SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Feb 15, 2004 

S/GALBEED: DADKII IYO DALKII AYAANKA DARRAA(Q. 1aad)

Ismail A. Hassan (Khaliil)
Khalka1@aol.com



"Shacabka S/galbeed kamay dadaal yarayn kamana dadnimo liidan walaalahooda Soomaaliyeed ee xornimdooda hantay balse waa ka nasiib darraayeen"

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



FAAQIDAADA CIYAARAHA... GUJI

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Sannadkii 1991kii wax yar uun ka dib markii xukunka laga tuuray keligii taliyihii Mingiste ayaa aniga iyo nin aan saaxiib ahayn oo marayna dariiq ka mid ah dariiqyada magaalada Jigjiga waxaa naga soo hor yimid nin oday ah oo aan is garanaynay.
Salaan iyo is waraysi ka dib ayaa ninkii odayga ahaa intuu daar dhinaca midig nagaga toosnayd bakooraddiisii ku fiiqay yiri, daartani waxay ahaan jirtay xafiiskii SYL waqtigii Ingiriisku wadanka xukumayay.

Sida hadaba aan ka garan karno arrinta aan kor ku soo sheegnay dadka S/galbeed halgankooda gobonimo doon wuxuu ahaa mid ay la wadaageen oo la saanqaaday walaalahooda Soomaaliyeed ee gacanta ugu jiray gumaystayaasha reer yurub sida ingiriiska, Talyaaniga iyo Faransiiska.

Sida ay dadku u kala nasiib badan yihiin oo kale ayaa ummadduhuna u kala ayaan roon yihiin.

Shacabka S/galbeed kamay dadaal yarayn kamana danimo liitaan walaalahooada Soomaaliyeed ee xornimadooda hantay balse waa ka nasiib darraayeen.
Haddii Hargeysa, Xamar iyo Jabuuti ay u gacan galeen saancaddaalayaal qaarad kale ka yimid oo la hubay goor ay noqotaba inay mar uun xamaantooda laalaaban doonaan Goday, Jigjiga iyo Dirdhaba waxaa hantiyay gaalo madaw la deris ah oo waligood dirir iyo dagaal ka dhexeeyay.

Dhulka S/galbeed oo ah mid aad u balaadhan dadkiisuna u badanyahay reer guuraa ayaa aad arkaysaa inuu yahay mid aad u dambeeya dhinaca nolasha dadka iyo horumarka bulshada. Waxbarashada, Caafimaadka iyo wayaalaha kale ee la xiriira horumarka bulshada ayaan wax badan laga qaban mudadii dheeereyd ee uu dalkaasi ku jiray gacanta Itoobiya.

Marka aad ku dhex socdaasho dhulkaas waxa keliya ee ishaadu ku dhacaysaa waa xeryo milateri oo waaweyn oo magaalo iyo tuulo kasta oo dhulkaas ka mid ah ku gadaaman.
Ciidamadaas tirade badan ayaa ahaa kuwo lagu cabudhiyo shacabka dhulkaas islamarkaasna loogu talo galay inay caabiyaan haddii wax weerar ahi kaga yimaado dhinaca Soomaaliya oo ay dhukaas ku muransanaayeen.

Cadaadiskii xad dhaaafka ahaa ee shacabka S/galbeed lagu hayay ayaa keenay in aqoonyahankii iyo waxgaradkii ay ka cararaan wadankooda soona bidhaansadaan iftiinka xornimo ee ka baxya Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed ee da'da yarayd.
Xukuumadihii soomaaliyeed ee kala dambeeyay waxay dadaal af iyo addinba leh u galeen sidii dadka Soomaaliyeed ee ku harsn gacata gumeysigu u hanan lahaayeen xornimadooda.

Dagaalkii 77kii wuxuu ka mid ahaa dhacdooyinkii ugu muhiimsanaa ee soo mara taariikhda ummadda Soomaaliyeed qarnigii aan oo dhaafnay, wuxuuna ahaan doonaa mid weligiiba ku xusnaada halganka gobanimodoonka ee shacabka Soomaaliyeed inkatoo ay waayadan dambe jiraan dad badan oo si gurracan u fasira ujeedooyinkii dagaalkaas.

Burburkii dawladdii Soomaaliyeed ee bilawgii 91kii iyo dagaaladii sokeeye ee wadanka ka bilawday ayaa sababay in qaxootigii S/galbeed ee ku noolaa Soomaaliya ay dib ugu soo noqdaan degaanadii ay hore uga bara kaceen.

Keligii taliye Mingiste oo isagu waqtigaa xukunka ku sugnaa oo aan wax naxariis ah u hayn dadkaas iyo hantidii ay hore uga qaxeen oo laga dhaxal wareejiyay mudaddii ay ka maqnaayeen ayaa dadkaasi ay mar kale soo foodsaartay xaalad adag oo nololeed iyagoo isla markaana dalkoodii ku noqday marti iyo qaxooti cusub.

Kii guri lahaa wuxuu u yimid gurigiisii oo dad kale deganyihiin oo aanu ka saari Karin, kii beer lahaana beertiiisii oo dad kale qodanyaan oo aanu ka hadli Karin iyo kii dhul banaan ka tagay oo yimid iyadoo dad kale dhisteen.
Umaanay dacwoon karayn hantidoodaaas kuwana waxay ku qasbanaayeen inay subax walba iska xaadiriyaan xafiiska ciidanka nabad sugidda ee degaankooda. Qofkii xilligaas ku sugnaa dhulka S/galbeeed ayuunabba fahmi karaya xaaladdihii qalafsanaa ee meeshaas ka jiray.

Hadaba markii xoogaggii mucaaridka ahaa ee ay horseedka u ahaayeen Tigreegu ay xukunka ka tureen taliskii naxariista darraa ee Mingiste Xayle Maryam ayaa waa cusub u baryay dadka S/galbeed iyo guud ahaanba qawmiyadaha kale ee la cadaadin jiray ee ku dhaqan wadanka Itoobiya.

Xilligaas oo aan ku sugnaa magaalada Jigjiga ayaa runtii waxaad dareemaysay farxadda iyo rayraynta ay dadku ku soo dhaweeyeen isbedelkaas taariikhiga ah iyadoo isla markaana laga dul qaaday culays iyo cadaadis badan oo saarnaa oo ay rajadoodii dib u soo noolaatay.

Hadaba nasiib darro isbedelkaas ka dhacay Itoobiya wuxuu ku soo beegmay xilli ay qawmiyadda soomaaliyeed ee Itoobiya aad u kala daadsantahay oo aanu jirin urur siyaasaddeed oo xoog leh oo matela dadkaas una dooda xuquuqdooda iyadoo isla markaana ay Soomaaliya ku sugantahay xaalad dawlad la'aan iyo dagaalo sokeeye oo ay isku gumaadayaan qabiilooyinku.

Maalmo yar ka dib waxaa magaalada Jigjiga ka dhex muuqday niman dhalinyaro ah oo dibadaha ka yimid oo abaabul ka bilaabay magaalooyinka waaweyn ee Soomaali galbeed.
Waxay ahaayeen rag ka tirsan waxa loogu yeero ururka wadaniga xoreynta ogaadeeniya afka qalaadna loogu soo gaabiyo ONLF.

Inastoo markii ugu horeysayba ay dad badani ka biyo diideen magaca qabiil ee ay huwanaayeen kooxdaasi hadana waxay isku qanciyeen in aanay jirin wax kale oo u diyaarsan oo ay kaga maarmi karaan koox qabiileedkan si ay uga qayb galaan shirka qawmiyadaha oo waqtigaas lagu balansanaa magaalo madaxda Addis abeba.

Dhibaatooyinka Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-du ku hayso Soomaalida Ogaadeenya iyo Guud ahaanba Dadka Soomaaliyeed
. 1aad | 2aad

Ka dib markii guddi aqoonyahan iyo wax garad u badan oo ku socda magaca ururkaasi gaareen madashii shirka ayaa nin doc ka yeer ah oo matelaya ururkaasi ka hadlay BBC-da kaasoo hadalkiisii uu rubadgooyo ku noqday gudigii shirka joogtay ka dib markii uu sheegay in aanay wax wada xaajood ah la yeelanayn Tigreega dhulka qabsaday.

Qawmiyadda Soomaalida oo ka mid ah qawmiyadaha ugu badan Itoobiya ayaa qolooyinka xukunka qabsaday ee Tigreega ay ka go'nayd in cid matesha oo shirka uga qayb gasha la helo, sidaas dared ayaa iyagoo la kaashanaya dawladda Suudaan ay soo kaxeeyeen dhawr oday oo Xamar ku sugnaa kana mid ahaa madaxdii sare ee Jabhaddii Xoreynta S/galbeed.

Hadaba kooxdan S/galbeed ka socday iyo laba urur oo magac qabiil ku socday oo kala ahaa Ciil tire oo matelayay Ciisaha iyo Gurguraha iyo Horyaal oo ay ku socdeen Gadabiirsigu ayaa waxay ka heleen golihii wakiilada afar xubnood. Waa tiro marka aad u eegto baaxadda dhulka iyo tirade dadka Soomaalida Itoobiya ku dhaqan aad u yar.

Waa qayb u muuqata quudhsi iyo xaqdarro lagula kacay dadka Soomaaliyeed ee dhulkaas, mase jirin cid ka dhiidhiday ee sidii Soomaalida lagu yaqiin ayay u kala dhuundhuunteen Tigreegii oo iyaguna bilawgii aad ugu jaha wareeray ka dib markii qabiilba gaarkiis ugu tagay ayagoo markasta ugu soo jawaabi jiray anagu Soomaali baanu naqaanaaye Soomaalinimo xaqiina ku raadsada laakiin dareen Soomaalinimo meesha kama jirin.


Qaybta labaad... Guji

Ismail A. Hassan (Khaliil)
Khalka1@aol.com

 QORAALADII HORE EE KHALIIL

Feein: SomaliTalk.com | Feb 15, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD