SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - JAWAAB

Febraayo 20, 2004  

Ilmo adeer waa intii is taqaan, waa jawaabtii C/Waaxid maxaa si ka ah

C/Waaxid C/hi Khaliif


London, UK

  cabdulwaxid@hotmail.com 

 

 

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...


HAMBALYO HAMBALYO
AROOSKA:
Ahmed_Nuur Sheekh Abdullahi & Ruqiya seed cilmi 
oo  ku aqal galay magaalada Oslo:

Waxaan halkaan tahniyada & hambalyo uga soo jeedinaynaa anagoo kala ah Mohamed Rashiid Sh mohamed, xaaskiisa , nimco sheekh Abdulaahi , mohamed rashiid ahmed hadi,  xaaskisa, ubax ahmed, hadi Bashiir sheekh Abdullahi, Ahmed mukhtaar sh mohamed, xaaskiisa, Abdi sayid moalin yusuf & xaaskiisa, Abdi fatah yusuf urur , & xaaskiisa

  Ahmed_Nuur Sheekh Abdullahi & Ruqiya seed cilmi  oo axadii ku aqal galay magaalada Oslo ,waxaan allah uga baryayanaa kuwii isku waara ee ubad khayr qaba oo dalkooda & diintooda anfaca   AAMIIN, AAMIIN, AAMIIN

Hambalyada arooska waxaa loogu hagaajin karaa: ahmedpo@hotmail.com C/o: Ahmed Sheekh Abdullahi


Ilaah baa mahadleh. Nabadgelyo iyo naxariis Nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.

Akhristayaal habayn baa Cali Aadan (Cali-Dhuux) oo rag iskala kaftamaya uu haweenay uu qabay oo Muhiyo la oran jiray ka dalbay inay shaah usoo kariso. Sida suugaan-yahannadu sheegeen waxaa la yiraahdaa haweenta lafteedu waxay rabtay inay sheekada dhegaysato oo aan laga mashquulin laakiin Cali-Dhuux haddana wuu ku ceshay inay dhego nuglaato dabadeedna iyadoo kohanaysa bay kacday markaasay dhowr tuduc oo kaftana ku riday iyadoo la sheegay inay hoos u tiri oo u qabta inuusan Cali-Dhuux maqlayn waxayna tiri:

  • · Kaftamimaayo Cali Aadanaan koob yar loo shubine
  • · Kalwinmaayo heesaawe ee weys kambalayaaye
  • · Ee kurka intaanu seef iiga jarin maan u kululeeyo.
  • Cali-Dhuux oo horay u yiri: dhagxaan buuraha ka culus waa dhug siin jiraye, habaynkaas haweentii u dhaxday xitaa uma dhimrin oo tuu ku dhigay waa la ogaa wuxuuna yiri:

  • · waxaad maqashay………., miro ku yaalliinne
  • · inaad himirta muurmuursato baad muhindisaysaaye
  • · mooyaa ka ciyey reerahaad magac wadaagteene
  • · moohaar ku shubay moharaddiisiiye
  • · seddexdeedii naag lagu mal-malay waa madoowdahaye
  • · in muraayaddeedii jabtay baan marag u haystaaye
  • · miiskeedu waa inuu carmali magac ku yeeraaye
  • · iga meerso yaan ina Calaay kuugu malaqsiine.
  • Hadda wiilka sheegtay inaan ilmo adeerka nahay oo la baxay CabdiWeli Faarax Shire maahan magac layiraadho dadkaas uu ehelkeyga ku sheegay. Wey jiraan ilmo adeer aan leeyahay oo ah ilmo Faarax Shire laakiin C/Weli kuma jiro. Waxaa fiicnayd inuu la baxo magac ka mid ah mid iyagaa si uu iiga shakisiiyo intaan la xiriirayo oon arrinta hubsanayo. Miyeysan shalay ahayn markii la lahaa C/Waaxid ciddiisa maahan? Nimankii shalay saas lahaa goormaan ilmo adeerka noqonnay? Marka “nin aad kabtiisa tolaysid isna kafantaada tolaya” kaftan loogama turo. Waxaan ku leeyahay sidii Sayidku horay ugu yiri: waayeel ma yeeshoow caqliga wiil yar kaga liite.

    Nin is qarinaya oo been-abuur sameeyey ha ahaadee muxuu qoonsaday?

  • 1. Yuu u gubanayaa?
  • 2. Muxuu tusaale usoo qaatay?
  • 3. Yuu wax u dhimay?
  • Sida maqaalkiisa ku cad wuxuu difaacayaa hogaamiyaha Puntland isagoo leh waxaan sheegayo (aniga) waa wax kama jiraan waliba wuxuu sheegay inaanan ku fiicnayn sida beenta xitaa la iskugu aaddiyo. Waa tahay. Soow waxaan kornaylka ka sheegi jiray bannaanka uma usoo bixin? Waa sidii markii Khaliif Shiikh Maxamuud uu Aw-Miuse ku halqabsanayey uu lahaa:

  • · saaddii dabuurihii dibbay, kula dillaantaaye
  • · dibnahaaga hadalkii aad ka tiri, doog-xun nagu reebye
  • · wuxuu noo dadnaadaba hadduu, soo daleel baxaye.
  • Tusaale wuxuu usoo qaatay maahmaah Xabashiyeed oo uu yiri ninkii dhal iska waaya wuxuu guursadaa naag uur leh. Abwaankii alifay riwaayaddii Waraf iyo Shimbiro wuxuu sawiray dad ay ku weyntahay fikradaha dadka kale. Waxaan buuggii riwaayaddaas ka akhriyey Xasan Aadan Samatar oo lagu leeyahay: war soow jariidadda Roomiyo Jarmalku soo qorimaayo? Xasan wuxuu yiri: Jariidadda Roomiyo Jarmal maxaad kala dooni xidigtaaba jirtee (waa joornaalkii xiddigta Octoobar)? Waa adagtahay inaad aragto Soomaali iyo Amxaaro suugaan kala ammaahanaya laakiin waxaadan ula yaabayn, Xabashidu ninka isaga macallinka u ah bay macalin usii tahay marka inuu maahmaah Xabashi soo qaato layaab ma leh. Waxaan leeyahay siduu gabyaagu gabyaaga kale ku yiri:

  • · arday mucallinkiisii xumaa, ma laha eedaale
  • · mid Afweyne maydhaamayoo, maahsan baad tahaye
  • · maaddooyinkuu kuu dhigaa, maanku kaa xadaye.
  • Waan ka xumahay inaan madaxweynahaas oo dhintay, kaftankii lagu yiri soo xuso laakiin waxaan uga danleeyahay in qof walba uu jecelyahay waxa uu jecelyahay qofkuu sii jecelyahay.

    Tusaalaha kale oo uu soo qaatay waxaa ka mid ah ninkii madoobaa ee Reagan xabbada ku dhufan jiray sibuu yiri uu caannimo uga helo. Aniga iyo kornaylku ma isu nahay sidaas oo kale? Waxaan jawaabta uga tagayaa dadweynaha. Tusaalihii seddexaad ee uu soo qaatay oo ku saabsanaa boqorkii geelu ka lumay waxaan ku darayaa qodobka dambe ee ah, yuu wax u dhimay.

    Yuu wax u dhimay? Horta aan miisaano tusaalayaasha uu soo qaatay ninkan aan kaftanka u qorayo. Ma rabin inaan qof sidaas oo kale ah la kaftamo laakiin waxay tusaale u noqonaysaa qofkii damca inuu dad kale ina ayahood soo qaato. Waxaan ku leeyahay sidii gabyaagu lahaa:

  • · maahmaah horeetaa jirtoo laga mirqaataaye
  • · ninkii dabinka maageerayoo geri malaynaayey
  • · sagaaradii manjaha suratay baad maandhow ii tahaye.
  • Waxay ku fiicnaan lahayd inuu yahay qof magac sax ah wata laakiin meel cidlo ah inaad dab saartid waa dhibaato.

    Akhristayaal dhulkaas aan ka imid dad badan oo xoolo-raacato, tuulo-joog iyo magaalo-joogba leh baa iska aamminsan wax quraafaad ah. Marka aan faanayno waxaa dad badan ku sheekeeyaa in awoowahood kore iyo mas qooqan ay wada dasheen! Sida nin reer Gaalkacyood ahi kaftan ku sheegay waxaan ogaannay inaysan arrintu wax ka jirin markaan dugsiga hoose dhexe ku qaadannay sayniska khaasatan Bay’olajiga markuu ka hadlayo abla-ablaynta xayawaanka oon kala ogaanay inaysan suurtogal ahayn in xammaarato/bog-ku-socoto (reptiles) iyo naasley (mammals) ay wada dhalan karaan. Bal tusaalaha ninkaas u fiirso inta khalad ee ku jirta markuu ka hadlayey ninkii boqorka ahaa ee raadiyey geelisii oo lumay isagoo wata nin shaqaale u ahaa oo uu “madhibaan” ku sheegay.

    Horta yaa waligiis maqlay boqor geel baxsaday toddobo beri raadinayey? Yaa maqlay boqor cunto-kariye ah ama dheh dhul-xaaqe? Xataa odayo-dhaqameedyada la baxa magaca boqor badanaa kama suurtoowdo inuu geel raaco ama cunto kariye noqdo. Mana orankaro boqor caadil ah buu ahaa oo isagaa sheegay inuusan toddobadaa beri caanaha wax ka siin ninkii caanaha laftooda u waday. Fekerka ninkaas markaan akhriyey waxaan u qaatay inuu geel-jire ahaa markaan leeyahay geel-jire kama wado nin geel leh ama geeliisa raacda ee waxaan ka wadaa jaahilkii lahaa:

    • · geerida haween guud la firo iyo guursi laga qaad
    • · geeridaadana (geela) gaawe maran iyo gaajo laga qaad
    • · geeridaydana guryo ba’ay iyo gablan laga qaad
    Cabdiwaxid Cabdullahi Khaliif, ma qof dhan oo fayoowbaa, mise waxbaa si ka ah?
    Qore:
    Abdiwelli Farah Shire
    Abdiwaxid xalaal barqo baa la qashaaye na taabsii wax micno leh oo aannu kugu ayidno?..  Guji Feb 19

    Bal fiiri geel-jirahaas hashaa kala qiimo badan haweenka oo ay hooyo ku jirto! Ninkan sidaasoo kale ayuu dadkii dabaqaad ka dhigay. Isagoo Ajiga siiyey darajada koowaad, tan labaadna Madhibaan halka tan seddexaad uu galay Tumaalku! Waxaan layaabay, sheekada dhexdeeda waxaa arrinta saas ukala qaybiyey buu yiri kii Madhibaanka ahaa oo Ajina iska kor yeelay, Tumaalkiina iska hoos mariyey. Marka jaahilkaas ma anuu wax ii dhimay uu “ina adeerkiis” igu sheegay mise ummad dhan buu caayey isagoo soo qaatay sheekadii geel-jiraha? Alloow yaa ninkaas raadiya, waxaan aamminsanahay inuu yahay nin geel-jire soo maray dabadeedna jirri noqday iyadooy dhici karto inuu SSDF iyo meelahaas kusoo indho dilaacsaday dabadeedna noqday nin taageera dagaal-ooge.

    Waa kuma Aji? Day-dayga Waqooyi, Mooryaanta Koonfureed, jirrida Puntland iyo dagaal-oogayaashu waa wada Aji! Dadkuu caayayo waxaa ku jira dad aan iyagoo kale Soomaaliya lagu arag. Bal fiiri Sarreeye Guud Maxamed Cali Samatar oon la arag sarkaal Soomaaliyeed oo ka qiimi iyo qaayo badan. Cid gooni ah dambi kama gelin, waxaa jeclaa askartoo dhan. Waxaan xasuustaa markuu ahaa wasiirka gaashaan-dhiga waxaad arkaysaa isagoo lagu wado baabuur dheh 131/132 oo hal waardiye iyo darawalku weheliyaan. Waxaan arki jiray isagoo maraya waddada Tarabuunka. Bal garab-dhig Moorgan iyo C/hi. Inkastoon necbahay in dumarka kaftan laga sameeyo bal isu fiiri Maryan Mursal iyo Xaliimo Khaliif Magool.

    Hal mid buu ku run sheegay oo ah inaan waqti badan wax qorid ku lumiyo. Waan ognahay markaad dibadda joogto, aad baa loo shaqeeyaa si aad naftaada iyo ehelkaaga wax u tarto. Marar badan waxaa la shaqeeyaa saacado dheeraad ah. Markii aad naftaada iyo ehelkaa aad wax u qabanaysid haddii intaas oo waqti ah kugu baxo maxaad ka filaysaa qof usoo taagan inuu Soomaali oo dhan baraarujiyo? Soow iima suubbato inaan dhaho sidii Khaliif Shiikh Maxamuud lahaa:

  • · magligaaga jiifsaday haddaan maad ka dhiganaayo
  • · meleggii ku dililaa hadday muxubo ii hayso
  • · maxaa miigga duulaaya iyo miirajka i saaray?
  • · Maxaan howdka ula meerayaa colal mahiigaan ah?
  • · Maxaan qoriga maadhiin ah iyo maysarka u qaatay?
  • · Tuutaha maxaa igu mixnaday milic kuleylleedka?
  • · Magaalada Qandala maan tagoo macawis dheer jiido
  • · maan Xamar mardaaddiyo intaan Maasda la imaado
  • · miiroowga maan kula cunoo la i maqaarsaaro.
  • Marka waa wax nagu cusub in howl guud darteed loo daayo ama loo yareeyo tan gaar ahaaneed. Marka marba hadday hadda kaa marayso in dad ehelkey ah inta magacyadooda soo qaadato aad tiraahdid intaas baan kala soconnaa iyo ilmo adeer baan nahay, waa kuu doqonnimo. Marka waxaad tiri dad ku raacay oo ku taageersan ma jiraan laakiin ogoow dadku waxay la jiraan waxgaradka waxaan aamminsanay in reer Puntland ay fahmayaan waxaan ka hadlayo ooy garoowsanayaan. Waxaan leeyahay sidii gabyaagu yiri:

  • · eraygaan masaafada u diray, mahadi……………
  • · murwo iyo hablaba dumarkii waa, ii mashxaradeene
  • · teer iyo marsada Saylac bay, mar iska taageene.
  • Waxaan ku soo xirayaa siduu ulahaa:

  • · Nin miskiin u daran baa jiroo, booba maatada’e.
  • Marka ninkaad taageertidna dadkiisa ha laayo adna dadkii awal horay loo xaqiray kusii digo.

     


    Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

    C/Waaxid C/hi Khaliif
    London, UK
    cabdulwaxid@hotmail.com 

    AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

     Faafin: SomaliTalk.com |Feb 20, 2004 

     QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID

    . XAMAR DAAWO DACALLADA... SAWIRRO....

    Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

    © www.SomaliTalk.com
    All About Somalia and More...
    >> Usheeg Asxaabtaada
    Allah Is Great
    kaah

    BILICDA SOMALIYA
    Luuq Ganaane, 1987

    wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
    Akhri



    XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


    Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

    HTML CD