SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - QORAAL

Feb 13, 2004  

Xuskii 13aad ee Marxuumiintii Xasuuqoodii Xasuusta mudnaa iyo Runsheegid.

W/Q: Yuusuf Xaaji Wehliye Raage
Maamulaha Golaha Midnimo
yusufweheliye@hotmail.com
London, UK

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



FAAQIDAADA CIYAARAHA... GUJI

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Sidaa aan wada ognahay dagaal sokeeye ayaa Soomaaliya ka bilawday dhammaadkii 1990. Waxa uuna noqday mid ay dad badani, oo isugu jira haween, caruur, rayid, aqoonyahaano, culumaa u diin, iwm, ku hoobteen. Hantidii guud iyo tii gaar ahaaneedba waa lagu waayay. Waxaase hubaal ah in laga helay laba wax oo kala ah dhacdooyin xun oo ku qormi doona taariikhda ummaddada Soomaaliyeed iyo garaad aan si sahal ah lagu heleen.

Haddii si fiican wax loo ururin lahaa, dhacdooyinka aan la ilaabi Karin qoraal laguma soo koobi kareen. Hase ahaatee inta la ogyahay in ka badan ayaa maqan, dhicina karta in aan la ogaan weligood. Waxaa taasi sabab u ah arrimo badan oo ay ka mid yihiin isgaarsiin xumo, garaadka aqooneed ee dadka badankiis oo aan markaas diyaar u ahayn dagaal noocaas ah, ujeeddooyin dhaqaale iyo kuwo siyaasadeed, sidii na loo soo barbaariyay oo aheed mid ka fog xaqiiqda aan lays moogeysiin karin, iwm. Waxaa sidoo kale dhici karta in kuwa la sheego ay yihiin wax la sameeyay ayagoo looga danleeyahay ujeeddooyin siyaasadeen iyo dhaqaale ama caqli xumo. Waxaan tusaale la taaban karo u ah dacwooyinka ay isku dhiibaan dadka qaxootinimada u dacwooda meelkasta ay jooggaanba. Aniga waxaan nasiib u yeeshay in aan si fiican u barto mid ka mid ah kuwa dhabta ah. Waana xasuuqii xasuusta mudnaa ee marxuumiintii beesha Nuux Maxamuud oo ka dhacay dugsigii sare ee la dhihi jiray Maxamuud Axmed Cali (MAC), duhurnimadii 10 Feberuary 1991. Waxaan Allaha awooda badan uga baryaa dhammaan marxuumiintii ku geeriyootay halkaas iyo inta la midka ah in uu jannada ka waraabiyo, AAMMIINN.

Waxaa jira qoraalo (sida kan uu sheegtay in uu qoray C/fataax M. C.) iyo wareysiyo idaacadeed (sida kuwa laga siidaayay BBC) oo ku saabsan dhacadaas. Mana aha mid ka go’aysa xasuusta Soomaalida iyo inta daryeesha dhibanayaasha. Hase ahaatee waxaa jirta in meelo badani laga barxay ayadoo dano gaar ahaaneed laga leeyahay. Qoraaladaasna waxa intooda badan qoray dad ka kala tirsan beelaha dhibku kala gaaray. Haddaba waxaa is weydiin mudan su’aasha ah: Maxaa ku kalifi kara qoraalada runta ka fog oo ay sameeyeen dadkaasi wax qoray? Runtii su’aashani waa mid aad u adag laakinse kuu fudud haddaad tahay geesiga ay diinta islaamka timaantay. In kasta aan jeclahay in aan sidaas ahaado, sida qofkasta u jecelyahay, haddana Soomaalinimo igama marna. Balse aan in yar ilkaha isku qabto oo aan wax yar sheego.

Soomaali waa diriri jirtay, waana diriritay, waana diriri doontaa. Mana aha wax mugdi kaga jira qofkasta oo garaad leh. Waxaase markasta haboon in qofkasta uu tiisa kaliya fiirin. Balse dhanka kalane is xasuusiya waxa ka jiri kara yihiin dad ayaga oo kale ah. Soomaaliduna waxay tiraa “geed kastaba in gubataa hoos taal.” Marka waa xaqiiq in dhibaatooyin xumi dhaceen, haseyeeshee ma jirto ummadda wada nadiif ah. Reerkastana waxay leeyihiin dhibane iyo dhibgeeste. Nasiibdarase dhibgeestaha waxaa inta qalkadka kula safani u taqaan “geesiga reerka.” Marka uu intaas maqlana waa ka sii daraa kana fogaadaa waxa alaaliyo wixii rabbigii abuurtay faray, asagoo geesanaayo falal aadanimada ka baxsan. Ogowna inta badan halka wanaag uu sameeyana in ay tahay dilista iyo dhicida kuwii sida khaldan ugu caleemo saaray waxa uu san aheyn.

Taasina waxaa laga dhaxlayaa is eedeyn iyo farfar ku tag joogto ah oo aan xuduud lahayn. Xalna uma aha dhibaatada maanta qofkasta haysata. Laakinse way noqon kartaa mid lagu gaaro dan gaar ahaaneed oo muddo gaaban socota ama mid qof waalani wato. Hubaashiina qof danayste ah (sida kuwa qoraya qoraalada beenta ah eek u saabsan dhacdadii 10 Feb. 1991 ee dugsigii MAC) ama waalan (sida kuwa lagu adeegtay aygoo loo lulay calan heeb wadaaga) reer ma laha. Waxaana la mid ah ama ka hooseeya kuwa aanan u nasteexeyn oo dhallasho iyo diin wadaaga yihiin. Dhammaantoodna waa cadowga koowaad ee xigtooyinkooda koowaad iyo labaadba. Nasiibdarase sida haboon wax uma aragno inteen badan oo waxaan u badanahay dad caabuda qabiil iyo riyo aan loo shaqa tageen.

Aniga waxay ila tahay in inta khaldan ee sida xun wax u qortay ama u hadashay lagu yiraahdo “iimaanka allaha idin geliyo ee jooggiya waxa aad wadaan.” Kuna dhahaan sidaas dadka dhallay ama xigtadooda ah. Waana taas waxa aan hadda faraha kula jirno aniga iyo inkale oo runta iyo wanaaga jecel. Xaqiiqdiina hadday taasi meel marto, ayadoo qof walba ama koox walba (sida warbaahinada Soomaaliyeed) ay si Alle ka cabsi leh u guduto kaalinteeda sidaan hadda nahay waa dhaami lahayn.

Ugu dambeyntiina waxaan si gaar ah uga codsanayaa inta arrintan wax ka qortay (sida C/fataax Maxamed Cabdulle) aysan runta ka dooran waxa ka fogeeynaaya adduun iyo aakhiraba. Xaqiiqdana ha u sheegaano ama ha u qoraano sida ay tahay. Haddii kale ha dhagaystaano talalooyinka maangalka ah ee walaalahooda kale.

W/Q:

Yuusuf Xaaji Wehliye Raage

Maamulaha Golaha Midnimo
yusufweheliye@hotmail.com

London, UK

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 13, 2004

Sannadguuradii 13aad ee kasoo wareegtay xasuuqii ka dhacay Dugsigii Sare ee Maxamuud Axmed Cali
Shacabkan la xasuuqay waxay ahaayeen dad kasoo qaxay dagaalladii ka socday magaalada Xamar ee.. Guji 10/2

 

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]