| DAREENKA SHACBIGA SOMALILAND IYO DUUDSIGA
 IDAACADDA B.B.CDA MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA) KARACHI, PAKISTAN. October 10, 2002  Laga soo bilaabo sannadahii 50
 meeyadii ilaa laga soo gaadhay sannadkii 2000 ee qarnigani (milleniumka)
 idaacadda B.B.C da laanteeda afka soomaligu waxaa lagu tilmaami jiray mid qaab
 dhismeedkeeda iyo qawaaninta ay u tabiso wararku ahaayeen mid isku dheelitiran
 (balanced and justice) iyada oo mar walba samayn jirtay inay soo xigato wararka
 ka dhaca meelaha ay badanka warbixinaha ka samayso.      
  
    | 
  I  I  D  H 
  E  H |  |   |  Hadaba iyada oo laantani
 markeedi horaba loo sameeyey in lagu difaaco danta gaarka ah ee isbahaysiyadii
 dagaalkii labaad ee aduunka (second world war) oo dalka britain ahaa
 gashaanbuurtii wakhtigaasi, ayaa dawladda britain waxay samaysay inay
 balaadhiso afafka ka baxa laanta iyada oo ku soo jiidanaysay tageero badan oo
 ay ka hesho dadyowga Soomalida ah ee dega cariga afrikada beri run ahaantiina
 hadafkii laga lahaa samayska ama aasaska idaacadaasi waa la gaadhay waxaa soo
 afjarmay dagaalkii labaad ee aduunyada, iyo weliba dagaalkii kale ee lagu
 burburiyey midawgii sovietka ee loo yaqaanay (cold war) ama dagaalkii qabooba
 oo la isku adeegsan jiray dacaayado (propoganda) iyo weliba hababka sirdoonka
 ee casriyaysan (modern spying agencies), iyada oo la iskaga dabqaadi jiray
 LONDON, WASHINGTON ilaa iyo caasimadii midawga sovietka ee MOSCOW, si kastaba
 akhriste ha noqote eh, idaacadani laanta afka soomaliga ee B.B.C da oo ka mid
 ah afaf badan oo lagaga hadlo Hayadda warbaahinta ee B.B.Cda ayaa waxay soo
 jirtay muddo ku dhow qarni badhkii,   iyada oo hadaba ay haatan dhamaatay dantii
 uu dalka britain ka lahaa ayaa sanadahii 80 meeyadii boqorada wadanka Britain
 waxay amar buuxda ku siisay guriga hoose ee wadanka Britain iyo weliba
 Agaasimihii hore idaacadda B.B.CDA in albaabada loo laabo afaf badan oo ay ka
 mid ahayd laanta afka soomaliga ee idaacadda B.B.C du, balse odayaal u dhashay
 Jamhuuriyadda Somaliland oo ahayd halkii iyo goobtii salka loogaba dhigay
 idaacadan ayaa intay ka tageen Hargeisa waxay booqosho ugu tageen boqorada,
 odayaashasi oo ahaa askartii u dagaalantay xoogagii (NATO) oo loo yaqaanay
 (SOMALILAND SCOUTS), 
  
    | »» Somaliland ma wax jiraa
      mise waa sheeko hore oo jiri jirtey?
      GUJI QW. Axmed Moxamud |    boqorada waa boqorad QUEEN ELIZEBETH eh oo u haysay
 qadarin iy tixgelin aad u dheer odayaashaasi ayaa si heer sare ah usoo
 dhawaysay wefdigaasi odayaasha ah oo lagu casuumay Qasriga boqortooyada ee
 boqoradda halkaasi oo labada dhinac isweydaarsadeen hadallo taariikhi ah iyo
 xidhiidhkii u dhexeeyey SOMALILAND British Protectorate iyo boqortooyada GREAT
 BRITAIN, waxaa halkaasi ay odayaashu ugu soo bandhigeen boqorad ELIZEBETH, in
 ay ka noqoto go,aankeedi ahaa in la xidho laanta afka soomaliga ee B.B.CDA,
 queen elizebeth arrintaasi way ka aqbashay odayashaasi, sidaasanay idaacadii
 laanta afka soomaligu ku badbaaday in loo laabo albaabada, idaacadda laanta
 afka soomaliga ee B.B.C da oo badana dadka ay shaqo geliso ama laga
 shaqalaysiyo ahaayen dad mutacalimiin ah oo badanka laga shaqeeyey kana
 dhawrana xisdi iyo eexasho midna (nepotalism and triblism), ayaa waxay soo
 martay jaran jaro ku dheehnayd cadaalad iyo eexasho la,aan waxaanay noqotay
 isha qudha (single source) ee ay beel weynta afka soomaliga ku hadasha ee degta
 cariga geeska africa iyo weliba daafaha dunida oo dhami kala socdaan wararka
 dunida iyo gudahaba, balse taasi may sii waarin siday ku danbaysay idaacadii
 laanta afka soomaliga ee B.B.C du. CAADIFADA B.B.CDA EE QARNIGA
 IYO SHACABKA SOMALILAND Waxaa la soo gaadhay sannadii
 2000 waa millenium kii qarnigani waxaa aan inyar dib u noqda eh xilka si
 ikhtiyaar ah uga fadhiisanayey nin run ahaantii ay maankiisa iyo maskaxdiisuba
 intii uu laanta hogaaminayey ku ladhnayd cadaalad iyo sinan wuxuu ahaa Maxamed
 Cabdilaahi, wuxuu ka sii daayey idaacadda in uu iskii uga dagaayo xilka uuna
 tegi doono dalkiisi hooyo uuna dhex geli doono odayaasha si uu cibaadada usii
 wado. Maxamed cabdilaahi intii uu hogaaminayey ama maraynayey laanta waxaa la
 waday gabadh british ayayd oo haatan ah afhayeenka hayadda UNDP oo magaceeda la
 ydhaahdo MARIA FROWN RIGHT, waxay ahayd laanta afka soomaligu mid dadka
 dhegaysta ay aaminaan wararka ay tabiso, balse waxaasi oo dhami mar qudha ayey
 is bedeleen oo arrinkii noqday mdi dhinaca kale isku roga, ka dib markii laanta
 gacanta loo geliyey nin da,yar oo qabyaaladda iyo eexashadu aad ugu dheertahay
 waa YUUSUF GARAAD, wuxuu yuusuf markiiba ku dhaqaaqay inuu bedelo dhamaan
 qawaaniintii ay idaacadu ku shaqaynasay mudada aadka u dheer, wuxuu bedelay
 barnaamijyo fara badan oo idaacadda ka baxayey wuxuu markiba bilaabay inuu
 shaqaale cusub oo ay isku beel ka soo jeedan ku soo daro idaacadda ka daroo
 dibi dhal taasi waxay keentay in wariyayaal badan ay xilka uga tagaan iskana
 casilaan arrintaasi awgeed waxaa dadka markiiba iskaga tegay ka mid ahaa  1. Jaweeriya 2. shamsa cabdilaahi baybuuk 3. saleeban. iyo qaar kale oo tiro badan
 waxaa mar qudha idaacadda laga maqlay weriyayaal bilaabay saxaafadda seddexdii
 sanno ee ugu danbasay oo ay ka mid tahay gabadh afka soomaliguba ku adagyahay
 oo la yidhahdo AAMINA MUUSE WEHELIYE, CABDRAXMAAN KORONTO, CABDILAAHI CADE,
 YAASMIIN QARBOOSH, iyo kuwo kale oo farabadan, hadaba waxaa si weyn aan ula
 yaabay ka dib markii la doortay hogaamiyaha kooxda carta waa cabdiqaasim salaad
 xasan oo aan anigu waa sidaan u aqaane ugu yeedho ninkaasi CABDIQASAB SALAD
 BOY, lagu daray wararka qodobadiisa ugu waaweyn in loo doortay soomaliya
 madaxweyne ka soo jeeda qabiilka ugu weyn soomalida oo dhan ee hawiyaha oo
 weliba weriyahii warka akhriyey oo ahaa maxamuud xasan ku sii nuuxnuuxsaday
 inuu ka sii yahay CAYDH, run ahaantii taasi waxay yax yax iyo u qaadan waa ku
 noqotay dadyow fara badan oo mutacalimiin ah oo sharaf iyo cisi u hayay laanta
 afka soomaliga ee b.b.cda, kaga sii darane hadana waxaa uu bilaabay yuusuf
 garaad inuu dhigto xafiiskiisa sawirka inadeerkii cabdiqasab salaad boy. waxaan ka maqli jiray
 maamulkii cunsuriga ahaa ee afweyne barre idaacadu maaha B.B.C eh waa been B.C,
 balse run ahaantii idaacadu may ahayn wakhtigaasi ben B.C eh haatan ayey isku
 bedeshay wuxuu ninkan da,da yar ee lagu magacaabo Yuusuf garaad ku kacay
 markiiba inuu bedel ku sameeyo weriyayaashii dibadda uga soo warami jiray
 laanta afk soomaliga wuxuu keenay haatan magaalada hargeisa inay uga soo
 waranto gabadh aan saxaafadda sidasi ugu sii xeel dheerayn oo run ahaantii
 sharaf dhac weyn ku keentay qaranimada somaliland siday uga soo waranto waxaa
 ugu danbaysay oo ay gabadhaasi waa shadia maxamed roobel eh, in ay ka been
 sheegtay mudaharaad lagu qabtay magaalada Hargeisa mudaharaadkaasi oo dadkii
 isku yimid aanay magaalada hargeisa cid ka maqnayd jirin iyada oo kumanaan iyo
 kumanaan qof iskugu soo baxeen balse ay ku tiraabtay shadia in ay ahaayeen
 boqolaal qof oo qudha hadaba waxaan guud ahaan laanta afka soomaliga ee
 idaacadda B.B.C da usoo jeedinaya tallo ahaan in aanay noqonin sidii ninkii
 lagu yidhi " HEBELOW SODOHDAA WAA BEENALAY EE KU JAWAABAY MAXAAN KU
 RUMAYSAN KARAA EE LAGU YIDHI BERI GOOBTAASI KAALAY ANAGAA INDHAAGA OO SHAN AH
 KU TUSAYNE EE LA YIDHI ALLA BICIIDKA BICIIDKA EE AY TIDHI ALLA KA YAR YAR AYAA
 KA DARAN!!!! GOOBTAASI OO AAN WAX BICIID AHI JOOGIN!!!! Guntii iyo gebo gebadii ayaan
 ugu baaqi lahaa idaacadda B.B.CDA laanteda afka soomaliga weriyayaasha ka
 shaqeeya in ay taxadar iyo foojignaan ka bixiyaan wararka ay soo xiganayaan ee
 ay usoo tabinayso Shadia. waxaan aad uga xumahay in ay
 dhegaygu maqlaan waxyaabo aan damiirka fayaw qaadan karin oo lagu baahiyo
 idaacadaasi waxaan idiin sheegaya oo aan idinleeyahay in shacabka reer
 somaliland ku tiraabayan " mar i dage alla ha dego
 mar labaad i dagase anaa is degay" alla mahad leh SOMALILAD GUUL IYO GOBONIMO waxaa isku duba riday oo soo
 diyaariyey warbixintani MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA) KARACHI, PAKISTAN. diridhaba2001@hotmail.com   ... CEERYAANTA
 SIYAASADEED IYO CAHDIYADII SOMALILAND ... Jaaliyada
 Somaliland ee Asia & BBC-Somaliga - GUJI Afeef:
 Aragtida qoraalkaan waxaa leh qoraaga ku saxiixan WARARKA 
SEPTEMBER - GUJI
 » 
AGOOSTO | JULY 
|  JUNE  | 
MAY  | APRIL 
| 
 MARCH    | FEBRAAYO 
|
Janaury 2002
 | Wararkii
1999-2001
 
 
com
 
 |