SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

Feb 18, 2004 

War-1-18-Febraayo,04,Nairobi.
Kalonzo Musyoka:-waa jiraan khaladaad yar-yar, laakiin ma aha kuwa loo xayi.........

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



FAAQIDAADA CIYAARAHA... GUJI

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Wasiirka Arrimaha dibada Kenya Muddane Kalonzo Musyoka ayaa shaley qoraal uu ka soo saaray xafiiska hogaamiyayaasha Soomaaliyeed ee kaqaybgalaya shirka nabada Soomaalida ee ka socda kenya qoraal ugu sheegay in jiraan khalaad yar-yar oo ku saabsan qodobadii dhawaan hogamiyayaasha soomaalida ku saxiixeen guriga madaxtooyada ee dalka kenya 29-Janaayo,04.

Wasiirka ayaa khaladaad kaasi ku sheegay kuwa aan loo xayiri karin dawlad ama Baarlamaan Soomaaliyeed la doonayo shacab ku soo jiray dagaal sokeeye muddo 14-sanno ah.

Wasiirka ayaa ka codsadey hogaamiyaasha Soomaalida iyo ergada shirka in ay u gudbaan wajiga Sedexaad ee Awood qaybsiga si dhowaan ummada soomaaliyeed dawlad u hesho.

Dhanka kale wasiirka ayaan qoraalkiisa ku sheegin hadallo kulkul oo ku aadan cidii codsigaa ka hortimaada waxa laga yeelo doono. [sidii uu hore arintaas uga hanjabay].

Wasiirka ayaa ugu danbeyn ka codsadey in Soomalida ka qayb galeysa shirka nabada iyaga dhistaan dawlad iyo baarlamaan ,caalamkana uu taageeri doono dawlad ka dhalata shirka nabada soomaalida ee kenya ka socda haatan 15-bilood.

dhamaad.
Abdikarim Aden Hussein.
Nairobi,Kenya.
abdikarimhussein@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 18, 2004

 

Xoghayaha Arimaha horumarinta Sweden oo la kulantay Hogaamiyayaasha kooxaha Soomaalida
Warbixintii Abdikarim Aden..Guji

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]