SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Feb 17, 2004 

Jawaabtii c/waxid khaliif, cade muuse hishiiska waa uu ku khasbanaa.

ugu horayn qore, C/Waaxid Khaliif xaq buu uleeyahay in uu qaabka uu u arko saxda uu rayigiisa udhigo, waayo waxaan aamin sanahay xoriyada rayiga oo qofka saxafiga ah usiinaysa awooda inuu waxuu doono rayigiisa ku cabiro , lakiin taa mac naheedu maahan in wax yaalaha qoraagu qoro in aan la tacqiibin karin ama rayiga siduu ula muuqdo walaalkeen si kaduwan ayan jirin.

1-igu horayn dib ugu noqon maayo dagaalkii DGP ka dhacay waayo umada reer punt land waxay caan ku ahaan jirtay xasiloonida iyo nabad jecaylka ilaa bur burkii qarankii somaliyeed sanadku markuu ahaa 1990 ilaa dagaaalkaasi markuu bilaamay 200/2001, dagaalku waxuu wax yeelay ka sokow dadkii kuleeday iyo hantidii ku baa ba,day , sumacadii ay lahaayeel dadka reer punt land oo taariikhda somalia aan loo galin dagaal dhex mara iyaga dhex dooda, marka dagaalkaani inuu istaago ama xal loo helo waxay ahyd mid aad ay udoonayeen dad waynaha reer punt land oo u arkayay dagaalku in hadii uu balaarto in ay adkaanayso hadhow in xal loo helo ama uuba soo ajarmi waayo sida kan ka taagan koonfurta somalia .

2- c/lahi yusuf yaa doortay markii hore ? markii dame yaa ku taageeray dagaalka dhexmaray isaga iyo [GBP]? cadde muuse iyo kooxda [GBP] ma awoodi kareen in ay c/lahi yusuf iyo maamulkiisa in ka majixaabaan punt land? , runtii su aalahaas jawaabohoodu waa muhim su loo fahmo in c/lahi, yusuf shacabka intiisa badan ay u arkaan inuu yahay qof dagaalka ku maqiiqan aanan aqbalin wax quursiya dadka somalia ka ah hogaamiyaashu ka haybaystaan waxaasoo dhan anagu hada sharciyayn mayno ee waa wax jira oo markii aad dhagaysato dad waynaha ra yigooda in badan aad maqlayso , taasi waxaa ay keenaysaa su aasha labaad in aynu kajawaabno oo ah yaa tageeray c/lahi waxaana aynu oran karnaa [GBP] waxaa ay wayday taageeradaas oo marka la eego qaba isha punt land dagan badan koodo waxay taageerada siiyeed c/lahi yusuf waxaana taas ay ku cadayd isu dheeli tirnaanta dhex taalay labada ciidan oo looltamayay, taas waxaanu kusii fahmi karnaa markii aanu aragno [GBP] oo markii dame isugu guratay punt land ilaa ay gaartay ceel afwayn waayo waxaa taasi laga qaadan karaa kooxdu inayan ku haysan taageero wayn dadka dhexdiisa waxaana sabab u ah taas laba arin:1-kacaankaan haday suurta gal tahy in lagu magacaabo ka caan waa dagaalkii lagu qaaday c/lahi yusuf eh , waxaa hormuud ka ahaa ama waday hal famil oo katirsan beesha wayna reer punt land 2-sababka labeedi waa awood yarida hal famil ay leeyihiin si ay uga hortagaan nin taageerada uu ka haysto beelaha punt land ay udheertayhay dowlada eyhopia oo si aan qorsoodi ahayn usiisa hub iyo maalba. intaas oo dhan waxay noo sahlin jawaabta cinwaankaan ah

cade iyo c/lahi yusuf hishiiskii dhexmaray?

cadde waa janaral ciidan iyo waxuu ubaahan yahayna waa yaqaan dagaal aan taageero haysana meesha uu kudamayna waa uu adaroosi ,karaa markuu arkay xaalku sidaa uu yahay iyo GBP iyo cl /ahi sida ay kala yihiin awood ahaan iyo taageeraba , waxuu qaatay go aankii aan ku magacaabay kii ugu waynaa oo janaraal afrikaana uu qaato hadii la eego wakhtiga iyo xiliga uu ku beegayba haa c/waxid waan ku waafaqsanahay meesha uu ka dhwaajiyay in shuruudi c/lahi lalagalay uusan oo fin cadana taa uusan xoog saarin lakiin waxaan dareemaya jananku inuu guusha wayn oo uu gaaray ay tahay inuu bad baadiyay nafta 1500 oo wiil oo dhalin yara oo gacantiisa ku jirta iyo kuwa uu wato c/lahi yusuf oo waxay udhimanayaan aan garanayn waxuu is hortaagay somali land iyo c/qasim oo rabay in punt land laka jibiyo waayo punt land c/lahi ma aha walow in badan oo shacabku ay qabaan in jiritaankeedu uu ku dhisan yahay c/alhi yusuf, ra yigaas ma ahan mid aan anuu qabo ee waa mid jamaahiirta reer punt land oo saan sheegay c/lahi u aamin san hal yay wayn oo looga haybaysto, jananku in badan wax yaalahaas ayuu xeerinayay oo waa ay ka waynayd fikrigiisu mar ahduu aqbalay hishiis in loo arko kacdoonkiisu in uu ahaa jago ay ka rabeen ee waxay ahyd ilaalin sharciyada iyo qanuunka markuu arkay dadku inay doonayaan c/lahina waxaa uu goystay in uu tuso c/lahi xaqiiqadiisu waxay tahay runtii hishiisku waxaa ahaa mid wayn salaan wayna waa uu leeyahay jananku mar labaad geesinimada iyo qaraarka uu qaatay oo uusan ujoojin in badan oo oo saraakiishiisa kamid ah waayo nacayb loo qabo c/lahi arinku waa uu ka waynaa, waxaan jeclaan lahaa inuu walaalkay c/waxid muhlada ama wakhtiga uu uqabtay jananku in uu kaga hadlo kudarsashada labaad ee maamulka c/lahi uu ka noqdo waayo arinku sida ay dhahaan somalidu ka wayn waxa loo malaynayo waayo c/alhi yusuf beelaha punt land oo dhan taageerada uu kahaysto ayaa sii naysa kalsonida iyo isku halayna waxaan hubaana in hadii lagacan qabto wax badan hagaagi karaan.

HISHIISKU YUU BAD BAADIYAY?

waxaan uga goleeyahay su aasha c/waaxid oo yiri hishiisku waxuu bad baadiyay c/lahi haa run ayuu ku sheegay lakiin waxaan qabaa kahor c/lahi waxuu bad badiyay 3000 oo wiil oo ku hooban lahaa dagaalkaa waa ciidamada ay kala wataan cade iyo c/lahi eh, waxaa uu bad baadiyay sumcadii iyo magacii punt land waxuu bad baadiyay horo markii kasocday gobalada punt land waxa uu bad baadiyay dhaqaalihii punt land waxaa uu unoqday magac wayn umada reer punt land in ay khilaaf kasta oo jira ay ka gudbi karaan oo hishiis iyo nabad dooran lahaayeen arintu in laga eego dhinac ya badan in laga eego ayay mutaysataa ee maahan un in la eego c/lahi oo wali jooga , waxaan qabaa jananku inuu yahay shakhsi wax ka yaqaan istaratijidaha iyo mustaqbalka dame oo dadka iyo dalkaba waayo c/lahi waa uu tagin oo waa bina aadan lakiin cadaawada hadaan la af qaban bilowga gacantay kabaxdaa.

maqaalkaa dheer uma wadin in aan ku afjaro saxafiga wayn oo aan qadariyo c/waxid khaliif lakiin waxay iga ahyd c/waxid inuu dareemo c/lahi inuusan ahyn nin ay udhamaatay walow dad badan ay saa qabaan lakiin waxaan oran karaa %76 oo dadka punt land waxay u arkaan sidaa lidkeed , waxaana taa keenaya maahan jacayl looqaba isagee waa duruufta somalia oo keenaysa askari in uu yahay lagama maarmaan xiliga oo adag awgeed anuu koley waxaan ixtiraamaya doonida mar walba shacabka taana macnaheedu maahan taageero c.lahi yusuf waayo waxaan kamid ahay dadkii in badan ka digay dhibta ay leedahay ku darsashada uu c/ali ku darsaday maamulka punt land haa , waan ka dignay lakiin hadii ay dhacday meel aanu is taagno ayaan garan waynay lakiin janaral cadde muuse ayaa ahaa ninkii ilahay usoo diray suu unoqdo xarig fur.

Maxuu Cadde Muuse ka oran dadka leh C/hi baan labo sano ugu darnay xilkii? su sha waxaa leh c/waxid waxaan oran karaa haa cadde wax uu oran karo mataal waayo cade haduu mar ogolaaday nabada ninkii ahaa c/lahi yuusufna uu xukunkii hayo khasab ayay ku tahay in uu qaato atida shacabka oo aqlibiyadu rabtu isaga waana mida keentay in uu jananku hishiiska shuruud badan uusan ku xirin, marka shacabka ayay utaalaa waxa uu ka oran lahaa ee cadde waxaan umalayn wax wayni kama sarrna.

waad mahad san tihiin dhamaan

asad cabdi gufure
egypt
asadgufure@hotmail.com

Feein: SomaliTalk.com | Feb 17, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD