SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - ASOJ

Feb 22, 2004 

Dalladda Suxuufiyiinta Soomaaliyeed ee ASOJ oo si kulul u Cambaareeysay kooxdii weerarka ku qaaday Website,ka somalitalk.com

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



FAAQIDAADA CIYAARAHA... GUJI

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Gudoomiyaha Dalladda Saxaafiyiinta Soomaaliyeed (ASOJ)Dahir Abdulle ALasow ayaa si kulul u cambaareeyay kooxihii ka dambeeyay weerarkii anshax xumadda ahaa ee lagu qaaday shaabakadda caanka ah ee Somalitalk.com.

Dahir abdule Alasow waxaa uu sheegay inuu aad uga xun yahay falka lagula kacay shabaakadda somalitalk uuna u arko kooxo ka soo horjeedo madax banaanidda saxaafada in ay arinkaas ku kaceen.

waxaa uuna maamulka somalitalk u sheegay in ay aad uga tiraanyeeysan yihiin falka lagula kacay shabaakadoodda.

hadii aan nahay dallada Saxaafiyiinta ee ASOJ waxaan aaminsan nahay in laga guuleeysan doono wax ma garadka rabo inay afduubtaan saxaafadda madaxa banaan ayuu yiri gudoomiyaha daladda ASOJ.

dahiryarestntv@hotmail.com

<><><>

Hoyga Waxbarashadeena (somalitalk.com) Waa Garab Taaganahay
Ardayda Soomaaliyeed ee Muqdisho

Saakay Aroortii (Feb 21) markii aan furay Somalitalk.com, walee cinwaan iga yaabshay ayaan ku arkay ibidkey intii aan Net-ka ku jiray, Qof Wax xadaya hadana lagu qabtay isagoo faraha kula jira... Aad ayaan ugu faraxsanahay in lagu guuleystay in Page-kii Somalitalk.com sidiisii lagu soo celiyo, Mar kale waxaan ka codsanayaa Bahda Somalitalk.com in ay soo daabacaan Magaca ku qoran Visaha iyo waliba hadii ay macquul tahay Guriga uu dhex yaalay Compurterka lagu qaribayay Page-ka..

Waxaan dhiiro galinayaa Bahda Somalitalk.com, Waxaan la garab taaganahay Difaacidda Bahda Somalitalk.com wanaaga iyo sida ay umada soomaaliyeed ee ku kala nool 5-ta Qaaradood ugu daabacaan Macluumaad wanaagsan.

Aad iyo aad ayaan iga xumahay shaqsiga isku dayay in uu sameeyo wax dhib u keenaya Hoyga Waxbarashadeena (somalitalk.com) waxaana filayaa in uu yahay Qof Soomaaaliyeed oo aan lahayn wax damiir Islaamino ama Soomaalinimo.

Aad ayaan uga caroonay markii aan aragnay waxa uu ku kacay Qofkaas, waana sida aad tiraahdeen..."Waxaa Allah mahadiis ah in aysan wax aqoon ah u lahayn Internetka oo ay maqleen waxbaa HACKING lagu sameeyaa".

Igu dambeentii, Bahda Somalitalk.com waxaan u rajeynayaa GUUL.

 Ardayda Soomaaliyeed ee Muqdisho
Soomaaliya

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 22, 2004

Bahda SomaliTalk oo ku daba Jira Raadkii Qofkii Linkiga Khaldan Ku Hagey Bogga SomaliTalk.com Guji....

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD