SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
WARARKA -XORRIYO

Feb 6, 2004
Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...


 

Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka koobanyahay.

Ciidammada Wayaanaha oo dad ka raafay gobollo Ogadenya ka mid ah.

Dagaallo ciidammada gumaysiga Itoobiya lagu wiiqay.

Gaadiidka dadwaynaha ee magaalada Addis Ababa oo shaqo joojin sameeyay.

Dad badan oo Gambella lagu xasuuqay.

Xubno golaha dhex ee TPLF ah oo is-casilay.

Barnaamujkii aragtida halgamaaga iyo suugaan kala duwan.

 

Ciidammada Wayaanaha oo dad ka raafay gobollo Ogadenya ka mid ah.

  • iyo Magaalada Qabridaharre oo lagu xidh-xidhay Macalimiin

Ciidammada gumaysiga Itoobiya ayaa hadda billaabay qorshe cusub oon horay looga baranin, kaasoo ay ugu talagaleen inay magaalooyinka Ogadenya ciidammo kaga uruursadaan.

 

Ciidammada Wayaanuhu waxay magaalooyin iyo tuulooyin badan keeneen baabuur uu raashiin saaran yahay, hase yeeshee waxay sheegeen in raashiinkaas la siinayo magaalada ama tuulada keenta wiilal lagu daro ciidammada la qorayo ee la doonayo inay ka dagaallamaan dhinaca Eritereya.

 

7/2/04 magaalada Garasley ee Gobolka Nogbeed, waxaa la keenay baabuur uu raashiin ka buuxo, kaasoo ay ciidammada Wayaanuhu sheegeen inay dadwaynaha u qaybinayaan haddii ay magaaladu keento dhalinyaro askar laga dhigo.

 

Waxay sidoo kale ciidammada Wayaanuhu dad badan ka raafeen magaalooynka Godey, Iimey, Laab iyo Abaqorrow, waxaana dadkaas lagu uruuriyaa magaalada Godey, ka dibna waxaa loo qaadaa dhinaca galbeedka.

 

Dhinaca kale Magaalada Qabridaharre, waxaa lagu xidh-xidhay Macalimiin badan, ka dib markay diideen inay fuliyaan qorshaha xukuumadda Wayaanaha ee ah inay u adeegsadaan awood ay ka horgeeyaan ciidammada xoraynta Ogadenya.

 

Dagaallo ciidammada gumaysiga Itoobiya lagu wiiqay.

 

Isdaba-deg, oo ku taalla wadada isku xidha Garbo iyo Dhagaxbuu, dagaal ka dhacay waxaa cadowga lagaga dilay 8 askari, waxaana lagaga dhaawacay 5 askari inta la hubo. Waxaa sidoo kale cadowga laga furtay hub iyo qalab millatari oo kale.

 

3/2/04, Haro-shagax, oo u dhow Ceelka Shinniile ee degmada Dhanaan, dagaal ka dhacay waxaa cadowga lagaga dilay 4 askari, 5 kalena waa lagagadhaawacay.

 

Gaadiidka dadwaynaha ee magaalada Addis Ababa oo shaqo joojin sameeyay

 

Wariyaha Wakaalada Wararka Ogadeniya u jooga magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya inay shaqo joojin sameeyeen gaadiidlayda magaalada Addis Ababa, waxayna shaqo joojintaas kaga cabanayaan sharciyo cusub oo gaadiidka ay ku soo rogtay xukuumadda Addis Ababa.

 

Sharcigani wuxuu dhigayaa in milkiilayaasha gaadiidku ay lacag aad u tirabdan bixiyaan, haddii ay doonayaan inay gaadiidkooda kaga shaqaystaan magaalada Addis Ababa.

 

Mar uu wariyaha Wakaaladda Wararka Ogadeniya nin ka mid ah wadayaasha shaqo joojinta samayasay oo lagu magacaabo Takle-mariyam, wuxuu u sheegay in gaadiidlaydu ayna iska bixin karin lacagata ay xukuumaddu ku soo rogtay.

 

 

Dad badan oo Gambella lagu xasuuqay.

 

Ugu yaraan 196 qof ayaa daba-yaaqadii bishii hore lagu dilay meel u dhaw magaalada Dima oo ku taalla gobolka Gambella, ka dib markii ay dagaalyahamiin u dhashay qabiilka Anyuak ay soo weerareen dadka gobollada kale ka yimid ee ka shaqaynayay ceelashada dahabka laga qodo.

 

Dagaalka u dhexeeya qabiilka Anyuak, oo ah qabiilka u badan gobolka Gambella, iyo dadyowga kale ee doolaalada ku yimid, wuxuu sii kululaaday bishii disember ee kal hore, oo la laayay dad badan oo u dhashay qabiilka Anyuak.

 

Ciidammada Wayaanaha ayaa iyaguna dagaalkaas soo dhex galay, waxayna dileen in ka badan 400 oo qof oo u badan dadkii aqoonyahaniinta iyo cuqaasha ahaa ee u dhashay Anyuak.

Ururrada xuquuul insaanka ayaa xukuumadda Itoobiya xasuuqaas aad ugu eedeeyay, waxayna sheegeen in siyaasadeedu ay hurinayso dagaallada qabiilooyinka ka dhex dhaca.

 

Xubno golaha dhex ee TPLF ah oo is-casilay.

 

Aklilu Dhan-baqay oo xubin ka ahaa golaha dhexe ee ururka TPLF, isla markaana ahaa gudoomiyaha Zoonka Galbeed ee Kililka Tigreega ayaa xilkiisii iska casilay.

 

Warku wuxuu intaas ku daray in ninkaasi aanuu wali daboolka ka qaadin sababta uu xilkiisa isaga casilay, hase yeeshee dadka ku dhadhawo ayaa sheegaya inuu jiro khilaaf u dhexeeya isaga iyo keligii taliye Meles Zenawi, isla markaana uu ka biya-diiday qaabka foosha xun ee kaligii taliye

Meles Zenawi uu dalka u maamulayo.

 

Wararku waxay kaloo intaas ku darayaan in 5 xubnood oo kale oo ka tirsanaa golaha dhex ee ururka TPLF ay iyaguna sida oo kale is-casileen.

 

13.02.2004
Ahmed Gaal` eri

 

raadioxoriyo@yahoo.com
radioxoriyo@ogaden.com 

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 9820  KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM   waqtiga Afrikada Bari

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Dhegeyso warkan oo Cod ah

 ...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO

....KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  

AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk  

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Riyale
Sirta ka Dambaysa Somaliland ma Itoobiyaa?
[Liiban]



XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD