Janaayo 13, 2004
Warbixin ku Saabsan Xawaaladaha
Soomaaliyeed.
Maxaad ka ogtahay wax qabadka ay
xawaaladaha u hayaan bulshada Soomaaliyeed?
C/risaaq Cali Adam(jeesteeye)
Abirizak12@hotmail.com
Nairobi, Kenya
Tan iyo markay burburtay Dowladdii dhexe ee Soomaaliya horaantii 1991,
ayaa waxaa si taxadar leh dalka ugu soo badanayay adeegyada muhiimka u ah
nolosha dadka. Kuwaas oo dadaal qayb ah ka gaystay badbaadinta Boqolaal Kun
oo qof, xilli qaybo badan oo dalka ah ay ka horayeen colaado sokeeye oo
qabiil ku salaysan.
Haddaba adeegyadaasi ayaa kuwooda ugu muhiimsan
la oran karaa waxaa ka mid ah shirkadaha xawaaladaha lacagaha, kuwaas oo
muhimad qotodheer siiyay fududaynta iyo gaarsiinta dadka barakacay lacagaha
ay soo diraan eheladooda qorbaha ku nool, maadaama uusan jirin Bank dhexe ee
dalku leeyahay.
Haddaba shirkadahaas ayaa waxaa kamid ah
shirkadda xawaaladda ee Dalsan oo run ahaantii la’oran karo waxay liiska hore
kaga jirtaa shirkaddaha xawilaadaha ee magaca ku leh guduha dalka iyo
dibaddaba. Shirkaddan oo lagu amaano dag-dag siinta helista lacagaha, amaano
wanaag iyo ballaarinta xarumaha shirkadda ku leedahay dhamaan dagmooyinka iyo
inta badan gobolada soomaaliya.
Mar aan samaynay u kuurgal baaxad wayn oo aan
ku xaqiijinayno tayada shaqo ee shirkaddan ku leedahay bulsho waynta
soomaaliyeed, ayaa mujtamac badani sugayaan in shirkadani ay ku guulaysatay
kalasoonida dadka, islamarkaana ay tahay mid higsanayso mustaqbalka dhow
rabitaanka isticmaalka dhigashada lacagaha Bangiga Dalsan. Waxayna arrintani
si aad ah u dhiiri galisay shirkadaha kale ee Soomaaliyeed inay kaga daydaan
Dalsan hormarka shaqo.
Xawaaldda Dalsan waxay haysataa shatiga aqoonsi
ee dhigashada lacagaha qalaad , waxayna shaaca ka qaadayaan damaanad qaadka
lacagaha Bangiga Dalsan uu qabto.Wuxuuna maamulku si cad u qeexayaa inuu u
ballan qaadayo macaamiisha adeeg hufan iyo wax qabad tayo leh.
Maraan booqday xarunta shirkadda Dalsan ku
leedahay magaalda Nairobi ee Dalka Kenya ayaa waxaa ii suurto gashay inaan
kula kulmo Maareeyaha Guud ee shirkadda Shiikh Maxamed Cusmaan Cigaal oo aan
wax ka weydiiyay marka laga soo tago dirista iyo qabashada lacagaha, inay
jiraan wax qabad kale oo ay shirkaddu u hayso bulshada Soomaaliyeed. Wuxuu
Maareeyaha Guud Shiikh Maxamed ii sheegay in shirkaddu ka qayb qaadato
dhismaha baraha ay dhallinta Soomaaliyeed wax ku bartaan sida madarasooyinka,
iyo Dugsiyada Quraanka. Wuxuu intaas raaciyay inay shirkaddu gacan ka
gaysatay howlo nabadayn ah oo ka socday qaybo katirsan wadanka Soomaaliya,
iyada oo xusid mudan inay shirkadda Dalsan ka qayb qaadatay cawinaadda dad
aad u fara badan oo ay sameeyeen abaarihii ba’naa ee dhawaan ku dhuftay qaar
ka mid ah goboladda Soomaaliya oo ay ka mid yihiin gobolada Sool iyo Sanaag.
Isku soo wada duuduuboo xawaladaha Somaliyeed
oo qaarkoodba jiray xiligii ay jirtay dowladii dhexe ee Somaaliya ayaa dada
badan oo Somaliyeed kamahad sheegaynayaa iyadoo lagu tilamamo xawaaladaha
kuwa dhaqalaha ugu badan soo galiay wadanka Soomaaliya.
Waxaa warbixintaasi soo diyaariyay wariye madax
banaan oo ku sugan magaalada Nairobi-Kenya.
C/risaaq Cali Adam(jeesteeye)
Abirizak12@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk Jan 13, 2003
...QORAALADA
DADWEYNAHA EE MAANTA:
Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh
qoraaga ku saxiixan
<><>....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|