SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

FAALLO: AQOONSIGA SOMALILAND WUXUU KU JIRA GACANTA QARANKA SOMALILAND

Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)


Karachi, Pakistan.


diridhaba2001@hotmail.com

 

Mahad waxay u sugnaatay ilaahay subxanahu watacalaye abuuray dhamaan dunida aynu dacaladeeda ku noolahay Naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaato Nebigeena Suuban Maxamed (C.S.W),

Akhristaha qiimaha mudanlow 13 sanno ka dib la soo noqoshadii Madax-banaanida iyo qaranimada Somaliland ayaa dhamaan dunida oo dhan waxay ku noqotay mid ay faalooyin kala duwan ka bixiyaan in Markeliya shacabka Somaliland go,aan ku gaadhaan xorriyaddii ka luntay 1960-kii dibna ay u heleen 1991 kii, Wergeys ka soo baxa xarunta waddanka Maraykanka ee Washington waxna ka qora wararka gaashandhiga iyo arrimaha dibadda ee dalka maraykanka ayaa todobaadkii hore wuxuu faallo dheer hor dhac uga dhigay "Maxaa Hortaagan inay beesha caalamku aqoonsato madaxbanaanida Jamhuuriyadda Somaliland"

Wuxuu Mudane Cismaan Jaamac shaaca ka qaaday arrin muhim ah oo siyaasiyiinta "Somaliland" ka qarin jireen dadweynaha reer Waqooyi. Waa markii u horraysay oo ay Ummadda Soomaaliyeed ka maqasho qof mas'uul ah oo goob joog ahaa shuruudihii Mareekanku ku xidhay aqoonsigii "Somaliland" waydiistay. Waxa shuruudahaasi ahaayeen in SNM oo goosashada ku dhawaaqday soo caddayso arrimaha soo socda: Tabatiig..

Wergeyska oo ka faaloonaya arrintani wuxuu tusaale usoo qaatay waddamada Sacuudi Arabia, Masar, iyo Djibouti siyaabaha kala duwan ee ay ka filayaan in saamayn uu ku yeesho aqoonsi ay Somaliland ta cusubi ka hesho beesha caalamka, Wergeyska oo arrintaa sii faahfaahinaya wuxuu ku bilaabay qormadiisa Dalka Masar oo uu yidhi Hogaanka Sare ee masar waxay aaminsanyahiin in haddii Somaliland beesha caalamku aqoonsato Somaliland ay Somaliland khatar ugu jirto gacanka juqriyafiyan istaraatijiga ah ee gacanka badda cas, kuwaasi oo ayuu Wergeysku yidhi ay Masar khatar uga qabto in Somaliland ta cusub oo xidhiidh la samaysa waddamada Maraykanka iyo Israel ay khatar ku tahay ammaanka waddanka Masar, Wergeysku wuxuu xusay in Dalka Masar uu hortaaganyahay qaraar ay dawladda Koonfur afrika soo hordhigtay golaha sharci dejinta ee ururka afrika (AU), qaraarkaasi oo dhigaya in waddamada Afrikaanka ahi ay tixgeliyaan qaraarkii afrika u yaallay ee ahaa in loo tixgeliyo dawladaha Afrika khariiradii uu gumaystahu u jeexay, Balse wergeysku wuxuu xusay in ay dawladda Masar ku tahay qaraarkaasi laf dhuun gashay oo kale.

Sidoo kale wergeysku wuxuu tusaale usoo qaatay Waddanka Sacuudi arabia oo uu sheegay in ay Somaliland diiday inay qadato Mad-habta "Wahaabiyada ee Sacuudi arabia qaadatay" "Maxamed Cabdi Wahaab ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiye" wuxuuna xusay wergeysku in Siyaasadda Somaliland ee ku qotonta dimuqradiyadda salka laga soo bilaabay ay ku tahay boqortooyada Sacuudi arabia mid qoyska reer alla Sacuud aan ka daadagi karaynin. 

Dhinaca kale wuxuu wergeysku xusay arrintaan is idhi malaha si dhab ah ayuu u taabtay oo ahayd Sababta Maamulka Jamhuuriyadda Jibouti uu uga madax adaygaayo Qaranimada Somaliland, wergeysku wuxuu xusay in arrinta ugu weyn ee Jibouti oo ah dalka ugu dhaw Somaliland ay u diintahay aqoonsiga Somaliland tahay in Maamulka Jibouti aanu ogolayn in Somaliland oo ka dad iyo dhul badani ka qaado ganacsiga mandaqadda beriga afrika, wuxuu tusaale wergeysku usoo qaatay Xidhiidhka ay Somaliland la leedahay Waddanka Ethiopia oo ayuu yidhi wergeysku aanay Jamhuuriyadda Jibouti ogolayn xidhiidhkaasi oo ay u aragto mid Jamhuuriyadda Jibouti hanaankii dhaqaale wax u dhimaaya, waxaa kale oo wergeysku xusay in aanay Jibouti ogolayn Dekadda Berbera oo ka istarajisan ta magaalada Jibouti inay tartan kula gasho suuqyada gacanka carbeed iyo dawladaha khaliijka, waxaa kale oo Jibouti ka cabsi qabta dhinaca difaaca oo ay aaminsantahay in ciidamada Maraykanka ee ku sugan waddanka Jibouti ay u wareegan xagaa iyo magaalada berbera oo ku yaallan goobo si weyn istaratiji ugu ah hawlaha militeryga, waxaa magaalada Berbera ku yaalla madaarka iyo saldhiga militery ee ugu balaadhan mandaqadda geeska afrika.

Sidoo kale akhriste waxaan aniga oo la kaashanaya dadyow badan oo aqoon u leh mandaqadda beriga iyo geska afrika jecelahay inaan xeeriyo Guulaha ugu waaweyn ee Somaliland ka gaadhay hawlaha diblomaasiyadda

1. SOMALILAND AQOONSI AY HESHO SIDAY UGU BAAHANTAHAY

MAGACA SOMALILAND WAA BEER: BEERNA HILIBKAA LAGU SUGAA
Ma runbaa in Gobolkaasi uu goostay intii uu awal kula shirkoobay Koonfurta Soomaaliya? Yaa rabay awal midowga? Ma Siyaasiyiinta mise Shacabka? Fahad
"hadii ay saraakiisha socdaalka Jamhuuriyadu ogaan lahaayeen in uu yahay qoraa nacab ah oo qalinkiisa ku minjo xaabinaya qadiyada gooni isu taaga somaliland waxaan hubaa in laba dible loo xidhi lahaa ee waxa laga yaabaa in ay u qaateen walaweynta faraha badan ee u soo tuugsi taga magaalooyinka camiran ee Somaliland" Salahudin
"Miyaan niman Waqooyi u dhashay ku heesin: marti waa la sooraa, magan waa la bixiyaa? (Ina Ibraahin Cigaal iyo Riyaale maxay dhaheen? Marti waa la raafaa, magan waa la dhiibaa!)" C/Waaxid
"dadkaasi la qabtay waxaa lagu tuhmay inay ka mid yahiin ama ku jiraan urur ka mamnuuc ah Dalka aanu dariska nahay ee Ethiopia oo magaciisa la yidhaahdo ONLF" Diridhaba
Kuwii sannadihii hore gacanta lagu dhigayna dhamaantood dawlada Itoobiya gacanta loo galiyey, waxaana la xaqiijiyey in ay dadkani ahaayeen dad maato ah, oo dad ay qaraabo yihiin ugu yimi hargeysa si ay ula noolaadaan" Asad
"Shacbiga Somalilandna aan qasab koonfur loogu sanduleyn Karin, ictiraafkeedana aanay is hortaagi karin dad cuqdada ka qaba sida labada wiil ee ILMA SAMATAR. "  Faysal

Waa runoo shacabka reer Somaliland waxaa ay ku hamiyayaan in ay riyadoodu maalin maalmaha dunidani ka mid ah ay ka dhabowdo, Shacabka Reer Somaliland waxaa u halhays ah xikmadda togan ee ah (LUNTAY 1960-KII LA HELAY 1991-KII) hadaad booqato magaalooyinka waaweyn ee Somaliland sida Hargeysa, Burco, Boorama, Berbera, Ceerigaabo, Gabiley, Oodweyne iyo tuulooyinka Somaliland waxaad ku arkaysa gawaadhida dhex gooshaya magaalooyinka callanka Somaliland oo ku xardhan cidhifyada gawaadhida si aad layaabaysana loogu nashqadeeyey callanka hoostiisa xikmadaasi aan kor ku soo sheegay "Luntay 1960- kii La helay 1991-kii" taasi waxaa ay si cad u muujinaysa in shacabka Somaliland qaybahiisa kala duwan yar iyo weyn ay ka simanyahiin madaxbanaanida Somaliland, markaad isku daydo inaad weydiiso dadka qaar sababta keliftay in ay xorriyadooda sidani ugu dhegsanaadan maadama oo aan beesha caalamku u garaabin 13 sanno ee ugu danbaysay waxaad ka helaysa jawaabo ay ka mid yahiin "Somaliland haddii la aqoonsan waayo ilaa qiyaamaha waa taagnanaysa" "Madax banaanida Somaliland cidna looga gorgortami maayo" iyo jawaabo kale oo kala duwan, Markaad u duurgasho dedaalka Dawladda Somaliland ugu jirto aqoonsi raadiska Jamhuuriyadda Somaliland waxaad dareemaysa dedaal balaadhan oo ka muuqda xukuumadda Somaliland kuna baadgoobayso inay kaga dhabayso riyada shacabka, Madaxweynahii hore ee Somaliland ilaahay naxariistii janno ha siiye Maxamed Ibraahim Cigaal iyo xukumadiisii waxay dedaal balaadhan u geshay sidii ay beesha caalamka uga dhaadhicin lahayd aqoonsi ay Somaliland hesho, runtii waxaa la odhan karaa waxay garawsiyo balaadhan ka heshay dalal badan oo dunida ka tirsan, dawladaha qaarna waxaabay usoo jeediyeen Xukuumadda Somaliland inay qaaddo talaabo sharci ah oo ay ku qabsanayso garyaqaan u dooda madaxbanaanida Somaliland, Waxay Xukumadaa Maxamed Ibraahim Cigaal ku guulaysatay in xidhiidh diblomasiyadeed oo wanaagsan la samayso Waddamada Ethiopia, Kenya, Djibouti, Koonfur Afrika, Germany, Britain, maraykanka, Norway, Denmark, Finland, Austria, Japan, Koonfur korea, talyaaniga, france, Midawga europe (Bruessels) iyo wadamo kale, dhamaan wadamadaasi aan kor ku soo sheegay waxaa ay Somaliland ku guulaysatay in ay xidhiidh diblomasiyadeed oo adag la samayso, waxaana u jooga dhamaan dawladahaasi Wakiilo Somaliland ah, waxaana uga furan xafiisyo diblomasiyadeed, waxaana la odhan kara hadda Somaliland waxay ku socota jidkii ugu haboona ee ay ku heli lahayd aqoonsi beesha caalamka ay ka kasbato.

2. SOMALILAND DEDAAL INTEE LE,EG AYEY U GESHAY SIDII AQOONSI AY BEESHA CAALAMKA UGA KASBAN LAHAYD

Waxaa safaro isdaba joog ah muddooyin badan ugu baxay Somaliland dibadiisa Madax iyo aqoonyahano ka tirsan Xukuumadda iyo haayadaha madaxbanaan, laga soo bilaabo sannadkii 1993, aan ku horayno socdaalkii ugu horeeyey ee diblomasiyadeed ee wefdi ka socda Jamhuuriyadda Somaliland dalka dibadiisa uga baxo waxay ahayd 1993, waxaa magaalada Addis ababa ee xarunta Ethiopia ka socday shirkii xubnaha IGAD ee mandaqadda beriga iyo badhtamaha afrika, waxaa Hargeysa ka ambabaxay Wefdi uu hogaaminaayo Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee Somaliland ilaahay ha u naxariistii Galbeedi, oo ay ka mid ahaayeen, wasiirka madaxtooyada, afhayeenka Madaxtooyada, Wasiirkii warfaafinta iyo xubno baarlamaankii ku meel gaadhka ahaa ka tirsana, sababt ugu weyn ee ay shirkaasi u tageen waxay ahayd inay daaha ka qaadan xidhiidh waji cusub ah oo Somaliland ta cusubi la samayso dalalka jaarka ah, wuxuu wefdigaasi la kulmay saraakiil sar sare oo ka tirsan xukuumadda waddanka Ethiopia sida wasiirka arrimaha dibadda Zium Masfin, Ra,isal Wasaaraha Melez sanawi, iyo weliba xubnahii shirkaa uga qayb gellay wadamada beriga afrika, Wefdigaasi wuxuu ku guulaystay inuu xidhiidh wanaagsan u bildhaamiyo wadamada Somaliland iyo Ethiopia, waxaana halkaa ka bilaabmay xidhiidh wanaagsan, Waxaa ku xigay Wefdi u Hogaaminaayey Madaxweyne Maxamed Ibraahim Cigaal oo uu ku tegay isla xarunta Ethiopia ee Addis ababa sannadkii 1994-kii horaantiisi, halkaasi oo uu wada hadal kula yeeshay madaxda waddanka Ethiopia xadhigana ka soo jaray xafiis cusub oo dawladda Somaliland ka furatay Magaalada Addis ababa, sannadkii 1995-kii ayaa Madaxweyne Cigaal alla ha u naxariistii wuxuu booqasho ku tegay wadamada Libiya Djibouti, waxaanay ka wada hadleen Madaxweyne Macamaral Qadaafiga Libya sidii Somaliland ay beesha afrika u aqoonsan lahayd, Madaxweyne Qadaafi waxyaabo badan ayuu ka garawsaday Madaxweyne Cigaal, sannadkii 1997-kii ayaa waxaa ururka Igad ku casuumay Madaxweyne Cigaal inuu ka soo qayb gello shir ay ku lahaayeen Waddanka Jibouti, Madaxweyne Cigaal oo rajaynaayey inuu qudbad ka jeediyo Madashii shirka Xubnaha ku bahoobay ururka IGAD, ayaa Maamulka Jibouti wuxuu u diiday Madaxweyne Cigaal inuu qudbad ka jeediyo waxaana laga xakameeyey dhaq dhaqaayo iyo kulamo uu la yeelan lahaa madaxweyne Cigaal wufuudii shirka ka soo qayb geshay, Isla markiiba Madaxweyne Cigaal wuxuu kaga jawaabay arrintaasi inuu shirka ka soo baxay wuxuuna albaabada u laabay xidhiidhkii diblomasiyadeed ee u dhexeeyey Jibouti iyo Somaliland, sannadkii 1998-kii ayuu Madaxweyne Cigaal iyo wefdi heer sare ah oo uu hogaaminaya waxay socdaal ku tageen Wadamada Italy, Germany, France, Maraykanka iyo xarunta midawga

B A A Q
Codsi ka hortag dagaal sokeeyo  oo dhexmara Soomaalida Waqooyigalbeed iyo Soomaalida Ogaadeenya GUJI

Yurub ee brussels waxaana ay dawladahaa soo kala saxeexdeen heshiisyo diblomasiyadeed iyo weliba deeq ay Somaliland ka rabtay wadamadaasi, intii uu Madaxweyne Cigaal ku guda Jiray socdaalkiisi Washington wuxuu kulan la yeeshay Wasiir ku xigeenki hore ee arrimaha dibadda ee Maraykanka iyo haweenay u qaabilsanayd waaxda arrimaha dibadda ee maraykanka qaybta africa, waxaana Madaxweynaha casho u sameeyey xarunta gaashandhiga ee maraykanka ee "Pentagon" waxaana la daawadsiiyey Madaxweyne cigaal cajalad taariikhi ah oo ah oo ku saabsanayd booqasho uu ku yimid isaga oo Ra,isal wasaara ah sannadkii 1968 waddanka maraykanka, Sidoo kale xukuumadda Madaxweyne Riyaale waxay qaaday talaabooyin taariikhi ah oo lagu horumarinaayo kor u qaadida hawlaha aqoonsi helidda Somaliland wuxuu Madaxweyne Riyaale iyo wefiyo uu hogaaminaayey socdaalo ku tageen, wadamada Senegal, Ethiopia Yuganda iyo Djibouti, iyo sidoo kale waddanka Mali.

Isku soo duubo waxaad odhan karta ma yara dedaalka loogu jiro aqoonsiga Somaliland waxaana hubaal ah inuu ka midho dhali doono maalin ka mid ah maalmaha dunida lagu noolyahay

FAALADII MOHAMED ABDI HASSAN (DIRIDHABA)
       KARACHI, PAKISTAN
MOBILE: 00-92-300-2600907

diridhaba2001@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 6, 2003

Afeef: Aragtida Qoraalkan waa mid u gaar ah qoraaga ku saxiixan

QORAALADII HORE EE DIRIDHABA


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  

. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah
Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..
Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji
London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji
XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI
BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]