SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - QORYOOLEY

Janaayo 13, 2004

Afrika Ma Ilowedey Midka Qura ee Asaasayaasheeda Weli Ka Nool

aden cadde
Adan Abdulle Osman (Cadde)
Madaxweyne: 1960-66
abdirashid
Abdirashid Ali Sharmarke
Madaxweyne: 1966-69

Annagoo ah Guddi indheergarad Soomaaliyeed ah ee ku nool Addis-Ababa, Caasimadda Itoobiya ,waxaan ka xunnahay in Afrika ay ka gaabisay in ay xusto oo abaalmarinta uu mudan yahay marsiiso, madaxwenihii hore ee Soomaaliya Mudane Aden Cabdulle Cismaan oo ka mid ah asaasayaashii Ururka Dawaladaha Dhexdhexaadka 1955 Bandoung ,Indonesia iyo Ururka Midowga Afrika ,OAU 1963, Addis-Ababa,Itoobiya .

Mudane Aden cabdulle Cismaan oo ahaa madaxweynihii u horreyey ee Soomaaliya, 1960 ilaa 19667 ,waa Madaxweynihii uu horreyey ee Afrikaan ah ee si dimoqaraadi ah uga dega xukunka asagoo oo xukunka ku warejiyey marxuumkii Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo ku guuleystey doorashadii Madaxweynenimada ee Baarlamaankii Soomaaliyeed ,bishii Maajo 1967.

Mudane Aden Cabdulle Cismaan oo 96 jir ah maanta, wuxuu ku noolyahay beertiisa oo ku taal degmada Qoryooley oo 100 Km Koonfur ka xigta Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Mudane Aden cabdulle Cismaan wuxuu umaadda Soomaaliyeed meel kasta ha joogtee ka mutaystay xurmo iyo qaddarin an la koobi karin.

Hadaba miyeyan isweydiin lahayn in la xuso dowrkii uu ka qaatay xoreynta Afrika ,hirgelinta dimoqaraadiyadda iyo kor u qaadidda sumcadda Afrika ,kaalintaas oo ay la qaybsadeen Boqor Haile Selassie I ,Dr.Kawame Nukruma ,Jamal Cabdi Naasser ,Patrice Lamumba ,Jomo kenyatta ,Julius Neyerere iyo kuwo kale oo badan.

Waxaa naga guddoon ah ra’yi ahaan ,in Guddoomiyaha Midowga Afrika ,Mudane Alpha Omar Konare ,nala arko baahida loo qabo in Afrika ay abaalmariso Mudane Aden Cabdulle Cismaan xilligan oo arrimaha Soomaaliya ay murugeysan yihiin.

The Committee

Email: somlit@hotmail.com . Web site: www.somalicom.20m.com

Mohamed Mohamed.

Faafin: SomaliTalk Jan 12, 2003 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

<><>.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD