Dagaalkii ba’naayee ka aloosmay Geyiga Bariga Dhexe sanadihii Lixdamaadka
iyo horaantii Todobaatanaadka waxay Dunida horumartay (Developed Countries)
ee Reer Galbeedka,u horseeday dhaqaalo xumo la soo daristay suuqyadooda.
Sababihii ugu waynaa ee dhaqaala xumidaa keenayna waxaa ugu waynaa Shidaalkii
suququlka galayee ka iman jiray Wadamada Carbeed. Hadaba si ay arrintaa uga
gaashaantaan waxay badhtamihii Todobaatanaadka culayska saareen meel ay ka
helaan shidaal iyo tamar ka duwan kan Bariga Dhexe, ama aalad iyo farsamo
cusub oo dabooli karta baahida warshadahooda. Daraasad iyo Baadhitaan
dabadeed waxay arrini isugu biyo shubatay in culayska la saaro tan hore oo ah
in la helo suuqyo hor leh oo lagaga maarmi karo ama illaa xad lagu dhimmi
karo ku tiirsanaanta Bariga Dhexe, iyada oo aan meesha laga saarayn in loo
sahan tago sidii loo heli lahaa Curisyo Tamareed ka duwan Saliida Carbeed ee
Warshadahoodu u baahan yihiin. Goobihii culayska la saaray ee loo arkayey in
Shidaal iyo suuq ka duwan kan Carbeed laga heli karana waxay noqdeen Wadamo
ka mid ah Laatiin Ameerika iyo Afrika. Wadamadii Afrika ee sida aadka ah
laysugu mashquuliyay daraasadahana loogu sameeyey waxaa ugu mug waynaa kuwa
dhaca Galbeedka iyo Bariga Afrika. Hordhacan iyo maqaalkan gaaban ulama jeedo
inaan si Cilmiyan ah ugu soo bandhigo Xaqiiqooyinkii Baadhitaanadaas, ee waxa
aan is leeyahay wax ka iftiimi raadadkii ay ku yeelatay Dhulalka ay
Soomaalidu degto.
Dhammaadkii Todobaatanaadka iyo billowgii Sideetamaadka waxaa si habaqle
ah ugu soo qamaamay Dhulka Soomaalida (Somali Republic) Shirkado Reer Galbeed
ah oo sahmin iyo baadhitaano heshiis kula galay Dawladii Soomaaliyeed ee
Xilligaasi jirtay. Shirkadahii ugu tunka roonaana waxaa ka mid ahaa: Agip,
Conoco, Amaco, Shell, iyo Chevron. Kuwaasoo inta badan sii raad raac uun ku
samaynayay sahmino hore oo (Seismograph exploration) ku
mudaysnaa Sanadihii Kontamaadkii, iyo Lixdamaadkii. Waxayna isku
ballaadhiyeen Gobollo ka mid ah Jamhuuriyaddii Soomaaliya. Waxaa xusid mudan
diyaarintii, iyo Maalgalintii hawshaas inay gacan wayn ku lahaayeen Hay’ado
Caalami ah oo aan ka xusi karno Bankiga Aduunka (World Bank), iyo Hay’adda
Lacagta Aduunka (IMF) Inta badana Shirkadahaasi waxay Daraasadoodii (Baadhitaankii)
ku heleen waxyaabo dhiirigalinaya sii waditaanka hawshooda. Walow sanadba
sanadka ka danbaysa xaaladda siyaasadeed, iyo tan ammaan ee Wadanku sii
murgaysay. Gobolada sida aadka ah baadhitaankoodu u rajo galiyayna waxaa ka
mid ah Gobolada Waqooyi siiba Dhulka Xeebta xigga iyo Guban. Meelo badan oo
ka mid ah Gobolada Sool, Sanaag iyo Nugaal. Sidoo kale waxaa rajo heer sare
ahi ka soo baxday Gobolka Bari, meelo ka mid ah Gobolka Shabeelaha Hoose iyo
Bakool. Shirkadahaas qaar ka mid ahina waxay iska indho tireen xaaladdii
Wadanku ku sugnaa, hawlgalkoodiina waxaa uuba soo gaadhay ridistii
Xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre. Waxaase hakad galiyey hawshoodii Dagaalkii
Sokeeye ee ka dhacay Carriga Soomaaliya. Waxaana la xaqiijiyay in qaar ka mid
ah Shirkadahaasi ay amminkan Xafiisyo ku leeyihiin meelo ka mid ah Soomaaliya,
walina ka rajo qabaan bal inay arkaan Soomaaliyoo nabad ah oo cagaheeda ku
taagtan.
Isla Xilliyadaa waxaa Wadanka Ethiopia ka jiray Daraasado baadhitaan oo
kuwaa hore la mid ah oo ay wadeen Shirkado iyo Khubaro Reer Bari ah (Wadamadii
Shuuciga) oon ka tilmaami karno Wadankii la odhan jiray Midawga Sofiyeeti,
Bulgaariya, iyo Romaaniya. Kuwaasoo iyana isku ballaadhiyay Gobollo ka mid ah
Ethiopia. Gaar ahaan Dhulka Soomaalidu ay dagto ee Ethiopia Xoogga ku haysato
(Ogadenia) Oo aan Maqaalkan wax kaga bayaamin doono marxaladihii iyo
wajiyadii kala duwanaa ee ay baadhitaanadaasu soo mareen, iyo natiijooyinkii
ka soo if baxay, iyo waliba halka ay arrimahaasi saldhigteen.
Dhul baadhista Ogadenia waxay isku kol jaanqaadeen kuwii Jamhuuriyadda
Soomaaliya Sanadihii Kontomaadka iyo Lixdamaadkii. Taasoo Shirkaduhu iyagoo
hadba Magac cusub huwan ay Xuduudaha Saddex xagalka ah isaga tallaabi jireen
(Jamhuuriyaddii Soomaaliya, NFD, iyo Ogadenia). Baadhitaanadaasi ma aanay
dhalin wax soo saar la taaban karo, inkasta oo ay ka shanqadhiyeen rajo sare
oo laga muujiyay in Khayraad dihini ceegaago Dhulka Ogadenia. Ugu danbayna
waxaa sanadkii 1974kii Shirkad lagu magacaabi jiray Tenneco ay
daahfurtay, kuna dhawaaqday inay Ogadenia ka heshay xaddi badan oo ah Gaaska
dabiiciga (Natural gas), meelaha kala ah Jeexdin, iyo Elaale.
Daah furka shidaalkaasi ma noqon mid ay ka faa’iidaysato Dawladii Dergigu oo
iyadu xilligaa talada Dalka haysay sababo badan awgood, oo aynu kuwan ka xusi
karno. Waa ta hore’e siyaasadda Wadanku ma daganayn oo waxaa jiray kacdoon
dadwayne iyo cabudhin ay Xukuumadu ugu falcelinaysay. Waa ta xigtee waxaa
dhammaan geyiga Geeska Afrika xilligaa ku habsatay Abaar ba’an oo dad iyo
duunyaba ku hoobteen.(Waa tii Soomaalidu ugu yeedhay Dabodheer)
Dhaqaalo xumi hawshaa lagu fuliyana meesha kama madhnayn. Waxaa intaa dheer
oo iyana rajadii iyo riyadii calfashada Shidaalkaa liifada usii gaabshay
Dagaalkii ka dhex qarxay Ethiopia iyo Soomaliya. (Ogaden war 1977)
Sanado badana geyigaas ka dhigay goob colaadeed oo ay ku hardamaan labada
Xukuumadood Ciidamadoodu iyo Jabhadihii ay kala taageerayeen Intii mudo ahna
hadal haynta arrinkaasi waxay noqotay mid meel la iska dhigay oo laga yarehe
nastay. Hayeeshee Sanadkii 1986kii ayaa Mangistu soo nooleeyey rajadii uu ka
qabay ka faa’iidaysiga khayraadka Ogadenia. Wuxuuna heshiisyo la galay
shirkado hor leh oo raad-raac ku sii sameeya baadhitaanadii jiray kuwo hor
lehna duma (seismograph exploration). Waxayna
culays badan saareen sidii ay maalgalin, iyo suuq-gaynba ugu heli lahaayeen
Mashaariicdii horee qabyo tirka u baahnaa. Carcartaa cusubina waxba kama soo
naaso-cadaan, waxaana ka horyimid kacdoon uusan filanayn oo kaga yimid Dadkii
degaanka. Kuwaasoo badheedh, iyo dooxataysiba ku ekeeyey shaqaalihii hawsha
waday iyo ciidamadii u ilaalada ahaa. Waxayna sababtay dhimasho badan, afduub
iyo qafaalasho loo geystay Khubaradii Shisheeyaha ahayd iyo Saraakiishii sar
saree Ciidamadii ammaanka u sugayey. Gumaadkii, cajo-juglayntii iyo tacadigii
ay Ciidamadu kula dhaqmeen Shacbigii degaanka ma aysan noqon mid hoos u
dhigta kani-adaygoodii. Taasina waxay sababtay in Mangistu iyo Xukuumaddiisii
ku hungoobeen mala awaalkoodii, candhuuftoodana dib u liqaan. Waxaana
Sanadkii 1991 hilfaha loo qaaday Dawladiisii Dergiga, isagoon hadhuubna darin
Shidaalkii Ogadenia.
. Xukuumada Tigreega ee maanta talada Ethiopia gacanta ku haysa kolkii ay
la wareegeen xukunka, waxay Dadyowgii (qowmiyadihii) kala
duwanaa ee Ethiopia dii hore ku hoos noolaa ugu baaqeen xukun Federaal ah,
iyo ismaamul hoosaadyo qowmiyaduhu u badax banaana yihiin, arrinkaasoo loo
guuxay la iskuna raacay qorista iyo ansixinta Dastuur (Constitution)
cusub oo Wadanka lagu dhaqo. Kolkii ay sal-muggii ugu fadhiisteen Kursigii
talada, xukunkoodiina ku baahay Wadankoo idil Wayaanuhu way ku ballan fureen
Qowmiyadihii talowadaaga la ahaa. Haba ugu sii daraato Soomaalida Ogadenia.
Waxay billaabeen kufsi, dhac, iyo ku tumasho badan oon loo aabe-yeelin, meel
ka dhac wayna u gaystay xuquuqdii ay shacbigu lahaayeen. Halkaana waxa ka
unkamay iska caabin ay Shacbiga Soomalida Ogadenia ugu midoobeen
AAYA-KATALINTOODA oo ay hogaanka u hayso Jabhada Wadaniga Xoreynta
Ogadenia (JWXO) Waxaa Wayaanaha Tigreegu aruursaday Macaan
jecel, iyo Saxanleef huwan magacii Soomalida oo ay danaheeda ku fushato, kuna
tilmaantay inay yihiin Madaxdii ismaamulka Soomaalida, kuwaasoo Tobankii
sanee inaga tagey hadal hayntooda iyo riwaayadooduba aanay Jigjiga soo
dhaafin.
Soo saarka iyo iibgaynta Shidaalka Ogadenia waxay ka mid noqdeen hammiga
beenta ah ee Males Zenawi iyo inta Kursigiisa ka ag dhaw. Kolkii ay Xukunka
la wareegeenba waxay raadco aan kala go’ lahayn u galeen sidii ay ku heli
lahaayeen maalgalin hawshaasi ugu qabsoonto. Horaantii Shagaashanaadka, waa
intaysan shaadhka badaline, waxay geed dheer iyo mid gaabanba u fuuleen inay
dunida ka dhaadhiciyaan in maanta Ethiopia waa-cusubi u baryay, oo aan
Ethiopia-yadii hore loogu soo hagaagin. Wayna u meel martay illaa xad iyagoo
ku caano maalay sanado dhawr ah. Waxyaabaha ay Ummadaha (Dawladaha)
Caalamka ka iibinayeena waxaa ka mid ahaa. Federaalka iyo Dastuurka cusub ee
la jeexay, kaasoo awood dheeriya siinaya Qowmiyadaha, xukunka iyo
ismaamulkuna uu gacanta Shucuubta kala duwan ku sugnaanayo.In Xukuumadu
furfurayso suuqyadeeda, adeegyada ganacsiguna ay noqonayaan kuwo xor ah (privatization,
open economy, free market, and good governance). Ogalaanshaheedii ay
u ogalaatay in Eretria ay noqoto Dal ka madax banaan taasoo ay tusaale uga
dhigteen in Ethiopia isbedel doon tahay. Timaamahan aynu soo sheegnayna waxay
gol-jileec kaga heshay dhammaanba Dawladaha reer Galbeedka. Oo midiba (dawladiba)
aragti gooniya ay ku salaysnayd u riyaaqida isbadalkan ku yimid Ethiopia. Ugu
horaynba ballanqaadyadani haday dhaboobaan waxay keenayaan horumar, koboc
dhaqaale, suuq ganacsi, iyo horumar guud oo ku yimaada aqoonta bulshada IWM.
Kuwo dhinaca Diintay ugu xaglinayeen, Kuwana malaha waxaabay is lahaayeey
Gacan hoorsigeeda iyo baryadeedan aan dhammaadka lahayn baydun kaga raysan.
Judhiiba Xukumadii Zenawi waxay kaalmo aan la qiyaasi karin ka heleen
Wadamadaa aynu soo sheegnay. Sidoo kale waxaa nugayl, iyo xidhiidh fiican u
muujiyay hay’ado caalami ah sida: Bankiga Aduunka (World Bank), Hay’adda
lacagta Aduunka (IMF), Bankiga Horumarinta Afrika iyo kuwo kale. Oo
dhammaantood u fidiyey deeqo isugu dhafan siismo iyo daymo soo celin fududi
shuruudo u yihiin. Mid ka mid ah heshiisyadii ay la gashay Bankiga Aduunku
waxa uu ahaa soo saarista Shidaalka Ogadenia. Tigreegu waxay abuureen Shirkad
ay ugu magac dareen Calub Gas. Taas oo ay yidhaahdeen waxay ka
dhaxaysaa Xukuumada, hantiilayaal, iyo Saamilay. Bankiga Aduunkuna wuxuu
fulinta Mashruucan ugu talagalay hanti dhan USD$74.3Million, sidoo kale waxaa
iyana heshiiska soo galay Bankiga Horumarinta Afrika, iyo Dawlada Netherland
oo ku kala yaboohay $27m iyo $4million, sida ay u kala horeeyaan. Waxayna
qandaraaska fulinta hawshaas ku siiyeen Shirkad Shiinays ah. Qorshuhuna waxa
uu ahaa in Shirkadaasi ay Jeexdin ka samayso Warshad Shidaalka sifaysa, iyo
in sidoo kale la dhiso wado isku xidha Shillaabo iyo Harar. Wax soo saarka
halkaa ka soo baxana waxay yidhaahdeen waxaa lagu qaybsanayaa sidii hantida
loo kala gashaday. Waxaa iswaydiin mudan wixii ay u qoondeeyeen Somaalida
Ogadenia oo iyagu ahaa Hantiilayaashii dhulka. Waxay yidhaadeen Soomaalidu
boqolkiiba shan (5%) ayay la wadaagaysaa shan gobol oo Ethiopia ka mid ah (Waxan
ay ugu yeedhaan Ismaamulada, ama Kililka) Waxaa iyana in la ogaado mudan in
Maamulka Zenawi aanu wax wada tashi ah kala yeelan Shacabkii, waxgaradkii,
aqoonyahankii Soomaalida Ogadenia, oo ay ahayd inay iyagu noqdaan bud-dhigayaashii
hawshan. Mashruucaasi ma noqon mid taaba gala iyadoo ay ugu wacnayd sababo
aynu ka tilmaami karno: Waa ta koowaade, hawshani waxay ku qabsoomi kartaa
meel jawi nabadeedi ka jiro. Shacabka Soomaalida Ogadenia iyo hogaankooduna
way ka horyimaadeen dulinkan ay xaqiraadu ku jirto. Waa ta xigtee, waxaa
durba soo ifbaxay wax isdaba marin, iyo musuqmaasuq baratan dhex dhigay
hogaankii saree EPRDFta, nin walibana waxa damac ka galay inuu jeebka ka
buuxsado hantidii loogu talagalay in Mashruucani ku hirgalo. Taasoo sabab ka
mid ah u noqotay is afgaranwaagii dhex maray Tamarat iyo Males Sidoo kale
waxay sababtay isku daygii la isku dayay in la dilo Cabdilmajiid Xuseen. Oo
ay iyagu isku dayga dilkaa u xambaarsheen Ururka Alitixaad. Xogo lagu kalsoon
yahayse ay sheegaayaan, inay salka ku haysay khilaaf dhexmaray Madaxda
Xukuumadda, oo ku salaysan hanti badan oo Mashruucaasi lahaa oo laysku dayay
lunsadkeeda
Teeriyo 1995 illaa amminka aynu joogno waxay Xukuumada Meles hadba soo
noolaysaa rajada ay ka qabto in ay maruun ka jibbo keento soo saarka
Shidaalka Ogadenia. Waxayna heshiisyo iyo carablaadlaadisba kula gashay
shirkado aynu ka xusi karno kuwan soo socda. Parsons Corp., Hunt Oil, Sicor
Inc., SIL(Jordan), Petronas, iyo kuwo kaloo badan. Tallaabo kasta oo ay
qaadana waxaa hoda ismoodsiiskooda dhalanteedka ku salaysan. Ugu danbayna
August 19keedii, 2001, waxa uu Bankiga Aduunku si rasmi ah u sheegay inuu ka
baxay heshiiskii uu Dawlada Ethiopia kula galay Mashruucii soo saarista
Shidaalka Ogadenia. Kadib markii uu yaqiinsaday, ballanfuryada iyo wax isdaba
marinta Xukuumada Melez. Taliska Wayaanuhu sidaa kuma quusane wuxuu
mudooyinkan danbe raacdo u galay sidii uu hanti iyo maalgalin ugu heli lahaa
Mashruucan. Indhawaalana waxaa lexejeclo u muujiyey Shirkada Saitek
International, iyo Hantiilayaal ay ugu faro-dhuuban yihiin Niman Carbeed.
Taasoo keentay heshiis ku sheegii Bishan December 22keedii, 2003 ay kula
saxiixdeen Addis Ababa. Waxaase walaac laga muujiyey sidii loo heli lahaa
ammaan iyo.xasilooni lagu socodsiiyo heshiiskan. Waa Qolo damaca iyo wax
islahaysiintu madax martaye, oon waayaha iyo dhacdooyinkii la soo maray ku
tusaale qaadanine. Waxay dhowaanahan soo laba-laabeen wixii kaliyahaa ee ay
ku caan baxeen. Oo ah dil, kufsi, cabudhin, iyo ku tumashada xuquuqda
Shacabka Soomaalida Ogadenia, siiba Gobolada Qoraxay, iyo Godey. Iyagoo
mala-awaalkoodu yahay inay nugleeyaan diidmada Shacbiga, si dhagartoodu ugu
meel marto (soo saarista Shidaalka). Waxaanse leenahay Malazoow Hortaa
jiraba calfan waa. Dadwaynaha reer Ogadenia sidaa ku meel marin
maysid, ee waxaad kala kulmi iska caabin iyo inay xadhig furaan shirqool
kastood maleegto. Iyaga iyo hogaankooda uun bayna ka go’daa soo saaristu.
Waxayna ku leeyihiin dhadhancso oo dhuux meerisyadan oo ka mid ah Murtidii
run sheega ahayde Macallin Dhoodaan.
- Dhux dhux laguma soo jiidi karo buur dhadhaaba ahe
- Dhulna ka culus wax hees lagu dhakriyo dhaanis gabadheede
- Dhayal qoladii moodaayse way kula dhanaanaane
- Dhawaaqiyo fadhatooy adoon dhaarba ku harraadin
- Mudada aad dhigteen way dhawdee aan isa soo dhawro
- Mudada aad dhigteen way dhawdee aan isa soo dhawro!!