Madaxwaynaha Jabhada wadaniga xoreeynta Ogaadeenya oo munasabada
ciida hanbalyo u diray dhamaanba shacabka Ogaadeenya.
Madaxwaynaha Jabhada wadaniga Xoraynta Ogaadeenya Adm. Mohamed Omar Isman
ayaa hanbalyo u diray ciidanka wadaniga xoreeynta Ogaadeenya, Xubnaha JWXO,
taageerayaasha halganka xornimo raadinta Ogaadeenya, Shacabka Ogaadeenya,
shacabka Soomaaliyeed iyo dhamaanba muslimiinta aduunka oo dhan.
Madaxwaynuhu waxuu N/hurayaasha ciidanka xoreeynta Ogaadeenya iyo
hawlwadeenada Jabhada wadaniga Xoreeynta Ogaadeenya ku adkeeyay in ay sii
laban laabaan halganka ay ugu jiraan madaxbanaanidooda, waxuuna shacabka
Ogaadeenya ku guubaabiyay in ay taageeradoodii sii laban laabaan, si loo
gaadho himilada la higsanayo ee xornimo.
Madaxwaynuhu waxuu shacabka Ogaadeenya u soo jeediyay in ayna u dhaga
nuglaan shirqoolada taliska Adis-Ababa ee isku dirka iyo hurinta dagaalada
sokeeye ka dhex wada dadka walaalaha ah, waxuuna goobaha ay dagaalada
sokeeye ka socdaan ku adkeeyay in ay jiijiyaan dagaalka ehliga ah ee uu
cadawga Itoobiya ka danbeeyo, fursadna aan la siinin cadawga dhulkooda
haysta ee Itoobiya.
Ugu danbeentii waxuu madaxwaynuhu shacabka Ogaadeenya u rajeeyay in ay
sanadkan kiisa kale wadankooda oo xor ah ku ciidaan.
Ciidamada cadawga Itoobiya oo dad badan xasuuqay.
Xukuumada Adis-abab oo sida lawada ogsoonyahay isu diyaarinaysa dagaal ay
ku qaado wadanka Eritea ayaa waxay ka biloowday gobolo kamid ah wadanka
Ogaadeenya ol-ole xasuuqeed oo aysan u kala aabo yeeleeynin shacabka
Ogaadenya, si ay uga horgayso ciidamada wadanka Eritea ee jiida hore ee
dagaalka ku sugan.
Qafaalkaas loo gaysanayo dhalinyarada Ogaadeenya ayaa ah mid qasab ah,
qofkii diidana diidana loo taxaabayo xabsiyada ciidamada cadawga Itoobiya,
waxaana ka mid ah magaalooyinka uu ka dhacay qafaalkaasi, Iimay, Goday, Dh/Buur
iyo Tuulooyin gobolo kala duwan ka tirsan.
Dadka diiday in ay ka qaybqaataan dagaalka dulmiga ah ee ay xukuumada
Aabasiinya ku doonayso dhul balaadhsiga ee xabsiyada loo taxabay waxaa ka
mid ah:
Iimaay:
1- Cabdi Macallin Aaden.
2- Muxumed Macallin Aaden.
3- Ahmed Macallin Aaden.
4- Weli Nuur Xaaji.
5- Alaale Mahad Faarax.
6- Nuur Cabdulaahi Budul.
7- Faarax Cabdi muxumed.
8- Shukri Gambella.
9- Mohamed Sh. Cabdi
10- Muxubbo, iyo dad kale oo tiradoodo 200/ ruux kor u dhaafayso.
Waxaa Tuulada Laab oo Gobolka Shabeele ka tirsan lagu qabtay dad faro badan
oy ka mid yihiin:
1- Cabdulqaadir Cumar Mohamed.
2- Ibraahin Cumar Muxumed.
3- Xassan Caydiid Aaden.
4- Cabdulaahi Bashiir Maxamuud.
5- Cabdiqaadin Aw Bidaar.
6- Mohamed miftaax.
7- Bashiir Moxamud Xassan.
8- Bashiir Moxamed Sh. Cabdi.
9- Yusuf Sh. Xassan.
10- Ahmed Cabdilqaadir.
Waxaa halkaas lagu jidhdilay gabdhaha magacyadoodu kala yihiin:
1- Asli Xassan Caydiid
2- Ruqiya Bashiir Kilaas, oo iyada dhakhtar loo qaaday.
3- Faadumo Ibraahin Cabdulaahi.
4- Fadumo Mohamed aw Cali.
5- Foos Cabdi Yahye.
6- Aamina Sh. Suldaan.
7- Maryan Shariif Xussein.
8- Masar Cabdi Baaruud.
9- Faadumo Makki Aaden.
10- Xamdi Cabdi Cumar, oo 7/ba jir ah.
Asturan Daahir, oo iya si gaar ah loo jirdilay, lana dhaawacay.
Ciidamada cadawga Itoobiya ee ku sugan Garbo iyo Garigo` an ayaa dadka
deegaanadaas xasuuq dheeri ah u gaysta, waxayna labadaas magaalo ka
uruursadeen ciidamada cadawgu Adhi dhan 300 oo Neef, qos walbana waxaa lagu
xukumay in uu bixiyo 50 Bir oo lacagta Itoobiya ah.
Dadkaas hantidoodii ladhacay ayaa waxaa dhamaantood lagu eedeeyay in ay
daageero yaal u yihiin Jabhada wadaniga xoraynta Ogaadenya.
Kulan Ciidda lagu maamuusayay oo Jaaliyadda Ogadenya ay ku qabatay
Norway.
maalinimadii Axada ee ay taariikhdu ahayd 1.February,kuna aadaneyd ciida
barakeysan ee Al-adxa, ayey xaflad baalaran oo ay soo agasimeen maamulka
jaaliyadda soomaalidda Ogaadeenya ee ku dhaqan dalka Norway, ka dhacday
xarunta jaaliyadda ee magaaladda Oslo.
Xafladaas oo lagu maamuusayey munasabadaas qiimaha badan ayey ka soo qeyb
galeen dhamaan qeybaha bulshada.
Waxaa munaasabadaas hadalo qiimo badan oo isugu jira guubaabo iyo bogaadin
ka soo jeedeyey qaar ka mid ah ururka haweenka ee jaaliyadda Ogaadeenya ee
cariga Norway.
Dadkii isugu yimid xafladaas oo ay wajiyadooda ka muuqatey farxad iyo
shucuur wadaninimo, ayaa muujiyey in ay taageero hiil iyo hooba ah hayaan
halganka xornimodoon ee ay hor kacaysa JWXO.
Xubnihii halkaas ka hadley waxaa ka mid ahaa Marwo Sahra Ismaaciil.
Waxaa kale oo iyaduna ka hadashay xafladaas Hooyo xaliimo nuur.
Mar aanu ka qaadney wareysiyo qaar ka mid ah ka soo qeyb galayaashi
xafladda, waxay ii sheegeen in ay aad ug faraxsan yihiin fursadan qiimaha
balaaran, ayna taageero badan la garab taagan yihiin halganka.
Gabagabadii xafladaas ayey ururka haweenka ee jaaliyadda Ogaadeenya ee
dalka norway, halkaas ku doorteen xubnihii hogaamin lahaa ururka haweenka
tan iyo sanadka soo socda.
Ururka ardayda Ogadeniya ee magaaladda Khartoum oo shir isugu yimid.
Shir ballaadhan oo uu soo qabanqaabiyay ururka ardeyda Ogaadeeniya ee dalka
Sudan ayaa ka dhacay magaaladan Khartoum ee dalka Suudaan maalintii axadda
ahayd. Shirakaasi wuxuu ahaa mid lagu soo dhaweynayay ardeyda cusub ee
soomaalida Ogadenya ah ee sannadkan deeqda waxbarasho ku yimid jaamacadaha
kala duwan ee dalka Suudaan, wuxuu kaloo shirkani qayb ka ahaa dabbaaldagga
ciidda barakeysan ee Ciiddul-adxaaga.
Munaasabaddan, oo ka dhacday gudaha Jaamacadda International University of
Africa, waxaa hadallo aad u qiimo badan ka soo jeediyay madaxda Ururka
Ardayda Ogadenya ee dalka Suudaan, waxaa sidoo kale halkaas ka dhacay
aqoon-iswaydaarsi ku saabsan taariikhda Ogadenya iyo halganka ay soomaalida
Ogadenya ugu jiraan madaxbannaanidooda.
Waxaa iyaguna halkaas suugaan guubaabo ah ka soo jeediyay abwaaniin reer
Ogadenya ah iyo kuwo u dhashay dalka Soomaaliya.
Waxaa sidoo kale shirkaas hadallo qiimo leh ka soo jeediyay madaxda
ururrada ardayda ee Soomaaliya oo shirkaas lagu martiqaaday.
Shir loo qabtay hantiilayaashii hay` adda Kalub oon waxba ka soo
bixin.
Wariyaha Wakaalda Wararka Ogadeniya u jooga magaalda Addis Ababa ayaa
sheegaya in shir wayn oo wasaarada Macadnta ee Itoobiya ay u qabatay dadkii
saamiyada ku lahaa shirkada gaaska Ogadeniya ee Kalub ay waxba ka soo bixi
waayeen.
Shirkani wuxuu ka dhacay Hotel Giyon oo ku yaalla magaalada Addis Ababa,
waxaana lagaga wada-hadlay sababta uu u hirgali waayay qorshihii ay dawlada
Itoobiya ugu talagashay shirkadaas.
Dadka saamiyada ku lahaa sharikada Kalub ee shirkaas ka soo qayb galay ayaa
cadho wayn halkaas ka muujiyay, waxayna si cad uugu gacan saydheen
qorshihii ay wadatay wasaarada Macdanta.
Shirkani wuxuu ku dhammaaday guul-darro, iyadoo dadkii saamilayaasha ahaa
ay halkaas gacmo madhan iyo guul-darro kala noqdeen, wasaarada macdantuna
ay ku hankaagtay qorshihii ay wadatay.
Xukuumadda Itoobiya waxay shidaalka ogadenya marba heshiis kula gashaa
hay’ado shisheeye ah, si ay dhaqaale ugaga hesho hay’adaha iyo dalalka
deeqda bixiya ee adduunka, balse waxaa cad in Itoobiya ayna marna ku
guulaysan doonin inay ka faa’iidaysto macdanta Ogadenya, iyadoon marka hore
oggolaansho ka helin dadka soomaalida Ogadenya.
03.02.2004
Ahmed Gaal` eri
raadioxoriyo@yahoo.com
radioxoriyo@ogaden.com
Radio Xoriyo waxaad ka
dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 9820 KHZ, Maalmaha
Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
....
Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
Dhegeyso warkan oo Cod ah
...HALKAN
KA BAAR WARARKII HORE EE XORIYO
....KAYDKA
WARARKA RADIO XORIYO - NEWS ARCHIVE
AFEEF: Afkaarta qoraalkaan waxaa leh gaarna ay u
tahay Radio Xoriyo, kana
tarjumimaayo aragtida SomaliTalk