SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
WARARKA -XORRIYO

Feb 10, 2004
Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...


 

Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka koobanyahay.

  • Zenawi oo saluugay warbixintii wasaarda gaashaandhiga.
  • Hay’adda Ilaalinta xaquuqada aadmiga(HRW) oo Itoobiya canbaaraysay.
  • Ciidammo Itoobiya ka soo goostay.
  • Dagaal ka soo cusboonaaday gobolka Gambella.
  • Golaha Ammaanka oo ka hadlaya arrimaha Soomaaliya.
  • Qayb ka mid ah Barnaamujkii kaftan maha kulanka waabari ee horta maxaa isukeenay ee ay hobolada waabari halganka xornimo doon ee Ogaadeenya ugu deeqeen iyo suugaan halgameed.

Zenawi oo saluugay warbixintii wasaarda gaashaandhiga.

Radyowga Oromoda ee SBO ayaa sheegay in Meles Zenawi uu aad uga xumaaday warbixin ay wasaarada gaashaandhiggu soo dhex dhigtay golaha wasiirrada ee xukuumaddiisa, waxayna warbixintaasi daaha ka rogtay guul-darrooyinka badan ee ciidammada gumaysiga Itoobiya ka soo gaadha goobaha ay ka dagaallamayaan jabhadaha ka soo horjeeda.

Warbixintan waxaa soo bandhigay wasiirka gaashaandhigga Cabdalla Gamadha, kaasoo warbixintiisa ku soo daray qaybo yar oo muujinaya dhibaatooyinka ay jabhaduhu soo gaadhsiiyaan ciidammada ku sugan gobollada ay dagaalladu ka socdaan.

Cabdalla Gamadha wuxuu guddoomiye ka yahay ururka oromada ah ee OPDO ee daba-dhilifka u ah jabhadda TPLF ee haysata xukunka Itoobiya.

Hay’adda Ilaalinta xaquuqada aadmiga(HRW) oo Itoobiya canbaaraysay.

Wariyaha Wakaaladda Warark Ogadeniya u jooga magaalda Addis Ababa ayaa sheegay in hay’adda Ilaalinta xaquuqada aadmiga ee loo yaqaan Human Right Watch (WRH) ay dawlada Itoobiya ku canbaaraysay falalka xadgudubka aadamiga ah ee ay kula kacdo dadyaowga ku hoos nool, sidaas waxay hay’addu ku sheegtay warbixinteedii sannadka 2003 oo bishii hore ay soo saartay.

Hay’addu waxay kaloo warbixinteeda ku sheegtay in dalalka deeqda bixiya ay ku guul-darraysteen wax ka-qabashada xadgudubyada ay xukuumadda Itoobiya ku hayso shacuubta aan waxba galabsanin.

Hay’adda Human Rights Watch waxay dadlka deeqda bixiya ugu baaqday inay xukuumadda Itoobiya ka joojiyaan deeqda ay sannad walba siiyaan, oo gaadhaysa in ka badan 1 Bilyan oo Dollar, inta ay xukuumadda Itoobiya ka baranayso xeerinta sharciga caalamiga ah ee xuquuqda aadamiga.

Dhinaca kale Golaha Xuquuqda Aadamiga ee Itoobiya ayaa sabtidii xukuumadda Itoobiya ku dhaleeceeyay siyaasadeeda ku aaddan dagaallada qabiilooyinka, wuxuuna goluhu xukuumadda ku eedeeyay in siyaasadeedu ay horseedayso dagaallada qabiiliga ah ee Itoobiya ku soo batay intii uu talada dalka la wareegay ururka TPLF.

Golaha Xaquuqda Aadamiga Itoobiya wuxuu dhalliishan dawlada u soo jeediyay, ka dib markii ay ugu yaraan 19 qof ku dhinteen, 21 kalana ku dhaawacmeen dagaallo bishii ugu denbaysay ka dhacayay xadka u dhexeeya qawmiyadaha soomaalida iyo ormoda.

Ciidammo Itoobiya ka soo goostay.

Koox ka tirsan ciidammada Itoobiya ayaa toddobaadkii hore isu dhiibay ciidammada Eritereya, sidaas waxaa sheegtay wasaarada warfaafinta Eritereya.

Ciidammadan itoobiyaanka ah ee isa soo dhiibay waxay tiradoodu gaadhaysaa 12 askari, waxayna xukuumadda Itoobiya ku eedeeyeen inay ka soo horjeedo waan-waanta nabadeed ee la doonayo in laga dhex dhaliyo labada dal.

Ciidammadan isa soo dhiibay waxay sheegeen in ciidammo badan oo itoobiyaan ah oo isku dayay baxsadaan hadda lagu hayo xeryaha millatariga, isla markaana si bani’aadamnimada ka baxsan loogu shaqeeyo.

Dagaal ka soo cusboonaaday gobolka Gambella.

Dagaal ayaa mar kale ka soo cusboonaaday galbeedka Gambella, kaasoo ay ku dhinteen 40 qof, sidaas waxaa laga soo xigtay Qaramada Midoobey iyo ururrada samafalka ah.

Dagaalkani wuxuu dib u billowday, ka dib markii dhawr toddobaad ka hor uu gubulka Gambella ka dhacay dagaal ay ku dhinteen 150 qof.

Dagaalkaas hore markii uu dhacay waxaa gobolka Gambella la soo dhoobay ciidammo aad u fara badan, kuwaasoo si wayn u xasuuqay dadwaynaha gobolkaas ku dhaqan, waxaana la sheegay in ugu yaraan 400 oo qof ay xasuuqaas ku dhinteen.

Dagaalkan cusub wuxuu jimcihii ka biloowday meel u dhaw xerada qoxootiga ee Dimma oo ay ku jiraan 187000 oo ah qoxooti u dhashay dalka Suudaan. Waxay kaloo daba-yaaqadii bishii hore dagaallo ka dhaceen nawaaxiga ceelal dahabka laga qodo oo ku yaalla meel 30 km u jirta magaalada Gambella.

Golaha Ammaanka oo ka hadlaya arrimaha Soomaaliya.

Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa 15-ka bishan yeelan doona fadhi ay kaga wada-hadlayaan arrimaha Soomaaliya, sidaas waxaa sheegay safiirka dawlada ku meelgaadhka ah ee Soomaliya u fadhiya xarunta Qaramada Midoobey Danjire Axmed Cabdi Xaashi "Xasharo".

Sida wararka sheegayaan waxaa la filayaa in Golaha Ammaanku uu tageero buuxda siiyo heshiiski ay 29-kii Jannaayo hogaamiyayeesha kooxaha soomaalida iyo dawlada ku meelgaadhka ahi ku saxiixeen magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Waxaa sidoo kale la filayaa in Golaha Ammaanku uu caddeeyo tallaabooyinka laga qaadi doono hogaamayayeesha ku xadgudba qodobada heshiiskaas.

Dhinaca kale, xogayaha guud ee Qaramada Midoobay mudane Koofi Anaan ayaa magacaabay 4 nin oo howshoodu noqon doonto inay isha ku hayaan dalalka jabiya cunoqabataynta dhinaca hubka ah ee Qaramada midoobey ay ku soo rogtay dalka Soomaliya. Afartan waxay u kala dhasheen dalalka Maraykanka, Shiinaha, Siira Liyoon iyo Colombiya, waxaana xarun u noqon doona dalka Kenya.

10.02.2004
Ahmed Gaal` eri

raadioxoriyo@yahoo.com
radioxoriyo@ogaden.com 

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 9820  KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM   waqtiga Afrikada Bari

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Dhegeyso warkan oo Cod ah

 ...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO

....KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  

AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk  

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Riyale
Sirta ka Dambaysa Somaliland ma Itoobiyaa?
[Liiban]



XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD