SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m

SOMALITALK - MAQAAL


Feb 7, 2004  

Tooxoow Gar Qaado

Ilyas Mohamud Hussein
 ilyas_mh@hotmail.com

Hadii Tooxow lagu yiri dagaal oogaheena inoo dhaaf ee kuwiina ka hadal waa lagaa gar helaye gartaada qaado.

”oodmo dhacmeed sidee u kala sareyso loo kala qadaa ”ama aan dhaho ”Canjeero sidey u kala koreyso loo kala cunaa”

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Waxaa igu qasbey in aan maqaalkan qoro qoraalada uu soo diro walaalkey Xasan Axmed Tooxoow oo baryahan danbe aad wax uga qora C/lahi yuusuf axmed iyo reer Puntland isaga oo ku dheeraado wax ka sheegida C/laahi yuusuf .Waxaan ahay qof dhalasho iyo degaan ahaanba Tooxow meel ka soo wada jeedaaan sidaa darteed waxaan gartey in walaalkey Tooxow talo u soo jeediyo waa mida hore walaal dhaliil iyo waano waxaa kaaga baahan marka hore reer tolkaaga gaar ahaan dagaal oogayaasha Muqdisho (Muuse Suudi, Xuseen Caydiid, Cusmaan Caato, Qanyare) oo ummadii nolol iyo nabadba u diiday .Xaqiiqda hadii laga hadlo Muqdisho waa meesha soomaaliya oo idil ugu nabadgelyo xun wax kasta oo illaah xarimey ayaa si joogta ah uga dhacaan,dilka, kufsiga, afduubka iyo dhaca. Dhibaatada mooryaanta gaysato waxaa sii dheer dagaal oogayaal ummadii noloshii u diidey, dagaal joogta ah oo micno ku dhisneyn oo dadkii rayadka ahaa lagu xasuuqo waxaa u sii dheer ganacsadayaal ilaah imaanka ka qaadey oo keena daawo iyo cunto dhacdey soona daabacaan lacag been abuur ah oo maciishadii ku ridey sicir barar. Dekadii iyo Airaporkii Muqdisho ayaa sanado badan iska xiran, Dagaal oogayaasha Muqdisho iyo ganacsatayaasha aan damiirka laheyn waxay dhowr iyo toban sano garan la`yihiin in qilaafka dhaxdooda meel iska dhigaan oo ummada reer Muqdisho ee baaba`asan u daneeyaan oo ugu yaraan nabada ka wada shaqeyaan .Marka walaal maanta nin Hawiye ah ma mudna meelna ugama banaana in dadkale wax ka sheego ama dhaliilo ilayn soomaalidu waxay tiraah ”Ninkii tiisa daryeelaa tu kale ku dara”.Nin gurigiisa gubanaya oo damin la`, ma mudna in uu farta ku fiiqo oo isku mashquuliyo guri kale oo ninkii lahaa uu joogo.

C/llahi yuusuf wax ka sheegiisa hala gaaro madaxweynenimo soomaaliyeed ayuu raadinayaa marka ay soomaalida jagadaas u doorato oo madaxweyne soomaaliyeed noqdo Tooxow bal markaas dhaliil haduu ku kaco wax in la dhaliilo mudan, hadase C/llahi madaxweyne dowlad gobaleed Puntland ayuu sheegta waxii wanaag iyo xumaan uu ku kaco reer Puntlant ayey u taal xalinteeda.Waxaase ogaataa walaal Tooxow qarannimadii iyo midnimadii soomaaliyeed waxay ku soo noqon kartaa keliya in ruux walba hagaajiyo degaanka uu daganyahay, oo uu ka shaqeeyo nabadgalyadeeda, ummada degaankaa degana heshiiso,ogolaadaan in dhaxdooda wada noolaan karaan iyada oo ruuxna ruuxa kale xaqiisa dhowrayo kadibna degmo degmo ilaa heer gobal nabadii loo gudbiyo. Hadaba Tooxow soo gardaro ma aha in Boosaaso iyo Garoowe ku mashquushid waxa ka dhacaya ,marka nin Hoolwadaag degan aan tagi karin ama degi karin Karaan ,ama kan Karaan degan usan u soo guuri karin Howlwadaag ”oodmo dhacmeed sidee u kala sareyso loo kala qadaa ”ama aan dhaho ”Canjeero sidey u kala koreyso loo kala cunaa” aan teena xalino marka hore kadibna walaalaheena kale aan waxaan u qaban karno u qabano.

"C/llahi yuusuf xabad uu soo tuurey kuma dhaawicin ama ma dilin nin Muqdisho ku nool. Dagaal oogayaasha Muqdisho ayaa khatar joogta ah ku hayo shacabka reer Muqdisho"... Ilyas Mohamud Hussein

Gababadii waxaan dhihi lahaa ”Hadal waa mergi oo kale oo waa hadba dhinicii loo jiido” sidaa darteed waxaan rajeynayaa in taladayda aadan xumaan u qaadan ,hada iyo wixii ka danbeyana talo iyo dhaliil u soo jeedi dagaal oogayaasha Muqdisho ilayn iyagaa dhib inoogu filan hadaad C/llahi itoobiya ku eedaynaysana dagaal oogayaasha Muqdisho mid aan itoobiya xiriir la yeelan kuma jiro marka ay dan ka yeeshaana wey la yeelan doonan xiriir.Ogsoonowna C/llahi yuusuf xabad uu soo tuurey kuma dhaawicin ama ma dilin nin Muqdisho ku nool. Dagaal oogayaasha Muqdisho ayaa khatar joogta ah ku hayo shacabka reer Muqdisho, sidaa darteed hadii Tooxow lagu yiri dagaal oogaheena inoo dhaaf ee kuwiina ka hadal waa lagaa gar helaye gartaada qaado.

..... Qoraalkii Tooxow... Ka akhri halkan

Wabilaahi Toofiiq

Ilyas Mohamud Hussein
 ilyas_mh@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 7, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa leh qoraaga ku saxiixan

. XAMAR DAAWO DACALLADA... SAWIRRO....

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD