11 Jan. 2004.
DORDRECHT, Holland --Duqa Magaalada Hargeysa Ing. Xuseen Maxamed Jiciir oo
todobaadkii hore hawlo shaqo u yimi Dalal ka mid ah qaaradan Yurub oo imika
ku sugan dalka Holland ayaa shalay shir la yeeshay Jaaliyada Somaliland ee ku
dhaqan dalkaasi.
Shirkan oo ka dhacay Magaalada Dordrecht waxaa kasoo qayb galay dadweyne
aad u farabadan oo ka kala yimi magaalooyinka kala gadisan ee dalkaasi oo
isugu jiray, rag, dumar, fanaaniin, dhalinyaro iyo waayeel aad u xiisaynayay
inay la kulmaan Maayarka si uu uga warramo xaalada dalkooda iyo gaar ahaan
tan Caasimada Hargeysa.
Aayado Quraan ah ka dib waxaa hadal furitaan iyo soo dhawayn isugu jiray
halkaas kasoo jeediyay Mustafe Aw Tiriigle oo ahaa qabanqaabiyaha iyo isku
dubaridaha Xafaladaasi, waxaana uu ugu horrayn uu u mahad naqay Maayarka iyo
Dadka xafladaas kasoo qayb galay, ka dib waxaa halkaas heeso wadani ah iyo
gabayo taariikhi ah oo aad loo jeclaystay halkaas ka soo jeediyay kooxo
dhalinyaro ah, waxaa isaguna erayo soo dhawayn ah halkaas kasoo jeediyay
Gudoomiyaha Jaaliyada Somaliland ee dalka Holland, waxaanuu mikirifoonkii uu
ku soo dhaweeyay Duqa Magaalada Hargeysa Inj. Xuseen MaxamedJiciir.
Maayorku waxa uu si qoto dheer uga warramay guud ahaan xaalada guud ee
dalka Somaliland, waxaana uu si gaar ah ugu nuuxnuuxsaday Xaalada Nabadgalyo,
Bulsho iyo horumar ee ay ku sugan tahay Magaalada Hargeysa.
Ugu horrayn waxa uu ka warramay sida uu dalka Somaliland uga gubday nidaam
beeleedkii ee uu u gudbay in hab Dimuqraadi ah ay dadweynuhu u soo doortaan
qofka ay xilka u dhiibanayaan, taasina ay tusaale u tahay horumarka maskaxeed
ee ay dadweyanaha reer Somaliland ku talaabsadeen, waxaana uu sheegay
magaalooyinka Somaliland ee kala duwan dadka maamulkooda hayaa ay yihiin qaar
ay dadweynhu si xor ah usoo doorteen.
Waxaa kale oo Duqa Hargeysa uu ka hadlay xaalada ay ku sugan tahay dawlada
Hoose ee magaalda Hargeysa iyo waxqabakooda mudada dhow iyo kan fog, waxaana
uu tilmaamay in ay la kulmeen markii ay xilka la wareegeen caqabado aad u
badan oo horyaalay dawlada hoose ee Hargeysa, oo ay ka mid yihiin Deyn aad u
fara badan oo lagu lahaa dawlada hoose, shaqaale xad dhaaf ah, qalabka
dawlada hoose ay ku shaqayso oo aad u liitay, wadooyinka magaalada dhexdooda
oo burbursanaa iyo waliba muranka dhulka la isku hayso oo heer xun marayay.
Waxaana uu Maayarku sheegay in isaga iyo masuuliyiinta golaha deegaanka
Hargeysa ay dhibaatooyinkaas si aad ah ay wax uga qabteen, wadooyinkii
burbursanaa ay qaar sameeyeen, qaarna ay gacanta ku hayaan samayntooda,
deyntii dawlada hoose lagu lahaana ay wax ka qabteen, shaqaalihiina si u
qalnta shaqada dawlada hoose ay u qiimeeyeen una dhiseen, isla markaasna ay
dhimeen shaqaale aad u badan oo aan qaban jirin shaqooyin muuqda, waxaana uu
sheegay inay nadaafada iyo bilicda magaalada wax ka qabteen, sidoo kalana ay
iibsadeen dayactirna ku sameeyeen qalab aad u farabadan oo ay dawlada hoose
ku shaqayso, isla markaasna ay yareeyeen dhibaatadii ka taagnayd isku
haysashada dhulka, inkastoo wali mushkiladi ay ka taagan tahay meelaha
qaarkood.
Habka cashuuraha oo uu Maayarku ka warramay waxa uu sheegay inay tahay
habkii hore ee dawladihii hore, hase yeeshee waxa uu xusay in ay casriyayn
doonaan habka cashuuraha si horumar loo gaadho, dhinaca diiwaangalinta
dadweynaha ama Habka Registerationka waxa uu sheegay inuu yahay habkii hore
sida waraaqaha dhalashooyinka, iyo teesarooyinka kala duwan, laakiin waxa uu
Maayarku Sheegay inay dhawaan bilaabayaan Habka cusub ee dawladaha Yurub ay
ku shaqeeyaan mid la mid ah, taasoo uu sheegay in Kharashka ku baxaya habkan
ay bixisay dawlada Ingiriisku, waxaana habkan ay aqoonsiyada cusub iyo
teesarooyinka Casriga ah ay bilabaayaan inta aan la qaban doorashooyinka
baarlamaanka.
Waxaa kaloo sheegay inay dajiyeen istiraajiyad cilmi ku dhisan oo ay ku
talo jiraan in mustaqbalka dhow ka hirgalin doonaan magaalada Hargeysa,
waxaana uu sheegay in ay dhiseen hab maamul sax ah oo ah kan lagu hago
magaalooyinka casriga ah ee dunida oo ay si cilmiyaysan ay uga shaqeeyeen.
Sidoo kale Inj. Xuseen waxa uu ka warramay sida looga baahan yahay
Jaaliyada Somaliland meel kasta oo ay joogaan in ay ka qayb qaataan horumarka
dalka, caawimana u fidayaan dawladaha hoose, jaaliyadaha Somaliland ee
debedaha ku noolina waxa uu ugu baaqay inay u hawl galaan sidii ay dalka ugu
raadin lahaayeen qalabka sida aadka loogu baahan yahay ee ay ka mid yhiin
Cagaf-cagafyo, iska rogooyin, qalabka nadaafada, iyo Baabuurta dab damiska,
iyo Baabuurta Caafimaadka ee Ambulanceyada, kuwaasoo uu sheegay in dalku uu
aad ugu baahan yahay, waxaana uu ka codsaday in qof kastaa uu maanka ku hayo
in dalkiisii uu sugayo una baahan yahay wax tarkiisa.
Ugu danbayn Maayorka oo ka jawaabay su'aal la waydiiyay oo ku saabsanayd
sida looga bixi karayo dhibaatada muranka dhulka ka taagan waxa uu yidhi
"Waxaanu samaynay barnaamuj dhamays tiran oo sharci ah si cilmiyaysana aan
u habaynay oo dhulka deegaanka Hargeysa lagu maamuli doono, sharcigaasi ku
saabsan maamulka dhulka waxaanu u gudbin doonaa Baarlamaanka Somaliland,
marka uu Barlamaanku ansixiyo sharcigaas ayaanu ku hawlg gali doonaa oo aanu
ku shaqayn doonaa waxaanan rajaynayaa in mushkilada dhulka ka taagan imika
laga gudbi doono marka Sharcigaasi uu soo baxo" Ayuu yidhi Maayor Xuseen.
Todobaadka soo socda ayaa lagu wadaa inuu Duqa Magaalada Hargeysa soo
gaadhi doono dalkan Ingiriiska, waxaana uu la kulmi doonaa Madax sare oo ka
tirsan dawlada Ingiriiska iyo madaxda dawladaha hoose ee qaar ka mid
magaalooyinka dalkan Ingiriiska, isaga oo inta uu Holland joogana kulamo gaar
ah la yeelan doona qaar ka mid ah masuuliyiinta dawladaha hoose ee dalka
Holland.
Warbixintan waxaa dalka Holand nooga soo diray Maxamuud Cadogude oo ka
qayb galay shirkaasi shalay dhex maray Jaaliyada Somaliland ee dalka Holland
iyo Duqa Magaalada Hargeysa Inj. Xuseen Maxamuud Jiciir.
Kaysar Cabdilaahi
London, UK
kaysar@europe.com
Faafin: SomaliTalk Jan 12, 2003