SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
WARARKA -XORRIYO

Feb 25, 2004
Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...


Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka koobanyahay.

  • dagaalo dhex maray ciidanka wadaniga xoreeynta Ogaadeenya iyo kuwa gumaysiga Itoobiya.
  • Xaflad lagu maamuusayay xasuuqii Wardheer oo ka dhacday London.
  • Jaaliyadda Ogadenya ee Norway oo shir wayn isugu timid.
  • Ururka TPLF oo brubur qarka u saaran.
  • Kongreyska Marykanka oo Itoobiya ka dalbay inay fasaxdo Ururka Suxufiyiinta.
  • Huteelada magaalda Maqale oo lagu amary in ay heesaha TPLFta saaraan.
  • Ingriiska oo kaalmada Itoobiya ku xidhay aqbalida go’aanka Qaramada Midoobay.
  • Waraysi aanu la yeelanay gudoomiyaha hogaanka arimaha gudaha iyo abniga ee jabhada wadaniga xoraynta Ogaadeenya.

Xaflad lagu maamuusayay xasuuqii Wardheer oo ka dhacday London.

Maalinimadii Axada ee 22.02.2004 ayaa Munaasibad weyn oo si fiican looga soo shaqeeyey, kuna aaddanayd sannad guuradii tobnaad ee ka soo wareegtay Xasuuqii ay ciidamada Itoobiya u gaysteen shacbiga Ogaadeenya ee Wardheer, lagu qabtay xarunta Jaaliyadda Oagdenya ee magaalada London.

Xafladdaas oo loogu baroor-diiqayay dadkii sida naxariis darada ah halkaas ay ciidamada Itooniya ugu xasuuqeen, isla markaana lagu muujinayay sida uu shacbiga Ogadenya diyaarka ugu yahay halganka uu xaqiisa ku baadi-goobayo, ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Unugga JWXO ee magaalada London.

Munaasibadaas waxaa ka soo qeyb galay xubno iyo taageerayaal fara badan, waxaana hadallo kala duwan ka soo jeediyey qaar ka mid ah madaxda shacbiga Ogadenya, waxaana ka mid ahaa madaxdii halkaas ka hadashay:

1. Admiral Maxamed Cumar Cismaan, madaxweynaha Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogadenya.

2. Sh. Ibraahim Cabdalla, madaxwaynihii hore Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogadenya.

3. C/llaahi Maxhamed Sacdi, madaxwaynihii hore ee Ogadenya

4. Iyo C/raxmaan Sh. Mahdi (Madey), oo ah masuul sare oo ka tirsan Jabhadda Waddaniga Xoraynta Ogadenya.

Madaxdan oo dhami waxay ka hadleen taariikhda halganka iyo meesha uu maanta marayo, xaalada shacbiga (gude iyo dibadba) iyo waxa looga baahan yahay aqoonyahanka reer Ogadeniya ee ku nool dalka dibaddiisa.

Waxaa halkaas xogwarran faahfaahsan oo ku saabsan Xasuuqii Wardheer ka soo jeediyay Sh. Ibraahim Cabdalla, kaasoo ka warramay qaabkii uu dagaalku maalintaas u dhacay iyo sidii sharafta lahayd ee shacbiga reer Wardheer ay u difaaceen sharafti iyo karaamadi halganka Ogadenya, waxayna Tigreega u muujisay buu yidhi inuu halganka Ogadenya yahay mid shacbigu ka danbeeyo.

Waxaa isaguna goobtaas fadhiyey Cumar Sayid Maxbuub, oo ka mid ah ruug-caddaaga halganka Ogadenya, wuxuuna si waafi ah uga warramay halgamadii ka horreeyey kan ay JWXO hormuudka ka tahay, wuxuuna aad ugu dheeraadey in halgankan Ogadenya uu yahay halgan xaq ah. Sayid Maxbuub wuxuu aqoonyahanka Ogadenya ee dibada jooga ku guubaabiyay inuu halgankiisa u midoobo. Guud ahaan dadkii baraardiiqdaas ka soo qayb galay oo ay ka muuqatay murugo aad u ba`an ayaa canbaareen u soo jeediyay Taliska Adis Ababa ee Itoobiya.

dagaalo dhex maray ciidanka wadaniga xoreeynta Ogaadeenya iyo kuwa gumaysiga Itoobiya.

6/2/04, Dagaal ku dhexmaray ciidamada cadawga Itoobiya iyo ciidamada wadaniga Xoreeynta Ogaadeenya meesha lagu magacaabo Qollad oo Dh/Buur ka xigta dhinaca Waqoyi-bari, waxaa ciidamada Wayaanaha laga dilay 3/askari, 6 kalana waa lahgaga dhaawacay.

6/2/04, Dagaal ciidamada xoreeynta Ogaadeenya iyo ciidamada doolka ku jooga Ogaadeenya ee Itoobiya ku dhex maray meesha la yiraahdo Furinyar oo ka tirsan degmada Q/daharre, waxaa gumaysiga lagaga dilay 4/askari, 7 Askari oo kalana waa lagaga dhaawacay.

7/2/04, Iska hor imaad dagaal oo ka dhacay meesha lagau magacaabo Laba-garas, oo Goboka Qoraxey ka tiesan waxaa ciidamada Wayaanaha laga diley 5/askari, 7/na waa laga dhaawacay.


9/2/04, Dagaal ku dhex maray ciidamada cadawga Itoobiya iyo ciidamada xoreeynta Ogaadenyaka Degmada Haar-cad duleedkeeda, ayaa waxaa cadawga lagaga dilay1 Askari oo ka mid ahaa kuwii wayaanaha gadh-wadeenka u ahaa.

9/2/04, Dagaal isku dhac ah oo ka dhacay Tuulada Geedi-aar ee Gobolka Dh/Buur, waxaa cadowga laga dilay 4/askari, 9/na waa laga dhaawacay.

11/2/04, Ciidamada cadowga Itoobiya waxay ku dileen meel u dhow magaalada Jig-Jiga 7/nin oo ka mid ahaa ciidanka loo yaqaano dabaqoodhiga oo ay iyagu markii hore hawl u direen.

Shirqoolkan ayaa la sheegayaa in ay ka danbeeyeen qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada ee magaalada Jig Jiga.

15/2/04, Dagaal gaadmo ah oo ay ciidamada wadaiga xoreeynta Ogaadeenya ku qaadeen qaar ka mid ah ciidamada dulmiga ku caanbaxay ee Itoobiya oo marayay meesha lagu magacaabo Gumarey oo Dh/Buur duleedkeeda ah, ayaa ciidamada Nacabka gumaysiga Itoobiya laga dilay 4/askari, 5/kalena waa laga dhaawacay.

Jaaliyadda Ogadenya ee Norway oo shir wayn isugu timid.

Maalinimadii Sabtida oo ay taariikhdu ahayd 21 February ayey shirweyn oo si habsami ah loo agaasimey isugu yimaadeen qeybaha bulshada ee jaaliyadda Ogadenya ee dalka Norway.

Shirkani waa mid halkii sanaba mar ay jaaliyaddu isugu timaado, waxaana lagu doortay gudigii cusubaa ee maamulka jaaliyadda wadi lahaa muddada sanadka ah ee soo socta. Waxaa munaasabadaas qiimaha leh, hadalo wacyi galin iyo warbixin ah ka soo jeediyey qaar ka tirsan gudigii hore ee jaaliyadda iyo xubno kale oo muhiim ah.

Dadkii halkaas ka hadley waxaa ka mid ahaa Gudoomiyihii hore ee jaaliyadda oo mar labaad loo doortey gudoomiyinimadda. Waxaa kaloo isna ka hadley madashii shirka wakiilka JWXO u fadhiya dalka Norway Mudane Maxamed Yuusuf oo ka waramey waramey geedi socodka halganka ay JXWO hormuudka u tahay, isagoo sheegey in ay qadiyadani ahayn mid cid gaar ah khuseysa, balse ay u wada taalo dhamaanba shacbiga Ogaadeenya.

Dadweynihii ka soo qeyb galey shirkaas oo ay ka muuqatey shucuur wadanimo ayaa muujiyey in ay hiil iyo hooba ku taageerayaan Halganka gobonimadoonka, waxayn shacbiga reer ogaadeenya ugu baaqeen inay u midoobaan cadowgooda kaliya oo ah gumeystaha madaw ee Abasiinya iyo in ay ka feejignaadaan hagardaamooyinka arxan darrada ah ee maalin walba uu gumaysigu u maleegayo.

Gababadii shirka ayay xoogagaasi canbareyn u soo jeediyeen Taliska macangaga ah ee Addis ababa iyo shaqsiyaadka tirada yar ee u adeega taliskaas.

Ururka TPLF oo brubur qarka u saaran.

Sargaal sare oo aan rabin in magaciisa la sheego oo ka tirsan ururka TPLF ayaa sheegay in kala qaybsanaantii u dhaxaysay ururka TPLF ay sii ballaadhatay.

Inkastoo ay warbaahinta dawlada wayaanuhu isku dayday inay kala qaybasannanta ururka daddo haddana warar xogogaal ah ayaa sheegay in ururka TPLF ay ka dheer tahay inuu dib u midoobo.

Kalaqaybsanaantan soo laba-kaclaysay waxay ku soo beegantay mar uu ururka TPLF u dabaaldagayo sannad guuradiisii 29aad.

Waxaa la wada-ogsoon yahay in dhawr jeer oo hore uu ururkani qarka u saarmay inuu burubro, hase yeeshee marxaladan uu hadda galay ayaa noqon doonta middii uu ku kala tagi lahaa, sidaas waxaa rumaysan sargaalkaas codsaday inaan la magac-dhabin.

Kongreyska Marykanka oo Itoobiya ka dalbay inay fasaxdo Ururka Suxufiyiinta.

11 xubnood oo ka tirsan golaha Kongreeska ee dalka Maryknaka ayaa xukuumadda Itoobiya ka codsaday inay xayiraada ka qaaddo Ururka Suxufiyiinta Itoobiya, oo xukuumadda Addis Ababa ay dhawaan albaabada u laabtay.

Warqad dheer oo xubnahani ay qoreen waxay kaloo xukuumadda Itoobiya kaga codsadeen inay joojiso cadaalad darrada iyo waxaaybaha dimoqraadiyada ka soo horjeeda, isla markaana ay ku dadaasho sidii hannaanka dimuqraadiyadu uu dalka Itoobiya uga hirgali lahaa.

Huteelada magaalda Maqale oo lagu amary in ay heesaha TPLFta saaraan.

Wrarka ka imanaya magaalda Maqale ee caasimadda u ah gobolka Tigreega ayaa sheegaya in ururka TPLF uu ku amray dhamaan meheradaha magaalda Maqale inay meheradohooda ka daaraan heesaha lagu amaanayo ururka TPLF, waxaana amarkan sabab u ah iyadoo ururka TPLF uu u dabaal dagayo sannad guuradiisii 29aad.

Warku wuxuu intaa raaciyay in amarkan uu bixiyay ninka lagu magacaabo Xagoos Kinfe, oo ah ragga ugu dha-dhaw kaligii taliye Meles Zenawi.

Hase yeeshee wararku waxay kaloo sheegayaan in magaalada maqalle aan sannadkan la sudhin calamadihii faraha badnaa ee la sudhi jiray marka la xusayo dhalashada ururka TPLF, waxaana ugu wacan iyadoo shacbiyada TPLF ay si wayn hoos ugu dhacday, k adib markii ay dadwaynaha Tigreega ahi ka biya-diideen talo maroorsiga uu Melse Zenawi ku dhaqmo.

Ingriiska oo kaalmada Itoobiya ku xidhay aqbalida go’aanka Qaramada Midoobay.

Dawlada Ingriiska ayaa kaalmadii ay Itoobiya siin jirtay ku xidhay inay xukuumadda Itoobiya aqbasho go’aankii Qaramada Midoobey ay ka soo saartay xal u helidda khilaafka xuduudeed ee u dhexeeya Itobiya iyoEritreya.

Warsiirka horumarinta ee dalka Ingriiska Hillary Bean ayaa sheegay in dalka Ingiriisku uu labada dalba u kordhin doono macaawinooyinkii uu siin jiray haddii ay go’aanka Qaramada Midoobay sida uu yahay u hirgeliyaan.

Wuxuu kaloo yidhi; “waxaanu ku boorrinaynaa labada waddanba inay aqbalaan go’aankii ka soo baxay gudigii loo xil saaray xallinta khillfka ka taagan soohdinta Itobiya iyo Eritreya”.

Itoobiya ayaa marar badan oo kala duwan si cad u diidday ga’aankaas, sheegtayna inayna ku qanacsanayn go’aanka Qaramada Midoobey.

24.02.2004

C/Nuur Sh. Mohamed


Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 9820  KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM   waqtiga Afrikada Bari

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

Dhegeyso warkan oo Cod ah

 ...HALKAN KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO

....KAYDKA WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE  

AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u tahay Radio Xoriyo, kana tarjumimaayo aragtida SomaliTalk  

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Riyale
Sirta ka Dambaysa Somaliland ma Itoobiyaa?
[Liiban]



XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD