SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
WARARKA -XORRIYO

Feb 17, 2004
Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...


Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka koobanyahay.

  • Dad ay ciidamada Itoobiya xabsiyada u taxaabeen.
  • 15 Sargaal oo ciidamada cirka ee Itoobiya ka tirsan oo baxsaday.
  • Taliyhii nabad sugida garoonka dayuuradaha ee Addis Ababa oo la xidhay.
  • Saraakiil ka tirsanaa ciidamada Itoobiya oo wadanka Eritrea isu dhiibay.
  • Qareen caan ah oo la xidhay.
  • Kenya oo Itoobiya ka codsatay inay taageerto shirka dib u heshiisiinta soomaalida.
  • Waxaa kaloo barnaamujka caawa ku jira suugaan halgameed dareenkiina kicin doona.

Dad ay ciidamada Itoobiya xabsiyada u taxaabeen.

Ciidamada cadawga Itoobiya oo aan marnaba ka waantoobin dilkii, kufsigii, xadhigii iyo cabsi galintii shacabka Ogaadeenya ayaa magaalada Dig ku xidhay horraantii bishan haweenay waayeel ah, waxayna u gaysteen jidh dil aad u baŽ an oo qaar ka mid ah xubnaheeda naafeeyay.

Waxaa sidoo kale magaalada Godey lagu xidhay dad badan oo tiradoodu 100 qof kor u dhaafayso, kuwaasoo laga qabtay magaalada dhexdeeda iyo hareereheeda. Dadka ay magacyadoodu na soo gaadheen waxaa ka mid ah:

  • 1- CAbdi-qani Cabdi aw Moxamed
  • 2- Macallin Cumar.
  • 3- Macallin Ibraahin Dhirif.
  • 4- Moxamed aw Deeq.
  • 5- Saadiq Cabdulaahi.

Dhamaadkii bishii hore Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka soo duulay dagmada Garbo ayaa jidh-dil aad u xun u geystay dad shacbi ah oo deganaa tuulada Isdaba-deg. Duullaanka ciidamadani wuxuu salka ku hayay aar-goosi ay ciidamada cadawga Itoobiya dadwaynaha Ogadeneenya kaga aar-goosanayeen ciidamo dhawaan lagaga laayay tuuladaas, waxaana ka mid ah dadka halkaas lagu jidh-dilay:

  • 1- Sh. Cabdi Xussein
  • 2- Yaasiin Sh. Cabdi Xussein.
  • 3- Mahamed Suudi
  • 4- Ahmed Mohamed Suudi.
  • 5- Miyir Aaden.

Guud ahaan dadka xabsiyada Itoobiya ku jira ayaa xaaladooda nololeed iyo caafimaadba aad looga dayrinayaa, waxaana la soo xaqiijiyay in dadka ku jira xabsiyada ay Itoobiya ka samaysatay dhulka Ogaadeenya jidhdil aad u ba` an loo gaysto wax daryeel ahna aan loo fidin, isla markaana loo diido in eheladoodu ay soo booqdaan.

15 Sargaal oo ciidamada cirka ee Itoobiya ka tirsan oo baxsaday.

Wargayska Etop lagu magacaabo oo afka amxaariga ku soo baxa oo toddobaadle ah ayaa arbacadii la soo dhaafay qoray in saraakiil ay tiradoodu kor u dhaaftay 15 sargaal oo ka tirsanaa ciidamada cirka ee Itoobiya ay ka baxsadeen taliska Addis Ababa.

15 kan sargaal ee baxsaday waxay isugu jireen duuliyayaal, injineero iyo farsama yaqaaniin kale.

Saraakiishan baxsaday waxay intooda badani magangalyo siyaasadeed ka codsadeen wadamada reer galbeedka ah, waxayna ka cawdeen maamul xumida ka jirta Itoobiya iyo ku tumashada xaquuqal insaanka oo maalinba maalinta ka denbaysa ka sii daraysa

Taliyhii nabad sugida garoonka dayuuradaha ee Addis Ababa oo la xidhay.

Wariyaha Wakaaladda Wararka Ogadeniya u jooga magaalda Addis Ababa ayaa sheegaya in la xidhay taliyhii nabad sugida ee garoonka dayuuradaha ee magaalada Addis Ababa Getajaw Ingidha-Worq, waxaana xidhaygiisa loo cuskiyay kala qaybsananta ka dhex

taagan isbahaysiga EPRDF ee xukuma dalka Itoobiya.

Dhinaca kale warar xog-ogaal ah oo aanu ka soo xiganay radiyowga Oromada ee SBO ayaa heegaya in la dilay taliyhii ciidamada ka hawl-gala garoonka dayuuradaha ee magaalada Addis Ababa oo lagu magacaabi jiray Takle.

Sida uu Raadiyowgu sheegay waxay ciidamada Iihadhiigtu rasaas ku fureen qaybta marti-sharfta ee garoonka dayuuradaha ee magaalada Addis Ababa, waxaana markii ay rasaastu joogsatay halkaas laga soo dhex jiiday baabuur ay bambo dhex taallo.

Hawl-galkan ayaa lagu macneeyay in xukuumadda Addis Ababa ay uga jeedday inay dunida ka dhaadhiciso inay ka hortegtay weerar argagixiso ah oo la rabay in lagu qaado garoonka diyaaradaha ee magaalada Addis Ababa, si ay dalalka reer galbeedka ah lacag ugaga hesho.

Saraakiil ka tirsanaa ciidamada Itoobiya oo wadanka Eritrea isu dhiibay.

Radyowga Eritreya ayaa sheegay in 6 sargaal oo ka tirsanaa ciidamada Itoobiya ay isu dhiibeen wadanka Eritreya. Afar ka mid ah saraakiishan isdhiibtay waxay jagooyin sare ka hayeen ciidamada cago jiidka ah ee Itoobiya.

Sarakiisha isdhiibtay waxay kala yihiin:

Taliyhii qaybta 20aad, gaashaanle Mulugeeta Gebre-yohanes oo u dhashay qomiyada Tigreega.

Sargaal ka tirsanaa nabad sugida ciidamada badda ee Itoobiya oo algu magacaabo gaashaanle Arefaine Weldhe oo u dhashay qomiyada Tigreega.

Sargaal ka tirsanaa nabad sugida wasaarada gaashaandhiga ee Itoobiya Gabre-Mariyam oo isna u dhashay qomiyada Tigeerga.

Talyihii qaybta 25aad oo magaciisa la yidhaahdo gaashaanle Jamaal Muxyadiin oo u dhasahay qomiyada Oromada.

Waxay saraakiishan isdhiibatay ugu baaqeen dadwaynaha Itoobiya inay xoogooda, naftooda iyo hantidooda isugu geeyaan sidii ay taliska Addis Ababa ee macangaga ah u ridi lahayeen.

Dhinaca kale Demeke Negasa, oo ah suxufi muddo 7 sano ah u shaqaynayay tilifishinka dawlada Itoobiya, ayaa baxsaday oo ku biiray Jabhadda oromada ee OLF, wuxuuna sheegay inuu ka qayb qaadanayo halganka ay Jabahadda OLF kaga soo horjeedo gumaysiga Itoobiya.

Qareen caan ah oo la xidhay.

Wariyaha Wakaaladda Wararka Ogadeniya u jooga magaalda Addis Ababa ayaa sheegaya in la xidhay Ababe Workie oo ah qareen Itoobiya caan ka ah.

Ababe Workie wuxuu ku caan-baxay u doodista xaquuqda aadaamiga, waxaana la xidhay, ka dib markii uu xukuumadda Meles Zenawi ku eedeeyay inay iyadu masuul ka ahayd xasuuqii dhawaan ka dhacay gobolka Gambella, oo lagu laayay dad aad u tira-badan oo aan waxba galabsanin.

Ababe Workie wuxuu xukuumadda Addis Ababa ku canbaareeyay in ciidammadeedu ay bilihii disimber iyo jannaayo ku xasuuqeen gobolka Gambella dad ay tiradoodu kor u dhaaftay 300 oo qof.

Ababe Workie wuxuu marar badan oo hore difaacay dad xuquuqda bani` aadamka u dhaqdhaqaaqa oo xukuumadda Itoobiya ay xabsiyada u taxaabtay. Wuxuu sidoo kale difaacay lix jannaraal oo isku dayay inay afganbiyaan xukuumaddii uu madaxda ka ahaa Mingiste Xayle Mariam.

Kenya oo Itoobiya ka codsatay inay taageerto shirka dib u heshiisiinta soomaalida.

Dawlada Kenya ayaa xukuumadda Addis Ababa jimcihii ka codsatay inay taageerto shirka dib u heshiisiinta soomaalida oo sannad iyo badh ka socday dalka Kenya, isla markaana ay ganta-faruurka ka dayso dadaalka loogu jiro in nabad lagaga dhaliyo dalka Soomaaliya.

Bayaan ka soo baxay wasaarada arriamaha dibada ee dalak Kenya ayaa lagu sheegay in wasiirka arrimaha dibada ee dalka Kenya uu baaqan xukuumadda Itoobiya u sii mariyay kaaliyaha arrimaha Afrika ee wasiirka arrimaha dibada ee Maraykanka Charles Snyder, oo booqasho ku yimid magaalada Nayroobi ee dalka Kenya.

Diblumaasiyiin afrikaan ah ayaa sheegay in baaqan loola jeeday in xukuumadda Itoobiya lagu dhiirri geliyo inay dib ula soo noqoto ergadeedii ka joogtay madasha shirka dib u heshiisiinta soomaalida.

Itoobiya ayaa madasha shirka dib u heshiisiinta ka qaadatay ergadii ka joogtay, ka dib markii ay ku guul darraysatay qorsheheedii ay ku damacsanayd inay shirka ku soo dhisto maamul ay iyadu gacanteeda ku samayso.

Itoobiya waxay intii uu shirku socday oo dhan isku dayaysay inay u yeedhiso ergooyinka soomaalida ah ee shirkaas ka qayb qaadanaya, waxayna abuurtay madax kooxeedyo badan oo danaheeda u adeega.

Hase yeeshee waxaa arrintaas mar walba ka dhawaaqayay qaar badan oo madax kooxeedyada soomaalida iyo dawlada ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya, kuwaasoo ugu denbayntii ku guulaystay in urur goboleedka IGAD iyo beesha caalmakuba ay la arkaan dhibaatada ay Itoobiya ku hayso barnaamijak dib loogu heshiisiinayo kooxaha soomaaliyeed.

17.02.2004

Ahmed Gaal, eri

raadioxoriyo@yahoo.com
radioxoriyo@ogaden.com 

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 9820  KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM   waqtiga Afrikada Bari

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Dhegeyso warkan oo Cod ah

 ...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO

....KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  

AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk  

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Riyale
Sirta ka Dambaysa Somaliland ma Itoobiyaa?
[Liiban]



XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD