SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - VIRUS

Feb 13, 2004  

VIRUS LAGU MAGACAABO “MYDOOM” OO FARA BAAS KU HAYA COMPUTER-RADA CAALAMKA!!!

W/D:- MOHAMED HUSSINE JIMCAALE (JANTIILE)
E-MAIL:- jantiile12@hotmail.com

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



FAAQIDAADA CIYAARAHA... GUJI

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Dhammaan shirkadaha Caalamka ee ilaaliya amniga Internate-ka iyo aaladaha kala duwan ee wax lagu kaydiyo sida: Shabakadaha wararka iyo goobaha kale ee xogta lagu ururiyo ayaa si weyn uga cabanaya Virus cusub oo caalamka ku soo kordhay laguna magacaabo Mydoom, waxaana Virus-kaan intiisa badan lagu faafiyay Kannaallada Internate-ka Caalamka, waxaana lagu tilmaamay inuu yahay Nooca ugu ba’an ee waxyeelada weyn u gaysan kara Xogta ama Qaybaha kala duwan ee Internet-ka, sidoo kale waxaa laga cabsi qabaa in Virus-kani uu waxyeelo way u gaysto in ka badan Kumannaan xog (Data) oo ku kala urursan kumannaan Computer oo caamalka dacalladiisa taalla.

Sidoo kale waxaa iyana jira Nooc kale oo Virus ah kaasoo ay bah-wadaag yihiin noocaan hore waxaana noocaan dambe loogu magac daray Mydoom B. waxaana lagu weeraray noocaan Shirkadda Caanka ah ee Microsoft oo iyadu farsameysa Barnaamijyada Computer-rada iyo sidoo kale shirkadda kale ee iyana farsamaysa Barnaamijyada Computer-rada oo lagu magacaabo SCO, waxayna labadan shirkadood ballan qaadeen inay siin doonaan ciddii soo sheegta ruuxii farsameeyay Virus-kan khatarta weyn u haya caalamka oo dhan lacag lagu qaddaray 250-kun oo Dollarka Mareykanka ah. Shirkadaha iyagana ka hortaga Virus-yada ayaa waxay daboolka ka qaadeen ama ay xaqiijiyeen in Virus-kaan cusub ee lagu magacaabo Mydoom uu awood u leeyahay in 30% uu ku jiiro wararka ama xogagga ku jira Shabkad ka mid ah kuwa Warbaahinta ama kuwa xisaabaadka.

Virus-kaan ayaa lagu diraa Qaab E-mail ahaan ah, iyadoo loo ekeysiiyay sida Warqadda lagu duubo sokorta oo kale, waxaana laguugu soo dirayaan Virus-kaan Cinwaano E-mail ah oo aad taqaan, markii aad furto waxaad dareemaysaa in Virus-kii uu si deg-deg ah ugu fidayo Computer-kaaga isagoo si toos ah u abbaaraya qaybaha kala duwan ee xogta, weliba waxa la xaqiijiyay inuu si deg-deg ah ugu fido goobaha ama qaybaha ay kuugu keydsan yihiin Xisaabaadkaaga.

Waxaa sidoo kale la caddeeyay in Virus-kaan uu asiibayo qaybaha ugu muhimsan ee Nidaamiya xogta (Data) lagu shubo Computer-ka, isagoo u sii gudba qaybaha kale ee xiriirka shaqo la leh qaybtaan sida Qaybta lagu magacaabo Caza, dabadeedna waxa uu Virus-kii billaabaa inuu gabi ahaan baqtiiyo Computer-kaaga iyo kuwa kale ee la leh xiriira (Network). Dhanka kale, Shirkadaha Ruushanka ah ee ka hortagta fiditaanka Virus-yada ayaa waxay shaaca ka qaaddeen inay cabsi weyn ka qabto in kumannaan kun oo Virus-kaan ah lagu diray E-mail ahaan, taasoo keeni karta bay tiri Shirkaddu khasaaro weyn oo ku habsada Caalamka oo dhan, sidoo kale waxay caddeeyee Shirkado badan oo ilaaliya Internet-yada Caalamka in noocyo badan oo Virus ah la ogaaday halka ay ka soo baxaan iyo qaabka loo farsameeyo labadaba balse kani uu yahay mid ka xajmi weyn noocyadii horey loo aqoon jiray. Khuburo sarsare oo ka tirsan Hay’adda dhowrta Internet-yada iyo Shabakadaha kale ayaa waxay xaqiijiyeen in Virus-kaan markuu asiibo Computer-ka uu si toos ah u abbaarayo Qaybaha muhimka ah ee Computer-ka illaa uu ka dhigo qalabka Computer-ka mid aan awood sidaas ah sii lahayn, waxa uuna Virus-kaan dhaawac weyn u gaystay bay yiraahdeen Khuburradaasi Cinwaanka Shirkadda Microsoft ee ah www.microsoft.com  , Waxaana laga cabsi qabaa in bishan Feberaayo uu soo baxo nooc cusub oo Virus ah kaasoo la malaynayo inuu dhaawac weyn u gaysto Computer-rada Caalamka.

100-MILYAN OO XOG (DATA) OO UU WAXYEELEEYAY VIRUS-KA “MYDOOM”

Waxaa jira Virus-yo kale oo waxyeelo weyn u gaystay Xogag (Data) fara badan oo kaydsanaa, waxaana ugu weyn Virus-yadaan nooca loogu yeero “Novarich oo isagu lagu sheego inuu ahaa mid ugu khatarsan noocyada Virus ee jiray, waxaa sidoo kale jira Virus kale oo isna lagu magacaabo “Pilaster iyo nooc kale oo isagna lagu magacaabo “Speight”.

Waxaa jira Virus-yo kale oo waxyeelo weyn u gaystay Xogag (Data) fara badan oo kaydsanaa, waxaana ugu weynaa Virus-yadaan nooca loogu yeero Melissa, “Bagle" iyo Code Red.

Sida ay caddeysay Shirkad lagu magacaabo “F Secure” oo ka diiwaan-gashan dalka Finland Ilaalisana waxyeelooyinka loo gaysto Internet-yada inay dhawaan soo bandhigi doonto Barnaamij looga hortago Waxyeelooyinka Virus-yada, waayo waxay sheegtay shirkaddani in 36-kii saacadood ee ugu horresay ee la faafiyey Virus-kan lagu magacaabo Mydoom uu waxyeeleeyay in ka badan 100-Milyan oo Xog (Data), sidoo kale waxay shirkaddani daaha ka rogtay in tan iyo markii la billaabay in la faafiyo Virus-kaan uu dhaawacay ama dhibaato u gaystay 20% illaa 30% Xogaggii kala duwanayaa ee Internet-ka ku jiray iyo kuwii kale ee Computer-rada caalamka ku keydsanaa.

DHANKA RAASHIYA

MYDOOM: RUUSKA
MyDoom oo lagu xiriiriyey in uu kasoo bilowday Ruuska.... Guji....

Shirkadda Ruushanka ah ee ka hortagta Waxyeellada Virus-yada ayaa shaaca ka qaadday in 80% ay aaminsan tahay in noocan cusub ee Virus-ka ah uu ka yimid dhanka dalka Raashiya, waxayna sheegtay kaddib markii ay dabogal weyn ku samaysay Xogag uu waxyeeleeyay Virus-kaan inay u caddaatay inay Virus-kaan hindiseen mid ka mi ah shirkadaha Adeegga Internet-ka ee Ruushka. Af-hayeen u hadlay Shirkadda ka hortagga Waxyeelooyinka Viruska ee Ruushka oo lagu magacaabo Denis Zankiz ayaa yiri: “Waxaa Caalamka oo dhan la haystaa Barnaamijyo si la isaga illaaliyo waxyeelooyinka Virus-yada…Markii aan baarnayn Xogtii ugu horreysay ee uu waxyeeleeyay Virus-kaanna waxaan ogaannay in Viruskaan ay farsameysay mid ka mid ah Shirkadaha Internet-ka ee Raashiya…waxaanan caddeynayaa in weli sameyntiisa ay sii harsan tahay 20%.. markii ay Shirkadaha kale Farsameeyaan Virus waxyeellada ba’an leh waxay u adeegsadaan si caalamka ay ugu diraan Virus-ka Cinwaanno ay leeyihiin shirkado Ruush ah”.

Sidoo kale, Alexander Gosetiev oo ka mid ah Khuburrada sar-sare ee Shirkadda ka hortagga Waxyeelooyinka Virus-ka ee Ruushka ayaa ka caddeeyay Shir jaraa’id oo uu qabtay in Shirkadaha farsameeya Virus-yada aysan ula danlahayn inay ku waxyeeleeyaan socodka Internet-ka, balse Ujeeddadooda uun ay tahay inay waxyeeleeyaan Xogta (Data) ku jirta Internet-ka iyo Computer-rada caalamka. Waxa kale oo uu Gostiev sheegay in waxyeellada loo gaystay Xogagga (Data) aysan ahayn mid la qorsheeyay waqti dhow, balse ay tahay mid la qorsheynayay muddo fog, waxayna shirkadda Ruushka ah ee ka hortagta Waxyeelooyinka Virus-yada ay sheegtay in Virus-kaan uu asiibay in ka badan 600 oo kun oo Computer illaa iminka.

W/D:- MOHAMED HUSSINE JIMCAALE (JANTIILE)

E-MAIL:- jantiile12@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 13, 2004

MVIRUSKII BAGLE...GUJI..

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 13, 2004  

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD