SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO

Feb 10, 2004
FAALLO: AQOONSIGA SOMALILAND WUXUU SAARANYAHAY MIISKA BEESHA CAALAMKA DUSHIISA

Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)


Karachi, Pakistan.


diridhaba2001@hotmail.com

Mobile: 00-92-300-2600907

 

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...


Tan iyo intii ay Madaxbanaanida la soo noqotay Jamhuuriyadda Somaliland sannadkii 1991-kii waxaa hubaal ah in shacabka Reer Somaliland yar iyo weyn, ku dibad jooga iyo ka dalka dhex gooshayaaba ay u heelanaayeen aqoonsi caalami ah oo beesha caalamku u garawsato Jamhuuriyaddii lumisay xorriyadeeda 1960-kii 26 June, waxaa hubaal ah in shacbi iyo dawladba arrintaasi si isku mid ah loogu guntaday dedaalka caalamiga ah ee Somaliland-ta cusubi u gashay aqoonsi caalami ah oo ay kasbataana rajo weyn ka muuqato, waxaa marag ma doonta ah in aqoonyahan, siyaasi, cuqaal, salaadiin, waxgarad,culuma-awdiin, iyo dhamaan qaybaha kala gedisan ee uu ka koobanyahay mujtamaca Somaliland ay hirar dhaadheer u direen beel wadaagta ku odoraysa xidhiidhka caalamiga ah xarunta Qaramada Midoobay ee New York, balse akhriste su,aasha ay daalacan karto maskaxdaadu ayaa waxay noqonaysa intee uu le'egyahay dedaalka Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ku baadigoobayso waxaa shacbigeedu u heelanyahiin oo ah aqoonsi caalami ah (International Recognition), laga soo bilaabo dawladdii Maxamed Ibraahim Cigaal alla naxariistii Janno ha siiye ilaa xukuumaddan rigliga ah ee Mudane Daahir Riyaale Kaahin waxaa la odhan kara siyaasadda Arrimaha dibadda ee Somaliland waxay ku socotay xaami weyn oo laga dheehan karo durtaba natiijooyinka ka soo ifbaxaaya, waxay Xukuumadda Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin rukunada u aastay xidhiidhka Sokeeye ee Dawladaha Ethiopia, Jibouti, Koonfur Afrika, Senegal, midawga Europe, Maraykanka, Britain.

Inkasta oo aan la wada odhan karin xukuumadda Madaxweyne Riyaale Kaahin waa ka wada dhargisay beesha caalamka mansabka Shacabka Somaliland hadana waxaa la odhan kara dedaalka ay xukuumaddu ku jirto lama yasi karo, Madaxweyne Riyaale iyo Wasiiradiisa arrimaha Dibadda Marwo Adna Aadan Ismaciil waxay garaaceen albaabo badan oo loogu qaabilay si layaableh, taasi oo farakanax ku noqotay cadaw badan oo aan jeclayn horumarka shacabka Somaliland, waxay xukuumaddu geed dheer iyo ku gaabanba u kortay siday u bikaacin lahayd hamiga shacabkeeda, balse akhriste waxaa hubaal ah talaabo kasta oo diblomasiyadeed oo xukuumaddu qaado inay leedahay caqabadeeda, siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsheed, waxaan jecelahay hadaba inaan qoraalkani ku gorfeeyo caqabadaha la taaban karo ee la doonayo inay xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland si taxadar ku jiro uga gudubto iyada oo adeegsanaysa khibrado siyaasadeed oo ku dhisan cilmi iyo aqoon la gorfeeyey.

MAXAA BEESHA CAALAMKU HOR DHIGI KARTA XUKUUMADDA SOMALILAND

 Aqoonsiga Somaliland Wuxuu KU xidhan yahay Shacabka Sool, Sanaag IYO Cayn.  Guji...

FAALLO: AQOONSIGA SOMALILAND WUXUU KU JIRA GACANTA QARANKA SOMALILAND Guji...

Hanaanka diblomasiyadeed ee ku salaysan xidhiidhka caalamiga ah (International Relations) ee ay badana ku shaqeeyan quruumaha ku midoobay ururka qaramada midoobay (U.N) ayaanay mar walbaa ma maqnayn ama ka madhnayn shuruudo caalami ah iyo kuwo maxali ah oo la hor dhigo dalkasta oo bisayl xoriyadeed kasbaday, taasi hadda waxay u hadhaynaysa xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland si lama filaan ah oo la odhan karo xukuumaddu taxadar kama muujinayso, u hanqal taagidda aqoonsi caalami ah waxaa ka horeeya lafa gurridda caqabadaha horyaalla (Preliminary obstacles), tusaale buuxda arrintaasi markaynu usoo qaadno waxaa todobaadkii ina dhaafay Guriga Baarlamanka ee ingiriisku (The house of Commons) uu dood baaxadleh oo jilbaha la is dhigtay ka yeeshay qaddiyadda Somaliland, taasi oo marka si loo eego leh rajo aad iyo aad u weyn oo u bildhaantay shacabka Somaliland, balse marka loo eego sida xukuumaddu Jamhuuriyadda Somaliland uga midho dhalin karto bildhaanta Siyaasadeed ay u muuqato mid aanayba xukuumaddu u xadhka xidhanin, isweydiinta muhiimka ahi waxay tahay ma ka badbaadi karaan saraakiisha arrimaha dibadda ee Somaliland haddii guriga baarlamaanka ee britain ay horyimaadan guuxitaanka ku caanka ah dimuqradiyadda guriga baarlamaanka ee britain (oooooow) iyo (yeeeeeee) labada weedhood ee aynu kor ku dhignay waxay bartilmaameed ama hufnaan weyn u yahiin yeelitaan balaadhan iyo diiditaan qayaxan oo lagala hor iman karo hawlwadeenada Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin, macnaha ku jirta murtidu waxay tahay xukuumadda Britain lagama yaabo inay xukuumadda Somaliland ugu yaboohdo aqoonsi deg deg ah balse waxaa hubaal ah in britain soo hor dhigi doonto shuruudo badan iyo weliba su,aalo la xidhiidha sababta ay Somaliland qaddiyadeeda u lumisay 7 cisho ka dib markii ay Great Britain gacanta ka gelisay, waxaa looga baahanyahay Hawlwadeenada Madaxweyne Riyaale inay jawaabo hufan u diyaarsadaan su,aalahaa ku iman kara oo aan hadda u muuqanba inay xukuumaddu barnaamij cad ka samaysatay.

2. HALKAY KA TAAGANTAHAY XUKUUMADDA SOMALILAND MAWQIFKA SHACABKEEDA

Xukuumad kasta oo dunida ka jirta waxay leedahay barnaamijyo siyaasadeed oo waafi ah oo ay ku turjumayso rabitaanka iyo baahida shacabkeeda, taasi waxaa marag ma doonta u ah in Xukuumadda Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin ay tusaale u tahay, markasta oo ay xukuumaddu qaadayso tallaabo diblomasiyadeedna waxaa haboon inay taageero buuxda ka haysato garabyada bulshada Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo xukuumaddu xeerinaysa dastuurka jamhuuriyadda Somaliland, dhaqanka bulshada, iyo weliba danta guud ee dalka Somaliland, xukuumadda waxaa ku waajib ah inay soo dhawayso fikradaha xorta ah ee bulshadeed ku dhaqan gudaha iyo dalka dibadiisaba, waxaa haboon inay xeeriso talooyinka iyo tusaalooyinka, aqoonyahanka, xeerbeegtida, siyaasiga, ururada siyaasadda, ururada samafalka, ururada diiniga, culuma awdiinka, iyo qaybaha bulshada ay hogaamiso dhexdeeda ka jira, xukuumadda waxaa ku waajib ah inay daraasado ku samayso afkaarta dadka Somaliland kuwaasi oo ay la tegi karto ama ugu shidaal qaadan karto dedaalka loogu jiro aqoonsiga Somaliland, xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxaa ku waajib ah inay qaadato tallaabo kasta oo dalka dantiisu ku jirto ha noqoto mid siyaasadeed, mid dhaqaale iyo mid militeriba.

3. WAA MAXAY WAAJIBAADKA SHACABKA SOMALILAND

Dal waxaa lagu qeexi kara shacabka ku dhaqan jiritaankooga, go'aankooga, iyo masayrkooda inay iyagu ka tashadaan, hadaba Shacabka Somaliland waxaa hor yaalla masuuliyad aad iyo aad u weyn oo ay ugu muhiimsantahay inay iyagu gacmaha isqabsadaan, ka foojignaadan waxaa u keenaya fadqalad iyo kala fogaansho dhexdooda ah, shacabka waxaa ku waajib ah inay dawladooda ay doorteen ku gacansiiyaan wixii maslaxadi ugu jirto, waxaa shacabka sidoo kale waajib ku ah inay ka hortaan waxaan dani ugu jirin ee ay xukuumadoodu ku dhaqaaqayso, waxaa shacabka waajib ku ah inay xukuumadooda siiyaan awooda maamul ee dalkooga waayo dawladdu waa muraayadda laga hago dalka, balse haddii ay dhinac cararaan boqolaal calooshooda u shaqaystayaal ahi waxba uma suuro geli karto xukuumadda, (parrallel authority is the destruction of nation but unity is the best they can develop their interest) waxaa bulshada Somaliland ku waajib ah inay gartaan in xukuumaddu tahay maamulkooga ugu sareeya ilaahay ka sokow (Central Command) xeerbeegtida iyo suldaankuna yahay mid dhaqan oo aan lala bar bar dhigi karin xukuumadda, shacabka Somaliland oo aan hubo inay bisayl siyaasadeed gaadheen waxaan kula dardaarmaya inay ilaashadaan qaranimadooda iyo xorriyadooda aanay dhayalka ku kasbanin.

Guntii iyo gebo gebadii waxaan leeyahay Aqoonsigii aynu raadinaynay wuxuu saaranyahay miiska beesha caalamka kasbashada aqoonsigaasina wuxuu ku jira gacmaheena dhexdiisa ee aynu bilawno sidii aynu uga midho dhalin lahayn aan u diro shacabka iyo xukuumadda Somaliland baaqan

Rabow dowladnimaduna
kuma iman dalxiisoo
doorroonayaal baa
u daldaley naftoodoo
dumar baa hugoodiyo
dahabkii u iibshoo
Doondoonisteedii
dhiig baa ku daatee,
Rabow dawlad curatoo
ubadkeeda deeqdoo
dakhrada bogsiisiyo
dawa la isku baantiyo
ka dhig malabka doocaan.

Rabiyow dirkeygii
gobolaa dambeeyoo
u dib jirey caddaawoo
darrayada gumeystuhu
daran-doori lagu dayey
rabiyow ka soo daa
Dibin-daabyadoodoo
Lixda dagal isu keen.(sool, sanaag,Saaxil, Hargeysa, Togdheer, Awdal)

Rabiyo dadkaygana
danwadaag isjeceloo
darjaysa qarankiyo (Somaliland)
bulsho laga dabqaatoo
Carro Edeg ku dayatiyo
ka dhig ul iyo diirkeed.

Rabiyow dugaalkiyo
dugsi waa dhul hooyee
dibad ruux u sahan tegey
duli waayi maayee!!
nin da'diisa tuugoo
dawarsadey asaagii
doqoniimo weeyee!
dalkayaga Ilaahow
dheregiyo daryeel iyo
Wax nadeeqa nagu sii.

Rabow doodda akhiro
marka ay durbaankiyo
dawanadu is dhaafaan
dadku kuu yimaadaan
deryka soo fadhiistaan
rabiyow hanagu darin
inta aad ku digatee
u dareerta Naartoo
labadaada daraarood
rabiyow ta door roon
Kuwa dagaya naga yeel
Amiin Allahayow
Amiin Allahayow!!!

SOMALILAND GUUL IYO GOBONIMO

MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)

KARACHI, PAKISTAN.


Karachi, Pakistan.
diridhaba2001@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 10, 2004

 Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

. XAMAR DAAWO DACALLADA... SAWIRRO....

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Riyale
Sirta ka Dambaysa Somaliland ma Itoobiyaa?
[Liiban]



XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD