SomaliTalk DALSAN
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - AUSTRALIA

Janaayo 15, 2004

Warbixin: Safarkii Boosaaso ee Dr. Caydaruus, Dhollowaa iyo Waftigii Kale ee La Socdey

Daabaco Boggan | Print


Dr. Cabdulaahi Saciid iyo dadkii soo booqday

Dr. Caydaruus oo qalliin ku jira

Mid ka mid ah siminaaro Dr. Caydaruus qabtay

Dhakhaatiirta iyo kalkaaliyayaasha


Lafaha jaban ee caawinaada u baahan

Dad la kabay

Dubai

Dr. Cadbullaahi iyo Dr. Caydaruus oo qalliin kujira

Dr. Cabdullaahi Aw Muuse oogabar qalaya

Dr. Caydaruus iyo Dr. Ashahaado oo qof kabaya

Saacdu markay ahayd hal saac iyo bar subaxnimo ayaan ka degney gegida diyaaradaha ee magaalad Hatgaysa anaga oo dhan lix qof oo sadex Somali tahay sadexda kalena ay ka socdaan Australia Broadcasting Corporation Television (ABC-TV), si ay Documentary uga duubaan howshii aan wadda wadney Dr. Caydaruus Muse Farax, Dr. Cabdulaahi Saciid Aw-Muse oo ay aad noogu caawinatay Dawlad Goboleedka Puntland, khaastan, Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo isaga la'aantiis aan arintani sida la rabey ugu suurta gasheen.

Labo saacadood ka dibna waxaa ka soo deg-ney garoonka diyaaradaha ee magaalada Bosaaso oo cisbitaalkeeda laga bilaabi lahaa qaliimo soconlahaa mudo 25 cisho ah, oo uu sacdey Dr. Caydaruus Muse Farah.

Dr. Caydaruus iyo Dr. Cabdulaahi Saciid aw-Muse oo isagu ah gudoomiyahay cisbitaalka guud ee Bosaaso waxaa ay qabteen hawlo badan oonan halkan ku soo koobi karin, balse aan jeclahay in aan wax yar ka sheego.

Dr. Caydaruus wuxuu cisbitaalka Bosaaso ku tegey si Humaniterian ah, oo uu wakhtigiisa ugu huray ummaddisa Somalyeed. Inta uu halkaas joogeyna wuxuu qalay dad badan oo isugu jira caruur iyo kuwo waaweynba. Waxaana qabaa in uu yahay geesiyada Somaliya u soo baxay, waxaana uga mahad celinayaa hawshaas uu qabtay.

Inta uu halkaas joogey waxaa, qaliinadiisa kala qayb qaatay, dhakhaatiirta cisbitaalka Bosaaso iyo kuwo ka kala yimid Puntland meelo ka mid ah. Waxaa dhakhaatiirtaa ka mid ahaa Dr. Shahaado oo isaga inta badan ay wax wadda qalayeen.

Dadka la qala oo isugu jirey, kuwo qaba dhib weyn, una baahan qaliin culus iyo kuwo u baahan qaliin fudud, amab dhexe, waxaa ay ka kala yimaadeen Puntland daafeheeda iyaga oo isugu jira rag iyo dumar, kuwo yar yar iyo kuwo waaweynba.

Intii uu Caydaruus halkaas joogey wuxuu siminaaro cisbitaalka Bosaaso ku siiyey dhakhaatiir iyo kal-kaaliyayaal, khaasatan arimaha la xiriira qaliinka iyo kabniinka lafaha jabay.

Dhaawacyo badan ayaa waxba laga qaban waayey maadaam DR. Cabdulaahi Saciid Aw-Muse iyo Dr. Caydaruus isku afgarteen in aan la qalikarin dadka iayagu u baahn in biro la gesho. Taasina waxaa ay ka danbaysey ka dib markii birihii loo baahnaa la waayey. Sawirada iyo Xray-gab waxaa ay la socdaan qoraalkan. Sida keliya ee wax looga qaban karaan waa iyada oo la helo biro la gesho dadkaas aad Xray-gooda aad arkaysaan. Dadkaasina idinka ayey mucaawino iga baahan yihiin. dadkaas iyaga ah waxaa ka mid ah qof lugta hoose lugta hoose ka jaban lafuhuna isku dhex jiraan iyo qof misigta ka jaban oon loo hayn biro la gesho. Sidaas darteed waxaan dadka qoraalkan akhrisanaya kula talinayaa in ay ka qayb qaataan barnaamijka Dr. Caydruus qabandoono ee soo socda, kaas oon weli wakhtigiisa ugu horaya aanu Caydaruus soo bandhigin. Marka soo socda, ee uu Bosaaso ku noqdana, waxaan fileynaa in barnaamijkan mid ka sii fiican oo sifiican loo habayey, qalabka loo baahan yahayn oo dhana loo haysto, in la qabto, waxaana filayaa in cidii awoodaa si sadaqo ahaana uga qayb qaadato.

Dadkii halkaas lagu qalay waxaa ku jirtey gabar bowdada ka jaban, oo aan da'deeda ku qiyaasay 14 sano, oo lafta bowdada xabad ay kaga dhifteen ciidanka daraawiishta Puntland markii ay deganayeen magaalada Qardho. Gabdhaas walaasheed, oo iyaduna markaas garab taagneyd gabadhaas, xabado ay Daraawiishu markaas rideysey ayaa ku dhacay, halkaas ayeyna ku naf weydey. Gabdhahaas waxaa xabadahaas lagu furay iyaga oo ka qayb qaadanaya mudaaharaad ay shacabku kaga soo horjeedeen, ciidanka daraawiisha ah ee markaas gacanta ku hayey magaalada qardho. Sidaasna waxaa noo sheegay, waalidkeed oo gandha cisbitaalka keenay.

Barnaamijkani marna muusan suurta galeen, hadii aan dhowr arimood is biirsan. Sidaas darteed, waxaa marka u horaysa u mahad naqayaa, Ilaha isaga maahee aan cid kale la caabudin, Ilaygaas oo ak kan wax uu isagudoono ay suurta galaan, anigan isiiye iguna taageeray in arimahaan aan qabto.

Dad badan ayaa arinkan ka qayb qaatay, dadkaasna waxaa ugu horaya Dr. Cabdulaahi Saciid Aw-Muse oo geed dheer iyo geed gaabanba u fuulay, ururinta bukaan socodka, maaraynta sida qaliinadu uga socon lahaayeen cisbitaalka Bosaaso. Waxaana marnaba aanan hilmaami karin sida xilkasnimada ah ee uu noogu yimid Dubai si wixii markaas dhiman iyo alaabooyin Sariiro cisbitaalka Bosaaso leeyihiin uu halkaas uga soo rari lahaa, anagana noogu soo dhoweyn lahaa Airporka magaalad Dubai.

Waxaan sida oo kale u mahad naqayaa, Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo taageero buuxda siiyey barnaamijkaan. Waxaana xaqiiqa ah in isaga la'aantiis wax yaabo badan ayaan noo suurta galeen, khaasatan dhinacayada dawlada Puntland iyo dekeda Bosaaso. Sida oo kale, socdaalkaygii aan Puntalnd ku tegey horaankii 2003, oo arinkani ku rumoobey, ayuu wuxuu ka ahaa lafdhabar, maadaama isaga la'aantiis ayan noo suurta gasheen, aniga iyo intii ila socotey, in aan maro, Gaalkacayo ilaa Bosaaso.

Ciise Dhollowaa waxaa lagala xiriiri karaa:
imfarah@students.latrobe.edu.au

Faafin: SomaliTalk Jan 15, 2003 

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

Maxaa Gaaca Biyo Jawleh: waa meel maal gelin u baahan...

Safarkii Hore ee Dhollowaa Kumaray Garoonka Hargeysa.. Guji


WARARKII HORE EE BOOSAASO

Bishii August ee 2003 ayey ahayd markii Wasiirka Waxbarshada ee DGPL iyo Wefti uu hogaaminayey ee Jaamacada Bariga Africa ay booqasho ku tageen dalka Austrila,[ Halkan ka akhri sidii loo soo dhoweeyey waftigaas]

Bishii Janaayo 2003 ayey ahayd markii Wafti Kasocda Jaamacadda Latrobe University (Australia) ay Booqasho Kuteen Jaamacadda Bariga Afrika, Bosaso. Waxaa waftigaas hogaaminayey Dr. David Dorward, ka socdey African Research Institute,((ARI), Latrobe University, Australia. [eeg warbixintii waftiga Booqday Boosaaso]

Bishii Janaayo ee sannadkan 2003 ayey ahayd markii magaalada Minneapolis, USA sida weyn loogu soo dhoweeyey wafti ka socdey Jaamacada Boosaaso, waftigaas oo reer Minneapolis uga xog-waramay heerarkii kala duwanaa ee ay Jaamacadu soo martay iyo waxa ay hadda higsaneyso [Eeg warbixintii waftiga Minneapolis Booqaday].

1dii Bishii Febraayo ee 2003 ayey ahayd markii shir ballaaran magaalada Toronto loogu qabtay wafti kasocdey Jaamacada Boosaaso, shirkaas oo ay soo qabanqaabiyeen Guddiga Saaxiibada Jaamacad Bariga Afrika ee Ontario.[Eeg warbixintii Toronto].

26kii Janaayo 2003 ayey ahayd markii Kulan aad u ballaaran oo dadkii ka hadlay ay kamid ahaayeen Dr. Xasan Cali Mire, C/isaaq Maxamuud Dareewal iyo waftiga Jaamacada Boosaso lagu qabtay Atlanta, Georgia [eeg warbixintii Atlanta, USA]

Bishii Febraayo ee 2001 ayey ahayd markii Garsooraha 1aad ee maxkamadda darajada 1aad ee magaalada Bosaaso Sh. Maxamed Cabdi Awaare uu beeniyay warbixin ku saabsan laba haween ah oo isku guursaday Bosaaso oo maxkamaddu ku xukuntay in la dilo, warkaas oo ay markii hore ay BBCdu werisey oo beenoobey [Akhri warbixintii wargeyska Sahan..]. Isla Bishii febraayo ee 2001 ayey ahad markii BBC-du sheegtay in la afduubay Marwada Madaxweynaha BL Xaawo Cabdi Samantar (ciridyaanbo) iyo Dr. Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) oo ka mid ah guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka Buntilaan, warkaas oo BBCdu werisey oo beenoobey... [Eeg warbixintii Maxamed-Deeq Cabdulqaadir].

Hadal Abuuray Dood Kulul..... GUJI

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah


Dr. Caydarus Musse


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD