SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - SANAAG

Janaayo 13, 2004

GUDDOOMIYAHA GOBOLKA SANAAG, MAXAMUUD SICIID NUUR OO WARBIXIN KA BIXIYAY XAALADDA ABAARTA EE GOBOLKA.

Kadib markii ay wafti ka socda Maamulka Puntland kormeer ku soo mareen Gobolka Sanaag ayna u kuur galeen Xaaladda Abaarta ee ka jirta Gobolka ayaa warbixin ku saabsan abaarta waxaa soo saaray Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Maxamuud
Saciid.

Warbixintan oo ka kooban lix bayj uuna ku saxeexan yahay Godoobiyaha Gobolka Sanaag ayaa waxay u qorayd sidan:


DAWLAD G. PUNTLAND ............. PUNTLAND STATE
   EE SOOMAALIYA ................. OF SOMALIA

WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA IYO AMNIGA
XAFIISKA GUDOOMIYAHA GOBOLKA SANAAG

Ref:-___________ 31/12/2003


Ku :- Wasiirka Arr. Gudaha iyo Amniga .........Garoowe
Ku :- Guddiga Abaaraha DGPL .........Garoowe
Ku:- Saxaafada Madaxa Banaan  .........barahooda
Ku :- Hay’adsda Horn Relief ..........Fadhigeeda
Ku :- Hay’adda WFP ..............Bosaaso
Ku :- Jaaliyada Dibedda ee Gobolka Sanaag ........Fadhigooda
Ku :- Wakiillada Hay’adaha Samo-fal ee Caalamiga ah......... Fadhigooda
Og :- Madaxwenaha DGPL ...........Garoowe


Ujeeddo :- Warbixin ku saabsan Xaaladda Abaarta Gob. Sanaag.

Mudanayaal, Ka dib markii aannu 14-25/12/2003da kormeer u kuurgal iyo qiimayn ah
ku soo wada samaynay dhammaan degaammada Gobolka Sanaag ka koobmo, waxannu
halkan idiinku soo gudbineynaa xaaladda Abaarta Gobolka Sanaag, gaar ahaan
Dhibta abaartu sababtay, Wixii deeq iyo gargaar ah ee Bulshada Gobolku heshay
iyo Baahida taagan, waana sida hoos ku qoran :-
I. Degaamada Gobolku ka koobmo:-

Degaamada Gobolku ka koobmo ee aannu soo kormeernay waa sida hoos ku qoran :-
a) Degmada Badhan:-
1) Badhan
2) Xingalool
3) Hadaaftimo
4) Ceel-buh
5) Sibbaaye
6) Dhabar-dalool
7) Dawoco
8) Jiin-gadda
9) Qoyan
10) Gurmale
11) Geed-la-rifay
12) Haylaan
13) Laako
14) Rad
15) Min-diingale
16) Wardheer
17) Gooraan


b) Degmada Dhahar:-
1) Dhahar
2) Ber-kedaha Qol
3) Buraan
4) Balli-Busle
5) Kala-dhac
6) Af-urur
7) Ceelaayo
8) Marraje
9) Booxaaro
10) Cawsane

c) Degmada Ceerigaabo :-
1) Magaalada Ceerigaabo (lama tegin)
2) Damalla-Xagarre
3) Shimbiraale
4) Fiqi-fuliye
5) Carmale
6) Yubbe
7) Jiidali
8) Nin-ku-jooge
9) Ceel-la-qoday
10) Ardaa
11) Dib-qarax
12) Biyo-Guduud
13) Boodda-Cadde
14) Masagan
15) Madarre.
d) Degmada Laas-qoray
1) Laas-qoray
2) Xidid
3) Dur-diri
4) Mashaxaleed
5) Xabaashaawacle
6) Milxo
7) Dol
8) Daaddan
9) Markad
10) Ragaad
11) Mirci
12) Birsinji
13) Cidhbiye
14) Ul-xeed
15) Geel-weyta
16) Laasa-surad

II. Dhibaatooyinka Abaartu sababtay :-

Sida aannu horeba Maamul ahaan u shaacinnay, Wakiillada hay’adaha Caalamiga ah
qaarkoodna indhohooda ugu soo arkeen, waxa Gobolka sanaag ku dhifatay abaar
muddo Afar (2000-2003) Sano ah socotey; taasoo sababtay dhibaatooyin culus, sida
Xoolihii Noolaa oo intii badnayd 65-75% dhimatay, intii hadhayna Caano iyo hilib
ka dhammaday, wax iibsami karana laga waayey.

Haddaba, waxa abaarta ku tabaaloobey dad aad u kala duwan oo ay qaybba si u
saamaysay  :-
1) Waxa Caydhoobey oo xoolihii ay ku noolaayeen ka le’deen 70% Dadkii Reermiyiga
ahaa; waxana ilaa haddeer la diiwaan-geliyey  Reer-Guuraa xoolo-dhaqato ah oo
dhan 15,000 Qoys; waxana haddii roob la’aantu sii socoto, werwerku yahay in
tiradaasi kor u kacdo, lagana baqayo iney Dhammaadka Febraayo 2004,  ilaa
23,000Qoys gaadho.

2) Waxa Daryeel, Daawayn iyo nafaqayn waayey Dadkii Qoysaskaasi ku biili jireen
Magaalooyinka ee Miyiga lagu hayn kari waayey, sida:-
a) Ubadka yaraan Waalidkood kaga wada dhintay iyo Waayeelka hawl-gabka ah
b) Naafada Dagaalka.
c) Curyaamiinya, Dadka Waalan iyo Bukaan-jiifka.
3) Waxay Shaqo Beelay oo meel dakhli ka soo galo oo kale waayey Qoysaskii
Maxaysatada Magaalo ahaa ee noloshoodu ku salaysnayd  Ka ganacsiga Hilibka,
Caanaha iyo Haragga  Xoolaha Miyiga laga keeno, Dillaalidda kala iibsiga Xoolaha
Nool iyo waxa ka soo baxa,  Ka shaqaynta Xoolaha, sida Raaciga, Xeraynta,
Waraabinta iwm. Sida :-
a) Xaasaska Agoonta ah
b) Qaxootigii 1993kii la soo celiyey.
c) Qaysaskii Dagaalladii Sokeeye  1991 Gobollada kale ka soo bara kacay.
d) Dadkii saboolka magaalo horeba u ahaa.

III. Xaaladda Cunto-yaraanta iyo nafaqo la’aanta.

Marka qiyaas ahaan cel-celiska Xubno-qoyseedka lagu soo koobo ilaa 6-qof, waxa
la odhan karaa, waxa  Gobolka sanaag  Raashin yaraan iyo nafaqo darro ku haysaa,
Cudurro iyo Gaajona halis ugu jira,  Dad ka badan ilaa 140,000 Qof.

Haddaba, waxan Dhammaan Meelaha Qoraalku khuseeyo ugu baaqaynaa in Dadkaas
gurmad iyo gar-gaar aadaminimo lala soo gaadho.

IV. Caawimooyinkii Dadka Gobolku Helay.

Guud ahaan, Bulshada Gobolka Sanaag ee  Abaartu ku habsatey, waxa guurmad u
fidiyey DGPL oo ugu deeqday 25-Foosto oo Naafto ah; Hay’adda Horn Relief oo u
keentay 225Foosto oo shidaal ah iyo Hay’adda WFP-Boosaaso oo soo gaadhsiisey
5,167 Qoys oo caydhoobey Raashin dhan Galley 5,167 Kiish; Misir 517 Kiish iyo
Saliid Cunto 641 Kortoon; taasoo qoyskiiba siisay Gallay Hal Kiish, misir 10Kg
iyo Saliid 5kg. Waxana Caawimooyinkaas sidii looga   faa’iidaystey ku
faah-faahsan tahay Shaxdan hoose :-

 

Cuntadii WFP Bosaaso

Lr         Degaanka Deg. Badhan            Tiro Qoys         Galley Kiish      Misir Kiish        Saliid Kartoon

Shidaal DGPL  Shidaal Horn Relief

1          Badhan             1,000   1,000   100      125      Nil        Nil

2.         Laako + Rad    150      150      15        18        Nil       Nil

3.         Mindiingale       300      300      30        37.50   Nil        Nil

4.         Hadaaftimo       350 +200         350      35        44        Nil        Nil

5          Samaale           100      100      10        12.50   Nil        Nil

6          Ceel-Buh          370 +280         370      37        43        3-Fosto      53-Fosto

7          Mindhicir          125      125      12        15.50   Nil       Nil

8          Xingalool          1970    Nil        Nil        Nil        3-Fosto      68-Fosto

9          haylaan 100      Nil        Nil        Nil        1-foosto           Nil

10        Wardheer         200      Nil        Nil        Nil        Nil        +Xingalol

11        Sibbaaye          500      Nil        Nil        Nil        Nil        =

12        Qoyan  200      Nil        Nil;       Nil        Nil        =

13        Jingadda           180      Nil        Nil        Nil        Nil        =

14        Gurmale           200      Nil        Nil        Nil        Nil        +C/Buh

15        Gooraan           100      Nil        Nil        Nil        Nil        =

16        Geed-la-rifay    200      Nil        Nil        Nil        Nil        Nil

17        Dawoco           275      Nil        Nil        Nil        Nil        Nil

18        Dhabar-dalool  200      Nil        Nil        Nil        Nil        Nil

            Isugeyn             6,520 +480      2,395   239      295.50 7-Fosto            121-fosto

            Degm. Dhahar

19        Dhahar 1,040   1,040   104      130      3-fosto 26-fosto

20        Berk. Qol         652 +160         652      66        82        3-fosto 16-fosto

21        Kala-dhac        80        80        8          10        1-fosto +Balli-Busle

22        Balli-Busle        150      150      15        18        2-Fosto            14-fosto

23        Cawsane          100      100      10        12.50   Nil        Nil

24        Af-urur 100      Nil        Nil        Nil        Nil        Nil

25        Buraan 150 +450         150      15        18        Nil        Nil

26        Ceelaayo          100      Nil        Nil        Nil        Nil        Nil

27        Marraje            55        Nil        Nil        Nil        Nil        Nil

28        Booxaaro         63        Nil        Nil        Nil        Nil        Nil

                        3,100   2,172   218      27050  9-Foosto          56-fosto

            Deg Ceerigaabo

29        Yubbe  350      350      35        44        2-fosto 8-fosto

30        Dabab-lehe      250      250      25        31        Nil        +Yubbe

31        Carmale           500      Nil        Nil        Nil        2-Fosto            8-Fosto

32        Shimbiraale       500      Nil        Nil        Nil        Nil        16-Fosto

33        Fiqi-fuliye         500      Nil        Nil        Nil        3-Fosto            Nil

34        Damalla-xagarre           600      Nil        Nil        Nil        2-Fosto            16-Fosto

35        Jiidali    400

36        Biyo-guduud     100

37        Ceel-la-qoday  50

38        Ardaa   100

39        Dib-qarax         100

40        Boodda-cadde 100

41        Masagan          100

42        Madarre           100

43        Nin-ku-jooge   50

3,800   600      605      9-Fosto            48-Fusto

            Degmada Laasqoray     1500   Nil       Nil       Nil       Nil       Nil



V. WFP Hargeysa.

Sida ku cad Warqadda WFP-Bossaso ee ku taariikhaysan 22/Nov/2003, sumaddeeduna
tahay WFP/BOS/DROUGHT/FILE/VOL1/10; waxa qorshuhu ahaa in degaammada kuwa WFP
Boosaaso u gurmatey ka baxsan ay WFP Hargeysa u geyso oo Caawimadii Caalamku ugu
deeqay gaadhsiiso, Nasiib-darro, qorshahaasi ma fulin, WFP-Hargeysana sidii
caadada u ahayd waa duudsiday oo hagratay Dadkii Reer PL ee lagu halleeyey;
waxayna Caawimadii ku koobtay Deegaanka Shacbiga S/Land ku abtirsadaa deggan
yahay.

Waxa Xusid mudan, In 4-ta Meelood ee ay wax keentay oo kala ah Xingalool,
Fiqi-fuliye, Damalla-xagarre iyo Shimbiraale ahna meelihii Abaartu ugu darnayd,
qiyaas ahaan, waxay WFP Hargeysa 12kii Qoys siisay raashin le’eg kan
WFP-Bossaaso Halkii Qoysba siisay; dhinaca kalena la odhan karo, 15kii Qoys ee
Reer Puntland ah waxay siisay raashin u dhigma inta ay halka Qoys ee S/land
siisay.

Tusaale ahaan, Xingalool oo 1970 Qoys oo caydhoobey ku soo xeroodeen, ahna
Deegaammada PL meesha ay caawimada u badankeentay, waxay u soo dirtay Raashin
dhan Galley 150 Kiish, Misir 20Kiish iyo Saliid 25Kartoon. Taasoo markhaanti u
ah godobta ay Hay’addu ku tallaabsatay.

Haddaba, waxa la yaab leh Sababta dadkaas tabaalaha weyni helay, wax laagu soo
mariyey  WFP Hargeysa oo la og yahay ineysan 14kii Sano ee Bur-burka wax caawimo
samo-fal ama wax-qabad ah  soo gaadhsiin.

VI. Xaaladda Naqa  iyo wax-tarka Roobka.

Horraantii Bisha Disember 2003, waxa dhawr degaan oo Gobolka ka tirsan ka da’ay
Hoglo Roob oo biyo dhig uun ah, hoglahaasi waxay ahaayeen, teel-teel, midiba
dhul kooban  heshay.

Haddaba, Dhulku wuxu ahaa dhul Abaartii dheerayd Engejisey, Xilliguna wuxu ahaa
bane-dhaxameed, Dadkuna waa ku soo buuqay oo  markiiba cagta ayaa lagula kala
tegey, mana reebin daaq duunyadu diiftii abaarta kaga soo kaban karto ama ku soo
doogi karto.

Sidaas awgeed, waxa la odhan karaa, Xaaladdii abaartu sideedii ayey u taagan
tahay, wax iska beddeleyna ma jiraan, maalinba maalinta ka dambaysana arrintu
waa ka soo daraysaa.

VII. Raashinka Caawimada ah:-

Inkastoo lagu hanti-huray oo dad aad u badan oo u baahnaa ku baxsadeed, haddana,
Raashinkii WFP Boosaaso keentay ee Gallayda u badnaa Carruurtii yaryarayd iyo
dadkii waayeelka ahaa waa  cuni kari waayeen; waayo Dadku Mishiinnada wax
shiida; Iidaan lagu daro, iyo Biyo Macaan, iyo Dhuxul lagu kariyo midna ma
haysan, horena dhaqan ahaan uma quudan jirin oo aqoon uma lahayn.

Haddaba, waxa habboon in dadka baahn lala soo gaadho cunto ay cuni karaan, Daawo
iyo Bustayaal.

GEBA-GEBO

Ugu dambayntii, waxan DGPL, Beesha Caalamka iyo Jaaliyadaha Gobolka ee Dibadda
ugu baaqaynaa iney si naxariis leh oo aan dib-shac lahayn ula socdaan, u soo
arkaan, gar-gaar iyo gurmad samo-fal ahna ugu fidiyaan ugu yaraan 140,000 ilaa
150,000Qof oo ku caydhoobey abaarta adag ee aafaysey 70-75% Xoolihii Dadkaasi
dhaqan jireen.

Waad mahadsan tihiin.

Maxamuud Siciid Nuur
Gud. Gobolka Sanaag

....
cawale jamac salad  garowe  somaliya
jamnaf87@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk Jan 13, 2003 

...QORAALADA DADWEYNAHA EE MAANTA:

<><>.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD