| Somaliland ma wax jiraa mise waa sheeko hore oo jiri jirtey?mise waa wax 
hada ka dib la abuuri karo? Axmed Moxamud  moxamud19@hotmail.com Oct 10, 2002      
  Waad salaamantihiin akhristayaasha
    | 
  I  I  D  H 
  E  H |  |   |  
Tan iyo markii ay burburtay Soomalia 1991, waxaa somalia ka samaysmay 
maamulo aanay adduunweynuhu ictiraafsanayn. Waxaa ka mid ah maamulka 
Somali-land isku magacaabay oo la aasaasay bishii May 18keedii 1991. Waxa uu 
ahaa mid ay u ololaynayeen hal qoys oo wax ka dega dhulkii la isku odhan 
jiray British Somali-land xorriyadda ka hor. Magacaasina waxa uu ahaa 
magacii jiri jirey 60kii ka hor . 
Haddaba waxaa isweydiin mudan Somali-landan aynu maqlayno maanta yaa 
dhidibada u taagay, Beelaha SSHna maxay ku lahaayeen dhisideedii?
Waxaa magacan ku dhawaaqay beelaha dega Gobolada Waqooyi Galbeed iyo 
Togdheer oo arrinkoodu u eg yahay siyaasad salaq leh oo sabaynaysay  
hubsiimo la aan ama lugta ku haysa cuqdad ay ka qaadeen Somaalida 
maamulkeedii ugu danbeeyey. Waxayna adeegsadeen aragti cunsuriyeysan oo aan 
raad ku lahayn taariikhda deegaankii een hore loo odhan jirey s/l, ta 
siyaasadeed way qasantay iyo ta soomaliyeedna wa ka fool xumaatay. 
Waxa aragtidan ay ku dhaqmayaan ahayd mid ah: " Aniga ayaa soo diyaariyey, 
matalayana, daawanayana meel kasta oo aan aduunka ka joognana  una 
qaylinayna , Dastuurkana aniga ayaa u c odeeyay aniga oo aan u eegin da'da  
Teesaraha, isla markaana uu midkaayaba shan jeer ku noqnoqonayo." . Tanina 
waxa ay ka mid tahay aragtiyaha siyaasadeed ee khaldan ee lagu aasaasay 
Somali-landan maanta. 
 .....................
GebaGebadii: 
 Waxaanu ku soo gebagebaynaynaa su'aashan ah: Horta marka ugu horeysa ma 
jiraa wax labada beelood ee wada dega Waqooyiga Soomaliya ay isla meel 
dhigeen ka dib burburkii Soomaliweyn? Waa maya. 
Talo waxaanu ku soo jeedin lahayn sidan haddii la rabo in la wada hadlo: 
 
1) Waa in wax walba laga soo bilaabaa meel la isla ogol yahay oo macquula, 
waayo waxyaalo aan la isku raacsanayn ayaa jira sida ku dhawaaqida 
Somali-land, Calanka, Distoorka, iyo Lacagta. Intuba waa wax dad jibaysani 
sameeyeen. 
2) Waa in la raacaa qaabkii reer Waqooyigu waxa u wada qaybsan jiray, isla 
markaana la tamadiyaa reer Waqooyinimada ee aan la buunbuunin 
Somali-landnimada. 
3) Waa in warbaahinta laga ilaaliyaa waxyaalaha bulshooyinka dega waqooyiga 
kala fogaynaya hadday noqon lahayd waxa wargeysyada lagu qoro iwm. Sidoo 
kale waa in la joojiyaa waxyaalaha dadka soo xasuusinaya dhacdooyinkii 
murugada lahaa ee ay ka midka yihiin diyaaradda taallada laga taagay ama dad 
meelo lagu sawiro(Waa taallo hargeysa laga dhisay oo lagu xasuusanayo 
diyaaradihii Hargeysa lagu weeraray iyo niman ka mid ah SNM sawiradoodii).
Sababtoo ah dadka degaanka ssh kala meydaan tashan hawshaad kula jirteen 
xukumadii markaa jirtey iyaguba mucaarad badan bay lahaayeen lamaydaan 
midoobin mucaaradkoodii sidaa darteed may ahayn wax loo wada dhan yahay. 
4) Qodobada kor ku qoran waa in la meelmariyaa ka hor inta aan la isku soo 
hor fadhiisan wax kasta oo kale, waayo arrimahani waa waxyaalaha caqabadda 
ku ah inay si fiican isu dhexgalaan labada beelood ee degaan wadaaga. 
 5)waa in wixii ku kala maqan sida dhulka la isu sheeganayo la isu cesho.
wixii ka danbeeyey burburkii.
 
Intaas oo arimood waa xaqaaiqa ka jira meesha loogu yeedhi jirey somali land 
60 kii ka hor. Hadaba cidii danaysaa  S/L tii arimahooda waa inay saxaan 
inta khalad ee ku jira dhulkaa  asal ahaan loogu yeedhijirey s/l hadii kale 
waa inay sidaa ugu jirtaa meel ka lulashada ileen dadku iskuma raacsanee.
Axmed
 
Wa bilaahi tawfiiq.
  Axmed Moxamud  moxamud19@hotmail.com Oct 10, 2002 »»
 Dareenka
 Shacbiga Somaliland & Duudsiga BBC-da Som 
 
  Afeef:
 Aragtida qoraalkaan waxaa leh qoraaga ku saxiixan WARARKA 
SEPTEMBER - GUJI
 » 
AGOOSTO | JULY 
|  JUNE  | 
MAY  | APRIL 
| 
 MARCH    | FEBRAAYO 
|
Janaury 2002
 | Wararkii
1999-2001
 
 
com
 
 |