SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - TAARIIKH

Feb 17, 2004 

Islaamka iyo Ilbaxnimada Muslimiinta

Shiikh Abdiraxmaan Maxamed jibriil-
jibriil1950@yahoo.com
Nairobi-Kenya.

Qaybtii (1)aad

Ummad-walba Diinteeda ayay ka heshaa ilbaxnimadeeda(Dhaqankeeda) Ilbaxnimada Muslimiintu waxay katimid Islaamka.Qaabka firkirka,dhaqanka,dhaqaalaha,Qiyamka, Dhar xirashada,Qaab nololeedka iyo dhamaan hab dhaqanka Muslimiinta waxaa assal u ah Diinta Islaamka. Taas macnaheedu ma aha in ay raaceen waxa Diintu farayso, ee waxaa weeye in dhaqankoodu kayimid kuna salaysanyahay Islaamka. Tusaale ahaan, markii qofka soomaaliga ah uu rabo inuu u hiiliyo qof kale oo ay isku qabiil yihiin, wuxuu u baahdaa inuu Daliil kahelo Diinta. Markaasuu daliil u soo qaataa maah-maah oranaysa ( Doofaar ficil la`aan ayaa loo cadaabaa). Wuxuu naftiisa ku qancinayaa inuu cadaab ka baqayo haddii uu u hiillin waayo qofka isaga xiga qabiil ahaan.

Dagaaladii qabiilka ku salaysanaa ee Soomaliya ka dhacay, waxaa la isku dayay in Diinta lawaafajiyo. Waayo xadaaradda iyo qiyamka ayaa ku salaysan. Waxaad maqli kartay erayadaan: “Waa jihaad, waa difaacu nafsi, waa bannaantahay in aad iska dhiciso qof-kii ku dulminahaya, mujaahiddiin. Taas macnaheedu waxaa weeye, in kasta oo dagaaladu qabiil ama siyaasad ku salaysan-yihiin, misana majiro qof ama qabiil ka fakan kara awoodda ay Diintu kuleedahay naftiisa. Sidoo kale qisada Qaadka. Ninka qaadka cunaya naftiisu uma saamaxayso in uu bareero oo qirto in naftiisu ka adkaaday, Laakiin wuxuu isku dayaa in uu qiil baarto isga oo oranaya waa “Quutul Awliyo” Quraanka ayaa lagu akhriyaa.

Dadka fidiya xadaaradda reer galbeedka ee wax ku soo bartay wadamada aan Islaamka ahayn, waxay u baahanyihiin inay daliil ka helaan diinta, si ay ugu xoojiyaan afkaartooda. Inkasta oo laga yaabo inaysan iyaga qiimo wayn ugu fadhin Diintu,haddana way u baahanyihiin in ay adeegsadaan. Waxaynu arki jirnay waqtiyadii shuuciyadu xooga lahayd inay adeegsan jireen culumada diinta qaar kamid ah si ay hanti wadaaga u diineeyaan ama uga dhigaan wax diinta waafaqsan. Sidoo kale, dadka gudniinka gabdhaha diidan oo u dhaq-dhaqaaqa in la joojiyo, waxay u baahdaan in ay helaan culumo diinta waafajisa afkaartooda. Mar haddii xadaarada dadku Diin ku salaysantayay, wax la hirgalinkaro majiraan ilaa diinta lawaafajiyo. Xattaa dadka salaadda ka wahsaday, ama iska daayay, waxay u baahdeen inay ku-saleeyaan karaamo iyo iimaan xaddii dhaafay, markaas ayay yiraahdaan “ Kacbada ayaan ku soo tukanay.”

Halkaas waxaa kuu cad in qofkasta oo u baahan inuu afkaartiisa hirgaliyo ( ha xumaato ama ha samaatee ) isku dayo inuu waafajiyo Diinta Islaamka.Sababtu waxaa weeye xaddaarada iyo Qiyamkii dadka ayaa ku salaysan Diinta islaamka. Waa taas midda aan uga jeedo xaddaaraddu waa islaam, ee ma-aha inay awaamirta iyo u jeeddada Diinta u raaceen sida ay tahay.

Mar haddii kii wax dilayay, Kii balwadda lahaa, kii casabiyadda iyo eexda ka shaqaynayay, kii salaadda ka tagay, kii duulaanka qaadayay—mar haddii kuwaas oo dhan arrintooda ay diinta u celiyeen, waxaad fahmi kartaa in assalka umaddu islaam yahay. Sidaas daraaded, wax kasta oo u maddaas ka soo fula ay xaddaaradda islaamku assal u tahay. Majiro wax ka baxsan xadaaraddaas, Shar iyo khayr halkaas ayay u noqonayaan.

»Isbadal Waa Lagama Maarmaan  [Shiikh.Jibriil]

Hadda xaaladda Muslimiintu guud ahaan gaar ahaan Soomaalida way liidataa. Liidnimadaas iyo dhaqan xumadaas xagee laga keenay maxaase assal u ah?

Jawaab: Waxaa assal u ah afkaar iyo mabaadi adag,qalloocan,runta ka fog, oo muslimiintu rumaysan yihiin iyaga oo u malaynaya inay Islaam tahay ama Islaamka laxiriirto. Caqiidadaas aan salka lahayn laakiin loomalaynayo inay Diinta assal ku leedahay ayaa mas’uul ka ah hoogga iyo halaaga ku dhacay muslimiinta.

Taas ayay naf iyo maalba ku difaacayaan oo kala dhax layaan.Waayo waxay u haystaan inay difaacayaan Diintoodii xaqqa ahayd.

Xalkuna waa in markale loo fasiro oo loo sheego xaqqiiqada Diinkooda iyo Caqiidada dhabta ah ee Islaamka. Kadib markay ku baraarugaan arrintaas ayay boorka iska jafayaan, karaamiddii iyo Cizigii Mulimiintana ay heli doonaan.

Lasoco Qaybta labaad (2)aad ee maqaalkaan.

Shiikh Abdiraxmaan Maxamed jibriil-

jibriil1950@yahoo.com

Nairobi-Kenya.

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 17, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]