uu maamulka laanta afsoomaligu ka waantoobi waayo siyaasadihiisa qaawan ee u adeegida qabiilka, ka hortaga qadiyadaha ay u halgamayaan shucuubta soomaaliyeed qaarkood sida qadiyada OGADENIYA, ta SOMALILAND, iyo qaar kale iyo dhex orodka shirarka dib u heshiisiinta ee loo qabto qab qablayaasha dagaal ee koonfurta Somalia waxa la arki doonaa shacabka Soomaaliyeed oo dhagaha ka furaystay dhagaysiga laanta.

DAREENKA SHACBIGA SOMALILAND IYO DUUDSIGA IDAACADDA B.B.CDA

Way adagtahay in caamada Soomaaliyeed ee sida weyn u aamintay halkani waa BBC LONDON, si dhib yar dhagahooda looga soo fujiyo loona sheego in BBC-dii siqiirtay oo aanay jirin wax dambe oo looga aamino waayo waxay si wanaagsan u dagtay laabaha indha ku garaadlayaasha, caamada iyo shacabka caadiga ah ee Soomaaliyeed, deegaamada geeska qaarada Africa qaarkoodna waxaabad moodaa in warkeedu la mid yahay sidii waxyi soo dagay oo kale, laakiin hadana mustaqbalka ma foga goortii la heli lahaa saxaafad casri ah oo ay hagayaan aqoonyahanka Soomaaliyeed oo si weyn ula tartanta Idaacadan khatarta ah ee ay hogaankeeda hayaan gaalka cad iyo gaal kal kaalku.

Guntii iyo gabo gabadii qormadan waxaan xasuusinayaa akhristayaasha in aan la rumaysan war kasta oo uu faasiq keeno, dadka wararka u kala hufa BBC-duna waa gaalo si cad iyo si aan cadaynba u muujiya gaalnimadooda sidaas awgeed waxa haboon in la ogaado wararka iyo faalooyinka BBC-du hadh iyo habeen dadka ku harqisaa in ay leeyihiin ujeedooyin qoto dheer, saxaafada socod baradka ah ee Soomaaliyeed waxay u baahantahay dadaal dheeri ah si ay ula tartamaan hay'adaha warbaahinta ee ay gadhwadeenka ka yihiin reer galbeedku si ay dadkooda ugu soo gudbiyaan warar ay iyagu soo gooyeen soona gamuureen oo aanay cidina u soo dhanbalin.

Akhriste kasta oo fikrad ka qaba qormadan aan ka qoray laanta afsoomaliga ee BBC-da waxaan ku soo dhawaynayaa gacmo furan.

Waa Walaalkiin

Hassan Salahudin
Global Media Group
Uk.

hassanabdillahi@hotmail.com

 QORAALADII HORE EE SALAAHUDIIN

Faafin: SomaliTalk.com Dec 25, 2003

 Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qorayaasha ku saxiixan

 BBC WAA IDAACAD HUFAN LAAKIIN MAXAY INOO TAHAY? mohamoud Hagi

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD